“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) W/Q : MOHAMED MUSA SH. NOOR

godob iyo garaaw

                                                “GODOB IYO GARAAW”

                                                   (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 8aad

 

Laba kala bariday kala war la’ ayaan maqli jiray, ninba dhinac ayuu u hadlayaa, waa la isla hadlayaa, waana la kala hadlayaa, kala u jeeddana wuu u dhacayaa Hadalka labada dhalinyaro, balse muhiimaddooda ayaa ahayd in qof walba uu qofka kale wanaag ka rajaynayay, Damaca mid walba uu kan kale ka rajaynayayna uu ahaa Wanaag oo kaliya.

Nin walba ninka kale ayuu ku tiirso is lahaa, Cabbaas aad ayuu u jeclaa C/casiis, sidaas si la mid ahna C/casiis, hadana Nin walba wuxuu doonayay in uu u isticmaalo ninka kale sida uu ku heli lahaa waxa uu kan kale ka doonayo.

Labadooda marka la eego aad waxaa u dhaarsanaa oo car car ka muuqatay C/casiis, waayoo waxaa jirtay ujeeddo gaar ah oo qof la og aysan jirin, waxa riixayayna waxay ahayd ka gun gaaridda ujeedadaa, oo uu is lahaa waa Hadiyad Rabbi xagiisa lagaa siiyay ee ka faaiidayso.

Sidaas ayaa maalintaa lagu soo kala dhaqaaqay, waxaana lagu ballamay in cabbaas uu fududeeyo sida uu isugu xiri lahaa C/casiis iyo Hinda, taas oo uu C/casiis aad u daneenayay.

Cabbaas wuxuu guda galay howshii ay isku ogaayeen saaxiibkiis C/casiis oo ahayd soo xera galinta Hinda, wuxuu u bandhigay hinda dalabka wiilkaas iyo sida uu wax u rabo, wuxuuna ka codsaday in ay wada ballamaan oo ay qaabisho wiilkaas.

Wuxuu hadalka ugu daray hinda in aysan jirin wax qasab ah, ujeeddana ay tahay is barasho, iyadana ay tahay qofka go’aanka ka gaarayo mustaqbalkeeda, isaguna uu leeyahay uun ujeeddo ah in nolosha labadooda ay dhisanto.

Hinda waa ka ogolaatay, waxaysa ka codsatay in inta uusan la kulansiin wiilka uu sheegayo uu kor ka tuso, si ay u aragto muuqaalkiisa, hadduu muuqaal ahaan qanciynana wada hadalka ay la furto, haddii uusan qancinna ay meesha ku ekaato Arrinta.

Cabbaas oo arrintaas aan dhibsan ayaa kula kaftamay hinda oo yiri “maxaa dhacay walaashey, ma igu kalsoonid miyaa? Mise dookh ahaan ayaan liitaa, hubaal wiilka aan kuu soo xulay in Sharaf iyo Muuqaal qurxanba uu leeyahay, waana ku tusayaa insha allah”

Isaga oo hadalka sii wata Cabbaas ayuu wuxuu ku yiri hinda, barrito xilliga qadada ayaan kuugu wada iman doonaa bakhaarkaaga, aniga ayaa ku salaami doono isagana horey ayaan usoo wadayaa, ka il buuxso, jawaabtana aan kuugu imaado isla habeen dambe hadduu Eebe idmo.

Sidii lagu ballamay waxaa la gaaray waqtigii uu cabbaas la iman lahaa C/casiis, balse markan is barashada ma ahan waqtiga loogu tala galay, cabbaas inta uusan soo wadin C/casiis horey ayuu wax walba ugu soo sheegay, oo arrinta la samaynayo waxay ahayd mid la isla ogaa.

Waxaa yimid waqtigii lagu ballanasanaa C/casiis iyo Cabbaas oo markii ay duhurka soo tukadeenba usoo laafyooday xagii ay hinda Bakhaarka ku lahayd, waxaa loo yimid hinda oo xoogaa yara mashquulsan oo lacag tiris ku jirta, qolo ay xisaab ka dhaxaysayna ay Buug isla xar xariiqayeen.

Salaan gaaban ayaa halkaas la isku waydaarsaday, hadalkana wuxuu u dhaxeeyay Cabbaas iyo hinda oo filimka mesha ka socdo isla ogaa, C/casiis isaga naftiis in imtixaan muuqaalkiisa ah ku socdo warkeeda wuu hayay, maalintaasna Tinta ayuu si fiican usoo jartay, si Qurux badana wuu usoo labbistay.

Hinda oo mashquul yar ka muuqday ayaa ku tiri cabbaas “Abboowe xoogaa yar sii fariista, dadkan ayaan la dhamaysanayaa” Gabar Shaahley ah oo meesha maraysayna waxay ka codsatay in Wiilasha Shaah ay u shubto.

Shaahii intii ay cabayeen, C/casiis wuxuu kor iyo hoos ka eegayay gabadha, aad ayuu mararka qaar u muusoonayay, quruxda jir ahaaneed ee uu Alle ku mannnaystay gabadhaas oo uu la cajabsanaa darteed.

Tilmaan ahaan Hinda aad ayey u dheerayd, Midab maariin ahna waa lahayd, waxay ahayd Dumarka dhaxda u yar, Qalab soo jiidasho leh oo dhanka horena Alle wuu ugu deeqay, Gacma gaddiskeeda iyo tallaaba qaadiddeedana waxay ahayd mid markii uu nin arkaba uusan ka libarsan Karin, illaa ay ka miriqdo.

Waa jireen Rag badan oo gabadhaas usoo muraaday, hadana ma jirin mid ku guulaysta hanashada qalbigeeda oo ay Oori u noqoto, Karti Dumarnimo, Dulqaad iyo fur furnaan dhan walbaba waa lahayd oo waa ay u dhalatay.

Inta la sugayay in ay howsheeda dhamaysato, wuxuu C/casiis iskula hadlayay in uusan u qalmin gabadhan, maadaama uu yahay ninka ku sameeyay xumaha aysan u qalmin. Waxaa illin kusoo joogsanayay mararka qaar indhihiisa, Cabbaas oo Sheeko u hayayna wuu dareemi karay in wax si ka yihin saaxiibkiis, balse ma fahmi Karin gocoshada gudaha saaxiibkiis ka guuxeysay.

Gocosho shallayto badan oo uu la xanuunsanayay ayuu ku jiray, waxaan maqli jiray yeelaa wuu hilmaamaa, la yeelaase ma hilmaamo, waa run ma aysan hilmaamin hinda xanuunka loo geystay oo habeen iyo maalin ayey la noolayd, oo wuxuu u ahaa Nabar ay la socoto bogsiin la’aantiisa mar walba.

La soco qaybta 9aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN