Shiribka Toddobaadka, Laashin Garguurte iyo Gafuurduub W/C Laashin Gurguurte

quotescover-JPG-55-640x360

 

 

 

Shiribkan  toddobaadka  ayaa wuxuu ku saabsan yahay,  Maalmihii la soo dhaafay ka oogneyd Gobollada  Barri iyo xeebaha oo kooxda  Xagjirka ah ee Alshabaab ay  duulaan ku qaadeen,  sidoo kale  wuxuu Laashinku ka warreysanayaa Kooxda Alshabaab  bal ujeedkooda guud iyo waxay  ka rabaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed,  Waa kan Laashin Garguurte oo ku hadlaya Afka Dadweynaha Soomaaliyeed ee la amakaagsan habdhaqanka Alshabaab ee Bogasho wacan.

 

Laashin Garguurte

  • Gafuura duub intaa gashiin
  • Waa leydin garawaayabee?

Alshabaab

  • Mahaan geleyno aan galnee
  • Goorbeyso hada waa geftee

Laashin Garguurte

  • Germaalya suuj gabanadii
  • Lageeyay guulma soo heleen?

Alshabaab

  • Gaagaabso god cawaa jiree
  • An nama gaarto guuldaree

Laashin Garguurte

  • Gentaaladaa masoo gadiin
  • Geed.hee lagama soo guree?

Alshabaab

  • Garoonya deked goob walboo
  • Wax soo galaan nama gefaan

Laashin Garguurte

  • Nama gefaan igaransii
  • Gudi warka hanoo galee?

Alshabaab

  • Galaan gal dadku gaamuroo
  • Goob joogahaan qabnaa garaad

Laashin Garguurte

  • Ganacsi maadku ganbatiin
  • Gentaal nin raray waa gudbee?

Alshabaab

  • Gudi Ka tirsan goob qarsoon
  • Gaashaandhigaan Ku ganbanaa

Laashin Garguurte

  • Waa gardhay gudiyaa jiree
  • Goormaad xisaabka gudbisiin?

Alshabaab

  • Galabya subax goorwalbaan
  • Gudbi karnaahe xaad gashiin?

Laashin  Garguurte

  • Gabinadaan iney gubtaan
  • U soo gulfaa masoo gadiin?

Alshabaab

  • Waa gurmad diinta u garbaa
  • Una gubaa janaad Gelee

Laashin Garguurte

  • Gedaya xamar galgaduud
  • Gowrac Ku kooban garmiyaa?

Alshabaab

  • Haddoon garacad gaanayoon
  • Gudbi rabno miyaad gucee?

Laashin Garguurte

  • Gedaad dad uga gurbisee
  • Garacad gaalo maaleheed?

Alshabaab

  • Gees oona weygasoo gashee
  • Goormaad heree ganaad tehee?

Laashin Garguurte

  • Haddaad garqaadataan ganbaa
  • Geed laamankiisu wow garbee

Alshabaab

Ga ka dheh weyga guul heshee
Waa guurnay waana gablanee

 

Curiye: Laashin Garguurte.

SHEEKOOYIN