Shiribmaal iyo Al-shabaab, dood dhexmartay. W/C: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

quotescover-JPG-81

Waa shirib dood ah oo dhex maray anita Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal” ah iyo Hoggaamiye ka tirsan ururka nabad diidka ah ee Al-Shabaab (UGUS) Hoggaamiyaha magaciisa waxa la yiraahdaa: Yuusuf Kobo ku tukade oo ka tirsan yahay Ugus EX alshabaab, Shiribkan garnaqsiga ah ayaanna cabbiraya aragtiyaha kala fog ee ururma xagjirka ah iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ay ku gummaadayaan magana Diineed ee beenta ah. Waa urur caadeystay, dabar goynta dadka Soomaaliyeed.

Shiribku waa waraysi dadban oo aan Ummadda Soomaaliyeed ugu bishaminayo dhagarta iyo Sharta UGUS EX-Alshabaab. SHIRIBKA waxa billaabaya aniga halka Hoggaamiyuhu is difaacayo ee ka bogasho wacan:

Xasan:

Kuba kudukadoow kabiir
Kutubku ma dhigaa kadeed,??

Kobo ku dukade:

Kabul dheh warku hees kabyee
Kutubya dhaqankiina kaay!

Xasan:

Kuleylku waana kaafiyee
Kooxdiinu yeey la kaashataa??

Kobo ku dukade:

Kooxdu niman karood baxoo
Kasbeeysaneey la kaashataa!!

Xasan

Kawaanka dadka kuufureed
Loo kali yeelay ii kasbeey?

Kobo ku dukade:

Kawaanka kaarta qaas ahaa
Lagu karshaahe kaadso wiil!!
Xasan:

Koonkaan dadkaan korsaaranaa
Idin kahdeene kaarta keen??

Kobo ku dukade:

Kufaar warkooda koobi maa
Koonkana waa inaan karshaa

Xasan:

Kalaamadaad kas leedihiin
Ammaad hadhoow karaahsataa,?

Kobo ku dukade:

Kibirba aan is kaashanee
Kolley aduunyo waan korreyn’!!

Xasan:

Kaaheey dhexdeeda kiiska yaal
Kulu intaad ku kaay rabtiin,?

Kobo ku dukade:

Koobka ninkaan korsaaranoow
Su,aalo la kasaayo keen,!

Xasan:

Kasidu waa ninkii kortee
Kutubka dad kawaana keen?

Kobo ku dukade:

Kalaamka maadan soo kasbeyn
Kartab inaad dhahdaad koree,

Xasan:

Kartab KARIIM jawaa karee
U kaadi waadigaan kufee,

Kobo ku dukade:

Kaxda ad joogto maan kasaa
Kalaam danbe ma koobiseen,

Xasan:

Kurusya caano maad kabbee
Kaxda an joogo kaalay hee

Kobo ku dukade:

Kabiir ninkii horoo karshaa
Kutaab celaa an wayla kaaf,

Xasan:

Kini haddaad ahayd karshoow
Kalkaan adeey kugtaada taal,

Kobo ku dukade:

Kobo kudukadoo kalaad
Igu kahee sidaan kasaa?

Xasan:

Konton daqiiqo ka dibaan
Kula kulmaa minaan kahaa!

Kobokudukade:

Katiito meel koboo jirtaan
Kugu sugaahe soo kud hee,

Xasan:

Koron adoo ah koorisee
Minaad kalkaan kacdii kawaan,

Kobokudukade:

Kaldheer jabtaa lasii kabee
Minaan is keeno xaan kasbaa?

Xasan:

Nin kasay looma kaadiyee
Karfanta dhaafe kaley hee.

W/Q:  Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN