Dhaxalka Geelii Gulufka keenay. “ Sheeko Gaaban” W/Q Guuleed weykan.

 

12939330_10206296809275667_1748679312_n

Dhaxalka Geelii Gulufka keenay. “ Sheeko Gaaban”

Odey baa afar wiil dhalay iyo wiil habar gooni(Bah gooni) ah, dhammaan wiilashii waa farcameen oo nin weliba qoys iyo ubad ayuu yeeshay haba sii kala badnaadaane. Odaygu geel badan buu lahaa, maalintii dambe xanuun baa ku soo booday odaygii si lama filaan ah ayuuna u geeriyooday isaga oo aan dardaarmin.

Wiilashii uu dhalay odayga iyo carruurtii ay sii dhaleen baa qoorta isla wada galay waxaana dhex maray murug iyo is afgaran waa aad u xoogan.

Arrintoodi ma aysan helin cid dhexdhexaad u noqota oo kala saarta, taasoo keentay inay kala guuraan oo gacan ka hadal iyo dagaal dhexmaro, kala qaxaan kalana maataan, markay waayo badan sidaa ku jireen, iyagoon dabka kala qaadan, dagaalkooduna ku salaysan yahay, sidii nin weliba u badsan lahaa dhaxalka odayga intii xeradiisa ku jirtayna uu gooni u qaatey in kalena uu rabo, ayaa keentay in damacii waalnaa wiilashii carruurtoodii qaar badan oo ka mid ah ku waayaan.

Ugu danbeyntii markii ay isku baaba’een ayaa la soo kala dhex galay,waxaana gartoodii galay oo garsoor u noqday, kuwa intey dhar mashaayiikheed usoo gashadeen maslaxa doona isaga soo dhigay,kuwan oo markii hore ahaa kuwa u sacbiya hadba kii walaalkii ka tamar roonaada ee maalintaas dhaca, guriga walaalkii guba dadkiisana laaya, weliba u durbaan garaaci jirey uguna yeeri jirey   XAQ U DIRIR, Nacabkoodii isagoo iska dhigaya gacal jecel samahooda iyo guushooda iyo inuu maslaxad waarta dhex dhigi doono maadaama ay iyagu heshiin kari waayeen, balse ujeedkiisa runta ahi ahaa inuu sii kala fogeeyo.

Waxaa xal laga dhigay in dhaxalka odeyga loo qeybsado Afar Bulug iyo bar, Aan idiinka sheekee, deegaamada qaar ayaa waxaa jirta, in inta mag ama diyo iska bixin kartaba loogu yeero BULUG, Beesha loo qaybiyo, Bulugyo, qaarkoodna laysku kabo, sidoo kale Saami qaybsiga dhibka iyo dheeftana lagu qaato BULUG.

Haddaba Nacabkii garsoorka noqdey wuxuu keenay arrin ah, In Afarta isku bahda ah, mid weliba qaato HAL BULUG, wiilka habar gooniga ahna la siiyo NUG BULUG. Shantii wiil waa ku qanceen qeybinta noocaas ah in wax lagu qaybsado, weliba Geella , waana isku gacan qaadeen kuna faataxaysteen, kama darinoo colaadii iyo dhiigii daadanayey waa joogsadeen, xalkuna wuxuu u muuqday mid lagu diirsaday.

Hadaba afarta wiil ee isku bahda ahaa , midkii ugu weynaa wuxuu yiri,..” Anigu geela aan qeybta u helay, cidna ila maali meyso, anagaa maalanaya, geela walaalahey qeybta u heleena waxba kama rabo, geeleygana xero gaar ah ayaan u oodanayaa sumad gooni ahna waa ku dhiganayaa, geelaygu haddii uu dararo iyo haddii uu guraba waa howl aniga ii taal, nafta haddii ay walaalahey uga dhaceyso hal kabo oo caana ahna ka siin maayo, aniguna sidoo kale u doonan maayo. Nin jees ayuu noqdey, meel aaf ahna waa ka degay walaalkiis, xaalkiisuna wuxuu noqday intii ina kala gaartey hayna kala gaartee “ Hay daarina idin daari maayee”

Kii ku xigay , isagu wuxuu qaatay go’aan kale, wuxuuna yiri..” Aniga geela aan qeybta u helay walaalahey oo dhan waa ila maali karaan, waana u fasaxan yihiin in ay ii yimaadaan ,gurigeyga iyo xeradeydana marti kama aha walaalaheey iyo carruurtoodaba garab iyo gergerba waa u ahay, waxaana diyaar u ahay inaan isla wadaagno cantuugada ugu danbeeysa, geelooda kale ee iyaga leeyihiina allaha u badiyo, oo ha u bulaaliyo,caanahoodana waa u fasax inay iyagu cabaan”

Wiilkii ku xigay oo xoogaa lagu xaman jiray iimaan yoognimo isaga iyo wiilashiisa waa kala qaybsameen, Odaygii iyo ninkii u roonaa waxay isku raaceen oo yiraahdeen.” Geelayaga aniga iyo carruurteyda kama badana caanihiisu, cid kale oo aan kabasho uga ogolahayna ma jirto, qofkii caanaha geelayga isku soo ceebeeyana cawaaqib xumuu igala kulmayaa, waxay kale oo ku dareen, Geela kale meeshuu doono ha joogee, Caanihiisa iyo cadkiisu inay wax ku leeyihiin, Gaadiis iyo gasiina aysan nina ka martiyeyn, Neefkii la maalo in qaybtooda loo dhigo xitaa hadday maqan yihiin, Kii la loogana Waaxdooda loo dhigo, Arrinkaa dhawr wiil ayaa ka biyo diiday oo Wiilka Afraad dhalay waxayna yiraahdeen, inaan waxeena gooni u qaaddano, waxaa ehelkeenana ku qabsanaa waa qaabdarro, Odaygii waa ku xanaaqay, Doqomaad tihiin ayuu yiri: “ Nin ragga waa kii tiisana meelaysta, tan dadka la miileysta(Tookeysi” haddii sidaa la yeeli waayo nabad waarta iyo negaadi ka dhaarta, nasiino ha sugina, Nacab aan idinka ahayna ma jiro, Afkaa gacanta la wada saaray nin leh “Caanaha geeleyga aniga kaligay ayaa leh, caanaha geela walaalaheyna waxbaan ku leeyahay , haddaan sidaa la yeelina,waligeena heshiin meyno”

Wiilkii afaaraad ayaa isaguna hadalkii kusoo gaabiyay kuna koobay …” Ama geela hala wada maalo, ama nin kasta geeliisa ha iimaansado, laakiin UNNU AQLI MA FADAANE

Wiilkii Shanaad ee hooya goonida ahaa …isagoo la yaaban mowqifyada walaalihiisii isku bahda ahaa kala taagan yihiin, kuna xisaabtamaya inuu weliba isagu bah gooni yahay kana tira yar ragga is ku mari la’ qeybsashada caanaha geela ee ay dhaxalka uwada heleen , ayaa isaguna hadalkii ku soo af jaray, ” DULMIGAAN HADA YAALA DULMI BAA KA HOREEYAY, WUXUUNA DULMIGU BILOOWDAY ANOO NIN RAGA AH AH MARKII DHAXALKA AABAHAY NUS BULUG” la iiga qoondeeyay, sidaasoo ay tahay ayaa anigoo weliba iska aamusan , raalina ku ah xaqdarada laygu sameeyay, ayay kuwii xaqdarada ka taliyay KA QEYLINAYAAN MAANTA!

Aqristoow anigu waxaan kuu soo gudbiyay sida ay sheekadu u dhacday, wixii gar qaadis ah ama fasiraad ah waxaan u dhaafayaa maskaxdiina iyo malaawaalkiina!

 

Guuleed Wey Kan

Barta faysnuuga ee Guuleed Weykan

SHEEKOOYIN