“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) W/Q : MOHAMED MUSA SH. NOOR

godob iyo garaaw

                                                         “GODOB IYO GARAAW”

                                                          (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybta 3aad

 

Isbaaradan ay ku dhaceen Safarreydan ay Hinda ka midka ahayd ma ahayn middii la filayay, waxay ahayd mid mar soo dhac ah oo Waddada qolo aan la aqoon ay mar qura soo galeen, ayaga oo markaa rakaabkii gaariga saarnaa qaarkooda dhaawaceen ,qaarna dil u gaysteen waa wixii rag ahaa, intii Dumar ahaydna Kufsi kula dhaqaaqay, hooyooyin iyo gabdhaba ayaga oo aan u kala aaba yeelin.

Nasiib darro Hinda waxay ka mid noqotay haweenkii meeshaa lagu kufsaday ee waliba sida naxariis darrada ah loola dhaqmay, waxay kaloo ka mid noqotay dumarka inta noloshooda ka dhiman la noolaan doono Urugada Xanuunka badan ee ay kala kulmeen safarkaas naxadinta badan.

Wixii kugu dhici lahaa way kugu dhacayaan ayey isku Samirsiisay hinda, waxayna go’aansatay in ay iska aamusto oo ay kali ku noqoto dareemidda xanuunkan argagaxa leh ee ku yimid nolosheeda.

Dhibaatada qofka ay ku dhacdo waa u Xanuun, kan gaystana laga yaabee in ay u tahay Farxad ama ficil uu markaa ku qanacsan yahay samayntiisa, balse, dhankaas marka laga soo tago waxaa jira dhan kale oo anaga aanan fahmi Karin Bani aadam ahaan, wax walba oo dhaco waxaa ka dambayso Xikmad rabbaani ah.

Afcaasha qaar ayaa dadka qaar marka ay geystaan u noqota Hanuun iyo ka shallayn ay ka shallaayaan dhibka ay geesteen, sidaa darteed ay ku fakaraan in ay mar dambe dhibkan oo kale aysan geysan, sidii ay ku sixi lahaayeen qaladaadka ka dhacayna dib uga fakaraan.

C/casii waa kufsadaha hinda kufsaday ee ka midka ahaa Mooryaanta waddada u gashay safarrayda ay hinda ka midka ahayd, markii uu falkaas kula kacay dumarka ay ka midka ahayd hindana isla markii wuxuu dareemay in shaqada uu ku jiro ay tahay shaqo aan isaga u cuntamayn, sidaa darteedna uu ku qasban yahay in uu ka towbad keeno una cudur daarto Dumarka uu gafkaas ka galay, maxaysa taraysaa u cudur daarasho uu kula laabto dumarka uu fara xumeeyey ee uu baday xanuun kan ugu xun ee ay qof haween ah la noolaato?

Isaga waxay u ahayd Hanuun uu Alle kasoo hanuushay xumaantii iyo dhibaatayntii uu umadda kula kici jiray, dumarka uu dhibaatayayse waxay u ahayd Murug la noolaasho noloshooda inta ka dhiman ah.

Hinda oo ahayd gabadha uu C/casii fara xumeyey ayaa iyadu u wahel noqotay murugo iyo riyooyin argagax leh, waxay dareemaysay xanuun kaligeed ku qaas ah, waxay Wehel u noqotay riyooyin Cabsi leh, waxay kaloo u saaxiib noqotay Fakar aan dhamaad lahayd iyo Cuqdad Nafsi

Hinda runtii marnaba kuma aysan riyoon in Gabarnimadeeda ay ku bur buri doonto sababta dhacdo waddo ka dhacay, ayna la kulmi doonto Nin aysan ogayn jiritaankiisa in uu dunida ku noolyahay iyo in kale, waqtigana uu la kulansiin doono midka dhaafsiiya gabarnimadeeda waliba ku dhaafsiiya Waddo aan u qalmin una cuntamayn Hinda.

Xaaladaha ayaa qofka baddala, Hinda dhibaato xoog leh ayey kala kulantay kufisagaas Foosha Xun, laga yaabee iyada in ay u ahayd dunideeda oo qarribantay waana Run waaba u ahayd, oo qof walba xanuunka haya ayaa wax walba uga daran, qof walbana dareenkiisa ayuu leeyahay.

C/casiis oo ninka kufsaday gabadhaas quruxda badan ee u khidmaynaysay walaalaheeda Agoonta ah, nolosheeda oo dhanna u huraysay sida agoontaas aabaheed ka tagay ay ugu buuxin lahayd booskii uu aabahood baneeyayay ayaa waxay u ahayd ficilkaas uu sameeyay Ficil sabab u noqday in uu soo hanuuno oo uu ka towbad keeno wax walba oo uu sameyay oo xumaan ahayd.

C/casiis oo ka sheekeenaya markii uu ka dul kacay labada lugood ee Hinda dhexdeeda sida uu dareenkiisa isku baddalay ayaaa wuxuu yiri “Runtii haddii aan wax ka baddali lahaa xaaladda gabadhaas aan markaas ku sameeyay waan ka baddali lahaa, balse xaaladda aan ku jiray oo iga tan badisay awgeed ayaan iskaga dhaqaaqay, oo maalintaas wixii aan ka dhacnay rakaabkaas ay Hinda ka mid ahayd qayb kama qaadan.

Waxaa i fuulay rabuus aad u daran, khandho aan dhamaad lahayn ayuu la dubaaxinayay jirkayga oo dhan, indhahayga Illin ayaa ka qubanaysay, Dadka markaa iga ag dhawaa waa ay garanayeen in xaalkaygu uusan wanaagsanayn, balse xumaanta la igu yaqiin darteed ma jirin qof ii naxo xitaa Waalidkey iyo Walaalahay.

Waaba sidaas, waa kuma qofka iimaanka ku dambeeyo ee u naxaya qof umadda dhibaateen jiray, xitaa laga yaabo dhibka uu umadda dhibaateeyo in uusan ku ekayn umadda oo kaliya, bal uu dhibaatooyin dhinacyo kala gaddisan ah u gaysto dadkiisa ama qoyskiisa, ileen waa xumaan falee.

C/ casiis isaga oo sii wata sheekadiisa ayuu wuxuu yiri, uma malaynayo culayska iyo Ciqaabta nafsaaniga ah ee aan dareemay in ay jirto Cid ila dareentay, haddii ay noqon lahaayeen qoyskayga iyo asxaabta aan falka isla geesanayba.

Wixii maalintaa ka dambeeyay wuxuu bilaabay in uu ka fakaro sida uu noloshiisa u baddali lahaa uguna baddali lahaa dhanka wanaagsan, isaga oo waliba markaa ku riyoonayey in uu godobta uu ka galay dumarkaas qaasatan gabadhaas hinda ah uu gudo maalin ay noqotaba.

La soco qaybta 4aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN