Maansada Danguud W/C: Hodan Sheekh Cumar

Maansad Danguud.quotescover-JPG-29

Maansadan  waa maanso si guud uga hadlaysa,  hantaaqada iyo hantaaruda ku dhacday bulshada Soomaaliyeed,  waa dardaaran iyo baraarujin ku aadan sida  ay  uga kici lahaayeen habaaska,  Hal abuurka waa xil oogadiisa saaran inuu  farriin iyo baaq u diro  maalin walba iyo madal walba  bulshadiisa,  anigoo halkaa ka duulaya  ayaan waxaan curiyey  Maansadan  la yidhaahdo  Danguud oo aad  waxay xambaarsantahay gudaheeda ka heli doonto, Bogasho wacan:

 

  • Markaan foolka duubtoo
  • Dulka xiro afkana dado
  • Indhahana dabooshoon
  • Duduubu xaashida
  • Qalinkana dulsaaree
  • Aan daayo suugaan
  • Een dayo dadkaygiyo
  • Dunjogeeda Soomaal
  • Daldaloollo gaariyo
  • Dayaceeda fiirshaa
  • Ilmo daanka qoysaa
  • Illeyn waa dirkeygee
  • Qalbigeey dikaamoo
  • Damqashada dareemoo
  • Jirkey wada dubaaxsha.
  • In kastoo dadkeygoow
  • Maqalkiiba daarsamay
  • Hawraarta deel iyo
  • Wacdi laga ma daaloo
  • Afku hadal ma daayee
  • Eeggadan digniin iyo
  • Inyaroo dardaarana
  • Doogtoo bal daalaca.
  • Dar waxaa la wada cabi
  • Dowligana loo ridi
  • Duunyana ka wabaxdaa
  • Geel laga dareershaa.
  • Dhaqatada dagaashiyo
  • Kolka laba is diiddani
  • Isu soo durkaanoo
  • Danta wada gorfeysee
  • Mid intuu dibnaha furo
  • Doodsiiyo kii kale
  • Is ku downa qaadaan
  • Dabadeed heshiiyaan.
  • Waxaa darar la maalaa
  • Dambar dhiil ku shubataa
  • Doog iyo cagaar iyo
  • Dhalatada la daaqaa
  • Doogataa xareeddana
  • Miro dihanna gurataa
  • Dhallinyaradu duuftaa
  • Wilisiqo u doolaan
  • Durbaannada garaacaan
  • Gaafkana diryaanshaan
  • Dhaantada daneeyaan
  • Haasaawe doontaan.
  • Marka ay daruuruhu
  • Cirka wada dedaanee
  • Sii daayso saymee
  • Dirir ceelka geeyiyo
  • Xayskuba da’aanee
  • Mirtu ay daroortee
  • Ku dartee bariisadu
  • Onkadkuna diryaamee
  • Hillaacuna ka daba dhaco
  • Balliyada dabaashiyo
  • Daad keeno waadigu.
  • Wuxuu qoysku daahaa
  • Dhidibbadana duugtaa
  • Lammaanuhu dakeeyaan
  • Dahab noloshu noqotaa
  • Ubad diin leh beermaa
  • Ku hirtaan dadwaynuhu
  • Dariskuna jeclaadaa.
  • Marka laba dabeec lihi
  • Danta reerka fiirshaan
  • Dib gadaale eegaan
  • Ayadoon la ka la didin
  • Mid hadduu dareen qabo
  • Dajiyaa midkii kale.
  • Dubaaqda iyo xeeshay
  • Dooda iyo hadalkay
  • Dareen iyo oraahdey
  • Dulucdooda weeraha
  • Sarbeebtaan dabooliyo
  • Deelleeyda sogordahan
  • Waxaan uga danleeyahay
  • Indheer garadku daalacay
  • Maangaabna doociyo
  • Kama laha dan sheekada
  • U jeeddadu ma deeqine
  • Gunta aan u daadago
  • Dusha xuubka yaalliyo
  • Uga qaado diirkaba
  • Ha durduurta miiddee.
  • Waxay Dowlad dhalataa
  • Dalna uu hagaagaa
  • Dadna uu midoobaa
  • Daqarradu biskoodaan
  • Dadku wada sinnaadan
  • Duruufuhu idlaadaan
  • Digashadu dhammaataa
  • Dakanadu istaagtaa
  • Qabyaaladi durugtaa
  • Is faquuq la duugaa
  • Sadbursiga la diidaa
  • Darbi jiif waxyeeshaa
  • Naafadu daryeel iyo
  • Dawo loo heloodaa
  • Hooyada dabiib iyo
  • Kalgacayl dareentaa
  • Ubadkanu duruustiyo
  • Doonashada tacliintiyo
  • Dugsiyada la geeyaa
  • Dihniyaan wax barashada
  • Dariiqyadu dhisnaadaan
  • Daaruhu wacnaadaan
  • Danta guud hal noqotaa.
  • Marka dawlad qaanuun
  • Xeer iyo dastuurkeed
  • Dadku wada daneeyaan
  • Marka diinta lagu dhaqo
  • Daris iyo xigaaleen
  • Magaceeda lagu dumin!
  • Marka darajo ay tahay
  • Dallacaadda yaa mudan?
  • Anna deelka maansada
  • Waxaan dood ku soo xiray
  • Aan sinnaanta doonnee
  • Marka hore isdarajayn
  • Dahnigoo midoobiyo
  • Danta wadajirkeediyo
  • Isku duubni lagu wado.

 

Dhammaad.

 

W/C:  Hodan Sheekh Cumar

SHEEKOOYIN