Geeraarka: Mas dil W/C: Ibraahim Cismaan Afrax (Ibrahim Nolosha)

13434160_992321964218594_414957749_n

 

 

 

 

 

Waa geeraar  aad u murti iyo miisaan culus,  Hal abuurka  da’da yar ee  Ibraahim Cismaan Afrax  ayaa wuxuu ku soo gudbinayaa  sheeko xiiso  leh oo  ku saabsan  dareen iyo kalgacal soo marey, bal haddaba bogasho wacan waa  Geeraarkii Mas dil

Geeraarka “Mas-dil”

 

  1. Tix yaroo burqaneeysa
  2. Haddii aan kugu biirsho
  3. Ama aan bal-ballaarsho
  4. Imtixaanka ku baaso
  5. Daraja aad bixineeyso
  6. Billad maygu gargaari?
  7. Ama buundada leexso
  8. Sida baadi la waayey
  9. Bustahaada ku huuri.
  1. Kan diiwaanka ka baara
  2. Kolku boorka ka qaado
  3. Geeraarkii lagu baantay
  4. Anigoo ku barmoosay
  5. Kuman baa i boqreysa.
  1. Bilistaan dhaq iraahdo
  2. Ama aan bogga saarto
  3. Birrish bey noqotaaye
  4. Rabbiyoow i badbaadi
  5. Igu aaddi mid buunsho
  6. Badar haadi taqaanna.
  1. Kalgaceeyl bilo gaaray
  2. Ubaxaan ku barbaarshay
  3. Beryuhuu engegaayey
  4. Anuun baa bilbilaayey.
  1. Baqtigii la rusheeyo
  2. Budda wuu ka qurmaaye
  3. Maxaan baaldi tifqaaya
  4. Barqadii ku waraabshay
  5. Ama booyado buuxa
  6. Ugu keydshay baraago.

 

  1. Kolkaad baahi dareento
  2. Tagto looma baroorto
  3. Sida baydhabadeenna
  4. Bardihii lagu sheegay
  5. Intan maagay ku beero
  6. Bu’da leyska dareemo
  7. Sow niman ka baqaayey
  8. Kuma faagin badiillo.
  1. Inkastooy beladaasi
  2. Riyadeyda bargoysay,
  3. Haddaan been il’ileeysa
  4. Ama baaddil la sheegin
  5. Berga waan turcayaaye
  6. Boqnaheeyga ma laaban.
  1. Mas-diloow bulalleyrka
  2. Kaligaa ku bidhaanshay
  3. Ragga qaar u bayaani
  4. Adna beerka ku hayso
  5. Qof wuxuu ku bas beelo
  6. Sida booli ha moodin
  7. Dadka leysku banneeyay
  8. Haka eegin baruudda
  9. Boqorkaa ku dayaaya
  10. Aadmigiisa ha beegsan
  11. Sida neef la bireeyay
  12. Hilbahood ha bisleysan
  13. Ba’da yaan ku falaadin
  14. Burjigeeda halleeynin
  15. Ama Boowdka taraarin
  16. Hadduu beydku daloolo
  17. Buryaroow iga daari

 

Waxa Curiyey: Ibrahiim Cisman Afrax (Ibrahim Nolosha)

 

SHEEKOOYIN