Habboon ma Jinbaa? Q2AAD W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)

quotescover-JPG-22

Habboon ma Jinbaa?Q2AAD 

Albaabka shabbaga ah, ee geedka Xayaabka ahi isku marmaray ayaan laba farood ku riixay, horenna waan u galnay, halkaa kolkaan dhaafay, ee kaabbada afarta lakab ah, ee guriga hore u sii gashana aannan cagta saarin ayuu wadnuhu i boodbooday, baqdin, argagax iyo cabsi wada socda ayaa hal mar igu wada kulmay. Intaan jidhidhicooday, oo feejignaan xooganna aan galay, ayaan hakaday. “Isdaji! Wax dhiba ma jiraan, waa anniga iyo adiga oo qudha.”, ayay dabbadayda ka tidhi Habboon, “Maxaad dareentay?”, ayaan la soo booday, “Hore u soo soco” ayay tidhi, iyadoon iiga jawaabin wayddiintaydii.“Woow! Kani waa guryihii boqortooyadee?” , ayaan iska yidhi, anigoo indhaha taagtaagaya. “Maaha, ee waa gurigii Habboon”, ayay igu soo celisay, hadalkii ayay sii wadatay, “Qolkan fadhiga sii fadhiiso, oo telefishankan sii daawo laba koob oo Shaaha ayaan inoo keeniye”, Shaah kolkaan maqlay ayaan yidhi, “Anniga Sharaab iiga dhig” sidii meeshu meherad tahay, “Noocee?” ayay tidhi, “Caano walaal” ayaan ku yidhi.

Dhinicii talefishanka ayaan fiiriyay, waabu iska shidmay, barnaamijyo ciyaaraha kubbada cagta ku saaban ayuu ii bilaabay ba, waa ciyaar ku celis ah, oo ah Arsenal iyo Chelsea ah, waa 2010-kii, bishii September, ciyaar ku dhammaataty 5:3, oo Robin Van Persie saddexley ka dhalliyay Chelsea, guushunna Arsenal sidaa ku raacday. Jannalkaan kor u eegay mise waa Arsenal Tv.

Si dhib yar ayaan ugu fahmay inay iyadu taageerto “Haa iyadaa taageerta malaha kooxdan?” Shan daqiiqo ka dib ayaan is wayddiiyay sababta aan halkan u yimi, “Oo horta halkan maxaad ka soo doontay?”, “Haa, si aan u oggaado xidhiidhka Haboon iyo Sahra ka dhexeeya”, intaas kolkaan isugu jawaabay ayaan dareemay inay soo socoto Haboon, su’aashaydii ayaan sii diyaarsaday.

Waxay soo gashay iyadoo koob Shaah ah iyo mid caano ah labada gacmood ku sida. “Hoo”, ayay tidhi intay xaggayga u soo taagtay, anna waan ka qabsaday, “All! Waa barafe?” ayaa la soo booday sidaadaan u dareemay ba.“Ma taageertaa Arsenal?” , ayay i waydiisay, “Haa, waan taageeraa, laakiin sabab ma ayaad ii wayddiisay?”, ayaan ku yidhi, “Ma daawan kartid kooxdaada oo goolal lagu leeyahay”, ayay tidhi, kuna sii dartay, “Arsenal ayaa goolasha leh, sidaas ayaan ku gartay”“Qoyskiini ma joogo miyaa?”, ayaan ku idhi anigoo kabo caano ah oo igu tagtay macaankeedi sii dhadhansanaya, “Qoys malihi!”, intay tidhi ayay sii raacisay “

Aabbahay iyo Hooyaday muddo dheer maan arrag.” Runtii aad baan uga naxay arrinkaa, dhacdada se ay ku wayday inay ii sheegto annigaan ba fursad u siinin, shil baabuur ama mid la mida ah inay ku nafwaayeen ayaan u qaatay, iyadunna iima sii wadwadin.Kolkaan dhammeeyay koobkii caanaha ahaa, ayaa anigoo ciyaarta ku sii maqan aan waydiiyay halkay walaashay Sahra isku barten, “Waxba iigamaad sheegin arrinkii Sahree”, ayaan uga billaabay hadalka. “Haa waan illaaway su’aashaadi, walaashaa Sahra jeexayga ama mataantayda ayay wada joogaan”, ayay igu tidhi, “Haa, ma sidaasaa?”, ayaan yidhi, waxaan u fahmay inay walaasheed tahay, “Oo walaashaa Magaceed?”, ayaan waydiiyay.“Habboon!”, ayay si aan kaftan ahayn u tidhi.

Dareenkaygii iyo indhahaygii sida wada jirka ah ciyaarta ugu maqnaa, ayaa mar qudha dhinaceedi soo abbaaray sidii war naxdin leh lay sheegay.“Miyaad igu ciyaaraysaa hadda?”, ayaan ku yidhi, “Ma Happy baa la yidhaa walaashaa?”, Habboontii ayaan is yidhi malaha Happy hibbo ayay ujeedday, ee adigaa is moodsiiyay Habboon.“Waa walaasheed yaa kugu yidhi horta?”, ayay sii raacisay, “Ma anigaa ku idhi?” intaan yaabay ayaan la soo booday “Haa”, intaan shakiyay haddana ayaan u sii raaciyay, “Miyaanad igu odhan waa mataantaydii”, afka iyo gacanta ayuun baan isi saaray. “Waan ku idhi, balse kuma odhan waa walaashay”, ayay tidhi.

Sheekadan waan ku wareeray ba, samir aan ku sii dhagayso waan yeelan waayay kaadi u gubbaysay aawadeed “Suuliga ii tilmaam?”, ayaan ku yidhi, aniga oo hadal kala ba ka sugin, “Tooska ka bax, ka dib bidix ka leexo, albaabka marada casi sudhan tahay gal”, ayay tidhi, anna, “Haye”, ayaan ku yidhi.Intaan ku sii socday suuliga waxaan ka yaabbanaa quruxda guriga iyo fara badnaan tiisa, intaa waxa ii sii dheeraa qol kasta lambar baa ku dhegsanaa, Ubax cas ayaa sudhnaa, albaabna albaab lamuu nooc ahayn, irid kastana saacad gaara ayaa ku xidhnayd, haddana saacadna saacad lamay socon, “Tollow qolalkan yaa gala? Ma kiraa mise dad kale ayaa la deggan? Qol kasta maxaa saacadda bannaanka ugu xidhay? Maxaa se saacad saacadda u dhexaysiiyay? Waar wuxu ma jinbaa?”, ayaan niyadda ka idhi.

Layaabkaa annigoo ku jira ayaan albaabkii ay igu tidhi waa suuliga ku hagaagay, riixdaan is idhi mise waabu is furay, dib intaan uga soo booday oo indhuhu i talakhmeen ayaan iska hubiyay goobtii. Waan galay mise waa tiro suuliyo ah, oo waxba aannay u dhaxaynin, hadda waxba aannay u dhaxaynin! Dhinac kastaan ka eegay mise waa sidoo un. Albaab awalba isagu is furay intaan dib u celiyay ayaan hareeraha iska eegay, hawshaydiina halkaa ku dhammaystay, anigoo kolba gidaar hoosta ka khaawisaya. Intaa kuma joogine sidii shayddaan la naaray ayaan baxsad kaga soo baxay suuligii quruxda badnaa.

Waxaan is weydiiyey,Tollow maxay uga jeedeen kuwii dhisay suuliyada noocan ah? Meesha ma carruur baa loogu talagalay? Mise dad waalwaalan? Oo dadka dhimirka ah ama carruurta ma sidanaa suuliyadoodu? Bal hadda iyadaan wayddiin ee sug.

Anniga oo argagax iyo anfariir qaaday ayaan orod ugu imi Habboon oo dhoolla-caddaynaysa. Alla qoftu qosolka ku qurux badanaa ma Dayax shan iyo tobannaa? Mise waa ba Xuuralcayntii jannada oo booqasho dhulka u joogta? Tollow quruxdaasi hore miyaanay iigu muuqanayn? Mise tollow intaan maqnaa ayuu is beddel dhacay? Mooji, oo ma wax ka yar daqiiqado ayaan maqnaa? Yaa garanaya? Maalintii iigu horraysay haddaan la kulmi lahaa iyadoo noocan ah qalbigay dagi lahayd.

Wax kasta oo aan ka fikiriyay ba waan ilaabay. Intay si dhib yar u soo jeesatay ayay tidhi, “Maxaa ku helay walaal?”, “Yaa?”, intaan yidhi, ayaan mirgaday annigoo wax ba liqin, oo liqay wax aanan afka ba ku haynin. Qosol yar oo aan u fahmay “Maxaad la soo carartay?”, ayay qac ku siisay, anna laydh qabow intay i gashay ayaan ku diirsaday qosolkeeda, jidhkaygoo dhanna kolkaasuu farxad muujiyay, oo is wada furfuray.

Su’aal show igu soo maqnayd oo qosolka ka danbaysay ayaa annigoo isla maqan dam igu tidhi sidii Madfac meel dhisme la qabadsiiyay, “Suuliga ma ka soo dan-dhammaysatay?”, ayay iska tidhi, annigoo saamayntii uu qosolkeedu igaga tagay wali ku sii maqan. “May! Haa, yaa? Maxaad tidhi? Wax ba immay hayn walaal!”, in su’aasha lay wayddiiyay iyadoo laydh laygu hayo ayaad moodaa, haddanna iga wallee caadi baan ahaa, ee quruxdaa iyo qosolkaa ashqaraarka leh ayaa sayloon igu rakibay jawaabtiinna iga khalkhaliyay. Xitaa caadi ahaan waan u garan waayay wixii i hayay daqiiqado ka hor, suuliga sababta aan u tagayna mooji, su’aalahaan la roorayayna haddaan xasuustay Alle anigii un ha iga dhigo.

La soco qaybta saddexaad

W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)

SHEEKOOYIN