JACAYL IYO QUUDHSI! Qaybtii 2aad W/Q: Amina Abdilaahi

quotescover-JPG-42

Jacayl iyo quudhsi!

Qabtii 2aad

Ayaamihii aannu ku cusbayn magaalada hooyo may ogolaan jirin in aan dibidda u baxo, oo meel tago. Balse maalinba taab ayaan qaadayay, oo hablo badan oo aannu jaar noqonay, ayaa ii soo wareega, oo guriga iigu yimaada.

Waa qaar iiga soo horeeyay Magaalada, kuwaasaan ku daba dhuunta inta aan hooyo baryo oo gadhka iyo gomoodaba qabto, habluhuna dhinacooda ayay iga sasabaan, oo ku qanciyaan in aann raaco.

Saaxiibadday Felis ayaa i soo bartay Wiil, ay asxaab ahaayeen, inanku waa Aqoonyahan, Jaamacad ayuu dhigtaa, (Master) ayuu diyaarinayay, Da’ahaan wuu iga waynaay, oo waa soddon jir.

Midabkiisu waa Maarin dhalaal madow xiga, waxa lagu tiriyaa Raga dhaadheer, Timo jilicsan ayuu lahaa, jidh qurux badana wuu lahaa markuu lebisto ee dhexda iska xidho, shimbirahaa (Dumarka) sidaa u dabayaaca.

Toban nin haduu ku dhexjiro, wuu ka tilmaamanan yahay waa Qof Weji furan oo dabeecad leh, Dad la dhaqan leh, ixtiraamleh, soo dhowayn badan oo marnaba agtiisa aanad ku caajisayn.

Intas oo sifo oo wannaga, iyo weliba qaar aanan soo kobi karin ayuu lahaa, si fudud ayuu qalbigayga ku hantiyay, oo boos maguuran ah ayuu ku yeeshay wadnahayga, Wareega Dhiiga ayuu raacay, maankayga iyo maskaxdayda isaga ku milmay, xitaa hadhka galay ayaan ku hadraa magaciisa.

Waa naf igu dhex nool, sida hooyo wiilkeed ayaan uga werweraa, waxaba aad moodda inuu uurkayga ka soo dhacay, Inta badan todobadkii laba cisho ayeynu kulmi jirnay, inta kale taleefoonka ayaanu kawada hadli jray.

Gabal dhacay iyo waa berya waanu is xaal ogayn, muddo waanu wada soconay, haddana qofna si toosa qabiilkiisa uma yaqaano kan kale.

Mar marka qaarkood ayuu ila kaftamaa oo igu dhehaa Xabiibi maanta hadii lay waydiiyo gacalisadadu waayo ma aqaan waxa aan ku jawaabo, inta aan cabaar aamuso, oo yara fikiro, ayaan ku idhaahda, Wed iyo Qabiil jacaylkeena kawayn xabiibi.

Intu qoslo kkkkkkkkkkkkkkkkkk Ayuu yidhaahda “xabiibti, qof Qabyaalada neceb baad tahay, fariid baad tahay, reera waxba sheegimayo haddaan adiga ku helo oo nolol kula wadaago,balse, maalinta aan ku soo doonayo, ii balan qaad inaad ii sheegayso”

Aniga oo naxsan, Dhidid waawaynina wejigaygii fax ka soo yidhi ayaan ku idhi, “taasi waa balan Gacaliye” waalidiintaydu way ogyihiin wiilkan in sheeko naga dhexayso, gurigayaga wuu yimadaa oo Xaafadda booqasho ayuu ugu yimadaa, Safaaradda iyo meelaha wax nagaga xidhmaan, isaga noo raaca oo noo dhameeya.

Aabbo iyo hooyo way igala taliyeen wiilkan in aanan guursan, sababtuna waxa ay ahayd umaan sheegin qabiilkayga, Haddaan u sheego Cida aan ahay wuu iga tegayaa, been u sheegi karimaayo oo waa qof aan jecelahay,isaguna Xad dhaaf ayuu ii jecel yahay.

Jaamacadii wuu dhameeyay shaqona wuu helay, meherkayagii wuu soo dhowyahay talana way igu caddahay, Go’aan adag ayaan qaatay oo Geeri iyo Nolol udhexeeya, waakii nololshayda soo gabagabaynayay ama Guul ii horseedayay,haddaan dib u dhigi jiray oo wax qarin jiray lagama yaabo maanta.

Taleefoon ayaan u diray gacaliyahaygii, waxaana u sheegay galabta in aan ku kulano Hotel la dhaho Bin Cali oo ku yiil Waddada 8aad ee Xaafadda Soomaalidu dagto ee Islii ama Eastleigh.

Waa maalin sabtiya oo jawigu aad u deganaa, Roobna wuu da’ayay, markaanu huteelkii nimid cabitaan ayaanu dalbanay, anigase Cunno igama dhaadhacayn, farxadaydii hore iyo shax shaxdii midna layga dareemimaayo.

Qof hamiyaaya oo fikiraya tashi haysto ayaan ahay, maskaxdaydu way isku buuqsan tahay. Wuu dareensan yahay in wax wayni iga si’ yihiin, haddana qosol iyo farxad buu iga baadhayay, sheekooyin shactiro ubadan ayuu igaga sheekaynayay.

Haddalkii ayaan bilaabay aan inta badan uurka ku haystay, “xabiibi war aann in badan kaa qarinayay ayaann jeclaystay in aad afkayga ka maqasho”  baan ku iri, intuu naxay oo kor isu taagay ayuu yidhi, maxad ii sheegaysa? Waxaan ku idhi:” wax wayn maha bal is deji oo fadhiiso”  kursigii ayuu dib ugu noqday, markaas ayaan warkii shaacabka qaaday aniga oo ku bilaabay.

“Gacaliye muddo badan ayaad i waydiisay qoladayda iyo reerka aan ka soo jeedo” intuu qosol la dhacay ayuu yidhi, “ma intaas ayaad wax wayn ka dhigaysay, waan argagaxay markii hore, waad iga gashatay galabta.

Sug sug xabiibi hadalka kuuma dhamayn weli, anigu….anigu waxa aann ahay…..een…..een ….een Midgaan!! –Yaah, yaah naa miyaad walaantahay runta noo sheeg.

Waa Xaqiiq hadalka aan kuu sheegayo i rumayso, indhihiisa ilmo ayaa ka soo gobo leh, wejigiisi Farxadda laha murugo ayuu isu baddelay, odhaahda keliya ee afkiisa ka soo baxaysa waxa ay ahad “xabiibi ka noqo hadalka Cid kale sheego igaddaa Ciyaarta, run ii sheeg.

Isaga oo I aamini la’ ayuu hooyaday wacay oo waydiiyay arrinkii na dhexyiilay, sidii; aann hore ugu sheegay ayay iyaduna ku tidhi, markan wuu ogaaday xaqiiqda, Waxa uu igu yidhi:” Madaxa saa’id ii xanuunaaya xaafadii ayaan ku noqonayaa ee iska tag waynu soo wada hadlaynaaye.

Sidii; ayaanu ku kala hoyanay, aniga Xalaadda an ku suganahay ma aqaan, waan jaah wareersanahay oo isku dhexyaacaysanahay, qolkaygii baan galay sariirtaydii ayaana isku tuuray, kabihii iyo dharkii midna anoon bixin, Hurdo imay qaban waan laba boglaynayay habeenkii oo dhan.

Subaxdii ayaan wacay lambarkiisa wuusa dansanaa, duhurkii ayaan dib ugu celiyay wuu iga qabtay, weli madaxii ima degin ayuu igubyidhi, balse, habeen dambe ayeynu kulmi, waan farxay hadalkaa markuu igu yidhi oo naqaskii ayaa iga soo baxay.

Habeenimadii markii la gaadhay oo isu nimid, Xaaladda aanu ku kulanay waa Murugo, kalgacayl iyo hilow midna ma jiro, waxaan ku fakarayey oo ka wal walsanaa waxaa afkiisa ka soo bixi doona.

Hadalkii ayuu furfuray oo u badnaa, Waanno iyo hogatusaalayn, Guntii iyo gabagabadii waxa uu igu yidhi “Naag Qurrux iyo Dabeecad leh ayaad tahay oo dad la dhaqan leh, waxa aad ahayd qofkaan nolosha u xushay oo Oori Xalaal ah ka dhigto, oo Raas iyo Rug aan la dego,ubadkayga hooyadoodna aad noqoto.

Waxa aad tahay qof aan si dhab ah u jeclaaday, balse labadeena waxaa isu keen diidaya oo ina hortaagan, waa Dhaqan iyo Caado Xun oo soo jireen ah, lagana dhaxlay awoowayaasheen.

Haddaan ku guursado ubadkayga waa la quudhsanayaa, oo Cuqdad ayaa lagu beerayaa. Sidaas darteed kuma guursan karo, mana aqaan wax aan u sheego Ehelkayga, waan ka xumahay Xabiibi in ay sidan dhacdo.

Sababtaas darteed ayuu uburburay jacaylkeeni soo taxnaa muddada fog ee macaanka iyo maadsigaba lahaa, waxay igu ahayd Qalb jab kii igu xumaa noloshayda, waxaan ku iri Aboowe haddiiba aad igu nacayso waxa uu Alle iga dhigay, qof ahaana aan cillad ku lahay ee Qabiil aanl aqoon xaqiidiisa halka uu kasoo billowday  “Adiguna nasiibkaa aniguna ayaankay.

Dhamaad W\Q: Amina Abdilaahi

SHEEKOOYIN