Gabayga Hooyo wacan W/C Najma Sheekh Cusmaan

unnamed

Gabaygan  ayaa magaciisa la yiraahdaa Hooyo wacan,   gabaygan ayaa waxaa curisey gabadh da’ yar oo  cabireysa  weynida iyo kaalinta  ballaaran ee Hooyada ku leedahay Bulshada iyo hawsha ay meertada dunida la marto ubadkeeda, waa Gabay  aad u mug iyo miisaan weyn.

Bogasho wacan.

  • Ha’da gabayga habayntiisa waa, Hawlihii Hobole
  • Waa hibbo ilaahey baxshoo, Hawl yaraan imane
  • Hadaf dhaqana weeyoo murtida, Lagu hilaadshaaye
  • Ana waa hiigsi bay ii tahiyo , Hirasha waayeele
  • Bal aan hubiyo maantoo kalaan, Hoorin dulucdiise.
  • Hooyoy hankeygaad tihiyo, Hilibyo jiidhkaye
  • Hammigeygu waa adiga qudha, Hawsha nololeede
  • Halbowlaha dhiigiyo wadnahaad, Hooy ku leedahaye,
  • Haldhaa gabara adigoo ahoo, Heybad iyo Nuur leh,
  • Adigoo hibaaqoo ka wacan, Ubaxa heemalka.
  • Hareeraha adduunyada adoo, Heybad ugu heysta.
  • Habeenkan calooshaada galaa, Howli kuu timide
  • Heedadaw xanuunbaa ku helay, Ugu horreyntiiye
  • Halis baan naftaadii galshiyo, Hur iyo deebaaqe
  • Haraataan habeenkii la dhacay, Hooyo ubacdaaye
  • Harkii baan hurdada diidayoo, Hogatey maantiiye
  • Hunguriyo cuntaba kaa jaroo, Noqotey hiiftaane
  • Hadimooyin baan ku dhiguu, Haare oogada e
  • Hiinraagtey fooshii mar kale, Dhibey hedaadiiye
  • Hafeef iyo xanuunki ku helay, Halac jirkaagiiye
  • Habeenkaan aduunyada imey, Hoortey hogoshiiye
  • Ku hilmaantey halistiyo dhibkii, Hooyo arageeye
  • Kama harin hawshii ayaad, Hagaysay jeerkaase
  • Hurdada dhegi ma aad siinine, Hadaftey awgeeye
  • Imisaan habeenkoo bar tegay, Tirisey hees dheere
  • Adigoo hamuun qaba   ayaad, Habbeysay taydiiye
  • Horaadada kolkaan igu du’daan, Ku haqab beelaaye
  • Haddaan yara xanuunsadona, Hogatey jeerkaase
  • Adoo huba inaad inaan cidi Hureyn, Malaga hawshiisa,
  • Hugufkayga iyo saxaradaan, Kugu habeedsiiyey,
  • Hanjaaleeladaan kugu qubee, Kugu hunqaacaayey,
  • Haqaqayda iyo oohintaan, Hooyo kugu xiijey ,
  • Haah imaad odhan cakuna , Hooyo wacaneeye,
  • Hooyadeyda gacalooy miyaan, Gudey haqaadiiba?
  • Hareeraha markii aan is rogey, Halista ii diiday
  • Habaaskaan gurguurtiyo markaan, Hawsha kugu waalay,
  • Hinqashada istaggii markaan, Sare u haahaabtay,
  • Heyntiyo dhaqaaqii intaad, Daadah igu heysay,
  • Hadal barashadaydii intaad, Hooyo igu heysay,
  • Hidihiyo afsoomaaligaad, Igu hadaaqsiisey,
  • Hilinnada cilmiga laga helee, Lagu harraad beelo,
  • Higaaddiyo quraankii wadaad, Hibo leh ii geysey,
  • Hirashada iskuulada intaad, Qalinka ii heeysay,
  • Hagidiyo hanuunkii wacnaa, Lama halmaamaanka
  • Hannaan gabarle goortaan noqdee, Ley hunguriyeeyay,
  • Hooyooy ammaan badan waxaad, Heeso tirinaysey,
  • Hareertayda waxaad joogsatee, Ila hillaadeysay,
  • Hadda oon gaboobiyo markaan, Haabtay taladeyda
  • Hammigaagu waa ila jiraa, Hooyo wacaneeye,
  • Hilowgiyo sidaad ii rabtana, Waan hamiyayaaye,
  • Hadyad iyo hadaan maal adduun, Haqabla kuu keeno,
  • Haareertaada dahabkaan dhigaa, Hal uma gooyaane,
  • Hawshaada ruux gudi karaan, Hooyo aan jirine,
  • Hawraarta gabaygaan tirshaa, Wayska hidhidhiiye,
  • Haybadloow ilaah baan ducada, Kaaga hoorsadaye,
  • Hibo wacan ku noolow adduun, Hadiga ad joogto,
  • Halaag iyo dhib kuuma rabo, Cudur habhaabta,
  • Hoos adduun laguma waarayee, waala haajiriye
  • Haddaad dhimato kaa hay ilaah, Holaca naareede
  • Haf markeey naftuna kaa tiraah, malaggu soo haado
  • Hooygaaga aakhiro illaah, Hogobka nuuraaya
  • Halaag iyo ilaah kuma tusiyo, Marinka hooseeya,
  • Hiirada lasoo wada bexee, Weyne la hor aado,
  • Hanaskiyo qiyaamuhu markey, Qorraxdu hooseeyso,
  • Hoos qaboow ilaahey kusii, Hirasho booskeed leh,
  • Hambabkii cadaabtiyo ha arag, Meesha lagu hoobto,
  • Hibaaqii jannada ii ahoow, Hooyo waan idhiye
  • Hibaaqii jannada ii ahoow, Hooyo waan idhiye.

Waxaa curisey, Najma  Sheekh Cusmaan

SHEEKOOYIN