Ha murugoone; mayal adayg! W/Q: Bashiir M. Xersi

images

Ha murugoone; mayal adayg!

 

Bulsho naga dilan, nagana liidata ma filayo, in ay ifka dulsaaran tahay. Qaylo u joog iyo waxaan nahay wada war waa wareey!

Ka ma arrinsanno, ka mana tashanno inta aan wax dhicin ka hor; abaar, cudurro, daadad, dhimasho iyo qarrarro kale, oo dadka magag iyo ku reeba murugooyin.

Abaari haddii ay dhacdo, waa qaylodhaan. Macalluul iyo gaajo sidoo kale. Fatahaad iyo daadad ha ka reebin.

Dorraad waxay eheed; biyo la’aan iyo abaaro Eebbe ayaa keenay ka sokow, ma aragtay maamullo ka tashanaya, sidii loo maarayn lahaa, oo looga gaashaaman lahaa, haddiiba aan la dhammayn karin?

Waxaad sugtaa maalmahanna, marka wabigu buux dhaafo, oo dhawaan biya keenay, ee uu fatahaad iyo daadad sameeyo, in sidii gaajada iyo abaaraha looga qaylodhaansaday, haddana, looga qaylodhaansan doono. Iga ma ahan digasho, ee waa sida xaalku ahaa, teer iyo waagii aan garaadsaday, ka horna waa la sii sheegayey. Magag!

Hadda waxay maraysaa, dhallin baa badda ku dhimatay! Inta dhimatay, iyaga oo dedaal ugu jira wax ka badalka aayahooda, waxaa laga dhigay dhallin Kacbadii gubtay oo kale ama galay gef aan laga garaabi karin, oo dadkii oo dhan ayaa wada haaraamaya!

Ugu horrayn; anigu marna ma oggolaan karo, in falka dhallintaa laga dhigo; wax ka weyn ama ka xun kuwo maalin walba dalka ka dhaca, ee aan looga hadal sida dhallinta badda ku dhimata looga hadlo.

Noloshu waa hayaan iyo halgan, wax ku ma leh fudeyd, marka haddii talo noqotay bad marid, si wax loo badalo, maxaa ku jaban?

Hadduu dalkii joogo, maxaa u cayman lahaa? Saw ma ahan mar walba geeri suge? Horta ma geeri ayaa la dhaafayaa, may, horta, geeri ma qof ay dhaafayso ayaa jira? Ma jiraa qof og, meel, madal iyo milil uu dhimanayo?

Hadduu bad ku dhinto, hadduu qarax ku dhinto, hadduu wadnuhu istaago iyo hadduu is ka dhinto; mar walba waa dhintay, ee magacyada iyo meenaha ayaa ka la duwan!

 

“Baddu waa masiiba iyo khayr meel ku wada yaale

Hadba tii Alle u muujiyaa laga malaystaaye

Imisaa malaayiin ku maqan rag iyo maalkooda

Meeqeysa mowjadi cuntoo lagu masiibeeyay

Imisaa miskiin iyo faqiir Moowle ka irsaaqay

Jundi malabsanaayoo naflaha lagu dul meegaaray

Oo soo madoow inay tahaan maanka ku hayaaye

Mar uu Eebbahay nagu masixi anigu ma aqaanno

Ilaahayse mahad baan u qiray kuman malaayiina!”

 

Abwaan Abshir Nuur Faarax “Bacadle” AUN

 

Wali ma aragtay, dad is weydiinaya dhallintii ku dhimatay dagaalladii dalka ka dhacay, haba ugu darraadeen kuwii janno doonka iyo jihaadkee?!

Wali ma la is weydiiyey; yaa badan dhallinta ku dhimatay badda iyo dhallinta ku dhimatay dagaalladii sida; DAYNUUNAY oo kale? Haa kuwaasi waas SHAHIIDEEN! WEGER!

Haddii uu dalka sii joogo, oo uu hawl raadin iyo galo is habayn, waxaa hortaal hayb, land iyo state, oo haddii uusan ku hiran, uusan helayn, halkaana hankiisii iyo ku go’ay hammigiisii!

Waligeen ayaan is ku murjinnaa; tagto aannaan taag u hayn tiriddeed, wiilal iyo gabdho dhintay, la ma soo celin karo, ee marna ma la is ku hawli karaa, sidii wax looga qaban lahaa keenayaasha socodka dhallinta, inta iin, eed iyo eel loo yeeli lahaa go’aankooda iyo guddoonkooda?!

Ma ka hadashaa musuqa madaxda iyo maalka ay is daba marshaan? Ma ka hadahsaa Malaayiinta lagu baxsho laaluushka iyo lunsashada hantida naga dhaxaysa?!

Ma ogtahay, in doorashadani noqon doonto; doorashadii dollarka, oo qof aan laaluush bixin, uusan xildhaan noqon doonin?.

Ma ogtahay, in haddadan la joogo, uu halkii Xildhibaan suuqa sayladda beelaha, ee ka la iibsiga xildhibaanka uu marayo boqol kun oo dollar?!

Wixii iigu yaabka badnaa, ee aan shalay iyo maanta aqriyey, waxaa ka mida; dad ku doodaya, in dhallintaa badaha ku dhibtay ay DOQONNO yihiin, intaa la ma yaabeen, ee is la sadarka xiga ayey duco iyo u daba dhigeen tuugmo naxariis!

Sidee ugu dhiirran kartaa, marxuum aan gef kuu gaysan, qalad kaa gelin, in aad ku tilmaamto DOQON? Haddiiba uu sida aad adigu u aragto yahay DOQON, ma duco ayuu kaa mudan yahay? Ka muhimsane, qofka aan sidaada oo kale aan go’aan u qaadan, haddii uu DOQON yahay, alla ifka dhami saw wada DOQONNO ma ahan, saa inta kaa duwan ayaa ciidda ka badane?!

 

“Waxaad ceebta u taqaan

Nin bay camalkiisa tahay!”

 

Haddii baroorto RUN naga tahay, oo aanan anigu filayn, wali ma aragtay, dhallintaa oo maamuus qaran iyo loo samaynayo aas u qalma? Xasuuso, dhammaadkii 2013 markii ay badda ku dhinteen in ka badan 300 oo Soomaali ku jirtay, dawladda Talyaanigu dad walba, waxay u samaysay aas qarameed calammada dalalkooda lagu maamuusay.

Tan kale dadka aadka uga hadlay, waxaa ka mida inteenna galbeedka joogta, oo aan wada ogsoon nahay hababka aan ku nimid ama aan ku joogno.

Qof is la badda soo maray, oo ayaanku u hiillay, hadda silac iyo saxanxo mid ku nool.

Qof is xambaar iyo ku yimid lacag badan oo uu baxshay. Qof walaashii ama hooyadii u dacwootay, oo ay ku keeneen; NINKEYGA! Qof xaasnimo lagu keenay, oo layn gatay. Qof xaasnimadii lagu keenay, maanta aan xitaa xasuus ka hayn, is ka daa xero iyo xarig xoolee! Qof magaciisa, abtirkiisa iyo qabilkiisa wax aan ahayn ku jooga.

Dadka tilmaamaha caynkaa ah wata, i la ma ahan, in madashan oo kale hadal dhaliil uga furan yahay, ee inta aadan ceebayn, is ceebso!

 

“Dhimashadu xaq waayoo

Dhafakaarba ma lehee

Ha dhaliilin dhallinyaro

Dhalandhool u soo galay

Dhabbo dheer u soo maray

In ay dhulal shisheeyiyo

Dalal kale u dhoofaan

Say aayo dhigan iyo

U yeeshaan dhaqaaliyo

Dhaxal iyo ayaan wacan!

Dhibka jira dhimaalkiyo

Dhismo dawlo iyo qaran

May helin dhitiyo keyd

Ama dheef u gaariyo

Dhaqashiyo hab maamuus.

Dhacdhac iyo mushaar iyo

Dhereg iyo ma haystaan

Deeq dhuuni ugu filan!

Dhaldhalaal galbeed iyo

Dheehyaalo aan jirin

War soo baxa u dheer tahay

Iyo soo dhawaaadoo

Halkan baa dhadhamo wacan

Ay dhahaan xigaaliyo

Kuwii ay dhareer iyo

Wadaageen dhigmaalaha!”

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN