Shaqo ha lagu siiyee qoladaada sheeg?! Dhacdo xanuun leh W/Q: Maxamed Mukhtaar “ Fuaad Yare”

 

 

13010877_249206238764779_7657921336758235244_n

Shaqo halagu siiyee  qoladaada sheeg?

Waqtiga inta ugu badan waxaan noqdaa kali aan cidna la joogin, si aan u fikiro anigoo maanka ku haya daruufta gaar ahaaned ee nafteyda hareereysay iyo weliba mida guud ee dalkeyga markaan leeyahay daruuf ma aha mid iiga timid qoyskayga ee waa mid aniga dhallinyaro ahaan i heysata waxan u fikiraayaa ayaa ah in aan xal u helo maadaama ay daruuftu aniga iquseyso..Lix iyo toban gu(16) ayaan ku jiray dedaal badan, waalidkii i dhalayna waxay tamar iyo taag hayeen anigey igu beeleen, dhib badana usoo mareen lix iyo tobankaas gu’ inaan noqdo nin u diyaarsan maareynta nolol duruuf la’aan ah. Dedaalkii waalidkeyga muu hungoobin waxa uu noqday mid lagu guuuleysto maxaa yeelay waxaan noqdey nin guta xilkii la saaray ee aan hungeyn filashadii waalidkiis.

Dhexda ayaan u xidhay inaan waalidkey aan ka ilaaliyo maalin uun inaysan illin aniga xageyga ah ka imaanin, markan dhameeyey billowgii 16ka gu’ waxaan ula jeeda lix iyo tobanka gu’ waa Sideed (8)dugsiga dhexe/hoose iyo dugsiga sare oo Afar ah ilaa jaamacad oo Afar ah wadartoodu waa 16 gu’ oo lagu abuurayo laguna abqaalayo xubinta ugu muhiimsan aadamaha waa MASKAXDA.Billowgii nolosheyda waxaa gacanta ku hayey waalidkeyga ilaa haatana layma oran suuqa gal ee waxan ahay weli qof rajo la tusinaayo laakiin ma aha quruxda aan anigu arko inay tahay mid billow iyo dhamaad lay maamulo, waloow ay waalidki yihiin haddana waxaa farxad ii ahaan laheyd inaan maalin uun arko anigoo hantiyey maamulka guud ee nolosheyda .

Dugsiyada hoose/dhex ma aysan aheyn mid ay rajooyin badani ka buuxaan inkastoo aan yaraa lakiin waxaan isku waday “iskuulka” iyo barashada kalaamka Allah oo ah Quraanka. Quraanku waa waxa kaliya ee waalidkeyga igu soo tababareen si aan bari adduunka ka dib ugu badbaado anigana meel weyn ayaan nafteyda kaga xidhay.Markaan kujiray hayaanka dugsiga sare waxaan arki jiray rajo ka weyn midaan arki jiray tan dugsiyada hoose/dhexe waxaan ismooda inaan ahay qof ku socda waddooyin waxtar badan maadama aan ahay arday dugsiga sare dhigta, waxaan ahaa qof maalinba maalinta ka sii dambeysa nolosha ku sii kibra waxaan ula jeeda nolosha wax badan kasii barta si aan ugu dhibaatoonin hayaanka xiga ee jaamacadda.

Waxaan asxaabteyda la qaadan jiray waqti in badan looga hadlo nolosha iyo hayaankeeda dambe marwalba asxaabteyda waxay igu oran jireen odhaahyo aan weli ilaawin “Waxa tahay qof da’yar ha isku wareerin nolosha dambe” hadalka asxaabteyda waa laga yaabaa inuu wanaagsana laakiin aniga ilama uusan fiicneen mana uusan aheyn hadalka aan anigu ka doonaayey inay igu dhiirigaliyaan, laakiin horrey ayaan idinkugu xusay nafteydu quus ma taqaano. Sidaa darteed hadalkaasi hoos iima uusan dhigi jirin oo horey ayanba uga sii socon jiray .Waxaan leeyahay qaab qurux badan oo aan anigu u sawirtay nolosha waxayna la mid tahay daarta dunida ugu dheer oo la gudhisay mudo gaaban. Riyada aan kujiro xili walba ayaa ah mid aan marwalba ku dhiso daar aad udheer oo rajo ka buuxdo. Riyadeydu ma aha mid si fudud maalin walba u dhammaata wey badantahay inta aan anigu sawirtay maadama aan ahay arday hada uun madaxa kala soobaxay noloshii carruurnimadka..

