Wiilkii nasiibka! W/Q: Ramla Gobdoon

IMG_4965

Wiilkii nasiibka!

Waxaan eheyn dhawr gabdha ah, oo soo galay safar aad u dheer, una dhib badan. Xilli galab gaabad ah, ayaan soo gaarnay magaalada Mooyaale, ee ku talla xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Kiinya. Si aad ah ayaan u daalneyn, cidna ka ma garaneynin goobta aan ku sugneyn. Nasiib wanaag waxaan boosteejada baabuurta ku la kulannay wiil soomaaliyeed.

Si aad u wanaagsan ayuu inoo caawiyay, wuxuuna ina geeyay gurigiisa. Guriga waxaan ugu tagnay hooyadiis, gabar walaashiis ah, oo isaga ka weyn iyo carruur yaryar. Reerkii ayuu ina baray, ka dibna ka dalbaday, in gogol la inoo dhigo, oo la ina sooro, maadaama dad safar ku yimid aan eheyn.

Wiilku waa mid ey ku idlaatay qurux, kuna labbista dhar muujinaya xarragadiisa, gabar kasta oo inaga mid ahna isha ayey gelisay, oo waan isu wada sheegnay. Si gooni ah ayaan is ku la faqnay aniga iyo saxiibtey, oo aan falanqeynay muuqaalka wiilka aan martida u nahay. Waxaan isu sheegnay, sida aan wiilka uga helnay, oo aan uga dabadhacnay inagoo isu jiibineyna hadalka. Saaxiibtey wey iga dhiirraneyd in badan, aniguse goortaan isaga arko, waan dhalaalayay, heer aan ku sigto, inaan ku boodo oo aan hab siiyo.

Subixii ku xigay markaan imaannay wuxuu ahaa Jimce, salaadda jimcaha ayuu u soo labbistay, isagoo inagu soo maray daaradda guriga. Wuxuu la soo baxay mid ka darran quruxdi hore! Qamiis cad oo jirkiisa deeqa ayuu soo xiraty, qoortana ku soo duubtay maro. Waxaa na dawakhisay carafta ka soo baxeysay dhankiisa, kolkaas ayuu nagu soo leexday, si uu inoo bariidiyo, xilliigaasna ku ma dhiirran karin wax aan deymo eheyn, is kaba daa, in aan dib u bariidiye.

Reeraha meeshaa deggan wey soo dhaansadaan biyaha, sidaas darteed, ayuu u baxay si uu biyo ugu keeno walaashiis oo jikda howl ku heysay. Saaxiibtey waxey go´aansatay, in ey hesho lambarka wiilkan ina wareershay, haddii uusan isaga weydiin, jikada ayey gashay iyadoo is ka dhigeyso, iney gabadha caawineyso, laakiin, caawin dhab ah ka ma eysan eheyn. Nasiib wanaag waxey gabadhii bannaanka u doonatay adeeg goorta uu biyaha la soo laabtay yarkii ina dhexqaaday, halkaas ayey lamabarradii ku ka la qaateen, ka dibna wuxuu aaday misaajidka.

Saaxiibtey waxey qolka ku soo laabatay iyadoo ku soo guuleysatay howshii ey u baxday. Habeenki markii la gaaray waxey gabdhihi kale iyo hooyada reerka ku fiidsanayeen bannaanka halka aniga iyo saaxiibteyna aan ku jirnay qolkaan degneyn. Inagoo caadi u sheekeesaneyna ayey farriin ka timid wiilkii soo dhacday, farriintu waxey eheyd lambarro badan oo nasiibkaaga tijaabi ah kuwaas oo uu qofku mid ka dooranayo, wuxuuna u soo raacshay, in ey mid ka doorato ka dibna ey sameyn doonto wixii u soo baxa. Lambar ka mid ah lambarradi ayey qabsatay waxaana u soo baxday in ey wiilka HAB siiso! Saaxiibtey waxaa isugu darsamay jareys iyo cabsi, balse, anigu waxaan rejeeyay, in aan muuqaalkeeda yeesho si aan is la markiiba ugu tago.

Ugu dambeyntii waxey isu diyaarisay, iney soo fuliso sharadkii la la galay, waxeyna u baxaday bannaanka, oo uu wiilku ku sugayay, anna qolka ayaan ku haray. Intii ey iga maqneyd, waxaan sawiranayay waxa dhacayo, anigoo is ka dhigay saaxiibtey iyo dareenka aan xilligaa dareemi lahaa. Waxaan is tusay, in haddaan mar hab siin lahaa wiilkaas aan ka fuqi laheyn. Sideen uga foqaa, maba ka foqi karee!

Cabbaar ka dib ayey qolka u soo laabatay iyadoo farxadda ka muuqato aad mooddo, in Jannada loogu bishaareeyay. Waxaan ku sigtay, in aan iyada is ku duubo, anigoo ka dhexraadinaya isaga, laakiin, ku ma dhiirran.

Halkaas ayaan aniga iyo saaxiibtey ku billownay sawirashada waxyaabo khiyaali ah, oo aan jeclaan laheyn in ey dhacaan. Subixii dambe waxaan u soo qalabqaadannay dhankaas iyo Itoobiya, si aan safarkeenni u sii dhammeysanno. Mooyaale, waxaan ka la soo tagnay dhacdadaas dareenka badan iyo lambarka wiilki nasiibka.

W/Q: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN