Dood shirib ah oo dhex marey Degmada Ceelbuur iyo Laashin Cabdi Nuur Waddani

pizap.com14582144068731

Dood shirib ah oo dhex marey  Degmada Ceelbuur iyo Laashin  Cabdi Nuur Waddani

 

Waa shirib dhexmarayaa degmada Ceelbuur iyo Laashin Cabdinuur shiribka ayaa ah is xog wareysi iyo wacaal is weydaarsi Cabasho ay degmadu iyo qaylodhaan ay u direyso, dadka deegaanka oo kaabayaasha nololeed iyo adeegii bulshada ee maqan sidii loo dhammeytiri lahaa, sidoo kale   gobonimadeeda iyo madax bannaanideeda loo sugi lahaa   Shiribkii oodhan waakan ee bogasho wacan.

 

 

Cabdi nuur

  • Cimiladaa isoo celshee
  • Ceelbuur guddoon salaan cudoon,

Ceelbuur

  • Cabdow salaanti kaa celshee
  • Ciidan miyaad waddaaya cayn?

Cabdi nuur

  • Ciidanka yaan ku caabinaa
  • Cadaw miyaa kusoo curjaa

Ceelbuur

  • Cadawga kii u caaqsanay
  • Cawooyinkaanba way cunyaa!

Cabdi nuur

  • Codkaasu waa calool xumee
  • Ii caarif yaad kasoo cabbee?

Ceelbuur

  • Ceelki biyood ninkii cabdoow
  • Ciida gelshaan kasoo cabaa!

Cabdi nuur

  • Waa ciile ceelalkii biyood
  • Ninka careeyay ii caddeey?

Ceelbuur

  • Cadawgi sheegtay caalimiin
  • Cilmi dhigaad ku caasihee, (allshabaab)

Cabdi nuur

  • Cadawgi waala ceyriyee
  • Ceelbuur ma heshay caafimaad?

Ceelbuur

  • Cir da,ay sheegi maa cabdoow
  • Ceelkisa weli weeska ciid,

Cabdi nuur

  • Haddanba ceel biyood carfayn
  • Ceelbuur dadkaagu xay cabaan?

Ceelbuur

  • Bal ciladhaami mii cabdoow
  • Cunug kaliya soo ciyaa,

Cabdi nuur

  • Cibaara waa dhacdee cidii (dadkii)
  • Carada joogtay maa cabsee?

Ceelbuur

  • Cabsi maa taalo cabdiyoow
  • Cidaansa joogin caradaan,

Cabdi nuur

  • Ceelbuur dadkaagi yaa cunoo
  • Cidla ku dhigay ii caddeey?

Ceelbuur

  • Caasi jaweey naqdeen cabdoow
  • Cida kaleyna ciirsadeen,

Cabdi nuur

  • Ciidaada lama caasiyee
  • Ceelbuur dadkaagu ciil yaraa?

Ceelbuur

  • Cishriin bilooda cabdiyoow
  • Ceelbuur cawaantiyaa cunee, (ciidamada itoobiya)

Cabdi nuur

  • Ciidamadii aan cabsayn
  • Cabashadaadu muu ciydaa,

Ceelbuur

  • Ciydeyda waa maqlaan cabdoow
  • Ciidamaddeydu waasa cayr,

Cabdi nuur

  • Ceyr xaaka dhacay ciidankii
  • Cirya dhul nooga camirnaa

Ceelbuur

  • Ceyntood nimaan aqoonya caaq
  • Cunta jerisahaa carbaa, ( u taliya)

Cabdi nuur

  • Calool xumaan la ceebsadee
  • Ceelbuur waxaan jeraa cuqaal

Ceelbuur

  • Sedax walxaato ceyn kutaal
  • Caamiya sheekh cabdow u sheeg,
  • Inaan cad ceedo meel cidlaa
  • Caamiya sheekh cabdow u sheeg,
  • Ceelbuur ineey calaacalee
  • Caamiya sheekh cabdow u sheeg,
  • In ciidi jawu ceegagtoo
  • Caday la waayaynuu caddey,

Nikax

  • Carada in la ceymiyoo
  • La ii cideeyo waa codsaa.

 

Curiye: Cabdi Nuur “Waddani”

SHEEKOOYIN