TAARIIQO IS DABA YAAL!! Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

tariikh

Suuriyah سورية\ zamanka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Islaamka hortiis
Carabtu waxay degi jirtay dhulka la yiraahdo Jaziiradda Carabta, oo ilaa maanta cid aan ayaga ahayni ma degto, haddii laga reebo dad shaqo u yimid oo magaalooyinka wax ka shaqaysta.idoo kale Suuriyah qoysas carbeed waa degganaayee, sidaan annaguba maanta galbeed u degannahay.
Islaamka hortiis dalka Suuriyah سورية\ maanta la yiraahdo waxaa deganaan jiray dadka maanta la yiraahdo Ingiriis, Jarman, Fransiis iyo kuwa ka farcamay, kuwaanoo zamannada kala duwan magac kala duwan lahaan jiray, ayna ugu magac dheeraayeen, uguna xoog badnaayeen marka la oran jiray “Boqortooyada Roomaanka”. Dadkaan Ilaahay Cazza wa Jallana الله عزوجل\ wuxuu ku magacaabay Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوج\ Quraanka dhexdiisa.
Asalkoodu waxay degganaan jireen dhulka la yiraahdo Siberia, oo buuraaleyda Ural la yiraahdo ka dambaysa, maantana gobol Russia ka mid ah.
Siday ku yimaadeenna arliganna waxaan uga warbixiyay kitaabkayga “Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج
ومأجوج\ ” oo aad isla website-kaan aad ka heli kartid.
Markaasaa waxaa dhulkaas ka bara kiciyay oo kala wareegay carabta, gaar ahaan zamanka Amiiru Al Mu’miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن
الخطاب\ , Allahaالله raalli ka ahaadee, sidaan hore uga soo warbixinnay, iyo zamannadii ka dambeeyeyba.
Waxaan qoraalkaan uga warbixinaynnaa in yar oo ka mid ah xiriirka dhexmaray Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo boqorka Roomaanka, oo la oran jiray Heraclius هرقل\ . Waxaan hoos ku arki doonnaa odorisidda Heraclius, boqorka Roomaanka, inay arligiisa la wareegi doonaan carabtu.
Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo laba warqadood u diray Hiraql هرقل\ (Heraclius) boqorka Rooma
Al Qasdhalaanii القسطلاني\ wuxuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, markuu kasoo laabtay Al Xudaybiyyah الحديبية\ , waana sanadka lixaad ee Hijrada, wuxuu warqad u dhigay boqorka Romaanka, oo magaciisu ahaa Hiraqal. Markaasaa waxaa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam loo sheegay inayan roomaanku warqad akhrisan jeer ay saxiixan tahay oo shabbadi ku dheggan tahay mooyee. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu samaystay fara gashi qalin laga sameeyey laguna naqashay saddex sadar: sadar waxaa ku dhigan
2
Muxammad محمد\ , sadarna Rasuulu رسول\ , sadarna Allaahi الله\ oo uu markaas qoraalka ku shabbadeeyey.
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, wuxuu warqad u dhigay Qaysar
قيصر\ (Qaysar قيصر\ waxaa loogu yeeraa boqor kasta ee boqortooyada roomaanka sidaan annagu maanta qofkii dal madax u ahba loo yiraahdo Madaxweyne oo kale. Qaysarka قيصر\ ugu horreeyey waxaa magacaas loo siiyay isagoo ayan hooyadiis u dhali si caadi ah balse caloosheeda inta la dhanbalay halkaas laga soo bixiyay, taas ayaana u sabab ah in dhalmada sidaas ah maanta loo yiraahdo “caeserian” isaguna wuuba ku faani jiray oo wuxuu oran jiray inuusan isagu kasoo bixin oo uusan soo marin kaadi mareenka haweenka), midka la yiraahdo Hiraql boqorka roomaanka waagaas, markii qoraalka la dhigayna wuxuu yiri:
“من ينطلق بكتابي هذا إلى هرقل، وله الجنة؟”
“Man yandhaliqu bi kitaabii haathaa haathaa ilaa Hiraql wa lahu al jannah?”
oo macnihiisu yahay:
“Kumaa warqaddaydaan la dhaqaaqaya oo u geynaya Hiraql هرقل\ oo jannada la gelinayaa?”
Markaasay waxay yiraahdeen:
“Hadduu warqadda la dhaaqo oo uu gaari waayo – isagoo ama dariiqa ku dhinta ama ay wax kale ka hor istaagaan inuu gacanta ka saaro – jannada la leeyahay?”
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
“وإن لم يصل.”
“Wa in lam yasil”
oo manihiisu yahay:
“Haa, wuu leeyahay xattaa hadduusan gaarin.”
Markaasaa waxaa warqadda qaaday Dixyah bin Khaliifahn Al Kalbii دحية بن خليفة الكلبي\ , oo ahaa saxaabi jaliil ah iyo nin aad u waji qurxoon, horena u islaamay, Dixyah دحية\ waxaa afka reer Yaman يمن\ lagu yiraahda Al Ra’iisu الرئيس\ oo ah Madaxweyne.
Markaasuu wuxuu ula kacay meeshuu joogay Hiraql هرقل\ oo ahayd Al Quddus القدس\ , siduu Al Bukhaarii البخاري\ u wariyay.
Al Bukhaarii البخاري\ wuxuu kaloo kitaabka Kitaabu Al Jihaadi كتاب الجهاد\ ku wariyay in markuu Ilaahay Hiraql ka rogay ciidanka Faaris فارس\ oo uu ka adkaaday ayuu wuxuu kasoo lugeeyey Xims حمص\ (Oo ah magaalada wayn oo maanta Suuriyah سورية\ ku taalla) ilaa uu lug uga yimaado Al Quddus القدس\ isagoo taas ka dhigaya shrukrin uu Ilaahay الله\ ku shukrinayo.
Hiraql: Carab ayaa Al Shaam الشام\ Roomaanka kala waregeysa
Al Dhabarii الطبري\ iyo Fatxu Al Baarii فتح الباري\ iyo ibnu Cabdu Al Xakam عبد الحكم\ waxay ayaguna wariyeen riwaayado is xoojinaya oo leh: Kisraa كسرى\ boqorka Faaris فارس\ (Waana dalka maanta Iiraan إيران\ la yiraahdo) ayaa wuxuu ciidan u diray oo ku duulay boqortooyada
3
Roomaanka arliga Hiraql هرقل\ , markaasay in badan oo arligaas ka mid burburiyeen oo kharaabiyeen.
Markaasuu Kisraa كسرى\ wuxuu raagsaday soo noqoshada Taliyihii ciidankiisaas watay – oo uu Al Baghawii البغوي\ tafsiirka Aayadda koowaad ee Suuratu Al Ruumi سورة الروم\ ku yiri inuu magaciisu ahaa Yaxfasيحفس – , markaasuu wuxuu damcay inuu dilo oo uu amiir kale ciidanka madax uga dhigo. (Fatxu Al Baarii فتح الباري\ wuxuu wariyay inuu taliyaha ciidanka Faaris magaciisu ahaa Shahr Baraaz شهر براز\ ; midkuu boqorku doonayay inuu ku beddelana magaciisu wuxuu ahaa Farruxaan فرحان\ )
Markaasuu taliyihiisaasu go’aankaas Kisraa كسرى\ ka war helay, markaasuu wuxuu sidaas ugu sheegay oo uu la saf noqday Hiraqlهرقل oo uu la heshiiyay, oo uu markaas ciidankiisa ka hor wareejiyay oo uu sidaas Hiraqlهرقل ku jebiyay oo uga adkaaday Kisraa كسرى\ , boqorka Faaris فارس\ , oo ah Iraan إيران\ maanta.
Markaasuu shukri ahaan Hiraql Xims حمص\ kasoo lugeeyey isagoo Ilaahay الله\ taas ugu shukrinaya libtaas uu Kisraa كسرى\ ka siiyay, siduu hore u nathray, oo uu lug ku yimid Baytu Al Maqdis بيت المقدس\ .
Krishtaankuna waxay u xajjin jireen oo ay ilaa maanta u xajjiyaan Al Quddus القدس\ , kaasoo ah xaj aan Ilaahayالله waajibin oo wax kama jiraan ah, ayadoo ay Kacbada الكعبة\ loo xajiyo oo ah Guriga Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ ay Makkah Al Mukarramah مكة المكرمة\ ku taallo.
Intuu dariiqa kusoo jiray ayuu Hiraql هرقل\ habeen wuxuu ku riyooday inay isaga iyo boqortooyadiisaba halaagi doonaan qolo raggoodu gudan yahay. Markaasuu subixii dambe wuxuu culummada iyo dadkaba waydiiyay kuway yihiin qolada is gudda, waxayna ku yiraahdeen:
“Waa yuhuudda.”
Markaasuu wuxuu goostay oo amar ku baxshay in la wada dilo yuhuudda ku nool arliga Al Shaam الشام\ .
Waxaase Ilaahayالله qadaray inay dhacdo arrin ku khasbay inuu go’aankiisaas ka noqdo, oo ahaa in la qabtay nin carab ah oo tuug ah oo wax xaday. Markaasaa booliskiisu dharka ka wada siibeen ayagoo si xoog leh u fatashaya. Markaasay waxay arkeen inuu gudan yahay. Waxay weydiiyeen:
“Ma yuhuudi ayaad tahay?”
Wuxuu yiri:
“Maya.”
Waxay yiraahdeen:
“Ma carab ayaad tahay?”
Wuxuu yiri:
“Haa.”
Waxay yiraahdeen:
“Oo carabtuna ma is gudaan?”
4
Wuxuu yiri:
“Haa.”
Markaasay Hiraqlهرقل u geeyeen, kuna yiraahdeen:
“G’aankaaga ka noqo, oo yuhuudda kali ah isma gudaane, carabtuna waa is guddaa.”
Abuu Sufyaan أبوسفيان\ ayaa Ghazzah غزة\ laga keenay
Markaasuu go’aankiisa ahaa inuu yuhuudda laayo ka noqday, oo markay u timid warqadduu usoo diray Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, oo uu Dixyah bin Khaliifah Al Kalbiyyu دحية بن خليفة الكلبي\ u keenay, ayuu wuxuu askartiisa amray in loo keeno rag carab ah oo u dhashay tolka Nabigaan Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam carabta ah oo uuka wareysto. Markaasaa Abuu Sufyaan أبوسفيان بن حرب الأموي\ iyo asxaabtiisa laga soo qabtay Ghazzah غزة\ ee arliga Falasdhiin فلسطين\ , (Fatxu Al Baarii فتح الباري\ : waxayna ahaayeen soddon nin oo ganacsi Makkah مكة\ uga soo safray(, oo loogu keenay Baytu Al Maqdis بيت المقدس\ .” Waa intaas warka Al Dhabarii الطبري\ Allahaالله dambigiisa dhaafee.
Faalkiisa xiddiguhu waxay Hiraqal u sheegeen inay “Rag gudan ayaa boqornimadaada iyo dhulkaaga kaala wareegi doona”
Warbixinta Abuu Sufyaanأبوسفيان ee la kulankiisa Hiraqlهرقل boqorka Roomaanka
Ibnu Isxaaq إبن إسحاق\ wuxuu Abuu Sufyaan bin Xarb أبوسفيان بن حرب\ ka wariyay inuu yiri: “Markay ahayd zamanka heshiiska nabad gelyo ee Al Xudaybiyyah الحديبية\ (Waana sanadka toddobaad ee Hijriga هجرية\ oo heshiisku wuxuu ahaa sanadka lixaad) ayaan waxaan ganacsi ugu kici timay Shaam الشام\ anigoo la socda koox rag Quraysh قريش\ ah.
Markaasuu Hiraql هرقل\ wuxuu ninka booliskiisa madaxda u ah ku yiri:
“Arliga Al Shaam الشام\ oo idil fatash oo waxaad ii keentaa nin ka dhashay tolka ninkaan (waana Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam) si aan arrinkiisa uga wareysto. Markaasuu ninkaasu aniga iyo asxaabtayda oo Ghazzah غزة\ joogna nagu soo duulay oo uu dhammaanteen Al Quddus القدس\ noo kexeeyey.”
Markaasuu ibnu Isxaaq إسحاق\ Xadiithka siduu ahaa u wada wariyay sida Al Bukhaarii البخاري\ ugu qoran oo kale iyo inay Al Quddus القدس\ ugu yimaadeen ayagoo la wado.
Markaasuu Hiraqlهرقل majliskiisa ugu yeeray ay uguna yimaadeen ayadoo ay ku hareereysan yihiin madaxdii Rooma, taajkiisuna madaxa u saaran yahay. Kaddibna wuxuu dhammaystiray Xadiithka inta ku saabsan su’aalaha Hiraqlهرقل iyo jawaabaha Abuu Sufyaan أبوسفيان\ .
Al Bukhaarii البخاري\ wuxuu wariyay inuu ibnu Cabbaas إبن عباس\ wariyay inuu Abuu Sufyaan bin Xarb Al Amawii أبوسفيان بن حرب الأموي\ isaga u sheegay oo yiri:
“أن أبا سفيان بن حرب، أخبره: أن هرقل أرسل إليه في ركب من قريش، كانوا تجارا بالشأم، في
المدة التي كان رسول الله صلى الله عليه وسلم ماد فيها أبا سفيان و كفار قريش، فأتوه و هم بإيلياء،
فدعاهم و حوله عظماء الروم، ثم دعاهم فدعا بالترجمان، فقال: “أيكم أقرب نسبا بهذا الرجل الذي
5
يزعم أنه نبي؟” فقال أبو سفيان: “فقلت: “أنا أقربهم.” فقال: “ادنوه مني، و قربوا أصحابه
فاجعلوهم عند ظهره.” ثم قال لترجمانه: “قل لهم إني سائل هذا الرجل، فإن كذبني فكذبوه.” فوالله
لولا الحياء من أن يأثروا علي كذبا لكذبت عنه.” ثم كان أول ما سألني عنه أن قال: “كيف نسبه
فيكم؟” قلت: “هو فينا ذو نسب.” قال: “فهل قال هذا القول منكم أحد قط قبله؟” قلت: “لا.” قال:
“فهل كان من آبتئه من ملك؟” قلت: “لا.” قال: “فأشراف الناس اتبعوه أم ضعفاؤهم؟” فقلت:
“ضعفاؤهم.” قال: “أيزيدون أم ينفصون؟” قلت: “بل يزيدون.” قال: “فهل يرتد أحد منهم سخطة
لدينه بعد أن يدخل فيه؟” قلت: “لا.” قال: “فهل يغدر؟” قلت: “لا، و نحن منه في مدة لا ندري ما
هو فاعل فيها.” قال: “ولم يمكني كلمة أدخل فيها شيئا غير هذه الكلمة.” قال: “فهل قاتلتموه؟”
قلت: “نعم.” قال: “فكيف كان قتالكم إياه؟” قلت: “الحرب بيننا و بينه سجال، ينال منا و ننال
منه.” قال: “فماذا يأمركم؟” قلت: “يقول: “اعبدوا الله و لا تشركوا به شيئا، و اتركوا ما كان يعبد
آباؤكم، و يأمرنا بالصلاة و الصدق و العفاف و الصلة.” فقال لترجمانه: “قل له: “إني سألنك عن
نسبه فذكرت أنه فيكم ذو نسب، و كذلك الرسل تبعث في نسب قومها. و سألتك هل قال أحد منكم هذا
القول قبله، فذكرت أن لا، فقلت لو كان أحد قا هذا القول قبله، لقلت رجل يتآسى بقول قيل قبله. و
سألتك هل كان من آبائه من ملك، فذكرت أن لا، قلت: لو كان من آبائه من ملك، قلت: رجل يطلب ملك
أبيه. و سألتك هل كنتم تتهمونه بالكذب قبل أن يقول ما قال، فذكرت أن لا، فقد أعرف أنه لم يكن ليذر
الكذب على الناس و يكذب على الله. و سألتك أشراف الناس اتبعوه أم ضعفاؤهم، فذكرت أن ضعفاءهم
اتبعوه، وهم اتباع الرسل. وسألتك أيزيدون أم ينفصون، فذكرت أنهم يزيدون، وكذلك أمر الإيمان
حتى يتم. وسألتك أيرتد أحد سخطة لدينه بعد أن يدخل فيه، فذكرت أن لا، وكذلك الإيمان حين تخالط
بشاشته القلوب. وسألتك هل يغدر، فذكرت أن لا، وكذلك الرسل لا تغدر. و سألتك بما يأمركم، فذكرت
أنه يأمركم أن تعبدوا الله وحده و لا تشركوا به شيئا، وينهاكم عن عبادة الأوثان، ويأمركم بالصلاة
والصدق والعفاف، فإن كان ما تقول حقا فسيملك موضع قدمي هاتين، وقد كنت أعلم أنه خارج، لم
أكن أظن أنه منكم، فلو أعلم أني أخلص إليه، لتجشمت لقاءه، و لو كنت عنده لغسلت عن قدمه.”
ثم دعا بكتاب رسول الله صلى الله عليه وسلم الذي بعث به دحية إلى عظيم بصرى، فدفعه إلى هرقل،
فقرأه، فإذا فيه:
“بسم الله الرحمن الرحيم. من محمد عبد الله و رسوله إلى هرقل عظيم الروم: سلام على من اتبع
الهدى، أما بعد، فإني أدعوك بدعاية الإسلام، أسلم تسلم، يؤتك الله أجرك مرتين، فإن توليت فإن
عليك إثم الأريسيين، و: يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَالَّ نَعْبُدَ إِالَّ اللاهَ وَلََّ نُشْرِكَ بِهِ
شَيْئًا وَلََّ يَتاخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللاهِ فَإِنْ تَوَلاوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَانا مُسْلِمُونَ .”
قال أبو سفيان: “فلما قال ما قال، وفرغ من قراءة الكتاب، كثر عنده الصخب، وارتفعت الأصوات وأخرجنا.
فقلت لإصحابي: “لقد أمر أمر ابن أبي كبشة: إنه يخافه ملك بني الأصفر.” فما زلت موقنا أنه سيظهر حتى
أدخل الله علي الإسلام.”
وكان ابن الناطور، صاحب إيلياء وهرقل، أسقف على نصارى الشأم، يحدث أن هرقل حين قدم إيلياء،
أصبح خبيث النفس، فقال له بعض بطارقته: “قد استنكرنا هيئتك.” فقال ابن الناطور: وكان هرقل حزاء
ينظر في النجوم، فقال لهم حين سألوه: “إني رأيت الليلة حين نظرت في النجوم أن ملك الختان قد ظهر،
فمن يختتن من هذه الأمة؟” قالوا: “ليس يختتن إلا اليهود، فلا يهمنك شأنهم، و اكتب إلى مدائن ملكك،
فيقتلوا من فيهم من اليهود.” فبينما هو على أمرهم، أتي هرقل برجل أرسل به ملك غسان يخبر عن خبر
6
رسول الله صلى الله عليه وسلم، فلما استخبره هرقل قال: “اذهبوا فانظروا أمختتن هو أو لا؟” فنظروا
إليه، فحدثوه أنه مختتن، وسأله عن العرب، فقال: “هم يختتنون”، فقال هرقل: “هذا ملك هذه الأمة قد
ظهر.” ثم كتب هرقل إلى صاحب له برومية، و كان نظيره في العلم، وسار هرقل إلى حمص حتى أتاه كتاب
من صاحبه يوافق رأي هرقل على خروج النبي صلى الله عليه وسلم، وأنه نبي، فأذن هرقل لعظماء الروم
في دسكرة له بحمص، ثم أمر بأبوابها فغلقت، ثم اطلع فقال: “يا معشر الروم، هل لكم في الفلاح و الرشد،
وأن يثبت ملككم، فتبايعوا هذا النبي؟” فحاصوا حيصة حمر الوحش إلى الأبواب، فوجدوها قد غلقت، فلما
رأى هرقل نفرتهم، وأيس من الإيمان، قال: “ردوهم علي”، وقال: “إني قلت مقالتي آنفا أختبر بها شدتكم
على دينكم، فقد رأيت”، فسجدوا له و رضوا عنه، فكان ذلك آخر شأن هرقل.”
وكان ابن الناطور، صاحب إيلياء وهرقل، أسقف على نصارى الشأم، يحدث أن هرقل حين قدم إيلياء،
أصبح خبيث النفس، فقال له بعض بطارقته: “قد استنكرنا هيئتك.” فقال ابن الناطور: وكان هرقل حزاء
ينظر في النجوم، فقال لهم حين سألوه: “إني رأيت الليلة حين نظرت في النجوم أن ملك الختان قد ظهر،
فمن يختتن من هذه الأمة؟” قالوا: “ليس يختتن إلا اليهود، فلا يهمنك شأنهم، و اكتب إلى مدائن ملكك،
فيقتلوا من فيهم من اليهود.” فبينما هو على أمرهم، أتي هرقل برجل أرسل به ملك غسان يخبر عن خبر
رسول الله صلى الله عليه وسلم، فلما استخبره هرقل قال: “اذهبوا فانظروا أمختتن هو أو لا؟” فنظروا
إليه، فحدثوه أنه مختتن، وسأله عن العرب، فقال: “هم يختتنون”، فقال هرقل: “هذا ملك هذه الأمة قد
ظهر.” ثم كتب هرقل إلى صاحب له برومية، و كان نظيره في العلم، وسار هرقل إلى حمص حتى أتاه كتاب
من صاحبه يوافق رأي هرقل على خروج النبي صلى الله عليه وسلم، وأنه نبي، فأذن هرقل لعظماء الروم
في دسكرة له بحمص، ثم أمر بأبوابها فغلقت، ثم اطلع فقال: “يا معشر الروم، هل لكم في الفلاح و الرشد،
وأن يثبت ملككم، فتبايعوا هذا النبي؟” فحاصوا حيصة حمر الوحش إلى الأبواب، فوجدوها قد غلقت، فلما
رأى هرقل نفرتهم، وأيس من الإيمان، قال: “ردوهم علي”، وقال: “إني قلت مقالتي آنفا أختبر بها شدتكم
على دينكم، فقد رأيت”، فسجدوا له و رضوا عنه، فكان ذلك آخر شأن هرقل.”
Abuu Sufyaan أبوسفيان\ iyo Hiraqal هرقل\
Xadiithkaan waa midka toddobaad ee Saxiixu Al Bukhaarii صحيح البخاري\ , kuna jira “Kitaabu Bad’i Al Waxyi ilaa Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam كتاب بدء
الوحي إلى رسول الله صلى الله عليه وعلى آله وسلم\ .”
Xadiithka kasoo guurinnay kitaabka Cuyuunu Al Athar عيون الأثر\ uuna dhigay al imaamu al xaafithu Fatxu Al Ddiini Muxammad bin Sayyidi Al Nnaasi al sh-shaaficii al macruufu bi “ibnu Sayyidi Al Nnaasi الحافظ فتح الدين محمد بن سيد الناس الشافعي المعروف بإبن سيد الناس\ oo noolaa inta u dhexeysay sanadaha lix boqol kow iyo toddobaatan ilaa toddoba boqol afar iyo soddon Hijriga, boggiisa saddex boqol afar iyo labaatan:
“Abuu Sufyaan أبوسفيان\ wuxuu yiri:
“Markaasuu Hiraql هرقل\ wuxuu turjumaankiisa ku yiri:
“Waxaad raggaan waydiisaa midkooda nasab ahaan ugu dhow ninka Nabinnimada sheegtay.”
Abuu Sufyaan أبوسفيان\ wuxuu yiri:
“Markaasaan iri:
“Anigaaa nasab ahaan ugu dhow”, ayadoo uusan ragga safarkaas ku jirin nin reer Cabdu Manaaf
عبد مناف\ (Ahna qabiilka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam,
7
oo Cabdu Manaaf فانم دبع waa awoowihiisa saddexaad oo dhalay Haashim bin Cabdu Manaaf هاشم بن عبد مناف\ iyo mataankiisa Cabdu Shams bin Cabdu Manaaf عبد شمس بن عبد مناف\
oo uu Abuu Sufyaanأبوسفيان ku abtirsado) ah oo aan aniga ahayn.”
Qaysar wuxuu yiri:
“Ii soo dhoweeyey.”
Kaddibna amar ayuu ka baxshay oo markaasaa asxaabtayda dhabarkayga la yeelay, kaddibna wuxuu turjumaankiisa ku yiri:
“Waxaad asxaabtiisa u sheegtaa inaan midkaan hortiinna u istaajiyay si aan ninkaan uga waraysto sheeganaya inuu Nabi yahay, adinkana waxaan isaga dhabarkiisa idiin yeelay inaad ku beenisaan hadduu been sheego.”
Abuu Sufyaan أبوسفيان\ wuxuu yiri:
“Wa Allaahi والله\ haddayan ahaan lahayn inaan ka xishooday inay asxaabtaydu been igu qabtaan been ayaan ka sheegi lahaa, laakiin waan xishooday oo aan runta sheegay anigoo kahanaya. Kaddibna wuxuu turjumaankiisa ku yiri:
“Waxaad tiraahdaa:
“Sidee buu nasabka ninkaanu ku yahay tolkiinna dhexdiisa?”
Waxaan iri:
“Waa nin nasab fiican leh.”
Wuxuu yiri:
“Waxaad ku tiraahdaa:
“Hadalka uu ninkaanu leeyahay isaga hortiisa nin adinka idinka mid ahi ma yiri, oo Nabinnimo ma sheegtay?”
Waxaan iri:
“Maya.”
Wuxuu yiri:
“Intuusan wuxuu yiri uusan oran ninka ma ku tuhmi jirteen inuu been sheego?”
Waxaan iri:
“Maya.”
Wuxuu yiri:
“Aabayaalkiis ma ka mid ahaa nin boqor ah?”
Waxaan iri:
“Maya.”
Wuxuu yiri:
“Ma dadka madaxdiisa ayaa raacay ama intooda taagta daran?”
Waxaan iri:
“Bal intooda taagta daran.”
Wuxuu yiri:
“Miyay kordhayaan mase waa yaraanayaan dadka raacsani?”
Waxaan iri:
“Bal way kordhayaan.”
Wuxuu yiri:
“Dadka raacay axadkoodna diintiisa ma ka noqdaa nacayb uu u qaaday daraadeed?”
Waxaan iri:
“Maya.”
8
Wuxuu yiri:
“Miyuu dadka khayaanaa?”
Waxaan iri:
“Maya, waqtigaanna waxaan kula jirnaa heshiis nabadeed, mana ogin wuxuu mudadaaas dhexdeeda fali doono.”
Wuxuu yiri:
“Dagaal ma la gasheen?”
Waxaan iri:
“Haa.”
Wuxuu yiri:
“Sideebuu dagaalkiinna iyo dagaalkiisu ahaayeen?”
Waxaan iri:
“Wuxuu ahaa is waydaarsi, oo marna isagaa gacanta sare leh marna annaga ayaa gacanta sare leh.”
Wuxuu yiri:
“Waana maxay wuxuu idin amrayaa?”
Waxaan iri:
“Wuxuu na amrayaa inaan Ilaahay الله\ keligiis caabudno oo aanan waxna shariik ula yeelin, wuxuuna naga reebayaa waxay aabayaalkeen caabudi jireen, wuxuuna na farayaa inaan salaad tukanno, sadaqana bixinno, iyo inaan dhawrsanaanno, cahdigana aan oofinno amaanadana aan cidda leh u celinno.”
Markaasuu wuxuu turjumaankiisa ku yiri:
“Waxaad ku tiraahdaa:
“Waxaan ku waydiiyay nasabkiisa waxaad ii sheegtay inuu laan dheer yahay, Rusushuna waa sidaasoo kaloo waxaana loo diraa ayagoo leh nasabka tolkooda loo dirayo.
Waxaan kaloo ku waydiiyay inuu axadna isaga hortiisa tolkiinna ku hadalay oo nabinnimo sheegtay isaga hortiis waxaadna tiri maya, oo hadduu axadna isaga hortiisa hadalkaas oo kale ku hadli lahaa waxaan oran lahaa: “Waa nin ku dayanaya hadal hortiis la yiri.”
Waxaan kaloo ku waydiiyay inaad beenlownimo ku tuhmi jirteen ka hor intuusan oran wuxuu yiri, waxaadna tiri maya, sidaasaana waxaan ku ogaaday inuusan nin aan dadka been u sheegin uusan markaas Ilaahay الله\ been ka sheegayn.
Waxaan kaloo ku waydiiyay inuu aabayaalkiisa boqor ku jiray waxaadna tiri maya, oo hadduu aabayaalkiis boqor ku jiray waxaan oran lahaa: “Waa nin boqortooyada aabihiis doonaya.”
Waxaan kaloo ku waydiiyay inay raacaan dadka madaxdiisa ama kuwooda taagta daran waxaadna tiri kuwooda taagta daran, kuwaas ayaana ah kuwa Rususha raaca.
Waxaan kaloo ku waydiiyay inay dadka raacsani kordhayaaan ama naaqusayaan waxaadna tiri inay kordhayaan, taasna waa xaaladda iimaanka markuu ka dhammaystirmo.
9
Waxaan kaloo ku waydiiyay inuu dadkaas raacay midkoodna caro uu diintiisa u qabo uga baxo oo murtad noqdo kaddib markuu diintaas galay waxaadna tiri maya, waana sidaas markuu iimaanku ku darsamo oo dhexgalo faraxa qalbiga oo uusan markaas axadna ka caraysiin karin.
Waxaan kaloo ku waydiiyay inaad la dagaallanteen waxaadna tiri haa inuu xarbigiinnu darandoorri yahay oo uu marna isagu gacanta sare helayo marna aad adinku gacanta sare heleysaan, waana sidaasaa Rususha loo imtixaanaa, kaddibna ayaaga ciribta hela.
Waxaan kaloo ku waydiiyay wuxuu idin farayo waxaadna sheegtay inuu idin farayo “Wuxuu na amrayaa inaan Ilaahay الله \ keligiis caabudno oo aanan waxna shariik ula yeelin, wuxuuna naga reebayaa waxay aabayaalkeen caabudi jireen, wuxuuna na farayaa inaan salaad tukanno, sadaqana bixinno, iyo inaan dhawrsanaanno, cahdigana aan oofinno amaanadana aan cidda leh u celinno.”
Isaguna waa Nabi, waanna ogsoonaa inuu Nabi soo bixi doono umase moodayn inuu adinku idinka mid yahay. Waxa iga soo gaaray hadday run yihiinna mar dhowba arligaan aan ku taaganahay ayuu mulkin doonaa, haddaan ogahay inaan gaari karana waan ku dadaali lahaa oo dhib kasta u dul qaadan lahaa si aan ula kulmo. Markaan u tagana labadiisa cagood ayaan dhiqi lahaa.”
Abuu Sufyaan أبوسفيان\ wuxuu yiri:
“Markaas kaddib ayuu dalbay oo loo keenay warqadda Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, oo loo akhriyay, waxaana ku dhignaa:
“من محمد رسول الله إلى هرقل، عظيم الروم. سلام على من اتبع الهدى، أما بعد. فإني أدعوك بدعاية
الإسلام. أسلم تسلم، يؤتيك الله أجرك مرتين. فإن توليت فإن عليك إثم الأريسيين، ويا أهل الكتاب تعالوا إلى
كلمة سواء بيننا وبينكم أن لا نعبد إلا الله و لا نشرك به شيئا، ولا يتخذ بعضنا بعضا أربابا من دون الله. فإن
تولوا فقولوا اشهدوا بأنا مسلمون.”
Xadiithka macnihiisu waa soo socdaa ee hoos ka fiiri.
Abuu Sufyaan أبوسفيان\ wuxuu yiri:
“Markuu hadalkiisa dhammaystay oo warqaddana kasoo jeestay ayay codadka ragga hareerihiisa fadhiyaa kor u qaadmeen, mana garan waxay lahaayeen. Markaasuu Qaysar قيسر\ amar baxshay oo annaga dibadda naloo baxshay. Markaasaan markaan dibadda tagnay aniga iyo asxaabtaydu oo aan kaliyeysannay waxaan ku iri:
“Arrinka ibnu Abii Kabshah إبن إبي كبشة\ (oo uu ka wado Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam) kor ayuu ahaaday oo xoogeystay talinayaana ayadoo uu boqorka Banii Al Asfar بني الأصفر\ , ahna boqorka roomaanka, kaba baqay.”
Sidaasaan waxaan ku ahaa mid daliil ah oo huba inuu amarkiisu libta helayo ilaa uu Ilaahay الله\
islaamka qalbigayga geliyay.”
Ibnu Xajar wuxuu yiri:
“Roomaanka awoowohooda dhalay waa Ruumu bin Cays bin Isxaaq bin Ibraahiim Calayhimassalaamu; ibnu Hishaam wuxuu “Al Tiijaan” ku yiri: “Waxaa loogu naanaysay “Al Asfar” maxaa yeelay ayeeyadiis Saarah xaaska Ibraahiim ayaa waxay u xirtay dahab.”
10
Al Bukhaarii البخاري\ wuxuu wariyay inuu Ibnu Cabbaas إبن عباس\ yiri:
“Ibnu Al Nadhuur إبن النطور\ wuxuu ahaa guddoomiyaha Baytu Al Maqdis بيت المقدس\ . Isaga iyo Hiraql هرقل\ waxay labadooduba ahaayeen wadaaddo diinta krishtaanka (Bishop) ee Al Shaam
الشام\ .

u diyaar garow Qormooyin kale oo Taariikho ah sabti walba insha Allah

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Columbus, Ohio, USA

SHEEKOOYIN