Inta ay awoodeydu tahay oo aan dadaalkeyga ku bartay xoogaa badan oo nolosha sare ah waan hayaa, qaar aan dhagaha ka maqlo iyo kuwa aan anigu toos ula kulmaba. Waxan intaas oo dhan iskugu dhibayaa ayaa ah inan bari cidna u baahan markan noqdo qof kalinimadkiisa maamula naftiisa. Sidaa darteed waajib weyn ayan iska saaray nolol aan weli gaadhin inan xaliyo, laakiin waa wax laga yaabo inaad isleedahay qofkani muxu isku cadibayaa, noloshu weyba gaabantahay: “ Haa waa runtaa noloshu wey gaaban tahay oo geeridaadu halka ay kuu jirto maba garan kartid” Laakin intaas waa aniga dadaalkeyga oo waan aaminsanahay ra’yiga aad adiguba aaminsantahay, ogoow inaanan aheyn qof adiga oo kale ah waxan ahay qof hadda uun nolosha ku soo biiri raba toosna awood badan uma lihi oo aan ku kala xadido riyooyinkeyga farahabadan. Halka ii muuqata ayaa ah uun rajo qurux badan oo ka dambeysa waxbarashada iney jirto: “Dedaala dantiisa waa gaara

Ugu dambeyn waan dhameeyey billowgii dadaalkeyga waxaan nasiib u yeeshay inan ka mid noqdo ardayda uu nasiibku caawiyey inay ka mid noqdaan ardayda jaamacaddaha. Run ahaantii maalintii iigu horreysay aan fadhiisto kursiga ardayga jaamacadda loogu tala galay waxaan uf arxay sii aan weli u farxin waxaan iska dhaadhiciyey inaan ahay qof noloshiisa hormar weyn ka sameyey, dabcan haa waan ka sameeyey oo dadaal ayaa halkan i keenay laakiin waa dareen ii gaara inaan sidan noqdo. Waxaan billaabay qof walba oo asxaabteyda ka mid ah inan ku guubaabiyo inay deddaalaan oo ay soo gaaran halka aan anigu cago dhigtay.Hadda waxaan arkay rajo ka weyn tii aan arki jiray dugsiga sare, maxaa yeelay hormar ayaan ka sameyey dhan walba maantana waxaan taaganahay darajada ugu sareysa waxbarashada. Inkastoo aysan waxbarashadu dhammaan laakiin waa halka lagu tilmaamo dadka aqoonta leh.

Jamaacadda kaliya noloshayda uma haneen oo waxaa jiray hayaan kale oo aan anigu gaar u watay marka laga soo tago waqtiga gaaban ee jamaacadda, waxan billaabay dadaal kale oo aan ku baranaayo nafteyda si aan u oggaado halka ay nafteydu ku wacantahay oo waxtar ka soo saareyso , dhiiranaantaaas waxan ku helay garashada nafteyda iyo inaan helo shakhsinimadeyda halkee ku habboontahay ammaana kasoo hoyn karto.Waxaynu u noolnahay ama aynu qabaneynaba haddeynu ka heleyn ammaan iyo gubaabo wax dheef ah malahan , markaad dooneyso inaad hesho waxay naftaadu ku wacantahay waa in ay noqdaan shay bari iyo inta noloshada ka dhiman sharaf iyo magac kuu yeela. Sida darteed waxaan deddaaalka u galay ayaa aha inaan helo nafteyda waxay ku wacantahay isla markaana aniga sharaf iyo amaan iisoo hooriya.

