Xaq dhowr Waddankaaga W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

faaf

Xaq dhowr Waddankaaga

 

Allah wuxuu qof walba ku abuuray jacaylka uu u qabo Dadkiisa iyo degaanka uu ku dhashay, mana jiro runtii qof neceb dadka iyo deegaanka uu ka soo jeedo, waxaase mooddaa in mar walba xaqa naga maqan oo kaliya aan raadinno, ee aannaan dib u eegin xaqa uu nagu leeyahay deegaankeenna iyo dadka ku noolba.

Noloshu sideedaba waa sida silsilad isku xiran, marka xadgudub lagu suubbiyo qof xaqiisa iyo deegaankiisa waa mid dhalisa musiibo baahsan oo kuwada dhacda dadka oo dhan, waxaana la oran karaa wax walba oo maanta dhacaya waa wax ka dhashay xaqdarrada la isku suubbiyay iyo xaqii deegaanku nagu lahaa ama dalka oo aanan dib u eegis ku suubbin.

Waxaa laga yaabaa in aad la yaabtaan xaqa aan ka hadlayo ee deegaanku ama dalku nagu leeyahay. Haddii aan sharraxaad yar ka bixyo wuu ballaaranyahay, xaqiisana waxaa ka mid ah in aan dhowrno deegaankiisa, dhirtiisa iyo dadka ku noolba, waayo, dhulku dhul ma noqdeen haddii uusan Daaq iy Dadba lahayn.

Dhulka waa Hooyadeenna dhabta ah, ee aan ka soo askunnay, waana midka nagu quudiyo mirihiisa kala duwan iyo biyaha aan dhanno, Allah ayayna mahad celintaas u sugnaatay, haddaba, markii la dhowri waayay xaqii dhulka inagu lahaa waxaa meesha ka dhashay in la isku keen sallido, oo aan kala noqo kuwa u kala firxada daafaha dunida inaga oo dugsi u noqonnay Darxumo iyo Duruufo adag.

Duul wuxuu Duul  daggan ku yahay marka uu degaankiisa uu ku noolyahay dhawro, oo waliba  dhaqalihiisana ku muuqan karaa. Duruufahaas aan kor ku soo sheegay waxaa daliil ah oo muujinaya maanta in hantida soomaaliyed badankeeda ay taallo Daafaha Dunida dacalladeeda. Aqoonyahankii Soomaaliyeedna uu Aqoontiisa kula jiifo Daaraha dhaadheer ee Dadkiisu aysan lahayn Dalkiisana aan ku aallin.

Haddaba, heestu waa tii ahayd; “Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo” murtidaas inaga ayay naga timid, waana xikmad uu Allah nagu mannaystay, balse, waan garab marnay, oo kuma dhaqmin, mar walba oo dariiq wacan oo muuqdaan garab maraana, natiijada ka dhalata waa darxumo iyo duruufo adag oo la wajaho; Dhalaankii gacan laguma hayo, Hantidii waa mid maalin walba hanjabaad iyo baad u dhaga nugul.

Umaddu waxay noolaan kartaa marka ay hesho nabad iyo caddaalad, laakin, haddii intaa la waayo nolol ma jiri karto, waxa jirayana waa jahwareer aan jihadiisa la mahadin sida haddaba taagan, haddaba, Ilma soomaaliyeedoow aan sidan si u badalno ileen waa shaqayn waysay sidii hore.

 

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

SHEEKOOYIN