ASKARI XAQ RAADIS AH. (SHEEKO GAABAN). Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

sh

ASKARI XAQ RAADIS AH.

(SHEEKO GAABAN)
Waxaan ahay Nin quudkiisa uu galay Qoriga ay Xabadaha ka dhacaan, waxaa ku noolahay Cabsi joogta ah, aniga waan ka cabsadaa dadkan, waayo waxaan hubaa mid ayaga ka mid ah in uu i ugaarsanayo oo doonayo in uu i dilo, dadkana kama aqaan midkaas, ayaguna way iga cabsadaan, oo waxay ogyihiin in qoriga aan ku raranahay uu yahay naxariis laawe aan kala garanayn kan geerida ku haboon iyo kan aan ku haboonayn.
Ma doonayo in aan sidaan kusii noolaado, maalin walba waxaa igu jirta in ay iman doonto maalin aanan u baahnayn qorigan, dadkuna aysan iga cabsan doonin anna aanan ka cabsan doonin.
Waxaan aaminsanahay in qoriga la’aantiis aanan noolaan karayn, dadka qaarkiina waxayba taas ka fahamsanyihiin inta aniga iyo kuwa la midka ahba laga suulinayo in ayan noloshooda hagaagi doonin.
Qof walba waxbaa ka maqan, aniga xaqayga ayaa maqan, dadkuna xaqooda ayey igu tuhmayaan.
Waxaan ahay ma liibaanaha lagu liibaanay, maalin walba waxaan i saaran laba culays oo ah waardiyeenta ninka Qurbaha ka yimid ee aan ilaalintiisa ku qoranahay iyo naftayda, in sidaas aan u noolaado waa Nolosha ilmahayga .
Waa Duni la isku dhiban yahay, qof walbana uu aaminsan yahay in uu xaqiisa maqan yahay, goormee isla garan doonaa Xaqa naga maqan?
Askari Xaq raadis ah.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN