“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

godob iyo garaaw

 

                                                “GODOB IYO GARAAW”

                                                   (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 10aad

 

Waxaad mooddaa hinda in ugu yaraan kaashasada ay nafteeda kaashatay ay intan kusoo gaartay, oo haddii maalinkii dhibka ku dhacay ay la qaylin lahayd ay maanta ahaan lahayn sida ay tahay, dhibka ku dhacay dartiisna ay wax badan oo ay maanta haysato ama looga haybaysto ku wayn lahayd.

Fakarka ay hinda ka fakaraysay ninka dhibaateeyey mar walba maankeeda wuu ku jiray, waxaa jirtay in mararka qaar iyada oo howlaheeda shaqo ee caadiga ah isaga jirtay ay inta soo xasuusato dhibaatadii ku dhacday ay la ilmayso.

Hinda dareen ah in uu C/casiis yahay ninka kufsaday kuma jirin, waysa rabtay in ay wax ka ogaato Wiilkan u codka eg wiilka nafteeda murjiyay, waana hubaal haddi ay ogaan lahayd in maanta Nafta in ay dhaafsiiso aysan waxba la ahaan lahayn!

Xanuunada qaar waa kuwa kula noolaada inta noloshaada ka dhiman, xanuun marka uu kugu dhacana waxaa u wanaagsan kaan kugu raagin inkastoo xanuun uusan wanaagsanay, hadana, waxaa xoogaa dhaama midka kugu dhaca ee aan saamaynta badan kugu yeelan.

Hinda baaxadda uu leeyahay xanuunkaas ay la nooshahay cabir ahaan kor waan ka garan karnaa, balse saamayntiisa inta ay la egtahay waa mid hinda oo kaliya ay dareemi karto, waxaadna ka garan kartaa in uusan sahlanayn sida ay ula nooshahay boogtaas bugta ee jirkeeda kaga taala meesha aan muuqan.

Haddii Bani aadam ahaan aan ogaan lahayn xanuunada qaar ee inagu dhacay in ay dunida qayb ka mid ah daweeyaan, waxaa hubaal ahaan lahayd in, in badan oo inaga mid ah ay Saamaxaadda badin lahaayeen.

Waxaa laga yaabaa Xanuun adiga uu qof kuu gaystay in qofkaas uu isaga sabab ugu noqday in uu wanaagsanaado ama ku tanaado oo noloshiisa ku hagaagto, balse, adiga aadan ka warqabin saamaynta uu xanuunkaaga qaybta wanaagsan kaga yeeshay dunida qofkaas.

Hubaal in dhibaatada u adkaysigeeda uu inagu yar yahay Bani aaddam ahaan, hadana waxaa mar walba jirta Xikmad uu Alle ka rabo wax walba oo uu inagu suubinayo, inaga mar walba sharraysigeena ayaa badan, balse, waxaa hubaal ah in wax badan oo lagaa weecshay ay khayr kuu tahay, wax badan oo lagugu sallidayna sabab khayr ah darteed laguugu salliday.

C/casiis isagu wuu ka duwanaa Hinda oo wax walba wuu ogaa, maadaama uu isagu ahaa ninka dhibka gaystay, sababta uu maanta ku noqdayna Wadaadaka ay ahayd dhibka uu hinda u gaystay dartiis, hindase ma oga Dhibka iyada ku dhacay in uu baddalay Nolosha Qof dhan oo Umadda dhib ku hayay, dhibkeedana uu khayr u noqday Wiilkaa C/casiis ah iyo Umaddii uu ku dhex noolaa, maantana uu qayb ka ahaa Dadka Alla bariga hooyadeed qaybta ka ahaa.

Qof walba tiisa ayaa xanuujisa, yeelkadeed waxa uu hinda sababteeda ku noqday, waxna kama baddalayso xaqiiqda ah in uu yahay Kufsade aan naxariis lahayn, mar walbana uu sidaa ahaanayo.

Qofka wuu is baddali karaa oo ka duwanaan karaa sidii uu shalay ahaa, balse taas macnaheeda maahan mid ka saamaxaysa oo ka dhigaysa afcaasha uu gaystay mid aan waligeed dhicin oo kale.

Ficil walba waxaa gaysta Qof, ha ahaado ficilkaas mid wanaagsan iyo mid xunba, mar walbana wuxuu leeyahay magaca Geystaha, C/casiis Imaam ku xigeen Masjid ama imaamba ha ahaado, taas ma ahan mid ka tir tiraysa in uu yahay kufsade xanuujiyey dumar badan, Dambi badan oo Dhac iyo Boob isugu jirana u gaystay Umad badan oo Masaakiin ah.

Dambiga aad gashay mar walba dambigii ayuu ahaanayaa, saamaynta uu yeeshayna ma baddali kartid, adigase waad is baddali kartaa, is baddalkaaga dambe iyo dhaqankaaga dambe ee wanaagsan ayaa ahaan doono midka laguu xisaabsho, balse, mar walba oo aad ka hor timaado Raadka uu yeeshay dambigaaga, isla dambiilihii ayaa tahay.

Is baddalka uu qofku naftiisa ku sameeyo waa mid isaga ku gaar ah, haddii uu is wanaajiyo isaga ayey anfacaysaa, si la mid ah haddii uu is xumeeyana waa isla isaga, qofka sida uu ahaa iyo sida uu yahay sifaheeda isaga ayaa iska leh oo cid la wadaagaysa ma jirto, waxa saamaynta yeesha ee qofka loo qabto ayaa ah Ficilada ka dhaca, waliba kuwa saamaynta gaarka ah ku yeesha Bulshada.

Dadku sida ay u wada muuqdaan ma wadan ahan, Cabbaas aad ayuu ula dhacay Sifaha ka muuqda C/casiis, aad ayuuna u daneynayay in gabadha habaryartiis ay wax la wadaagto ninkan uu u arko Sheekha, balse su’aashu waxay tahay Cabbaas haddii uu ogaan lahaa falka uu u geystay gabadhaas walaashiis ah C/casiis, mowqifkiisa sidaa ma siin ahaan lahaa?

La soco qaybta 11aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN