Maansada: SILLOOLLI! Curiye:- C/qaadir Mire Xasan (Bunka)

13282849_1034122800002123_1058402042_o

Maansada: SILLOOLLI!

1 Soomaali baan ahay
2 Silic baan ku noolahay
3 Adduunyada salkeediyo
4 Suqurjaan anaa galay
5 Si xun wax uga soo hela
6 Bal inaan silloonahay
7 Sadaaddadu wax daran tahay
8 Solay aan la cunin tahay
9 Soomaalaay ma saxan tahay?
10 Midka aan la soconniyo
11 Kan sedkeenna naga sida
12 Maysla saama leylbaa
13 Mise waa sir iyo salab
14 Iyo sahay ciriiriya!
15 Hadalladan sarsarankaa
16 Midba surunka marayaa
17 Saxariir tilmaankaa
18 Soomaalaay ma saxan tahay
19 Mise waad si huruddaan?
20 Saxda iyo sinnaantiyo
21 Kan sarriigta aan garan
22 Iyo kii sillooliya
23 Wayska sii siddaanoo
24 Sina waxa u ma eegtaan!
25 Soomaalaay saddaraneey
26 Silic iyo dhib sidataay
27 Sumeeyaha wanaajaay
28 Samaantana ka cararaay
29 Gaalka saynta dheer iyo
30 Saliibiga u suraneey
31 Maadigaa ri’ seeyoon
32 Bahalkii sadaatiyo
33 Saanyidkeeda garatee
34 Caqliga saami ku lahayn
35 Sunbo miyaad ka sidataa
36 Oo ka sii silloon tahay?.
Dhammaad.
21/12/2015 isniin
Curiye:-
C/qaadir Mire Xasan (Bunka)

SHEEKOOYIN