WAA NASIIBKAYGA!!! Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

fu

WAA NASIIBKAYGA!!!

 

Nasiibka sidiisaba ma ahan wax la doorto, waa mid ku yimaadaa Awood naga sarraysa, taas oo ah Qaddarta Rabaaniga ah. Qof walba nasiib ayuu leeyahay inta uu dunidan ku nool yahay iyo marka uu dhintaba, nasiibkaas oo ah meesha uu harsan doono labada daaroodba.

Ujeeddada aan ka leeyahay Murtidan ayaa ah, in aan ku caddeeyo in aan ku faraxsanahay nasiibkayga, balse aanan ku qanacsanayn maadaama aansa doorasho lahayn, hadana aan ku qasbanahay in aan isaga qanco oo noloshayda aan sii wato.

Nasiibku ma ahan mid ku xiran shaqsiyadda Qofka ama Mansabka uu qofku Nolol ahaan taagan yahay iyo waxa uu u nasab sheegtaba, ee waa mid rabbaani ah oo qof walba sida uu usoo maro u quudanayo.

Nasiibka maadaama aan sidaas u qeexay hadana waxaa lagu kala duwan yahay marka aad heshid nasiibkaaga sida aad u maamulatid, taas oo ah mid ku xiran qofka shaqsiga sida uu u maareeyo.

Dulucda Qormada ayaa ah in aan doonayo in aan idinku tusaaleeyo gocoshadayda ku aaddan waxa uu nasiibkayga noqday iyo sida aan u maareeyey, aniga oo ujeeddadaydu tahay oo kaliya in aan idin dareensiiyo waxa uu nasiibkaygu noqday, balse qormada marka aad dhuuxdaan aad ka dareemi kartaan in aan wax gocanayo, micnaha wax tabanayo, Qanaaco darrana ay iga muuqato.

Maadaama aan ahay qof aanan awood u lahayn in uu wax ka baddalo nasiibkiisa, hadana aan is leeyahay in aad sheegtid oo si uun qeexdid nafis ayaa ku dareemaysaa, waana sababtaas sababta aan Qallinka u qaatay una doonay in aan idinla wadaago waxa uu nasiibkayga yahay.

Waa nasiibkayga in aan ka dhashay Issirka Soomaalida, taas macnaheedase ma ahan in aanan ku qanacsanayn ama aana ku faraxsanayn, sidaas darteed, waxaan jeclaa lahaa in sida aan u qeexay nasiibkayga iyo qanaacadaas aan sheegay sidaas loo daayo oo aan loo fasiran in qoruhu uusan ku qanacsanayn soomaalinimadiisa, sababta aan ku keenayse waxaad ka dhuuxi kartaan qaybaha dambe ee Qormada.

In aan Soomaali noqdo ma dooran aniga, sabab aan ku doortana ma jirin, oo maba jirin wax i kala dooransiiyay ama iisoo bandhigay Issirka aan noqanayo, waxaan arkay oo kaliya aniga oo dunidan dhex dabaalanaya kana tirsan Bulshadaas Soomaalida lagu magacaabo, waasa nasiibkayga oo waxay ku dhacday Qaddar Eebe, waasa ku qanacsanahay oo kama muujinayo taas Gocoshaho ama Tabasho.

Waa nasiibkayga in uu dalkayga sidaas u bur buro, taas oo runtii ku dhacday qaddar eebe, balse sababteeda ay lahaayeen, lahaana doonaan  hadana leeyihiin bulshadayda Soomaaliyeed.

Guri ninka iska leh ayaa dhisa isaga ayaana amarka lagu soo gali karo iyo qaabka dhaqanka gurigaas uu noqonayo bixin kara, wax uu isaga ogalaana kama dhici karaan waana sababta aan u saaryo Eedda bulshadayda, waana sababtaas sababta ay ku yeesheen waxa taagan ilaa maanta.

Barbaarinta Umadda sideedaba waxay kasoo bilaabataa guriga uu qofku ku dhasho, qof walbana waxa lagu soo barbaarshay ayuu la yimaadaa Bannaanka, maanta qaabka aan u dhaqmaynana waxaa la dhihi karaa waa Miraha barbaarinta Qoysas badan oo Soomaaliyeed ay ubadkooda kusoo bar baarsheen.

Xikmaddaas waxaa laga yaabaa in aad la yaabto halka aan kasoo xigtay ama isla markiiba aad buugaagta xikmadaha soomaaliyeed aad dib baaris ugu samayso adiga oo ka raadinaya xikmadda sidaa oranaysa, meel dheerse ma ahan in aad ka raadiso oo Allah ayaa qurnaankiisa in ka badan saddex jeer ku sheegay in dadka intiisa badan ay garashada ka arradan yihiin.

In la dhaho dadka intiisa badan waxba ma oga ma ahan mid ka tarjumaysa in umadda dhan ay wada yihiin umad uusan caqligoodu ku filnayn, ee Garashada laga hadlayo ayaa ah garashada fog, taas oo mar walba haddii lagu baraarugo ku tusin karta sida uu u ekaan karo mustaqbalkaaga, qaybna ka qaadan karta in aad wax ka baddasho qaabka doorashada mustaqbalkaaga ee aad adiga Xaqa u leedahay.

Xaqiiqdii qaabka maanta aad u dhaqanto sida uu noqdo ayuu noqdaa mustaqbalkaaga, taas ma ahan wax Shaki ku jiro oo waa Xaqiiq jirta, sidaas si  la mid ah waqtiga lasoo dhaafay ee noloshaadana uu u noqdaa Waqti xusuustiisa lagu farxo.

Umad walba waxay nasiib u leedahay in ay muuqaal u samayso mustaqbalkeeda, maanta xaaladda aan taaganahay waa mirihii ay inoo beereen Jiilalkii inaga horeeyey, mase ahan mid aan maanta ayga eed uga dhigi karno, oo inaga nafteena waxaa ina saaran Mas’uuliyad aan wax uga baddali karno xaalkeena barrito, si Jiilka cusub ee imaanaya uu ugu noolaado Nolol middan dhaanta.

Waa nasiibkayga in aan ka dhashay Umad Sanamka ay caabudaan uu yahay mid aan la arkayn, lana soo taaban Karin, lana tilmaami Karin sida uu u yaalo, balse Magaca loogu yeero uu yahay Qabiil.

Waa nasiibkayga in aan ka dhashay maanta Umad marka la dhaho Qabiilka hala difaaco safka hore soo wada tubanaysa, balse haddii la dhaho hala difaaco Issirka Soomaalinimada la imaanaysa Tashuush nuucya kala duwan.

Waa nasiibkayga in aan ka dhashay Umad Dhul wanaagsan leh, Khayraad wanaagsana uu Alle ku mannaystay, balse ah Umadda dunida ugu faqrisan uguna jaahilsan, oo hadana ku nool Dhalanteed aan la aqoon halka uu kasoo bidhaamay iyo halka uu ku tiirsan yahay.

Waa nasiibkayga in aan ka dhashay Umad ku nool Taariikh hore, balse aan ku noolayn taariikhda taagan, diyaarna aan u ahayn in ay taariikh wanaagsan sameyaan oo jecel in ay ku celshan taariikhdii hore.

Waala yaab runtii in aan nahay Umad ku nool waqtighii hore oo kaliya aana doonayn in ay waqti cusub sameeyaan, micnaha aan ula jeedana waa in aan marayno qarnigii 21aad ee Dunida, misana aan ku nool nahay qarnigii 18aad.

Umadaha dunida waxay gaareen iyaga oo aan isku Issir ahayn, isku af ahayn isku dhaqan ahayn, isku Midab ahayn, hadana ka midaysan hal ujeeddo oo ah in qof walba uu noolaado uuna ku noolaado Nolol wanaagsan oo Nabad qabta.

Inaga sida saxda ah inaga oo ka nasiib badan umadahaas ayaa hadana waxaa la dhihi karaa waxaa inagu dhacay Musiibo ah, ha noolaan, hebelna nolol ha u golaan, taas oo runtii nagu noqotay wax la fahmi waayo, waasa nasiibkayga in umaddaas aan u nasab sheegto kana mid ahay.

Waa nasiibkayga in aan ka dhashay Umad noloshooda oo dhan wada beec tahay, oo wax walba ay beec u yihiin, dhulkooda waa u beec, dhaqankooda waa u beec, diintooda waa u beec, maxaaba haray intaas haddaan sheegay, waaba inta Nolosha laga leeyahay.

Ma aqaan in aan kaligey ahay, ma jirto habeen aan hoyday aniga oo Jismi ahaan ama dareen ahaan dhamaystiran, oo dareemada jirkayga ay kuwada heshiiyeen in ay si nabad qabto kuwada seexdaan ayaga oo wada jira.

Mar walba waxbaan tabayaa, mar walbana waxbaa iga maqan, mar walbana laabtayda waxaa ka baxaya Hur aan la socdo, kaas oo runtii wax aan ku macneeyo aan garan waayey, balse, aan dareensanahay uun, in uu la xiriiro Xaaladda bulshadayda Soomaaliyeed.

Dunidan ma imaan aniga oo sidaas u kala dhantaalan oo sidaa wax u tabaya, waxaasa la yaabanahay in aan ka tagi doono aniga oo tabiddaydu sidaa tahay iyo in kale? waasa nasiibkayga in sidaas uu xaalkaygu noqdo, waxaas is waydiiyaa meeqa adiga oo kale ah ayaa jirta? kollayba waa jiraan mase tira badna, maadaama umaddan ay ku yartahay inta wax garata oo wax fahmi karta.

Nolosha Dadka waa mid isku xiran, marka aad hal Xubin oo ka mid ah  hallaysana hubaal in ay dhamaan wada hallabayaan, waxaase su’aal mudan haddii wax walba ay iib inoo noqdeen halka aan ku noolaan doono? ma martinimada aan hadda Caalamka daafihiisa ku kala joogno ayaan ku jiri doonaa mise waxaanu noqon doonaa umad meel walba oo la doono lagu buuxsado, runtii su’aalo badan oo jawaabahooda aan waayey ayaa iga dhex guuxaya, waasa nasiibkayga in xaalkaygu uu sidaa iska ahaado.

Waa nasiibkayga in umaddayda ay sidaa isku dhaafto oo mid walba kan kale uu cadowgiisa u arko, waa nasiibkayga umaddayda lakala ilaalinayo oo Quruumo kale ay mushaar ku qaadanayaan kala celintooda, waasa nasiibkayga in wax badan oo aan xaq u lahaa aan ku waayey ficiladayda khaldan.

Waa nasiibkayga, waa nasiibkayga , waa nasiibkayga,

Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN