Tixda: Banaadir W/C: Bashiir Maxamad Xersi

Maamulka-Gobolka-Banaadir-logo-620x330

Tixda: Banaadir

 

Waa  tix   heeseed ka hadlaysa  hannaanka awood qaybsiga  iyo   sida loogu qadiyey  bulshoweynta reer Muqdisho,  tixda ayaa  wadata wacaal iyo weydiimoba  sababta keentey  magaalo ay ku nool yihiin dadka ugu badan Soomaaliya tiro ahaan inay  ka qado  xubno la doonayo inay hadhoow saldhig ka dhigtaan isla  Caasimadda Muqdisho,  adigaa Madal ah,  adigaana Marti soore ah,  Maquusinkaana  kaa mudan  waa lama arag iyo lama maqal.

  1. Beryo badan iyo
  2. Bilihii tegay
  3. Baydka gabaygiyo
  4. Ba’leey maan tirin.
  5. Bal abwaanow
  6. Ballanqaad iyo
  7. Baaq iyo afeef
  8. Bayaan aan furo
  9. Federaal belo
  10. Ka la bayr buu
  11. Ka la baad buu
  12. Nagu beeraye
  13. Basarxumadiis
  14. Baafin maayo
  15. Boorrin maaye
  16. Bulshoy taa garo.
  17. Burburkii dhacay
  18. Barre waagiis
  19. Bamku nagu dhacay
  20. Buur ka duulnaye
  21. Beer go’ weynbaa
  22. Nagu baahoo
  23. Belaayadan dhalay.
  24. Berga maantiyo
  25. Beryo noo harey
  26. Bani Aadmigu
  27. Illeyn barashada
  28. Yaa baas u ehe
  29. Bulshow qaabkii
  30. Lagu baaba’ay
  31. Ma ka bayrnaa
  32. Aan bullaalnee?.
  33. Bandarkii Xamar
  34. Beydda loo goo
  35. Oo la balanbali
  36. Bom holcaayiyo
  37. Baroon iyo Suug
  38. Loo barrimiyoo
  39. Loo ballami abid.
  40. Bandarkii xamar
  41. Tuugo ba’anbaa
  42. Boobyo bililiqo
  43. U bareertoo
  44. Bakhaar iyo guri
  45. Baan wixii yaal
  46. Barna ku ma harin.
  47. Bulshadii Xamar
  48. Waa Banaadire
  49. Baarlamaankiyo
  50. Baydka sara ee
  51. Boorka laga tumey
  52. Barba ku ma laha
  53. Booska laga tuur
  54. Hanti buuxdiyo
  55. Bulsho badanbaa
  56. Boqcaddoodii
  57. Boorka laga tirey
  58. Waa belaayee
  59. Yaa ku baajoo
  60. Beerta kuu direy?
  61. Dalku beeliyo
  62. Waa baro is la eg
  63. Balli iyo buur
  64. Barri iyo bado
  65. Barrin barrin kale
  66. Baalka ku hayoo
  67. Aan ku biirayn
  68. Ku biraysnayn
  69. Waqooyiyo bari
  70. In loo badiyaa
  71. Banaadir la tiro
  72. Booska laga raro
  73. Buugga lagu qorin
  74. Yaa banneeyo
  75. Buundadaa dhigay
  76. Bulshooy ii sheeg
  77. Aan is barannee?!
  78. Waayeel been iyo
  79. Bahbah ma oggola
  80. Caano birixdood
  81. Haddaad badinlayd
  82. Hortiisa ku barax
  83. Hays bilkeydine
  84. Bareer u la hadal
  85. Buuq adoon dhalin.
  86. Buul ninkiisii
  87. Dab ku birayoo
  88. Baalka kaga shiday
  89. Ma badbaadaa?.
  90. Ninka baradiis
  91. Barrinkuu dego
  92. Bahdii qadiyee
  93. Bannadaayoow;
  94. Ma ber baad tahay
  95. Ma bar baad tahay
  96. Ma bal baad tahay
  97. Ma buunshaa tahay
  98. Maxaa barta iyo
  99. Buugta kaa tiray?.
  100. Adoon balanbalin
  101. Oon bannaanbixin
  102. Adoon buuq furin
  103. Oon banaaxiyin
  104. Adoon baaq dirin
  105. Booror soo qoran
  106. Adoon bihinbihin
  107. Oon baryootamin
  108. Horta Baashoow
  109. Banka shirarkiyo
  110. Baanoraamada
  111. Ma boos celisiyo
  112. Buuxis baad hayd?
  113. Kamaad baaqane
  114. Yaad ka baqatoo
  115. Burka kuu lulay?.
  116. Yaa ku baab xiray
  117. Yaa ku baaboo
  118. Buunka kuu tumey?
  119. Yaa billaawiyo
  120. Bunduq iyo qori
  121. Boobe kugu riday?
  122. Beylahdaadii
  123. Baadidaadii
  124. Yaa ha beegsane
  125. Ka bayr kugu yiri?.
  126. Benderkii Xamar
  127. In la buriyoo
  128. Boos ay weydiyo
  129. Baabbah yaa baday?
  130. Bandarkii Xxamar
  131. Yaa balaayada
  132. Baabba’a iyo hoog
  133. Baaska ugu wacan?.
  134. Ma bahdeediyo
  135. Wiilka ba’anbaa?
  136. Ma bulshada iyo
  137. Baarlamaankaa?
  138. Ma bakhiil iyo
  139. Beelo kale baa?
  140. Ma biddoodkiyo
  141. Baas abuur baa?
  142. Mise buuxoow
  143. Adaa beecsaday?!
  144. Banderkii Xamar
  145. Beesadeediyo
  146. Biilkay bixisaa
  147. Baarlamaankiyo
  148. Wasiir beenaad
  149. Baahi tirayoo
  150. Ku balweeyaan
  151. Beeca suuqiyo
  152. Boobka lagu wado
  153. Baylahna u dheer!
  154. Bulshay aashaa
  155. Yaa badweyniyo
  156. Baaxad sooriyo
  157. Bannaan lays bidin
  158. Beegsi taladaa
  159. Badso xooggaa
  160. Boqro wiilkaa
  161. Baano gabadhaa
  162. Baafi noloshaa
  163. Bir ma gaydada
  164. Baxnaaniya oo
  165. Badbaado u dhuro
  166. Burmadkeygii
  167. Baaqi aan waday
  168. Baydki maansada
  169. Baabayoo dhigay.

 

Dhammaad.

19/05/2016

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN