Cawa-Darran Q1AAD W/Q Siciid Cabdi Xasan

quotescover-JPG-37

Cawa-Darran Q1AAD

Goortii qorraxdu dhacday  ayaan  xayn riyo ah  oo  aan  jeexa  la joogay soo  xereeyey. Shaw intaan  aqalka  ka maqnaa  ayaa aabbahay  oo magaalada u   socdaalay  soo  nabad noqday. Kolkaan isha  qac isku siinayba, intuu dhool bidhay  ayuu soo sare joogsaday, oo xaggayga intuu u soo talaabsaday  Foolka(salaanta) iga dhunkaday. Dabadeedna intuu madaxa ii salaaxay  ayuu  baakad  buskud ah gacanta iga soo geliyey. Maba sugine intaan xaggii aqalka u orday ayaan  jamtaa ka dhiibay. Waan u hammuun iyo xiise qabee  midhba kama reebin.

Kolkaan ka bogtay ee dhammaystay ayaan aqalkii ka soo baxay,  oo hareerta ka soo fadhiistay Aabbe iyo Hooyo oo dabka kulaalaya. Xaalka magaalada iyo ehelkii ku noolaa siduu ahaa ayaa Aabbe nooga tibix siiyey. Hooyo si fiican ayey warka Aabbe ugu dheg raaricinaysay, balse anigu dan iyo heelo toonna kama lihi. Mar qudhase ayaan farxad la dillaaci gaadhay. Waxaan maqli jiray  cudurka sonkorta la yidhaahdaa mararka qaar waxaa sababta farxadda xad dhaafka ah. Haddii cid sonkori ku dhacayso habeenkaa annay i haleeli lahayd.

Aabbe waxa uu ii soo tebiyey war dhankayga bushaaro iyo barkhad u ah. War rejo iyo himmilo igu beeray. War aanan filayn oo aanan dharaar qudha ku riyoon. Aabbe iyo Hooyase aanay jeclaysan. Haa, wejigooda ayaan ka dheehanayey oo maysan jeclaanin. Waxaa u muuqanayey, waxaanan u jeedin oo markaa aan ka indha saabnaa. Aabbe wuxuu noo sheegay in adeerkay oo Jarmalka joogaa i dhoofinayo. Berritana aan dhankaa iyo magaalada u sadcaalayno.

Ma waxaan habeenku igu dheeraanbaa! Farxad darteed ayaa hurdadiiba iiga guurtay. Derintii aan ku jiifay ayaan hadba doc isugu laba rogayaa. Nasiib badnidaa ma waraabaad tahay! Oo hadda ma Jarmalkaad u duuli! Oo kaaga darane ma diyaarad baad raaci! Oo riyihii baas iyo xaabadii waad ka raysan! Haayoo, caawaaba  kuugu dambeysa. Waa aniga saqdii dhexe sacabbada cirka u taagay oo ducada ula kala baxay. Eebboow ha idilin anoo aan Baarliin cagaha dhigin.. Rabboow berri subax nabad iyo nolol igu gaadhsii.

Sidaan u soo jeeday, ayaa waagu iigu beryey. Aabbe iyo Hooyo kolkay weesaysanayeen ee ay salaadda subax isku diyaarinayeen, aniguna dharkayga ayaan shandad yar oo aan lahaa ku guranayey. Awel anigaa shaaha karin jiray, quraacdana dubi jiray, saaka hooyo iyo mid iga yar baa u tafa xaytay. Aabbe oo hurdada ku daahay, ayaan dhibsaday, oo waxaan is leeyahay muu soo tooso aad sii jarmaadeene, ciyowna magaaladii aad tagteene. Hooyo halkanay ka leedahay kaalay qurraaco. Oo ma quraac baa iga degaysa! Ma iyadaa hungurigaba ii dhaafaysa! Illeen ruux dhoofsan baan ahaye! Yaa yidhaahda jismigaygaa kula joogee, ruuxdii ammin horey Jarmalka ka degtay. Barqadii ayaan ka jaqaafinay oo xaggii magaalada u sii jihaysanay. Weli maankayga kama bixin oo waxaan xusuustaa dardaarankii Hooyaday. Dhaqankaaga haka dhoofin, diintaada haka dhaqaaqin, dalkaaga ha illaawin, oo dhug u yeelo, ayey igu tidhi. Dhabannada ayey iga soo dhunkatay oo ducana iigu dartay. Intaan ka soo libdhaynana digada aqalka ayey taagnayd oo noo sii gacan haadinaysay. Anna gadaal ayaan u soo dhuganayey.

Goor duhur ah ayaan soo gaadhnay magaaladii. Soo aniga ashqaraaray oo indhaha la raacay daaraha dhaadheer ee Magaalada bartankeeda qotoma. Aabbe ayaa gacanta i haya,  oo baabuurta dheegaga naga dhaafaysa iga ilaalinaya. Malaha wuxuu ogsoon yahay inaan guuxooda ka didayo! Haddaanu isugu midigta i haynna, waa hore ayaan cagaha waxa ka deyi lahaa. Sidaan u sii maqiiqnayn,  ayaanu  irridda ka galnay guri ay habaryartay degganayd. Muddo toddobaada ayaan aqalkaa iska joogay. Inta badan xaafadda ma dhaafi jirin, marmar aan suuqa habaryar u raaco mooyee. Haddaan aqalka ka baxo waxaan ka baqi jiray inaan magaalada ku dhex hallaabo(Lumo)  oo meelaan jaan iyo cidhib dhigayba la waayo. Kolkaan miyiga joogay ayaan maqli jiray magaalada waxa jooga juudaan iyo ismaliig(Qori is maris ama waraabe dadoow) dadka cuna. Anna waa aniga intaa bahalkaa iska eegaya,  oo cabsi  laygu yuururiyey.

Subax salaasa ah ayaan magaaladii Hargeysa ahayd ka soo dhaqaaqnay. Waxaan afka soo saarnay jihadii ay nooga beegnayd Wajaalle. Dhawr saacadood ka dib waxaan soo gaadhnay Wajaalle. Waxaan soo istaagnay barta kaantaroole ee loogu gudbo dhanka Itoobiya. Baadhitaanno muddo qaatay ka dib waxaa na loo oggolaaday inaan safarkayagii hore u sii wadanno oo gudaha u galno dalka Itoobiya. Weligay waan maqli jiray Itoobiya, balse waa kolkii ugu horreysey ee aan cagaha soo dhigo. Dhulkase aan weli dhex maraynaa waa kilalkii shanaad ee Soomaalida. Meel kastana waxaa ka babanaya calanka Itoobiya iyo kan maamul goboleedka oo is garab yaal.

Dhawr ayaamood  ka dib waxaan soo gaadhnay Caasimadda waddanka Itoobiya, ee Addis-ababa. Waa caasimad balaadhatay oo bilicsan. Roobku kama qaaddo oo had iyo jeer waa ku hoorayaa. In kastaan jewigaa yaabka leh la dhacsan ahay, haddana waxaan noqday ruux gooni socod ah oo cidnaba la haysan. Ma ahi ruux wax soo bartay oo afafka qalaad wax ka garanaya. Waxaan ku hadlayaa waa uun Af-soomaali. Af amxaaro iyo mid Oromana meel looga hadlayo abid dhaayo ma saarin. Waxaase iga dhaadhacsanayd in adduunka oo dhan afsoomaali looga hadlo. Uma malayn jirin in dad aan Soomaali ahayn xataa inay jiraan. Soomaali kale iskaba dhaafe, cid aan reerkayaga  ahayn inay adduunyada ku nooshahay, ma aaminsanayn. Waxaan aqaanay inta igu harreeraysan uun. Horey Soomaalidu u tidhi: “Nin aan dhul marini, dhaayo ma leh.”

Aabbe waxa uu isoo gaadhsiiyay Addis-ababa. Ka hor intaanu Hargeysa dib ugu laaban. Si weyn  buu iila dardaarmay. Weedhihiisii dahabiga ahaa weli waan xusuustaa oo markaan dib u soo gocdaba, waa la tiiraanyoodaa. Wuxuu ii dulmaray dhallan rogga ku dhaca qofka markuu dunida reer Galbeedka tago. Waa i hoga tusaaleeyey isagoo adeegsanaya markhaatiyo nool. Wuxuu yidhi: “Ma garanaysaa heblaayo iyo hebel; goortay Yurub galeen ayey dadkoodii hilmaameen? Maalintaas ayey xadhiga goosteen oo ehelkoodii gooyeen. Waxaan naawilayaa inaadan kuwaas oo kale noqon. Ogoow waan ku soo korinay oo kugu soo tacabnay. Dhab ahaan ma aanu jecleyn inaad naga fogaato; balse adeerkaa oo xanuunsan baanu qaddarinay oo aan codsigiisii diidi kari weynney.  U dhega nugloow oo ka ducayso. Ha dhibsan ee si wanaagsan ugu adeeg. Ha dayacin ee adeerkaa dayaca ka dhawr. Annagana na ogoow.”

Waxay ahayd dharaar markaan dib u milicsado, indhuhu ilmeeyaan, qalbiguna qiiroodo. Haa waan qiiroodaa oo aan miyir doorsoomaa. Had iyo goor waxaa i hortaagan hummaag iyo muuqaal dib iigu celinaya  maalintaas la soo mooday. Waxaan  u eeddaa Aabbahay oo dhabannada iga dhunkanaya. Isagoo garbaha intuu gacmaha iga saaray haddana laabta igu qabanaya. Waxba igalama masuugin Aabbe, ee dharaartaa si wacan ayuu ii soo sagootiyey. Kolkuu Aabbe dib u laabtay ka dib, dhawr bilood ayaan ku sii sugnaa Addis-ababa. Waxaan galay dugsi lagu barto afafka qalaad. Si gaarana waxaan u baranayey afka Ingiriisiga. Waxaan kaloo wax ka bartay afafka Oromada iyo Amxaariga oo aan dhawr erey oo igu soo duulduulay maskaxda ku qabtay.

Xilli habeen ah, abbaaro sagaal fiidnimo ah, ayaan ka duulnay garoonka diyaaradaha ee Addis-ababa. Diyaaradda waxaanu wada saarnayn soomaali badan oo ku sii fool leh dalka Jarmalka. Waxay u badnaayeen kuwa booqasho uga soo laabtay dalkii hooyo oo soo dalxiisay. Qaarkood waxay ii sheegeen inay muddo dheer dalka ka maqnaayeen haddana ay soo dhugteen dalkii oo is beddel weyni ku dhacay. Waxay lahaayeen: “Waan ka soo guuraynaa Jarmalka.”  Aad bay u ammaanayaan dalka. Waxay ku cataabayeen: “Rabbi waxa uu innagu manaystay dhul barwaaq ah. Waxaan ka raysanay cuntadii talaagadaha ku jirtay. Oo intii aan dalka joognay waxaanu quudanayney hilib iyo kalluun daray ah.  Waxaan ku neecawsanayney hawada iyo jewiga quruxda badan ee dalkeena. Waxaana ka nasanay hawadii wasakhaysnayd iyo samxadii badnayd ee Jarmalka.”

Aniguse lama dhacsani weedhahay is dhaafsanayaan. Waxaan u haystaa in dalkii in laga raysto mooyee aan loo darsan doonin. Waxay ila tahay inaan dhul jiilaala ka soo kicitimay oo aan ku sii jeedo dhul dayrtu ka hoortay oo doog ah. Waxaan rumaysan ahay inaan ka soo dhoofay deegaan sabool ah oo aan ka degi doono beled gaajada laga nabad galay oo dhereg lala seexday. Amakaag ayey igu noqotay cataabka iyo calaacalka ka baxaya kuwa diyaaradda ila saaran.

Gegooyin diyaaradeed oo caalami ah ayaan ku soo hakannay. Laba casho ka dibna waxaan soo caga dhigannay dalka Jarmalka,  gaar ahaan xarunta waddankaas ee Baarliin. Durbadiina garoonka waxaa igu soo dhaweeyey  adeerkay iyo laba hablood oo la socdey. Inkastay ahayd markii ugu horreysey ee aan adeer is aragnay, haddana dadka kale waa ka gartay oo taswiirtiisa ayaan miyiga ku haystay. Tagsi ayaan ka soo raacnay garoonka annagoo ku soo jeedna xaafaddiisii. Intaan magaalada dhex mushaaxayney waxaan ku dheegagsanaa  daaraha joogga dheer leh, ee daruuraha ka mudh baxay, kuwaas oo hareeraha jidka aan marayno taxnaa. Waan dhoolacaddaynayey, oo waxaan ku tiirsanaa daaqadda bidix ee baabuurka. Tacajab weynaa, war meeshu ma jannadiibaa!  Maxaa baabuur is  dhaafaysa! Waxaa sii bilaya laamiga ay dulmarayaan oo isna aad u bilicsan.

 

La soco Qaybta Labaad

Currintii iyo Qallinkii : Siciid Cabdi Xasan

E-Mail: Casuuro1@hotmial.com

 

SHEEKOOYIN