LA MIDOW NAFTAADA. Qore : Mohamed Musa Sh. Noor

fu

LA MIDOW NAFTAADA.

In naftaada aad ka cafisaa Dambiyo badan oo ay gashay waxay muhiim u tahay la jaan qaadidda Waqtiga Cusub ee aad markaa taagantihiin, hubaal in ay xumaan badan kaa dhacday, hubaal in Ficillo badan oo marka aad dib u miclicsato aan ku farax galin ay kaa dhaceen.

Waxaas oo dhan sababta ay ku dhaceen muhiim maahan, waxaa muhiim ah in aad garwsantahay Waqti xaadirka la joogoo, xoogaa shllayto ah ama muujin aad naftaada u muujinayso in aad ka xuntahay ficilada kaa dhacay.

Xaqiiqda marka laga hadlo Gaf qof uusan ka dhicin ma jiro dunidan, hadana garashada gafka waa mid u gogol xaarta horumarka naftaada, maxaa yeelay, gafka waxaa la doonayaa in uu kuu noqdo Macallin ku bara waxii kaa khaldamay, misana kaa difaaca ama ku tusa in isla qaladkii shalay kaa dhacay aadan dib ugu laaban.

In qalad uu kaa dhaco ma ahan in aan hadda kugu waydiinayo sababta uu kaaga dhacay, kumana oranayo xaguu jiray maankaaga xilliga aad khaladkaas samaynaysay, balse, waxaan ku oran karaa khaladkaas kaa dhacay in uu khalad ahaa ma qirsantahay hadda, garashadiisase ma garawsantahay?

Jawaabta aad i siiso ayey ku xirantahay baa la oran karaa halka aad tiigsanayso, haddii ay ahaan lahayd Waddo Barwaaqo oo caddayn u ah in aadan dib ugu laabanayn waddadii shalay iyo haddii aad isla waddadii shalay ku socotid, taas haddii ay dhacdana hubaal in waddo qarda jeex ah oo xanuun badan ay ku sugayso, sababtana ay tahay garasha la’aantaada.

Hadaba marka aad garato khaladaadka kaa dhacay waxaa kula gudboon marka ugu horeysa in aad naftaada la heshiiso, maadaama labada nolosha shirkada ku ah aad tihiin, marka aan sidaa leeyahay waa laga yaabaa in aad is waydiiso waxa aan ula jeedo naftaada iyo adiga oo macna ahaan ah Jismiga gaystay afcaasha khladan.

Jismiga iyo Nafta waa laba isku baahan, haddii aysan wada jirin midkood ma jiri karo, hubaal in wada jirkooda marka aan aragno aan ugu yeerno Qof, qofnimada la tilmaamayo waa nafta iyo jismiga oo wada jira.

Hadaba waxaa mudan in la xuso in jismiga iyo naftaba mid walba doonistiisa ay gaar u tahay, inkastoo la dhihi karo sida badan waa isku doonis, hadana, waxa aadka u hawada badan ee ku riixa jismiga in uu sameeyo afcaal aan la mahdin waa Nafta.

Sidaa darteed, maadaama laba isku baahan misana wada jira mar walba oo jiritaankiina uu ku xiran yahay in aad wada jirtaan waxaa loo baahan yahay in aad tihiin laba heshiis ku ah in ay sii wada jiraan, isku jahana u jihaysan.

Canaanta uu qofku nafsiyan isku geysto sida badan waa mid ka timaada jismiga iyo nafta oo aan wada jirin, balse, marka ay wada jiraan ma jirayso is canaananasho gaar ku ah midkooda oo nafta marna si gooni ah wax u canaananmayso si lamid ah jismiga.

Waxa kaliya ee markaa laga fahmi karo wada jirkooda ayaa noqonaya in si wada jir ah ay u abaaraan dhib walba oo sii wajaho, si wada jir ahna ay u raadiyaan Xalka dhibaataada markaas ay ka cabanayaan.

Hadaba marka la hubiyo is fahamka labadaas isku baahan waa jismiga iyo naftee, waxaa loo baahan yahay si ay uga guuslaystaan Caqabadaha ka yimaada dhanka nolosha in ay isla gartaan qodobadan hoos ku xusan.

1 in ay iska hilmaaman wixii khalad ahaa ee ka dhex dhacay ayaga oo cidna eedaynayn, xoogana saaraya qaabkii ay horey ugu socon lahaayeen, si ay u gaaraan ahdaafta faraha badan ee waddada noloshooda ku sugaysa.

Khalad marka uu dhaco sababta uu ku dhacay in la is waydiiyaa waa mudantahy, balse, in la is waydiiyaa sida uu ku dhacay ayaa khaldan, haddii ay taa dhacdana hubaal in meeshaas uu ka dhalanayo muran iyo is xag xagsho ka timaada labada dhinac ee ay wax ka dhaxeeyaan, sidaa darteed, intii lagu mashquuli lahaa sida uu khaladku ku dhacay waxaa wanaagsan in lagu mashquulo sababta uu ku dhacay lagana gaashaanto sababtaas in aysan soo laaban mar kale, sidoo kalana laga fakaro qaabkii xalk dhibaatadaas dhacday loo xallin lahaa.

Hadaba, si loo gaaro taas waa in la iska hilmaamaa sida uu khaldku ku dhacay oo aan dib loo milicsan, lagana fakaro in xalka helitaankiisa diiradda la saaro, hadaba qodobka koowaad waxaan kusoo gunaanadayaa in muhiimaddiisa ay tahay in la iska hilmaamo wixii dhacay oo diiradda la saaro waxa taagan markaa.

2 naftaada waa in aad cafisaa waa qodobka labaad, nafta kaliya ulama jeedo waxa la cafinayo ee sida aan soo sheegay waa jismiga iyo nafta oo wada jiraba, nafta waa in ay cafisaa jirka ama jismiga si la mid ah jismiga waa in uu cafiyaa nafta oo uusan ku eedayn damaceeda faraha badan.

Nafta damac ayey ka samaysantahay, sidaa darteed, ma ahan in lagu eedaa damaceeda, jismigana waa xooga ay nafta u baahantahay oo ay u adeegsato ku gaaridda hadafka ama damaca ay markaa tabanayso, hadaba jismigu waa in uusan isku arkin mid si khaldan loo adeegsaday, naftuna waa in aysan jismigu u arkin mid aan iyada la shaqaynayn.

Waa in ugu yaraan is fahamka labadaas hay’adood ee nolosha saldhiga u ah ama jiritaankooda qofnimo ay u midaysan yihiin sidii ay kusii jiri lahaayeen, oo aysan noqon kuwa waaya jiritaankooda, is khilaafidda ay is khilaafeen darteed.

Qofka marka uu isagu midaysan yahay ayuu gaari karaa wax badan oo farax galsho noloshiisa, si riyadaas u rumowdana waxaa in nafta iyo jirkuba u midoobaan gaaridda waxa ay tiigsanayaan oo ah horumar iyo wax farax galshaba.

3 in laga fakaro waqti xaadirka waa qodobkayga ugu dambeeya muhiimadda uu leeyahayna waa in labadooda ay wada gartaan, waqti xaadirka muhiimad gaar ah ayuu mar walba leeyahay, waa midka kallifi kara in barrito oo mustaqbalka ah la shallayo, ama loo riyaaqo waqtigii quruxda badnaa ee la soo qaatay.

Sidoo kale waa midka marqaatiga ka noqon kara maanta waxa barrito aad noqonaysaan, si marka barritadiina ay u noqoto mid wanaagsan oo idin wada farxad galiso, waxaan kaloo in la ogaado mudan muhiimadda ay leedahay in la jeclaado waqti xaadirka waxa uu mudan yahayna la fahmaa.

Inta badan ee noloshu sii jirtaa waa inta badan ee la arko wax badan oo ku farax galsho iyo wax aan ku farax galinba, sidaa darteed, maadaama uu mowduuceena tiigsanayo farxad galinta nafta iyo jismiga oo wada jira waxaa muhiim ah garashada waqtiyada quruxda badan ee waddada kusoo jira.

Hadaba fahamka ay is fahmaan labadaas waa mid gogol xaar u noqdo, wax badan oo macaan badan quruxna badan oo labadaasba ay wada jecel yihiin in ay arkaan ama dhadhanshaan inta jiritaankoodu sii jirayo.

Khatarta ugu wayn ee qofku galo waxay timaadaa marka uu isagu is fahmi waayo, garana waayo waxa uu doonayo iyo waxa uusan doonayn, canaab badana uu u tirshaa mar walba naftiisa, marka ay taas dhacdana qofku wuxu ku guul daraystaa in uu sii jiro, taas oo aakhirka sababta in qofkaas uu noqdo qof nolosha ka dhaco, ugu dambayntana laga yaabo in uuba isla isaga soo gunaanado jiritaankiisa oo uu qudha iska jaro.

Hadaba in aan is fahamnaa inaga iyo nafteena ama inaga iyo jirkeena waa inoo muhiim, in aan taas nafteeda garanaana waa qayb ka mid ah xalka dhibaatada aan baadi goobayno, maxaa yeelay, waxaa la yiri garashada dhibaatada waa qayb ka mid ah helidda xalkeeda, marka aad xalkeeda heshidna waa bilowga guusha.

Qore : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu@gmail.com

SHEEKOOYIN