Aqoonyahanow indhaha fur! W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

1264201_231557887002179_696387047_o

Aqoonyahanow indhaha fur!

Dad badan ayaa u haysta, in haddii aadan siyaasad ku lug lahayn, aadan waxba qaban karin, halka kuwa kalena ay u arkaan, in inta siyaasaddu halleysantahay, aan qofna gacan ka geysan karin hagaajinta iyo horumarinta bulshada. Qaar qurbajoogta ka mid ahi, waxay dalka ku soo laabteen, iyaga oo siyaasad doon ah, sidoo kale, aqoonyahannada kuwo ka mid ahi, waxay ku hamminayaan siyaasad oo kali ah.

Guud ahaan dadka dhan ayaa siyaasadda ku mashquulsan; waana halkii uu abwaanku ka lahaa:

Ummad wada siyaasi ah

Sidee loo xakumayaa?

Hubaal, in inta siyaasadda iyo hoggaanku halleysanyihiin, aan wax badani noo hagaagi doonin, haddana, mas’uuliyaddu way ka la sarreysaa, wayna ka la wayntahay, ee haddii aadan siyaasi ahayn, kaalin kale ayaa kuu bannaan, ee u istaag buuxinteeda.

Siyaasadda Soomaaliya loo ma galo, in wax la hagaajiyo, ee waxaa loo tagaa, hanti boobid iyo lacag raadis.

 

Kaalintee kuu bannaan?

 

Waxaa jira dowr aad cayaari karto, si aad gacan uga gaysato horumarinta dadkaada, waxaana ka mid ah:

  • Waxbaridda dadka

Aqoonyahanku waa qof ay bulshadu ku dayato, waa mid ka ay dadku ku hammiyaan, in ay gaaraan aqoontiisa iyo kartidiisa, si ay naftooda iyo inta kaleba ugu faa’iideeyaan, sidaas darteed, waxaa aqoonyahanka looga baahnaa, in uu noqdo mid ka hufan qabyaaladda iyo ka la qeybinta bulshada, waana in uu dadka u noqdaa, tusaale ay uga daydaan horumarinta iyo wanaagga. Waxaa la ogyahay, in waddan kasta oo horumaray, ay horumariyeen dadkiisa waxbartay. Waxaad moodaa, in aqoonyahanka Soomaaliyeed uusan ka soo bixin kaalintii looga fadhiyay.

Dad badan oo leh aqoon, waaya aragnimo iyo xirfad, ayaa maanta hotellada la fadhiya cilmigii uu dadku ka faa’iideysan lahaa: Waa siyaasad sugayaal aan aqoontooda ku kalsooneyn. Waxaan is weydiiyay: Ma aqoonta ay barteen ayaan ku filnayn? Maxaa kugu kallifay, in aad adoo aqoon, xirfad iyo waaya aragnimo leh, ka war sugto siyaasad ay daneystayaal darawal ka yihiin?.

Kaalinta aqoonyahanku ma ahan oo kali ah, in uu jago siyaasadeed u xusul duubo ama uu lacag u ordo, ee aqoonyahanku waa in uu lahaadaa aragti dheer, oo ku wajahan horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa, aqoonyahanku waa in uu yeeshaa hannaan hufan iyo himilo sare, oo ka fog higsiga iyo haloosiga dadka suuqa (dadka caadiga ah), aqoonyahanku waa in uu noqdaa: horseede iyo hanuuniye ka nadiifa ah: hardanka qoys qoyska iyo qabiillada. Aqoonyahanku waa ilbax wanaagga iyo samaha ka shaqeeya noqdaa, dadka iyo dalkiisana aan illaawin.

Dadka aqoonyahanka la moodo, ee siyaasad ku nool ka ahi, waxay mar kasta ku doodaan: canshuurtii dalka ayaan wax ku soo baranay. Hagaag! Oo maad dadka aqoontaada baahida u qaba caawisid? Waajibkii luguugu lahaa maad guddid? Dowladdan tabarta daran, miyaa Soomaali oo dhan xil u haysa? Ma in aad jago laaluush ku raadiso ayaad ku qanacday? Oo maxaad kan aan wax baran kaga duwan tahay? Aqoonyahanow, lagaa sugi meyn, in aad oday beeled lacag siiso, si aad mar uun xil dowladeed u qabato?.

  • Horumarinta dhaqaalaha iyo shaqa abuurka

Dad badan oo maskaxda iyo maalba u haya dalka, ayay siyaasaddu madax martay oo aan u soo jeedin, in ay horumariyaan dhaqaalaha. Dhibka na haysta waxaa qeyb weyn ka ah, shaqa la’aanta dhallinta, taasina waxay keentay, in xume kasta looga faa’iideysto. Rejadu waxay ahayd, in dadka aqoonta lihi ay kaalin mug leh ka qaataan shaqa abuurka dhallinta.

Aqoonyahannada – gaar aahaan kuwa dibadda ka soo noqday – waxaad mooddaa, in ay xagga siyaasadda uun xoogga saareen, halkii ay xirfaddii ay ka soo dheegteen dibadda, dadka uga faa’iideyn lahaayeen.

 

Aqoonyahanka waxaan leeyahay:

 

Hammi baa lagaa qabay inaad, hibo lahaataaye

Hammi baa lagaa qabay inaad, talo horseeddaaaye

Hammi baa lagaa qabay inaad, horumar keentaaye

Hammi baa lagaa qabay inaad, hage ahaataayee

War hoggaanka oo kali ah uun, ha u harraad qabine

War horseed u noqo dadkaan, way ku hamminayane

War hormuud u noqo dalkaan waa

War heshiiska haaneedo oo ku hag halkii toosan

War hooyiyo carruur hikaad bay rabaan hadal dhigiisiiye

Ha ku boodin jago iyo hawo siyaasaysan

War hannaan u yeel, oo hangeli bulshada way habowdaya’e

 

F.G: Waxaan qirayaa, in ay jiraan aqoonyahanno badan, oo dalka iyo dibadda wax ku soo bartay, oo bulshada u haya boosas horumarineed oo la mahadiyay.

 

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

 

SHEEKOOYIN