“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) W/Q : MOHAMED MUSA SH. NOOR

godob iyo garaaw

                                                       “GODOB IYO GARAAW”

                                                          (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybta 7aad

 

Ma ahayn mid uu filayay in uu iman doono Guriga gabadha uu sidaa yeelay, waliba isaga loo soo wadan doono in uu wax uga duceeyo hooyadeed oo xanuunsan, Cunta ay iyada karisayna uu wax ka cuni doono, xaqiiqdii waa Xaalado uu mar walba dhan ka sawiranayay, waxaa intaas usii dheeraa in uu ka baqayay in maanta uu fashil dhex fadhiisto haddiiba ay Hinda garato muuqiisa.

Markii uu dhamaaday Quraan aqriskii, oo cuntadiina meesha lagu cunay ayaa wiilkii ay ilma habreedka ahaayeen Hinda, oo la oran jiray Cabbaas, iyo C/casiis oo isla xerta masjidka ka wada tirsanaa Sheeko gaaban oo ku saabsan hinda meesha ku dhex martay.

Cabbaas wuxuu ahaa qofka Wadaaddada keenay oo ay u xil saaratay hooyada hinda, isagana meel dheer waxba kamaba raadinee Xertii masjidkiisa oo isugu jirtay Culumo iyo dhalinyaro meesha wax ka barata ayuu keenay goobta.

C/casiis isagu Xerta wuu ka mid ahaa, balse waxbaa u dheeraa, oo waxaa danqanayay Nabarro uu horey u mooday in ay ka biskoodeen, wax kale ma ahan waa arrinta hinda, sidaas darteed, muhiim ayey u ahayd in uu wax badan ka ogaado gabadhan hinda ah, cabbaasna wuxuu u arkayay in uu ahaa kii ku hagi lahaa ama jawaab u heli lahaa su’aalaha uu C/casiis doonayay in looga jawaabo.

Isaga oo doonayn in nabaradiisa iyo xaaladda muuqaalkiisa la dareemo ayuu ku yiri Cabbaas, “gabadhaas magaceed”? Markaas ayuu cabbaas ugu jawaabay, Duqa haye ma igu keentay, meeshan Quraan saar ayaan u nimid ee gabdha gaadid umaan iman ee ka wareeji saaxib.

Nin walba Nabar u qarsoon ayaa jira, xanuunka uu ku haya baaxaddiisana isaga ayaa garan kara, C/casiis uma fakareen sida uu Cabbaas u fakarayay, kaftanka cabbaasna culays wayn ayuu ku ahaa marka loo eego Xaaladda Culus ee u dareemayay.

Wuxuu isku dayay in uu fahamsiiyo Cabbaas in sida uu u fakarayo aysan Xaaladda ahayn, xaaladdana ay sidaa ka culustahay, dhowr mar uu cabbaas waydiiyay waxa culus ayuu C/casii ku gaabsaday,ma dareemi kartid sida aan dareemayo, Cabbaas hadalkaa wuxuu u fahmay in C/casiis la galay oo muuqa Inanta uu aad ugu dawaqmay.

C/casiis oo hadalka marba dhinac u jeedinaya xoogaana is maaweelinaya ayaa dareensiiyay Cabbaas in uu aad u danaynayo gabadhaas meesha ka muuqato, wuxuuna kula kaftamay in uu doonayo in uu la xidido, Cabbaas oo markaa u fahmay arrinta mid ka culus dhanka saaxiibkii ayaa markaas ku yiri “magaceeda waa Hinda”.

C/casiis oo doonaya in uu wax badan sii ogaado ayaa ku yiri Cabaas “war Nin yahow gabadhaas meesha ka muuqata magaceeda waaba ka helee, sidee ku walaalowdeen?

Marka uu sidaa leeyahay kamaba dhaadhacsana Guriga maanta la joogo ee loo soo muraaday in gabadhan ay ku dhalatay kana tirsantahay, wuxuuba u haystay in ay ahayd gabar ka mid ah gabdhaha Dariska, oo meeshan u yimid in ay caawiyaan Ciddan muraadka qabta.

Cabaas wuxuu ugu jawaabay “Maamada la quraan saarayo gabadheeda waayee, guriganna ayaga ayaa iska leh, anigana ilma habreed ayaanu nahay oo hooyadeed iyo hooyadeey ayaa walaala ah”

Wax badan oo uusan ogayn ayuu sii ogaaday C/casiis, isma lahayn Cabbaas iyo gabadha ayaa sidaa iskugu dhow, Laabta ayuu wuxuu ku qabowsaday in ugu yaraan uu helay waddo fiican uu wax ku bilaabi karo, Cabbaasna uu Waddadaas yahay.

C/casiis ayaa markaa ku celshay oo yiri “mala qabaa mise wali waa Gabar? markaas ayuu ugu jawabay Cabbaas “in ay wali Gabar tahay oo aan la qabin ayaan ogahay, waana Qof Ganacsata ah oo mashquul badan, isagana kala gooshta Gobolada Dalka, waxna ka korisa ilmahaas yar yar ee aabaheed uu ka dhintay, ayaan ogahay.

Cabbaas si wanaagsan oo Saaxiibtinima ku jirta ayuu ugu sir baxay C/casiis, isaga oo  sidaa u yeelayay in uu yahay C/casiis Imaam ku xigeenka Masjidka,waxna ay isla bartaan, isla markaana ogaa in uu waayadan goob goobayo Qof uu Nolosha la qaybsado.

Cabbaas isaga oo dhankaas wax ka eegayana wuxuu galay inuu Bogaadin iyo Xayeesiin u sameeyo Gabadha gaamurtay ee guurka ka daahday ee ay ilma habreedka yihiin, runtiina aad ayuu ugu riyaaqsanaa in saaxiibkii uu damac ka galay gabadhaas.

Rag waa Rag, marka dumar qabashadooda laga hadlayo isku fikir ayey dhankaa ka noqdaan, inkastoo laba ujeeddo la kala lahaa, Cabbaas isaga wuxuu is lahaa gabadha walaashaada ah Nolol ha hesho, C/casiisna wuu u qalmaa.

Nin walba turubkiisa ayaa u baandhaysnaa, isku ujeeddana waa la ahaa, kala ujeeddana waa la ahaa, C/casiis isaga wax kale ayaa u muuqday oo Sir u qarsoon ayaa jirtay, wuxuu is lahaa waa jaaniskii aad waligaa ku hammin jirtay, Towbada Alle xagiisa ayey taalaa aqbalaaddeeda, balse jaaaniska aad ku sixi karto khaladkii shalay aad gashay maanta ayuu hortaada yaalaa ee dib u sax, si aad u hesho Qalbi dagan.

Qaabka ay u wada hadlayeen Cabbaas iyo C/casiis wuxuu ahaa qaab cajiib ah oo Nin walba uu ninka kale uga kor baxayay si caqliyeysan, nin walbana ujeeddadiisa u gaar ayey ahayd, waxaana jiray dadaal uu qof walba ku gaar is lahaa Danta la isla wada arkay ee ay labadooda kala lahaayeen.

La soco qaybta 8aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN