Qadder iyo Jacayl. (SHEEKO GAABAN) W\Q: Amina Abdillahi

sh

Qadder iyo Jacayl

Ayeeyo maryan ayaa xannuunsatay, magaaladii aannu degganayn dhakhaatiir fiicani maysan joogin. Xanuunkiina wuu kusii siyaaday, dhawr casho ayaa la baxnaaniyay, balse wax ka soo rayna way yeelan wayday, ilaa ay miyir doorsantay. Carruurteedii waxa ay ku tashadeen in si degdega dhakhtar loogu qaado.

Eedo Canab iyo Adeer Xasan, ayaa loo qorsheeyay inay qaadaan. Annigu ayeeyo waan jeclaa oo iyada isoo korsatay markii hooyaday dhimatay, sidaas darteed majirto meel aann ku hadhaa. go’aan baan gaadhay ah in aann raaco. Arrin kale na wuu ii weheliyay, oo muhiim bay ii ahayd raacista ayeeyo.

Muhanad, oo mudo sanad iyo badha xidhiidh jacayl naga dhexeeyay, hayeeshe aanan weli is arag, taleefoon aannu kawada hadalo mooyaane, laba magaalo oo kala fog ayaannu kala joognay.Si xad-dhaafa ayaannu isu jeclayn. Aragiisa ayaann u hamuun qabay, codkiisa dahabiga iyo haddaladiisa macmaacaan, ayaa qalbigayga deggay, boos wayna ku yeeshay, 24 saacba isagan ka fikira, haasaawe iyo rag kalena uga go’ay, magaciisa ayaann ku hadraa.
Eedaday markaan ku idhi:”waann idin raacayaa, ayeeyo na Wax baan ka qaadaya. way iidiiday oo weliba ii hanjabtay, nama raaci kartid ee gurigiina joog, ayay igu tidhi:” Murankayagii ayuu maqlay adeero, oo wuu na soo kala dhexgalay. Eedo ayuu ku qanciyay in aann raaco. waann farxay markii lay ogolaaday.

Muhanad, na waann u sheegay soo bixitaankayga, isaguna aad ayuu ugu farxay, oo u soo dhoweeyay imaatinkayga. Sidii ayaannu ku soo ambabaxnay. Meeshu waa taraagdheer, habeenkii jidka ayaannu u hoyanay. Galab casar liiqa, oo cadceedu godka siigelayso, ayaannu kaantaroolkii hargaysa soo galay, markiiba waxa i qaaday neecaw qaboow, iyo hawo yar oo naxariisa, hargaysa, weli maan arag, in aann maqlo mooyaane, sida bunka ayay ii haysa, goorma la gaadhidoona ayaann leeyahay. Darawalkii ayaan waydiiyay intay noo jirto hargaysi? intuu sidaa ii eegay,
ayuu qosal ku dhuftay, oo yidhi:” hargaysa wayna kaa iminka galay.

Muhunad, ayaann wacay oo ugu bishaareeyay, in aann magaalada soo galay, waxa uu igu yidhi:” markaad nasato ayaann ku soo garacaya.
Ayeeyo wiil ay eedo u tahay,
Ayaa jamacad ka dhigta magaalada. Qol ayuu noo sii kireeyay, wuu naga hor yimi, gurigiina wuu nageeyay.
Aqalka uu maqsinka nooga kireeyay waa bangalo wayn. Habeenkii iska gataati dhacay oo seexday, subaxdii na ayeeyo ayaann dhakhtarkii gaynay.
Gurigii markaanu ku soo laabanay, ayaann wacay muhanad, cabaar markaanu wada hadalay, xaalada ayeeyo ayuu iga waraystay. Waxa uu iigu bushaareeyay jimcaha in aannu is arki doono.

Inantii shaqaalaha guriga ka ahayd, ayaannu si fiican isu baranay. Ninka ay u shaqayso ee annagana maqsinka naga kireeyay, waa naafo curyaana, labada lugood way go’an yihiin, labada gacmoodna way go’an yihiin, oo wuu gurguuranaya.
Annigu magaalada ma kala garanayo, waxa uu igula balamay huteel. Inantii shaqaalaha ahayd baa ii timi,
oo igu tidhi:” saaxiib suuqan tegaya galabta maad i raaci? Kuma raaci karo ayaann ku idhi:” oo qof baan la balansanahay. Markaasay igu tidhi:” hore u lebiso, gaadhigii curyaanka baxaya, aann sii raacne adigana halkaad rabtay ha ku geeyee.

Baabuurkii ayaann raacnay, xaga hore waxa ku jira ninkii darawalka ahaa iyo curyaankii, labadayadu isma garanayno haddana mid waliba balantii ayuu ku socda si kedisa ayuu igu yidhi:” daaqada iska xidh, markiiba cod dareen leh oo kii muhanad u eeg ayuu igula hadlay, waann yaabay, haddana taleefoon ayaa ku soo dhacay, oo uu ku hadlayaa waaba codkii muhanad. Halkaan kugeynaa buu igu yidhi: huteel obama ayaann ku idhi:” isaga qudhiisi markuu codkaygii maqlay dareen ba galay, haddana hadal kale ayuu dib iigu soo celiyay, xagaad ka timi huuno?
Annigoo codkii badalaya ayaann ku idhi meel xageeya, wuu iga aamusay hadal dambe igumu soo celin.

markaanu huteelkii sida isu hortaagnay, ayaann is idhi:” deg markaasu yidhi:” miyaadan samsam ahayn, inta aann naxay oo isku yaacay, ayaan mar wada idhi:” haa maya, waxa uu igu yidhi:” waad naxday ee is deji, annigu qof caadiya ayaann ahay, kuma cunayo kula mid ayaann ahay. Anigu qofkii aad jeclayd, ee dartii aad halka u soo martay ayaann ahay. codkaygayga horaad u maqashay, maantase aragayga ayaa kugu cusub. Illaahay ayaa ii gartay sidan adiga oo kalaan haa, waann talaabsanayay oo xaragoonayay, gaadhi ayaa illa dhacay, oo sidan ii galay.

intii hore waann kaa qariyay, oo waxba kuuman sheegin, iska kay cafi walaal. Hana iga xumaan, balse waxa aad ogaata in aann si dhaba kuu jecelahay. Intii hore qof shoog qabsaday oo kalaan noqay shib ayaann idhi.

Hadalada markuu igu yidhi:” waxa aann xasuustay illaahay iyo abuurtiisa, adoonkii shalay talaabsanayay, maantana curyaanka ah, waxa aann yaqiinsaday qadarka alle, waann ku cimro qaatay, aduunku inuu ayaamo kooban yahay ayaann ogaa, oo beri ba laga tegaayo, go’aan geesinimo leh ayaann qaatay, ninka lixaadka la’a ee miskiin ka ah guurkiisii waann ogolaaday, waan is garab taagay xaaskiisi ayaann noqday. Awlaad ayuu alle nagu irsaaqay, nolol badhaadhe iyo barwaaqo ah ayuu alle nasiiyay, farxad iyo muxibo ayaannu kuwada noolahay, reer balaadhan oo dad iyo duunyo buuxa ayaanu nahay.
Dhamaad.

SHEEKOOYIN