Waxyaabihii Islaamku Ku soo Kordhiyey Adduunka W/Q: Cabdifataax Maxamuud Cabdi Dheg-bahaaf

 

unnamedfsdfds

Waxyaabihii Islaamku Ku soo Kordhiyey Adduunka

Mahad oo dhan dhammaanteed Eebbe ayey u sugnaatay SWT . Marka aan ka hadlayno mawduucan ‘ Waxyaabihii Islaamku Kusoo Kordhiyey Adduunka’, run ahaantii qodobkan waa mid aad u ballaaran baaxaddiisana leh, waxaa jira taarikh iyo guulo waaweyn oo Islaamku gaadhen ;kuna soo kordhiyen adduunka .Hadaba guulaha waaweyn inta aanan u galin aan xusno taarikhdii casriyadii ama xilliyadii ay soo martay dowladda Iislaamku . Dowladihii Islaamka ee soo maray dunidan waxay ahaayeen kuwii ugu xoogga ama quwadda weynaa adduunka hoggaamin jirey sida ,dhanka cilmiga, siyaasadda ,arrimaha bulshada , sahanaminta juqurafiga & cimilada. Marka aan ka hadlaynno dowladda Islaamka waxa lagama maarmaan ah in aan u kala qaadno toddoba casri ama xilli oo kala ah:

1: Casrigii rasuulka Caleyhi Salaatu Wasalaam

2: Casrigii Khilaafada

3: Casrigii Umawiyiinta

4: Carigii Cabbaasiyiinta

5: Casrigii Mamaaliikta

6: Casrigii Cusmaaniyiinta

7: Casrigan cusub

Waxa inta badan taariikhdu sheegtaa qarniyadii Islaamku aad ka u calan waleynayey & ilbaxnimada Islaamku in ay heerkeedi ugu sarreeyey gaartay xilligii ‘Cabbaasiyiinta’ xilliga Cabaasiyiintu waxa ay isku fidiyeen gudahana u galeen dalalkii Aasiyada dhexe ilaa deegannada bartamaha Galbeedka iyo Bariga Afrika; waxbarista diinta waxay ka soo wareegeen gacanka carabta ,waxayna usoo wareegeen dalka maanta loo yaqaan ciraaq. cabaasiyintu waxay dhiiri galiyeen horumarinta Laamaha kala duwan ee barashada diinta intii lagu jirey xilligii Haarun ar-Rashiid.Waxyaabaha faraha badan ee Islaamku ku soo kordhiyey dunida casriyadii hore iyo kuwii dhexe haddaan wax ka xusno waxa ka mid ah :

  • .Horumarinta Cilmiga Juquraafiga faah faahsan iyo ku samaynta khariirada adduunka calaamado ama xariiqyo sahlaya hadba halka aad ka joogto adduunka.
  • Xeel-dheerida aqoonta Juquraafiga ibnu Khalduun ayaa helay xaqaa’iq juquraafiyeed ,kuna saabsan safarradii uu ku maray Bariga dhexe.
  • Muslimiintu waxa kale ay wax badan kusoo kordhiyeen xisaabta ;gaar ahaan joomatariga iyo alJabrada , caalimkii muslimka ahaa ee all-Khuwaarimi ayaa so saaray xisaabta al- Jabrada Loo yaqaan .
  • Xagga caafimaadka caalimkii muslimka ahaa ee ibnu Siina ayaa soo saaray dawooyin kala duwan ,taaso wax ka tartay cuduro badan.
  • Waxa kaloo Islaamku soo kordhiyey dhismaha nashqadaha & farshaxanka midabada, waxa lagu xasuusan karaa mannaaradihi dhaadheraa iyo qubbadaha sidi qaansada u dhisnaa.
  • Wax kordhintii Islaamka waxaa ka mid ahaa fidintii suugaanta carbeed barashada afka & qorista buugta,waxa ka mid ah qorayaashi adduunka saameynta kulahaa qoraaga buugta sheekooyinka ee la oran jirey Kaamil al-Kiilaani oo qoraalladisii ilaa maanta la hayn wax u dhigma sheekoyinkiisi caanka noqday ee lo yiqiin “Alfa-leyl-Wa-leyl” kun habeen & habeen oo ila maanta la akhristo laguna turjumay luqado fara badan.
  • .Waxa la sheega in meshii ugu horreysay ee gallayda ama qamadida la beerto laga arko ay ahayd dhulka u dhaxeeya labada webi ee Dalja & Furaad , ilaa buuraha Sagroos.
  • Dadyowgii Islaamku habeenkii waxay wax ku darsi jireen cirka marka aanu daruurta lahayn. taasina waxay ka caawisay in ay bartaan xiddigaha; isla markaana ku sadaaliyaan hawada.
  • Caalimka horumariyey hindisidda camerada wuxu ahaa seynisyahankii Islaamka ahaa ee ibnu al-Haythman qarnigii 11-naad, taaso haatan aad loo isticmaalo ,laguna soo gudbiyo dhacdooyinka maalinlaha ah ee adduunka daafihisa ka dhaca ,muuqal sawir-qaadid.
  • Cabidda bunka ama (coffe) waxa la sheega inka badan 1,600,000,000 koob bun ah in si maalinle ah loogu cabbo meelo ka duwan oo aduunka ah ,asal ahaan cabbida bunka waxa laga cabbi jirey lagana keenay dunida islaamka ,sida dhulka Yeman Ciraaq & Turkiga ila haddana si aad ah looga cabbaa casimadaha dunida Islaamka Sanca,Qaahira,Dimishiq & Istanbul.
  • Waxa kaloo la sheega taarikhda in ninkii ugu horreeyey ee madaw muslim duuliye ah uu ahaa Axmed Ali duuliye dagaal xilligii dowladdii Cusmaaniyada ku dhashay Ismir-Turkiya 1883, kaaso aabbihii ahaa Soomaali ayeeyadiina Borno ,sida la sheego noqdayna ninki ugu horreeyey duuliye madow ah taarikhda kana qeyb qaatay dagaalka ay ku sheegaan kii kowaad ee dunida ;isagoo ka bar bar dagaallamayey dowladdii Cusmaniyadda.

Fiiro gaara:Waxa kaloo ilo taarikhda wax ka qoraa ku doodan in Axmed Cali asal ahaan ahaa Nayjeeriyaan muslim ,balse waxa ka xoog badan kuwa sheegaya in uu ahaa Axmed asalkiisu duuliye Soomali muslim ah . iyadoo muhiimadda laba masaloba isugu biyo shubanayaan hal meel maaddama labada dal ee lagu sheegay halka uu ka soo jeeday ay ku yaallaan qaarada Afrika yihiin dowlado Islaam ah . sida macruuf ka ee aan ogsoonahay waxyaabaha maanta dunidu ummad waliba sugato oo xafidato waa taarikhdooda iyo aasaartooda ,waxaa soo badanayey dad taarikhda Islaamka si gurracan u gudbiyaan ama sidii ay ahayd ka leexiyaan si ay ugaadhan danahooda gaarka ah ;waxa ii muuqda ummad la rabo in la tirtiro aasartooda wax-qabadkooda cilmiyeysan ee wax soo saarkooda .

Waxaa dunida Islaamka ,siiba intooda indheer-garadka ah ogyihiin in la daboolayo oo weliba daah la saarayo taarikhdooda dahabiga ah,midnimada jiritaankooda & quwaddooda hadaba maxa nala gudboon ? Sideese ku ilaashan karnaa ama ku dhacsan karnaa taarikhdeenna ?Taaso muujinaysa jiritaankeenna .Dabadeed ruux walba oo Islaam ah ha is weydiiyo su’aalahaas,jawaabna ha u doono isagoo bartiisa ka halgamaya .

Muhiimadda maqaalkan igu kaliftay inaan wax ka qorona waa in bulshada islaamka ee afka Soomaliga ku hadashaa wax ka ogaato sooyalka iyo Islaamka iyo hindisahooda aqooneed ,waana muhiim in aan ogaanno ahmiyadda iyo qiimaha ay innoo lee dahay .

Gunaanad

Ilaahay ayaa mahad leh, Allaha maamula koonkan islamarkaana soo dajiyey kitaabka Furqaan,inaga dhigay ummad Islaam ah. Inna baray aadamaha waxaanay aqoon ,una hibeeyey caqli ay ku kala gartaan xaqa & xaqdarrada. una furey dariiqo ay ku kororsadaan cilmigooda .Suubbanaheena nebi Maxamed sallalaahu caleyhi wasallam ,waxa kaloo mahad u sugnaatay muslimiinta dowladii islaamka ee 50 sanno gudaheed ku faafisay uunkan diinta nasriga eebe xadaarada taarikhda duruuseed ee casrigan la joogo lagu daraaseeyo masaajidda iyo jaamacaddaha .Untitled

Axmed Cali ninkii u horreeyey ee muslim duuliye noqday

Untitled

Masjid qaddiimi ah nashqad hore, kuna yaalla dalka Tuuniisiya.

Tix-raac

  • Qaar ka mida xogta & muuqallada ISLAMIC LOST HISTORY.
  • Email: Cadnaan_120@hotmail.com

W/Q: Cabdifataax Maxamuud Cabdi Dheg-bahaaf

SHEEKOOYIN