Batroolka iyo Biyaha iyo Burburka Kenya

kenya بسم الله الرحمن الرحيم الحمد لله والثناء لله وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد النبي الأمي المبعوث إلى الخلق كافة وعلى آله الطيبين الطاهرين إنك حميد مجيد وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد Batroolka iyo Biyaha iyo Burburka Kenya Markay Qarammada Midoobay, NATO iyo Yurubta Midowday Soomaliya weerareen sandaka kun sagaal boqol iyo sagaashanka, oo ay ciidammada u shaqeeya arliga amxaarada kasoo galeen, iyo intii ka dambeysayba, soomaali badan ayaa dalka Kenya u qaxday oo degay, kuna biiray soomaalida hore halkaas u degganayd. Soomaalida Kenya u qaxday oo degtay waa boqollaalo kun ama ka badanba. Marka waxaa dalka Kenya ka dhacaya waan danayneynnaa, u kuur geleynnaa aanna la soconeynnaa. Bisha disembar ee sanadka lasoo dhaafay ee laba kun iyo toddoba waxaa Kenya ka dhacay doorashooyin guud ee siyaasadeed oo lagu soo dooranayay madaxweynaha iyo barlaamankaba, waxaana isaga soo hor jeeday laba nin oo kala ah M. Kibaaki oo markaas madaxweyne ah, una dhashay qabiilka Kikuuyu iyo nin kale. Waxaa Kibaaki darjadaas kula tartamay Raila Odinga oo u dhashay qabiilka Luwo, ahna qabiilkuu u dhashay madaxweynaha maraykanka Barak Hussein Obama. Dadka raacsan Odinga waxay wada xiran yihiin shaarar hurdi ah sida liinta burtuqaalka oo kale, waxayna leeyihiin maarayn heer sare ah oo waxay ku wada fidsan yihiin dalkaas oo idil. Doorashooyinkii waxaa la sheegay inuu ku guulaystay madaxweyne Kibaaki. Markaasay Odinga iyo dadkiisu kacdoomeen oo qabiilka Kikuuyada ay weerareen, guryohooda gubeen ilaa lix boqol oo qofna ay tan iyo hadda ka dileen sida la sheegay. Dadka kikuuyada ah way qaxeen, oo la sheegay inay ilaa shan boqol oo kun arliga dhexdiisa qaxooti ku yihiin. Qaar kalena waxay u qaxeen Uganda iyo Tanzania. Dhexdexaadinta guddoomiyaha Ururka Midaynta Afrika oo ah madaxweynaha Ghana iyo Bishop Tutu ee Koofurta Afrika oo Nairobi tegey waxay ku dhammaatay fashilaad, oo nabad way ka dhex dhalin waayeen labada qolo oo xukunka isku haysata. Odinga barnaamijkuu doorashada ku galay waxaa ka mid ah inay Kenya dal federaali ah noqdo. Halkaas ayay arrimuhu marayaan maantadaan aan kitaabkaan dhigayo (waana sanadka 2007). Maxay tahay ahamiyada Kenya ay adduunka u leedahay, gaar ahaan dawladaha krishtaanka ah ee galbeed? Kenya waxay ku taalla meel straateji ah oo dhan waxay ka saaran tahay Badwaynta Hindiya oo waxay sidaas xuduud kula leedahay Jaziiradda Carabta iyo batroolkeeda. Dhanka kalena waxay xuduud la leedahay Soomaaliya oo batrool ka buuxo iyo khayraad kaleba, oo taas daraadeedba soomaalida looga soo saaray. Dhan kalena waxaa Kenya ka mid ah Badda Wayn oo Lake Victoria iyo kuwa ka yaryarba oo xuduud la leh Ethiopia iyo Suudaan, gaar ahaan gobolka batroolku ku jiro ee koofureed oo ay Jubba caasimadda u tahay. Kenya Baddeedaas Lake Victoria waxay ka mid tahay ilaha uu ka dhasho wabiga Niil oo Masar ku dhammaada, gaar ahaan waxaa kasoo dhasha Niilka Cad oo Niilka Blugga ah kula darma Khardhuum caasimadda Suudaan, oo dawladda isha wabigaas gacanta ku haysa ayaa Suudaan iyo Masar u talinaysa. Marka Kenya waxay leedahay ahamiyad straateeji ah oo aad u wayn, gaar ahaan dawladaha krishtaanka ah ee galbeed muhim iyo lagama maarmaan u ah. Maxaa iyo yaa kacdoonkaan hadda ka socda ka dambeeya? Dhaqdhaqaaqaaan uu Odinga madaxda ka yahay wuxuu u egyahay kuwa aan hore ugu aragnay dalal kala duwan, gaar ahaan Somalia iyo yurubta bari ee Ukrain iyo Geaorgia oo doonayay inay ka mid noqdaan Yurubta Midowday iyo NATO ayagoo ruushka xuduud la leh, iyo Lubnaan, iyo Miyanmar ama Burma, oo ayaguna shaatiyo isku eg xirnaa oo isla midabkaas leh. Dhaqdhaqaaqyadaas oo idil, oo isku wada barnaamij ah waxaa ka dambeysa dawladda Maraykanka oo sidaas adduunka khalkhal ku gelinaysa. Inay Ingiriiska iyo Maraykanku dalka Kenya ugu istaacmaalaan danohooda siyaasadeed ee gobolkkaas Afrika, hadda ma bilaaban ee muddo dheer ayay soo socotay. Waxaan doonayaa inaan hal tusaale idinka siiyo. Markuu sanadku ahaa kun sagaal boqol laba iyo sideetanka waxaan ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Jamhuuriyada Federaaliga ah ee Jarmanka ee caasimaddeedu magaalada Bonn ahayd. Sanadkaas waxaa Wasiirka koowaad ama Kanzler siday ayagu yiraahdaan ahaa ninka la yiraahdo Helmut Schmidt ee madax u ahaa xizbiga SPD. Schmidt wuxuu ahaa nin wadankiisa jecel daacadna u ah, oo anigu waaban la kulmay in badan oo aan wada hadalnay. Dalka jarmanka waxaa markaas ku sugan oo deggan in ka badan shan boqol oo kun oo askarta Maraykanka ka tirsan iyo shan ilaa lix kun oo gantaal oo ay ku rakiban yihiin hubka halista ah ee nuklearka oo ku fiiqan dalka Midowga Soovyeeti. Intaas oo kalena waxay uga soo fiiqan tahay dalka jarman xagga Ruushka. Schmidt wuxuu jeclaa inuu jarman midoobo, dalkiisana laga qaado ciidammada shisheeye oo joogay tan iyo dagaalka adduunka ee labaada oo dhammaaday kun sagaal boqol shan iyo afartan, jarmanna looga adkaaday. Dawladaha galbeed, gaar ahaan maraykanka, ingiriiska iyo fransiisku ma ayan jeclaysan siyaasaddiisa. Schmidt waxaa dawladda la dhisay oo uu sidaas aghlabiyad baarlamaanka dhexdiisa ku haystaa xizbi yar oo la yiraahdo FDP, uuna madax u yahay ninka la yiraahdo D. Gensher oo ahaa muddoo dheer wasiirka arrimaha dibadda ee Schmidt, oo ahaa nin been badan oo khaa’in ah. Markasay dawladda maraykanku, siday wargeysyada jarmanku usoo qoreen aanna siyaasiyiintooda laftaydu ka maqlay, waxay amartay Gensher inuu xilfiga uga baxo, taasoo uu yeelay kaddibna ay dawladda Helmut Schmidt duntay. Xizbiga mucaaridka ah ee jarmanka waxaa la oran jiray CDU oo macnihiisu yahay Ururka Krishtaanka Dimuqraadiga ah, waxaana madax u ahaa ninka la yiraahdo Rainer Barzel. Markay Dawladda Schmidt dhacday waxaa la doortay baarlamaan cusub oo markaas Kanzler cusub dooranaya. Hadduu markaas xizbiga CDU doorashada ku adkaado waxaa Wasiirka Koowaad noqonaya Rainer Barzel maadaama uu guddoomiyaha xizbiga yahay. Barrzel wuxuu isaguna ahaa nin wadani ah oo danta Jarmanka ka hor marinaya tan Maraykanka. Markaasaa waxaa loo tegey ninka madaxda ka ah shirkadda wayn oo jarmanka oo la yiraahdo Flick, waana Friedrich Karl Flick. Flick wuxuu garyaqaannadiisa u diray Rainer Barzel waxayna ku yiraahdeen: “Haddaad kanzler noqotid inta sano oo aad ahaaneysid mushaarkaagu meequu noqonayaa?” Wuxuu yiri intaas iyo intaas. Waxay ku yiraahdeen: “Waa tana intaas oo caddaan ah ee mansabkaaga guddoomiyannimada CDU iska cazil, taageerna in Helmut Kohl loo doorto.” Barzel lacagta ayuu qaatay, wuu is cazilay, waxaana la doortay Helmut Kohl oo intuu doorashada guud xizbigiisa CDU ku guuleystay isaga Wasiirka Koowaad loo doortay, isagoo waxay dawladda Maraykanu doonayso meel marin jiray, kana hormarin jiray waxa jarmanka u dan ah. Sidaasuu Helmut Kohl Kanzler ku noqday, aniguna goob joog ayaan ka ahaa. Dawladda Schmidt waxay dhacday oo Helmut Kohl madaxa dawladda loo doortay maalintay ahayd kowda Oktoobar ee 1982. Markaasuu qorshahaas Schmidt/Flick/Barzel/Kohl adduunka ku faafay oo jarman lagu ceebeeyey inay Kohl mansabka u gadeen. Arrinkaasu wuxuu ku caan baxay Fadeexada Flick ama “Flick Affair”. Arrinka Barzel ka fiiri bogga internetka: (en.wikipedia.org/wiki/Rainer_Barzel). Barzel kaddib wuxuu noqday Guddoomiyaha Bundestag ee baarlamaanka federaaliga ah ee Jarmanka, xafiiskiisana waan ugu tegay isagoo mansabkaas haya, wuxuuna dhintay laba kun iyo lix. Wuxuu qaatay lix malyan oo Deutsche Mark oo caddaan ah. Markaasuu wargayska magaalada Hamburg kasoo baxa oo toddobaadlaha ah lana yiraahdo “Der Spiegel” wuxuu raadiyay oo soo daabacay, fadeexooyinka dalalka kale ee adduunka ka dhacay. Wuxuu soo qorayna waxaa ka mid ahayd is khilaaf ayaantaas ka dhex socday Maraykanka iyo Kenya. Waxay kasoo qortay iyo dokumentigay soo daabacday waxaa ka mid ahaa intaan soo socota. Waxaa ayaamahaas Nairobi tegay nin xubin ka ha baarlamaanka Maraykanka, markaasuu madaxweyne Arab Moi diiday inuu qaabilo. Markaasay wargaysyada maraykanku waxay soo qoreen inuu Moi diktator keligiis taliye ah yahay. Der Spiegel waxay tiri: “Sababta Moi waa diktator loo yiri iyo inayan Kenya dimiqraadiya oollin waxay tahay inuu wasiir ka mid dawladda kenya isagoo aan cidda iska leh hubsan xiray laba gego dayuuradeed oo meel hebla iyo hebla ee dalka Kenya ku kala yaalla. Gegadaas dayuuradaha waxaa iska leh CIA, hay’dda wardoonka maraykanka. Gegadaas waxaa yaalla dayuurado ay CIA leedahay, waxaana dalbada oo maamula laba nin oo kala Idi Amiin madaxweynaha Uganda iyo John Garang guddoomiyaha ururka mucaaradka ah ee koofurta Suudaan. Markay amraan ayay dayuuradahaasu u garaacaan oo duqeeyaan meeshay ku amraan oo dalkooda ka mid ah. Idi Amiin wuxuu ku amraa inay duqeeyaan tuulooyinka ay deggan yihiin qabaa’ilka xukunkiisa mucaaradka ku ah oo ay guban. Garang waxay u garaacaan koofurta Suudaan. Marka, dawladda Maraykanku Idi Amiin waxay tiraahdaa waa diktatoor dhiigyo cab ah, ayadaana si qarsoodi ah ugu adeegta oo dadka Uganda u laysa. John Garangna (oo dalka maraykanka wax kusoo bartay) waxay u adeegsataa inay dawladda dhexe ee Suudan khalkhaliso oo ay koofurta batroolku ku jiro ka go’do dalkaas. Kaddibna gegooyinkaas dib ayaa CIA loogu furay oo ay sidoodii hore u adeegsadaan. Markaasay dawladda Maraykanu sheegtay inay Kenya dimoqradhiyadii soo celisay. Marka Maraykanku ceebta jarmanka yeeyan fiirinni tooda ha fiiriso.” Intaas ayaan maqaaladaas ka soo qaatay oo aan xusuustayda ka qoray. Kenya soomalidana muhim ayay u tahay, oo waxaaba kaloo dhici karta, hadduu Odinga xukunka la wareego, inuu dalkaasu federaali noqdo oo kala goo’go’o oo ay markaas soomaalidu intay hore u degganayd ka sokow dhulal kale yeeshaan, xoog ha qabsadaan oo dadka deggan ha kala wareegaan ama dhulka laga cararay haba degaan, ama dhul lala deggan yahay ha fara maroorsadaane, siday fircoonnadii Masar oo Carabta ahaa xukunka ugala wareegeen Qibdhiga القبط\ dalka hore u degganaa, iyo siday Carabta qabiilka Camaaliiqda العماليق\ u dhalatay oo uu Nabi Ibraahiim, Calayhissalaamu, ka dhashay arliga Ciraaq عراق\ intay dadka hore u degganaa oo uu boqorka Namruud bin Kushka نمروذ بن كوش\ dhashay la degeen kaddibna xukunka ka fara maroorsadeen oo ay boqortooyada caanka ah ee Kaldaaniyiinta الكلدانيين\ halkaas ka aasaaseen., ama si la mid ahba sida Carabta Camaaliqda العماليق\ ahi Shaam الشام\ ula wareegeen oo kale. (Rainews24.it.) waxay maanta warisay inuu Danjiraha Maraykanka ee Nairobi uu maalinta arbaco ee lix iyo tobanka bishaan jannaayo laba kun iyo sideed war uu siiyay wargayska Nairobi kasoo baxa ee la yiraahdo “Daily Nation” ku yiri: “Run ahaantii waa mustaxiil oo ma suurtowdo in la ogaado qofka ku adkaaday doorashada madaxweynennimada maxaa yeelay habka doorashadu u dhacay ma ahayn mid “transparent” ah oo ah mid muuqda oo wada loo jeedo.” Hadalkaasu dabka kacdoonka iyo burburka Kenya ayuu sii shidayaa oo danjiruhu dabkuu afuufayaa!” Waa intaas warka Rainews24.it. Ujeedada dagaalka Kenya ka socda ma aha mid qabaa’ilka Kenya ka dhexeeya ee wuxuu ku saabsan yahay dhulka Kenya oo ay dawladaha NATO iyo Yurub, intaan Ruushka ahayn, ay doonayaan inay dadka deggan kala wareegaan, siday u doonayaan inay Falasdhiin فلسطين\ dhulka kala wareegaan, Soomaaliya ay soomaalida kala wareegaan, Ciraaq عراق\ aya ciraaqiyiinta kala wareegaan oo kale. Iyo dalal kaleba. Dagaalka Kenya wuxuu hadda ka socdaa galbeedka dalkaas gobollada Badda Viktooriya saran oo ay magaalo madax u tahay Kisumu. Gobolkaas wuxuu xad la leeyahay Uganda, iyo Tanzaaniya. Haddii dhagax xagga waqooyi loo tuurana wuxuu ku dhacayaa Ethiopia iyo gobolka batroolka laga qodo ee Juba ee Suudaan, haddii xagga galbeed loo tuurana wuxuu ku dhacayaa magaalada Kongo ka mid ah ee Goma iyo macaadinta Kongo, haddii xagga koofur galbeed loo tuurana wuxuu ku dhacayaa Ruwanda iyo Burundi. Gobolkaas ayaa la doonayaa in dadka Kenya laga saaro oo lagala wareego. Inay malaayiin banii aadan gumaadaan gaaladu dan kama laha oo waxayba ku magacaabaan markaasoo kale “collateral damage”, oo ah “khasaaro ka dhinac dhalatay ujeedada la lahaa”, oo waxay dhinac dhalatay ujeedada la lahaa oo ah in dhulkaas lagala wareego. Nafta dadkuba qiimo lama laha intaan tooda ahayn. Labad iyo tobanka bisha Luulyo labakun iyo toban afar saac iyo shan iyo soddon barqannimo waxay TV-ga CNN sheegay inay bad yarada Victoria oo ay ku hareereysan yihiin Kenya, Uganda iyo kuwa kaleba uu hoosteeda batrool ka buuxo, qodidana la bilaabi doono laba kun iyo laba iyo toban. Dawladaha Masar مصر\ iyo Suudaan السودان\ noloshoodu waxay ku dhisan tahay oo ku nool yihiin wabiga Niil النيل\ oo badyaradaan ka dhasha iyo laanta Ethiopia la dhalata oo isugu taga caasimadda dalka Suudaan السودان\ ee Khardhuum الخرطوم\ . Hadday galbeed ilaha wabigaas gacanta ku dhigaan oo biyaha ka xiraan ama ka yareeyaan ayagoo ama leexiya ama biyo xireenno ku sameeya, labadaas dawladood waa burburayaan oo kharaabayaan. Masar مصر\ waa meeshay dawladaha carbeed isugu yimaadaan oo ka dhexeysa, iyo barta diinta islaamka laga qaato. Markay hadday burburto dhibaato weyn ayaa carabta iyo diinta islaamkaba soo gaaraya, Allaha ka ilaaliyee. Waaba ayadoo uu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, siduu Al Bayhaqii البيهقي\ ugu wariyay “Manaaqibu Al Shaaficii مناقب الشافعي\ ”, uu yiri: وقال صلى الله عليه وسلم: “إذا ذلت العرب ذل الإسلام.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Haddii carabta la dulleeyo, islaamkuna waa dulloobayaa.” الحمد لله والثناء لله وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد النبي الأمي المبعوث إلى الخلق كافة وعلى آله الطيبين الطاهرين إنك حميد مجيد وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Columbus, Ohio, USA Axad, afar iyo labaatnka bisha Rajab رجب\ 137 Hijri هجري\ , kowda Maajo 2016 Miilaadi.

         

Top