Marka hore hooyaday indhaha ka rida! (Sheeko gaaban) W/Q: Burhaan Cali

quotescover-JPG-12

Marka hore hooyaday indhaha ka rida! (Sheeko gaaban)

Waxaa la yiri xilli ka mid ah waayihii dhexe ee aynu soo gudubnay ayaa magaalo ka mid ah dhulalka muslimiinta waxaa ka soo ifbaxday burcad dadkii deegaanka iyo magaalooyinkii u dhadhawaaba argagax gelisay. Burcaddaas oo koox koox u wada socota ayaa fariisata jidadka magaalooyinka isku xira. Kufsi,dilal foolxun sida madax goyn iyo bililiqaysi ayay u geystaan socotada ay jidka ku helaan. Xoolihii ay ululuf duulaanka ku soo heleena waxay sandulle uga iibiyaan dadkii deganaa magaalada hoyga u ah burcaddaa. Hoog adduun ayay dadkii dhadhansiiyeen. Dhulkii iyo cirkii ayaa mar wada dhawaaqay.
Haddii waayeel, wadaad iyo waranlaba isu tageen, talana la rogrogay waxaa go’aan lagu gaarey in burcaddaa la dabar gooyo. Talooyinkii la isla qaatey waxaa ku jirey uguna muhiimsanaa inaan milil dushii la dhayine ee xaajada xididkeeda la raaco oo salka laga soo gooyo. Guddi garsoor oo ay culimo cudud ciidan lagu xoojiyey hogaaminayso ayaa la dumay. Burcaddii la qabtaba waraysi ka dib xeerka ganaaxa adag ee islaamka uga yaal burcadda, kuna eg eedaysanaha falka lagu eedeeyey ayaa lagu fuliyaa. Waraysiyadii ayaa lagu ogaadey in burcaddani ayan ahayn marsoobax, ee ay tahay mid abaabulan oo leh madax iyo shaqaale, ayan fududayna in la baabi’iyo inta madaxdeedu nooshahay.
Haddii madaxdii la raadiyey, waxa la soo ogaadey in wiilka dhallinyarada magaalada ugu magac dheer, iskuna darsaday laandheeranimo iyo hanti adduun uuba maalgeliyo, hagana burcaddan arxan darradeeda lala ashqaraaray. Waa loo qaadan waayey, waayo waxaaba lagu talo jirey in la boqro haddaan burcadani soo bixi lahayn. Cawo iyo ayaankoode waxa la soo qabtay isaga oo bartanka kaga jira madaxdii kale ee burcadda isla markaana fal dambiyeed faraha kula jira. Guddigii garsoorka oo ay weheliyaan waayeel, wadaad iyo waranlaba ayaa ka arrinsaday sidii, madashii iyo ammintii lagu ganaaxi lahaa arxan laawahan. Waxaa la go’aansaday in goob fagaare ah, barqo kulul lagu laanqayriyo isla markaana lug iyo gacan isdhaaf ah laga gooyo, ugu dambayna indhaha laga rido si arxan laawayaasha kale ugu quustaan. Waxaana sidaa loo yeelay isaga oo mutaystay heerka ganaax-burcadnimo kan ugu sarreeya.
Ma naxihii fagaarihii la keen, aragyey toorreyda loo soofaystay, ogaana in jirkiisa waax waax loo jarjari doono, ifkana ka quusay. Af labadi yeeryey guddoomiyihii guddiga garsoorkana arrin ka codsay. Haddii la yiri codsigaaga jeedi waxa uu yiri; inta aan indhaha la iga ridin, marka hore hooyaday indhaha ha laga rido! Dadweynihii anfariire, bulaam dabadina ku yoome; hooge, ma dad cunimadii ayaad tanna ku darsatay! Dadku kala aragti dheere oday waayo soo noolaa yiri; warmaha ha loo kaadiyo wiilku ha inoo warramee.
Arxan laawihii warranyey. Ku ye; anoo gaban ah oo aan garaad igu filan weli yeelan ayaan gacandhaafka bartay. Ku ye; reerkayaga reerka ay ood-wadaagta yihiin digaagad u curatay ukumaheedii go’ ku soo ritay, hooyaday u keenay. Hooyaday halkay ka argagixi lahayd ina ganaaxi lahayd muuso iyo rayn rayn igu soo dhawaysay, garasho badnina igu ammaantay. Aabbahay goortuu soo hargalayna oontii wax laga sii, isna dhurow igu yiri. Ku ye; galabtaa intii ka dambaysayna aabahay gaashaan ii noqoy, aniguna isu gartay inaan ahay geesi rag ammuur la qaybsan kara, jaallayaashayna ugu faanay. Ku ye; garaadkaygu sii kor, oo gartay inaan garmadawda gole jooga ah mid walba gaarkii gasiin geedaysan ugu geeyo. Ku ye; guddiyow gartaan idiin dhiibtee, inta aan guryihiina mirayey, makastiinana maamulayey midkiina maya ima dhihin. Magacaygu mooryaan kuma suntana ee magliga iga duwa ama qaade, quute, qariye iyo u qiildaye ayaynu wada nahay e unuunka innaga wada gura.
Guddigii oo garwaaqsaday gaddoonka dhacay ayaa iyaga oo gacmaha kor u taagaya ku guuxay; Eebow gar eexana ha nagu halaagin, gefna ha nooga tagin. Guntaynu ka burbursanahay, gunta ayaynu ka burbursanahay!
Burhanali990@gmail.com

SHEEKOOYIN