NINKAYGA WALI LAMA HAYO! by Mohamed Musa Sh. Noor

ninkayga lama hayo

                                              NINKAYGA WALI LAMA HAYO!

                                                   (Sheeko Tiiraanyo leh )

Waxaanu ahayn lamaane aad isku jecel oo noloshooda kasoo bilaabay dhanka Iskuulka, waligeen waanu iska wacnayn, dhibaato Alle nama gaarsiin, waanu is jeclayn, wax walbana waanu wada qaybsan jirnay, waanu is caawin jirnay oo ninkayga xitaa iguma fiirsan jirin shaqada Guriga marka aan hayo.

Wuxuu Alle nagu mannaystay Caruur laba Wiil ah, waxaa dhacay dagaaladii sokeeye ee Suuriya, dhabtii wax walba waanu lahayn, waana wada faraxsanayn, Nimco Eebe ayaan kuwada jirnay Dagaalada ka hor, musiibadeena waxay bilaabatay markii uu Madfac ku habsaday iskuulkii caruurtayada ay dhiganayeen.

Waxaa meeshaas ku qur baxay labadeeni wiil, runtii niyaddayada aad ayay u kacday, wax badan oo Xanuun ah waanu dareenay, oo Khibrad uma lahayn xanuunada nuucan oo kale ah, sidii anaga oo ku jirna una samrayno dhibaatada dalkeena ka socota ayuu Alle inagu mannaystay Caruur kale oo Caloosha ku jirta.

Xaqiiqdii aniga ayey ahayd midda ka codsatay ninkeeda in uu meeshaan ka wado oo dhankaa iyo Turkiga ina gaeeyo, wuxuu isku dayey dhowr jeer in uu i maaweeliyo, balse waxaa ka tan batay calaacalkayga iyo Cararka aan dalbanayo maalin walba.

Aad ayuu ii jeclaa wax walbana wuxuu u suubinayay jacaylka uu ii qabo, Qalbi ahaan isaga kuma qanacsanayn in aan ka dhaqaajino Waddanka aan u dhalanay, wuu necbaa in uu qaxooti noqdo, balse Culays xagayga ka yimid dartii ayuu wax walba u sameeyay.

Turkiga si nabad ah ayaan ku tagnay, waxaa dhacday in aan meel shaqo ka wada billowno oo maalintii aanu wada shaqayno ilaa 15 saacadood, taas oo sababtay in ay ilmaha iga soo dilmaan, Alle mahaddii isla markiiba kuwa kale ayaa Caloosha ii galay.

Markan waxaa la yiri waa Mataano, Farxad aan faraxnay darteed waxaanu goosanay in aan ku baxno Lacag yar oo aanu ka aruurinay halka aan ka shaqeynaynay, isla aniga ayay hadana ahayd qofka dalbanaya in safarkaas qatarta badan la galo.

Waxay iga ahayd uun maadaama uu Alle labadii kaa dhimatay laba kale kuugu baddalay in labadan noloshooda aan hagaajino oo Waddan ka nolol fiican Turkiga aan aadno, waa xagee? Waa halka waaydan Badaha la iskugu shubo.

Waxaan meelaha xuuraansadaba waxaan soo helnay Muqalas Doon baxaysa haya, doonta waxaanu ku saarnay 152 qof, looguma tala galin runtii oo waa doon loogu tala galay oo kaliya 25 Qof, inagana inta aanu nahay waad dareemi kartaan.

Muuqaalka Doonta iyo Dadka saaranba waa muuqaal cabsi leh, qof walba in uu dago ma rabo, hadana doonta in ay khatar tahay waanu ka wada simannahay, waxey qaarken goosteen in ay ka dagaan doontan, balse, muqalaskii ayaa yiri qofkii dago lacagtiisa celis ma lahan, ee haddaba ayaan la isku dagin.

Duruuf ina hayso darteed ayaan ugu harnay doontaas, waansa ogayn in doontan ay ahayd mid khatar badan oo dhibkeeda leh, balse, xagee loo laabtaa maxaansa haysana oo ku laabanaa? waxaanu soo gadnay wax walba oo aanu lahayn, waanu isi soo xaalufinay, wax aan isku reebnay ma jirto.

Ninkayga ayaa igu yiri waa halkii aan ku gaari lahayn hadafkeena ama aan ku shiidi lahayn, micnaha aan ku naf bixi lahayn, ee iimaanka inta dhuuqsatid Tawakalka badi, wax uu Alle noo qoro ma ahee wax kale ma dhacayaan.

Warka ninkayga ayaan ku dhagay oo sidaas u qaatay, sida doonta ay u socotay ayey hal mar ku dhacday Dhagax kaas oo dhaawac halis ah u geystay Doonta, waanu wada naxnay, bals, naaquudihii doonta oo na dajiynaya kana baqaya in aan is buurano ayaa niyadda noogu dhisay in dhib uusan jirin aana is dajino.

Doonta waa laba Dabaq, dabaqa hoose ayaanu saaranahay inaga, qolo kalana waa inaga sarraysaa, xoogaa markii la socday ayaa hadana dhagax kale ku dhacnay, misana sidii oo kale ayuu inoo dajiyay naaquudihii, balse xaalka sidii oo kale ma ahan markaan, oo waa ka duwan yahay.

Waxaa bilowday in ay Biyo soo galaan Doonta, waxaanu la xarbinaba in doonta aysan moosmin markii dambe waxaa dhacday in biyihii maaro loo waayo oo dadka sida loo bad baadin karo loo bad baadsho.

Naaquudaha wuu dadaalay runtii, wuxuu isku dayey in uu Doonta ku aaddiyo Xeebta ugu dhow xeebaha Giriiga , dadaal dheer kadib waxaa inoo muuqday Barriga, Raja badan ma aanu wada lahayn, balse markii aan aragnay Barriga ayaa raja ina wada gashay.

Dhamaanteen waanu wada faraxnay, balse doonta ma ahan mid marka ina gaarsiin karta barriga, waa in la dabaashaa ugu yaraan 3kiilo mitir meel u jirta barriga si loo bad baado, intii is bad baadin karta waa ay is bad baadsheen.

Ninkayga aniga ayuu aad iiga wal walayey oo waxaa u muuqday naftayda maba ahayn mid tiisa ay dhib ku hayso, wuxuu ahaa dabaal yaqaan aad u fiican, waxaa si lama filaan ah usii quuseysay doontii, isagiina isla markiiba Canjirkii lagu dabaalanayay ayuu ii dhiibay markaasuu igu yiri “gacaliso, macaan dabaalo oo inoo bad baadi ilmaha aan dhalan” sidii ayaan ku dabaashay waxaan isku dayey dhowr jeer in aan usoo laabto, balse wuu i eryayey mar walba, maxaa yeelay wuxu bad baadinayay hooyo iyo laba caruur ah oo ay sidatay.

Markuu meel fiican geeyay hooyadii iyo caruurtii ayuu iisoo dhawaaday isaga oo dabaalanaya wuxuu igu yiri “GACALISO macaan ma dabaalan karo waan daalay, Garbaha ma nuuxin karo, waxaan isku dayayaa in aan xoogaa dabaal duud ku nasto ee sii dhaqaaji.

Dadka oo badnaa iyo Mugdiga habeenkii oo aad inoo hayey ayaanu kala lunay, markii nala soo bad baadshay oo waagii bareyey ayaan gartay in uu ninkayga ku jirin kuwii xalay lasoo bad baadshay, waxaan goostay in aan kasoo eego Goob dad Mayd ah la iskugu geeyay oo ahaa dadkii ay u suura gali wayday in ay dabaashaan.

Nasiib darro waxaan ka helay Maydka ninkayga, runtii qarracan iima dhinayn, waxaan is tusinayay in aan ahay Qofka ka mas’uulka ah dhibkan oo dhan, ninkayga ma jeclayn in uu dadkiisa iyo dalkiisa kasoo baxo, balse aniga ayaa ku qasbay.

Hadana waxaan nasiib u yeeshay in ilmo Agoon ah oo Mataano ah aan Dal aan dalkyaga ahayn ku dhex hayo, nasiibna aysan u yeelan ilmahaas in ay arkaan aabahood, balse wax walba waa Alle mahaddi, waana in aan ku qancaa Qaddarta Eebe, maadaama ay ahayd wax uu Alle qoray.

Magacayga waa Rima oo u dhalatay Siiriya, wali waxaan leeyahay uurkii Mataanaha ahaa, waan soo eegay nasiib wanaag waxaan sidaa laba Wiil oo Mataana ah, waxaan rajeynayaa in uu Alle iga cafiyo ku riixidda ninkayga aan ku riixay wax uusan jeclayn, mar walbana Alle waxaan dambi dhaaf uga tuugaa ninkayga qaaliga ah iyo in Jannadiisa ku arzaaqo.

Waxaan ahay hooyo cidlaysan oo aan lahayn Cid ay waheshato, haddiyadda Rabi iigu yabooyahay ayaan weheshadaa, su’aasha aan mar walba is waydiiyase waxay tahay maxaan ugu jawaabi doonaa maalinta ay wiilashan i waydiiyaan sababta uu aabahood u dhintay, iyo sida uu u dhintay.

Tarjumdaa iyo qoriiddaba waxaa iska leh Mohamed Musa Sh.Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu@gmail.com

SHEEKOOYIN