Xasuusti seygeeda W/Q: Ibraahim Maxamed Sheekh Cabdi

unnamed

Xasuusti seygeeda

********************

Waxaa habeen habeenNada ka mid ah so galey Hotel , waxaa fadhiistey meel waxaa sugayay qof aan la balansanaa laakiIn qofki wuu iga so daahey, muddo markaa fadhiyey meesha waxaa meel i dhaw so fadhiistay labo hablood oo muuqal iyo labis qurxoon, sida la wada og yahay ragga waa damac badan yahay, mar uun ku fakaray maad la hadashid hablahaan, cabsina igama galin inaan hadlo aan jawaab ka heli waayo, maxaa yeele meesha la jooga ma ahan meel ee imadaan dadka shuuciga ah ama aamusan, waa meel lagu sheekaysto dadka macquulka ahna ee yimadaan.

Waa  meel lagu qaato jawi farxadeed dadkuna u yimaadaan iney ka helaan nayaayir iyo nasiino dhanka niyada ah, sidoo kale ka marna haasaawe laakiin cabsida kali i haysey ahayd, gabdhahan armey cid kale la balansan yihiin oo loo so socda? wax yar baan hakad galey ka dib, waxaa u imaaday wiil dhallinyaro ah oo aad iskugu soo diyaariyey kulankaas ,gabdhahi mar quro istaageen, waxayna galeyn iney soo dhaweeyaan si diiran farxad iyo xiisana laga dareema karo, ka dib waa la wada fadhiistey sheeko iyo qosal badan billowday waxa la dalbaday cunto fudud iyo cabitaan ani meeshiyaa kali fadhiya ruuxa sugayayna wali ma uusan ii imaan muddo marka fadhiyey ayaa is celin waayay waxa so aaday meshi fadhiyayn waa salaamey “asxaabta dhammaan waa idin salaamay magacey Farxaan la dhahaa ” inta marka na dhex martey ayaa gaber tiri ” so dhawaaw waad fadhiisan kartaa magacay waa Hibbo inantan waa Hodan wiilkana waa Yaasin dad asxaaba  nahay dhammaan “Wa dhawahey ,Igana raali ahaada ama sheeko idinka qasey, “Maya” mar qura ku jawaabeen, waxa ka codsadey haddaa qofka faqadka aan u yara sheekayo ka warama? waana la i ogolaaday .

Hodan aad u aamusan tahay aad i firinayso, wana gaberta wiilka ee ballansanayayn, waxa ka dareemay waji naxdin leh oo i dhamaystiri la’ araga waxa yaabey waxa is iri malaha dambi hore ma ka gashay gabadhaas Hibo oo fursad i siisay ayaa i sheekaysay sheeko iyo kaftan ka dib waxa kala qoranay telefoonadii waxaana i yimid qofka la ballan sanaa  waa isa soo waceynaa berri hadda ayaan ku iri waa la i yimid iyaduna waxay iigu war celisay “haye aboowe ha lagu arko hana lagu maqlo”

Marka imaaday guri waxa isoo wacday Hibbo, waxaa i dhahday aboowe cawa dadkii is jeclaa murugo ku abuurtey, waa naxay waxa waydiyay sababta, waxa igu jawabtay Hodan aad kaga naxday, waxa u eg tahay wiil aad ee u jeclayd oo ka dhintay, yarki la joogay asaga jeclaa, laakiin cawa ayadaw ooyayso ayaa meesha ka tagnay, cabsiya i gashey waxa dhaho waa garan waayey, gaberti faraxsaneyd murugo u baddeshay caawa, wiilki faraxsanaana saaxibtisa ka murjisey waxa nafteyda ku canaantey ina farxad burburiyey caawa, mar waxaa is dhahay se adi murugada u keentey ?ninka dhintana waa ku ekaan kartaa adi maa sababta murugadaas leh oo niyadey ku qanciyay intaas.Muddo marka laga jooga waxaa xariir la sameyay Hodan oo wacey waxaa ka codsaday ina la kulmo wayna iga aqbashay kulanka, waxaan wax ka waydiiyay habeenki iyo xasuusti ee gashay seeygaydi sabab uu u dhintay.

Hodan ku billowday sheekada sida tan:“Waxaan ahayn daris wax badan ka siman oo agoon wada ah, noloshuna aad noogu adkayd, Jamaal wuxuu ahaa wiil aan nolosheeda inta badan wadaagnay, wuxuu ahaa inan aan daris ahayn ilaa yaraantayna aan dugsiga quraanka wada dhigan jirnay, dugsiga wuxuu ka fogaa xaafada aan daganayn waan isa soo raaci jirnay, asagana iga celin jiray wiilasha kale oo ima soo hawaysan karin intuu ila socdo, labadeeda qoys aad isku jeclaayeen oo daris aad isku qadariya ayaa ahayn, waxaa mar qura nala wada geeyay iskuul waxaa noqonay isku fasal oo ka wada billownay kowaad wuxuu ahaa walaal iyo saaxiib kali aan heystay aad igu sheekayn jiray, farxad badana waa ka heli jiray inta sii socono iyo intaan uso socono asaga i ahaa madadaalo iskuulka oo naga dheera ma dareemi jirin socodkaas dheere oo waxaan haystay wehel sheeko iyo qosal badan waxaa isla dhameynay waxbarashadi sare waxaan u gudubnay ti jaamacadda oo hal mar wada billownay waxaana wada dooqanay hal kuliyad oo ahayd maamulka iyo maareynta.

Jamaal wuxuu aha ruux aad i jecel aniguna sidoo kale u jeclaa waqtiga u badan anaga ayaa isla qaadan jirnay, waxa lahayn jadwal noloshayn ah, waqti ku sheekaysano waqti wax ku aqrisano iyo waqti damaashaad u baxno magaalada aadno, waxaa isku so dhawaaday qalbiyadayna oo aad isku jeclaa.Waxaannu go’aansanay inaan is guursano oo nolosha macaankeeda dhadhamino farxada aan dhammaystirana waxaan u bandhignay labadayna waalid aad ugu farxay una so dhaweeyey waxa la qaban qaabiyay xafladeeni aroos oo si qurux badan loo agaasimay qeyb libaaxna ee ka qaatayn ardaydi aan isku fasalka ahayn ee jaamacadda.

Waxaan anaga oo lammaane ah wada dhameynay jamacadda oo si farxad u dabaal dagnay , nolosheena waxa ku tiirsanayd waalidteena oo ma anaan haysan shaqo ani iyo seegayga ka dib dhammaadka jamaacadda Jamaal waxuu soo arkay fursad shaqo oo ka bannaanayd mid ka mid hay’adaha dowlada ee lacagtana bixinaysay UNDP mushaarkuna uu yahay lacag adduun oo dhan seddax kun oo dollar mareykan ah wuxu ku kalsoona inuu helayo oo aqoontida ku tashanayay wuu codsaday shaqadii oo wuxuu u direy dukumiitiyadi looga baahna waxaana muddo ka dib fariin loogu so direy oo la dhahay waxaa uso gudubtay qeybta labaad ee imtixaanka ee maalintaas nogu imaw wasaaradda, Jamaal aaday maalin asagow faraxsan kalsoonina ku qabo inuu ka guul kaynaa, wuxuu galey Wareysiga shaqada waxaana ka qaaday dad isku jiro caddaan iyo Soomaali wuxuu ahaa ruux ugu fiicnaa oo si qurux badan ugu baxsado maxaa yeeley wuxuu aad u yaqaanay luqada Englishka laakiin maxaa dhacay, Jamaal wuu so baxay shaqadii oo asagaa ku guuleystay laakiin shaqadii waxa lagu qorey inan uu wasiir u ahaa adeer kana yimid dalka UK wiilkan ayaa dalka loo keenay inuu is beddelo oo wuxuu ahaa dhallinyarada dhaqamada galbeedka ku talax tegay wuxuuna ahaa qof nolosha ka dhacsanaa oo dhaqan toosin loogu keenay dalka wax aqoon aanan lahayn, jamaal loo wacay waxa wacay qof ka shaqaynayay wasaaradda una qaabilsana imtixaanada walal waa soo baxday laakiin laguma qaadan oo booskada inan wasiirka uu adeer u yahay laguugu baddalay, markuu halkaas maraa Jamaal ilin indhihiisa so buuxisay ciilna la farruur qaniinsaday dhahayn adeerkay wasiir ma ahan laakin waa adduunyo, wuxuu ku so laabtay guriga oo sheekada iga sheekayay waxaa isku dayay ina sasabo oo magaalada uso wado dhahana waxaa iska illoow waa helaysa gacaliye shaqa ka fican taas Allah noma qorin .

Muddo ka dib Jamaal waxuu go’aaansaday ina safar tahriib ah galo asagaw u sababeynaa safarkiisa inu shaqadisa la siiyay wiil passport UK wado asna uu soo qaato, wuxuu ka dhaadhiciyay safarki eheladisa iyo ani oo aad aan u  jeclaa ahaana xaaskiisa, anagaw nagu ah dhib aan fasaxnay wuxuu raadsaday dal ku galka suudan wuuna helay muddo ka dib, 7 casho joogay sudaan wuxuu usii ruqaansaday saxaraha liibiya intuusan bixin iso wacay uuna i dhahay caawa baxayna ee macaan ogaw iina soo ducey inuu Allah i fududeyo safarkaas, waa ku soo duceynaa waxaan markaas farriin ugu direy heestaan”

Gaarigaan dhaqsanayo

Ku sidaa ma dheeliyo

Ilaahay dhantaalkiyo

Kuma tuso dhibaatiyo

Ayaan dhalad nasiib wacan

Jamaal wuxuu galay safarkii adkaa oo la marayey saxaraha  liibiya iyo sudaan u dhaxeeyo wuxuuna muddo ku jirey safarkaas oo ahaa safar adag dhibkiisana wato, waxa la waayay muddo hadalkisaa dhan shan iyo toban bari ka dib ayuu soo hadlay waxa uuna yari waxa igu dhagan magafe igana rabo lacag dhan labo kun oo dollar wa laga shubay wuxuuna usii gudbay inuu galo magaalada caasimadda ah ee liibiya ee taraabulis wuxuuna muddo ka dib helay doon baxeeyso, wuuna na so wacay oo waxa dhahay waxaa gali raba safarkii bada aad ugu naxnay murugo badan waa dareemay habeenkina ma jifan jiran walwal iyo walbahaar ayaa i dareemayey oo ahaa inuu jamaal safar aan soo noqosha lahayn galay waxaa la waayay doontu saarna warkeeda muddo badda lagu la’aa 10 bari ka dib la xaqiijiyay in ay qalibantay doonti dadki saarnaana ee ku dhinteen markaa maqalnay labadeena qoys waxaa soo food saartay murugo aad wayn waxaa naga baxay qof aad noogi wayna waxaa ani si gaar ah u waayay saaxiib ,walal iyo seegaygi aan jeclaa oo intaba asaga isku ahaa, Hodan ilmaa ka soo daadatey wayna ilmeysay, waxay tiri waxaa ninkayga iga diley wasiirka niyada ka jebiyey, haddii ninkeyna la dhihi lahaa imtixaankii waad ku dhacdey kama xumaadeen, waxaase ayaan darro ah, waad guuleysatay laakiin booskaagii nin kalaa la siiyey, dalkeena eex iyo caddaalad darraa ka jirta, waxaa dhallinyarada badda ugu rogmaneyso kuwana isku qarxinayaan, kuwa kalena silic iyo saxariir ugu jiraan waa ineysan helin dalkooda xaqey ku lahaayeen. Waan yaabay waxaanan noqday qof sidii dambiile oo kale ah, waayo anigaa xasuustan oodhan soo qufey,

Guntii iyo gunaanadka, bulshada Soomaaliyeed inteynaan is weydiin hebel wuu tahriibey aynu is weydiino muxuu u tahriibey oo dalkiisa uga tacabirey? Yaa sababey? Maxaa keenaya wiil Jaamacad ka baxay oo 18 sanno reer ku soo tacbayeen inuu badda ku dhex dhinto oo dalkiisa ka firdhado?

Sawtii maaha Gabyaaga Soomaaliyeed yiri:

“ Rag caddaalad waayaa, sidii cawsha kala yaacye”

Dhammaad.

Email:ibraahim218@gmail.com

Mogadishu-Somalia

SHEEKOOYIN