Deddaalkaas iyo weliba hayaanka aan nolosha ugu jiray waxaan caawimo weyn ka helaayey oo ii fududeenayey Allahii ibuuray ee dhoobada iga sameeyey oo aan marwalba xidhiidhikiisa si weyn u ilaaliyo waana tan maanta keentay inan gaadho guulaheegeyga tii ugu horreysa. Wax walbaa waxaa furo u ah cibaadada Alle iyo welliba xidhiidhka fiican maxaa yeelay dunida dhammaanteed waxa kala fududeeya ayaba ah Alah, Had iyo jeer waxan aad ugu mahadnaqa weliba mid aan dhammaad laheen Allah .Hadalkaas dheer ama maqaalkaa ee aan kor kusoo xusay macno badan uma sameenaayo danta aanu leeenahay ama duruufta jirta. laakiin waxaan usoo qaatay ayaa ah inaan muujiyo dedaaalka dheer aan u soo galay hayaanka nolosha iyo inaan helo hilinka ugu wacan ee guusha lagu haleelo. Haddaba aan toos ugalo ujeeda guud ee ciwaankeenu inoo iftiiminaayo oo ah ..“Nafteydu quus mataqaano Laakin duruufta dalkeyga ka jirta ayaa iga dhigaysa qof aan jirin”.

Dedaal dheer oo aan soo galay anigoon aqoon u laheyn waxa iga horreeya ama aan kala kulmi karo mustaqbalka aan hiigsanaayo ayaa igu noqday mid aan ka murugoodo.Maalintii aan dhameeyey jaamacadda farxad badan oo laygu hambalyeynaayo wey iisoo dhaceen qaar badana waan helay si toos ah. Kaligey kumaan koobneen farxad iyo reyreynta 150 arday oo aynu ka wada baxnay jaamacadda ayaa ila qeybsanaayey, maanta ayey noqotay maalintii aanu sugeynay mudada dheer ee aan horreyba idin kugu soo shegay , waa maanta maalinteynu waxtari laheyn waalidiintii nagu soo daalayna naguna nasan lahaayeen waa maanta maalinteynu baddali laheyn odayaasha waqtigoodu dhammaaday ee ka shaqeeya shaqooyinka aynu diyaarka unahay.

Isla gu’gaas ayaanu go’aansanay inaan ka mid noqono shaqaalaha dalka ee aynu juhdi badan u soo bixinay si aynu uga mid noqon laheyn. Laakiin waa arrin iga nixisay waa arrin aan la yaabay waa arrin aan horreyba u filaneyn inay dhacdo waa arrin aan la murugoodey markii ay dhagaheygu maqleen, arrimo aysan uqalminba iney dhegihiinu maqlaan, qalbigiinuna dareemo.Waa oday baarka kasoo jaray 90kii waxa uu fadhiya kursi la fadhiisiyey isagoo ah da’deydoo kale maanta uu noqday 90na wuu ku sii faraxsanyahay weliba waxa uu eryayaa uu deyrinaya da’yarta diyaarka u ah inay beddalaan sidoo kale ufirfircoon inay waxbadan soo kordhiyaan. Waxa uuna ku andacoonaya qodobo jiray boqolaal qarniyo ka hor . waxayna ka mid tahay duruufta dalka hareysay.

Maalintii ugu horreysay aan tago xafiiska dowladda si aan ushaqo tago waxa markiiba iga hor yimi oday waayeela oo gacanta lahayo waxa uu ka mid yahay odaygaasi shaqaalaha dowladda, aniga maysan aheyn danteyda ee horrey ayaanba uga sii socday markaan dhiibtay waraaqdii codsiga ee shaqada waxaa la ii gudbiyey odaygii oo laygu yidhi odaygaas ayaa howshaa kushaqo leh. Si dag dag ah ayan u haleelay odaygii waxaan uga sheekeyey hayaankii dheeraa aan usoo maray si aan maanta halkan iskaga soo xaadiro .

Hadalba waxa uu iiga billaabay odhaahyo argagax wata “ Adiga yaa kudhalay? aniga miyaad igaraneysa? Aabbaha waayo? qabiilkuu ka dhashay? ma yahay nin dowladda u soo shaqeeyey? magac dalka maku leeyahay”. Halkaas markuu marinaayo ayaan sii naxay waayo aniga inta uusheegayo maba lihi , Aabbahey waa xoogsade, qabiilka uu doonayo inaan noqon waa laga yaaba, waligiis Aabbahey dowladda uma uusan shaqeyn, Isagana maanta ayaaba iigu horreysa maxa aqoontiisa igu wata.Markaan uga jawaabay su’aalihiisii ayuu iishegey inaan halkan shaqo ka heleyn oo aan tago shaqooyinka gaarka loo leeyahay . waxaan weydiiyey“Oo sababna miyaneyn halkani dadka usimaneyn oo qofwalba miyuusan halkan iman Karin?” wuxuu iigu warceliyey “Maya qof la yaqaano oo shuruudahaas buuxin kara ayaa halkan uqalma” intaas ayeynu wadaagnay odaygii waayeelka ahaa. Anigoo aanan garaneyn jihada uu gurigeyga iga xigo ayaan goor xili dambe ah gurigeygii imi . habeenkii oo idil hurdo miyey iga soo dhaceysaaba hadalkii odayga ayaa igusoo noqnoqonaaya oo waagu iigu baryey.

Waxan qiyaasay hadii ay dhici laheed wiilkiisa inuu shaqo la’aan ku dhacdo oo weliba loo soo diido muxu sameyn lahaa? Ma garanayo qofka aan ahay qoyska I sugaaya inan bulsho guri ku nool rajo u ahay, in aan ahay iftiin hadda usoo baxay dalka iyo dadkeygaba, ee kaliya waxa uu eegay dantiisa .Maalmo kooban ka dib ayaan maqlay 150kii arkay intoodii badnaa inay waddanka iskaga tageen oo ay maciinsadeen inay dalka meel dhaanta u baxeen weliba waxaa naxdin igu noqotay markan maqlay inay badweynta dhex maquureen, isla mudo kooban ka dibna waxan maqlay intii baxday qaarkood inay naftooda ku waayen baddaha. Inaa Ililaahi Waa inaa ileehi Raajicuun.Waa murugadii iigu darneyd saxiibkegya aan hal fasal ka soo wada baxnay marna wada qalinjabinay inuu maanta u geeriyoodoy isago naftiisa isbaddal dhammeystiran raadinaaya, anigii ayey isaameysay arrintaasi waxaan isku dayey inaan ismashquuliyo si aysan maskaxdeyda u galin, waloow aan dhowr jeer kale isku dayey inan shaqadii rajo kale ka raadiyo. Waxaan kaloo maqlay hadal isagana aan iga farxin qaar kaloo ka mid ah ardaydii aan kawada baxnay jaamacada inay maanta shaqeeyaan weliba iyagoo shaqada ku helay qaab nin jeclaysi iyo beelaysi ah oo aan anigu ku heleyn.

Halkaas kumaan quusan oo waan sii deddaalay waxan damcay inan ushaqo tago dadka ganacsadata ah ee iyaga gaar uleh dowladana ka madax banaan, kuwaas ayaaba kasii daray oo qof kaa qabanaaya codsigaaga maba jiro. Dhago dhageyn badan kadib waxan soo helay inay iyaguna shaqada ku bixiyaan qofwalba qofkiisa inuu keensado . maskiinkeygaan yarna qoyskiisa waaba dad iyagu xoogsade ah raba inuu isbaddal ku sameeyo nolosha guud ee reerka iyo weliba dalkiiisa..

Iftiinka mustaqbalka waa aniga iyo kuwa ila midka ah maxaa sidaa niyada leygu galiyey maxaa rajo aan rumoobeyn nafteyda loogu soo barbaariyey, ma cadowgeygaa dadkeygu mise waa kuwa rajo iga leh.. Anigu ma dhaliilshani dadka madaxdooda iyo siyaasiyiinta waxan dhaliilshanahay bulshada maxaa yeelay “Siyaasi xumaday waxaa ka daran bulsho isdhigatay oo danteedii illowday” sidaa darteed halkan aniga iyo kuwa ilamidka ah ayaa kurajo beelaya.Maalin walba waxaynu maqalna doonbaa ku rogmatay inta udhaxeysa liibiya iyo talyaaniga intaas ayaa kudhimatay intaasna waa la badbaadiyey, hooyooyinkeena ma waxay u noolyihiin inay ubadkoodu geeryoodaan iyagana ay ooyinta maciinsadaan. Qof fahmaya miyaanu jirin hooyada la ildaran ubad la’aanta, waxa laga yaaba qoys dhameystirin inay waayaan ubadkooda qaarna dhintaan qaarna xabsidaya loo taxaabo.

Kuwa ka gudba baddaha waaweyn ee u talaaba dhanka qaarada yurub ma aha kuwa helay waxay u baxeen iyo isbadalkii ay filayeen, qaarkood xabsiyada ayaa loo taxaaba iyadoon la garaneyn waxa lagu heysto, qaarkoodna jirdil iyo rafaad nololeed baa lagaliya ugu danbeyna wey udhintaan, qaarbaa laga dhiga arday hadda iyo bilow ah oo halkaas waxaa ka baxa dhammaan aqoontii uu lahaa, waxaana loogu yeedhaa “Soo galooti” waana far fiiq kale iyo faqooqi lagu takoorayo .Cidna su’aal iskama weydiiso ubadka dalka halkey ku dhammaadeen, cidna dhiig iyo waqtiba uma hurto sidii ubadkoodu bari uheli lahayeen nolol waarta oo farxad wehlisa, qof walba dantiisa haddii uu raacdo bal maxaa u dambeyn kuwa ubaahan caawimada iyo garab istaaga?! Haddii aan la isgarab istaagin rafaad iyo dheefba la qeybsanin bari ayaa laga shalayn doonaa. Markay ku timaado qoyskaaga iyo reerkaagaba.

Aniga waa markeyga diyaar uma ihi inan dalkeyga ka tago sidoo kale nolol aan ku nooladana iima taalo, dadkeyga inana caaawiyo ayaan jecelahay laakiin cid aniga dhulka iga qaadeysa ma jirto oo rajo galineysa .Laakiin waxan aaminsanahay inay bari guud ahaan dalkeyga isbaddal ka dhalandoono , Waxaan aaminsanahay in bari ay wax walba qurux badnaan doonan, shaqo iyo weliba noloshuna ay sahlanaan doonaan, waxan aaminsanahay ubadkeeni naga baadiyoobay ee tagay dhul shisheeyana in bari dib loosoo celin doona dalkana uu noqon doona mid u taagan dhallinta iyo dadka taagta daran, Waxan aaminsanahay daacadii hungoowday ee dalka ka dhammaatay in bari dib usoo dhalan doonto, waxaan aaminsanahay bulshadii horey ubaaba’day ee dantoodii garan waayey in bari ay noqon doonto mid danteeda ka talisa isna garabsata dheef iyo dhibna wada qeybsata.

Ugu dambeyn waxaan rajo galinaya dhammaan inta dalkooda ka carartay ee dhibta aniga iheysa ka baxsatay qaarkoodna aniga dhib iga daran lugahooda ku raadsaday qaarkoodna xabsiyada waaweyn sidii tuuggada ugu xidhan, waxaa bari dhalan doona dowladaadii waxa bari dhalandoona waagii farxadaada, waxaa bari dhalandoona dowlada kuu damqata dhul iyo xabsi meel walbaad joogtana kusoo badbaadin doonta, nolosha waan u adkeystaa aniga ee adigana isku day inaad caloosha adkeysato, waxaan kuu rajeynayaa nolol quruxbadan inaad kunoolaato inta uu dalkeena ka haggaagayo noqo mid samir iyo dulqaaad kula noolaada noolaha kale ..

Halkaas waxan kusoo gabangabeeyey maqaalkeyga oo aan uga waramaayey nolosheyda, waa hubaal waad iweydiineysa cidan anigu ahay aniga kuu shegaya magaceygu waa “Dhallinyaro” waxaan lanoolahay adiga iyo iyada iyo iyagaba meelwalba wan ku noolahay, adigan ku ahay dhammaantiin ayaan idin ahay ,, Ha Ilaawin magaceyga iyo cidan ahay.. ….Waa Dhallinyaro..

 

 

W/Q:  maxamed mukhtar “Q. Fuaad Yare”

Maxamedmukhtarfuaadyare@gmail.com

SHEEKOOYIN