“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) W/Q : MOHAMED MUSA SH. NOOR

godob iyo garaaw

                                                         “GODOB IYO GARAAW”

                                                          (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybta 4aad

 

Qorshooyin badan oo ku aaddan sidii uga dhex bixi lahaa Nolosha uu markaa ku jiray ayuu Miiska saartay, dhowr qofood oo qaraabadiisa ahna wuu la tashaday, qofba waxbey kula talineeysay, ileen waa Nin buka Boqol u talisay howshiisee.

Wuxuu yiri “waxaan goostay in aan ka haajiro meeshaas aan ku noolaa, waxaana usoo haajiray xagaa iyo Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaa dhacday in isla markiiba aan ku leexday meel Masjid ah oo aan bilaabay Towbad keen aan Alle u towbad keenayo, ugana towbad keenayo wixii Dambi ahaa ee iga dhacay.

Ma jirin Waddo kale oo ii furan oo aan ku heli karay Nabadgalyo laabtayda dagta, mar walb waxaan ahaa Dambiile dareensan waxa uu gaystay saamaynta ay leeyihiin, hadana aan waxba ka qaban Karin, waxaan dambi ka galay naftayda, Kuma sii ekaanee waxaan dambi kale usii geystay Addoomada Alle.

Noloshayda oo dhan ayaa is baddashay, Dhibka aan u gaystay Hinda ma ahayn oo kaliya mid nafteeda saamayn ku yeeshay, ee wuxuu ahaa mid aniga Nafsad ahaan aad ii baddalay, igana dhigay runtii qofka aan maanta doonayo in aan noqdo, balse aan wali noqon.

Waxaan bilaabay in aan Saladda tukado, waxaan wax ka baran jiray Masjid ka mid Masaajiddada Magaalada, wuxuu Alle ii sahlay in aan barto Kitaabo badan oo Diinta ah, sida Axaaddiista, Axkaamta, iyo Fiqiga.

In aan Alle u towbad keeno ujeeddada aan ka lahaay ma ahayn oo kaliya in la iga saamaxo dambiga aan galay, ee sidoo kale waxaan ku raadinayay ama ku doonayay in aan naftayda ku hagaajiyo, si inta yar ee aan Dunida ku noolahay aan u helo Daganaan qalbi iyo Sharaf ku noolaashada aan u qalmo ee aan Xaqa u leeyahay.

Waxaan dhihi karaa Mugdi aan ku jiray ayuu Alle iga soo baxshay, Iftiin ayuuna Alle ii ifiyay, sida runta ahna noloshii cariirga ahayd Alle wuuu iga baxshay, Irsaaqaddii la igu dhibi jiray ee igu kallifi jirtay in aan wax dhaco Alle wuu ii fududeeyay.

Shalay haddaan ahaa ninka loogu necbaa deegaanka uu ka dhashay ee umaddiisa ay dhibsadeem, maanta waxaan helay Umad kale oo i jecel, Alle wuxuu iigu baddalay umaddii aan ka dhashay Umad kale oo aanan ka dhalan balse iiga fiican, aadna ii jecel, ayuu kusoo gunaanaday ka sheekaynta gaaban ee naftiisa inooga sheekeynayey”

Dambi marka uu kaa dhaco waa in aad ka qoomamaysaa oo aadan mar dambe u laaban, sidoo kale waxaa wanaagsan in Goobta uu dambigaas kaaga dhacay aad ka hijrootaa haddiiba ay tahay goob dadka dagan ay kugu dhibsadeen ama ay kugu naceen.

Marka aad tahay Nolol doon, hadana aad sii doonayso in aad dib u hagaajin ku samayso naftaada, ma ahan meesha aad dhibka ka geysatay meel aad kusii nagaan karto, maxaa yeelay, ma jirto qof kugu caawinaya in aad dib isku hagaajiso, xitaa haddii aad si nafsiyan ah aad isugu daydo, waxaa mar walba saamayn kugu yeesho, Dareenka muuqaaleed ee ay bulshadaas kuu muujiso kaas oo ah mid aan ku caawinayn.

Sidaa darteed C/casiis wada tashi badan oo uu sameeyay iyo fakar uu isaga si shaqsi ah u qaatayba waxay dhasahay in uu soo hijroodo, si ugu yaraan ay u kala nastaan dadkii uu dhibka markaa ku hayay iyo isaga, jaanisna ugu helo in uu dib isku hagaajiyo.

C/ casiis isagu mar walba hammigiisa waxaa ku jiray in uu mar uun la kulmo Gabadha uu sida Arxan darrada ah u halakeeyay Beerkeeda iyo Qalibigeeda, nafsiyanna dhaawac maskaxeed u geestay, balse marnaba isma lahayn waxay ku nooshahay magaalada uu markan usoo haajiray ee uu nolosha fiican ka helay, dadkeedana ay aadka isaga u jecelyihiin, balse, wuxuusan ogayn in dadka uu leeyahay aad ayay ii jecel yihiin oo waa iiga fiican yihin dadka aan ka dhashay in ay ka mid tahay Gabadha uu sidaa nolosheeda u baddalay.

Magaalada Marka runtii aad ayey u caawisay C/casiis, oo waxay u rumaysay riyadiisii ahayd in uu is baddalo, waliba dhanka wanaagsan uu isku baddalo, waa runtiis marka uu leeyahay magaalada iyo dadkeedaba waa ay jecelyihin isaguna wuu jecel yahay.

Wuxuu magaalada yimid isaga oo aan la aqoon waxa uu yahay iyo waxa uu soo qasayba, wanaag ayuu ku bilowday isbarashada Dadka magaalada iyo C/casiis, walina wanaagii lagu yaqiin ayuu ku sugan yahay, Masjidka ayaa lagu hor arkay, ilaa walina Masjidka ayuu ku jiraa.

Marka in dadku jeclaadaan isaguna uu jeclaado ayaga waxaa sababay ayaa la dhihi karaa, waxaa kala bad baaday afcaashooda Xun Xun, waxaana isku soo aaday afcaashooda wanaagsan, dadka inta badan ee ay Wanaag kuwada noolaadaan waa inta badan ay isi sii jeclaadaan.

Wuxuusan ogayn C/casiis in magaaladan ay ku nooshahay qofka uu sida xun saamaynta ugu yeeshay nolosheeda, dadka uu leeyahay waa i jecelyihinna ay ka midka tahay,  waasa runtiis oo waa Bani aadama aan garan Karin waxa ka aasan ee uusan markaa muuqaalkooda arki Karin, wuxuu wax ku cabbiray dareenkiisa iyo aragtidiisa markaas jirtay.

Hinda tan iyo maalintii ay dhibaatada ku dhacday waxay ahayd mid kula noolayd dhibkaas nafteeda oo kaliya, haddii ay sheegtana waxay ka cabsatay in dhibku kusii siyaado, in dhibka aad iskala aamusto ayaa kumanaan jeer ka wanaagsan, marba haddii aadan heli Karin caawinaadda aad u baahantahay.

La soco qaybta 5aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN