Maansada: “SHUSHUBAN” Curiye: Cabdulqaadir Mire Xasan

13282849_1034122800002123_1058402042_o

Maansada: “SHUSHUBAN

 

1-Anoo shiima dheertii

2-Shinbiruhu kacaayeen

3-Hurdo sii shubaayaan

4-Shalaw boday, oo kacay

5-Wax i shidaya mooyee

6-Waan shuuqay gebigey

7-Marki aan shuxdii dhigay

8-Sharraaxdna soo helay

9-Wixii igu shiddeysnaa

10-Waxaa la igu soo shubay

12-Maansadan “SHUSHUBANOO”

13-Sheekadeedu igu tiil

14-Illaa shalay da’deydii

15-Abwannada shakaal qabad

16-Shiin gabayga raaciya

17-Hadallada shukuliyow

18-Shiddadii la soo maray

19-Shilalkii HASHEENNII

20-Maandeeqda lagu shiray

21-Sharta lagu abaabulay

22-Ninkii shamaq ka helay iyo

23-Sheeko kii ku haayow

24-Soo sheeg runtoo shiil

25-Aan wada sharraxannoo

26-Sheeddeeda garannoo

27-Shunnushunnuda hoosiyo

28-Shuushuuda deynnoo

29-Sheeko been abuurkana

30-Shaar adag u gadannoo

31-Sharta aan ku celinnoo

32-Shaydaanka qabannee

33-Soo sheeg sharwadahaas

34-Shuruflaha sharraaqiyo

35-Shaamarerka nagu shiday

36-Shilal belo na saaroo

37-Haadaanta nagu shubay

38-Shar iyo baasba noo shiday

39-Shuqul xumaha sheeriga

40-Shugta hoose nagu riday

41-Soo sheeg runtoo shiil.

 

Dhammaad.

29/07/2015

 

Curiye: Cabdulqaadir Mire Xasan

SHEEKOOYIN