“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

godob iyo garaaw

 

                                                “GODOB IYO GARAAW”

                                                   (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 12aad

 

Qof walba qorshihiisa ayuu wataa, cabbaas iyo c/casiisba, isku dan iyo kala danba waa ahaayeen, hindana geeskeeda ayey howsha uga jirtay, inkastoo la dhihi karay sida ay isku gaadayeen labada Wiil iyada ma ahayn, oo qofka loo dan lahaa ee shabaqa in lagu soo rido la damacsanaaba iyada ayey ahayd.

Iyada waa ku jiray Damaca ama rabitaanka ay rabto haddii ay helayso Nin dhaqda, hadana, waxaa usii dheeraa dhibaatada iyo murugada ay ka dhaxashay dhibka aan lala ogayn kaligeed.

Hinda tuhun qiyaas ah oo dhanka C/casiis ah waa ku jiray , balse waxay isku samirsiisay in ay khaldanaan karto dadkuna isku ekaan karaan, sidaa darteed ayay aamusnaanta maciinsatay, Af daboolan waa dahab ayay tiri intii ay ijaafaysan lahayd ninka Imaamka Masjidka ka ah, oo ay oran lahayd hadda ka hor ayuu i kufsaday, taa haddii ay dhici lahaydna waxaa Caqabad u noqon lahaa Hinda in aysan cidna u sheegin waligeed in ay la kulantay Kufsi, marka Waddo walba waa ka xirnayd Hinda ay ku raadsan karto Xaqeeda, balse, Tuhun iyo Maloa yuu ku koobnaa dareenkeeda oo Xaqiiq dhab ah ma hayn .

Hinda marka ay sidaas u fakaraysa Xaqiiq uma hayn in uu ahaa C/casiis kufsadaheeda, balse, codkiisa mar walba oo ay maqasho ayey dareemi jirtay Dhaawac daran, kaas oo u ekeesiin jiray in uu ahaa ninka dhibaateeyey.

Tilmaamaha Dadka qaar ayaa waxay kugu reebaan Xusuus aad dib u gocoto Xanuuno badan oo ku haystay,  kuwaas oo qofka dareenkaas leh kuula ekeesiiya in uu yahayba kan ku dhibaateeyey.

Cabaas isaga oo fulinaya qorshihiisa soo xera galinta Hinda ee ay ku heshiiyeen saaxiibkii C/casiis ayuu hinda u tagay una shegay in Imaamka Masjidka ee Sheekh C/casiis la dhaho in uu doonayo la kulankeeda taas oo runtii fajiciso ku noqotay, mararka qaarna isku tusisay in ay jaanis u tahay bal in ay waydiiso shiikhan halka uu ka yimid iyo Cidda uu dhashay, iyada oo markaa qayaas ahaan raadinaysay bal tuhukeeda in uu jiro iyo in kale.

Hinda way ka aqbashay Cabbaas, balse, qorshaheeda yool baarka ah gaar ayuu u ahaa oo iyada ayuu ku koobnaa waxa ay baadi goobaysay, balse, Cabbaas waxay u muujisay inay u tahay diyaar la kulanka Sh. C/casiis, haddii ay Hinda Magac wax ku ogaan lahaydna ma aqoon magaca ninka kufsaday, maadaama Waddo lagu kulmay isla markaana wixii la samayn karay la sameeyay, meeshana lagu kala tagay, marka Magaca uu wato waxba kamay aqoon, mana ahayn mid u sahlaya in uu dhaboobo Tuhunka ay qabto.

Waxaa la gaaray xilligii lagu ballansanaa kulanka Hinda iyo C/casiis, wuxuu kulanka ka dhacayay Guriga hinda, waxaa isla yimid Cabbaas iyo C/casiis oo wada socoda, Cidda hinda waa ogayd oo waa lagu war galshay in uu imaamku doonayo gabadhooda, balse marka hore uu door biday in uu la sheekaysto oo ay is fahmaan Hinda.

Gabar xoogaa daahday oo hadana Cidda qaali ku ah khayrna lala jeclaa ayey hinda ahayd, Dareenka cidda ee ku aadanaa dhanka imaamka oo usoo haasaawa tagaya gabadhooda aad ayuu u sarreeyey oo waa lagu wada faraxsanaa, sababtana waxay ahayd in hinda aad loola jeclaa in ay mar uun nolosheeda gaar u dhisato, maadaama ay ciddan nafteeda u hurtay oo ay kasoo baxday booskii uu banneeyey aabaheed.

Dhanka C/casiis isaga war badan kuma jirin, sahan ku saabsan dhanka hindana uma baahnayn oo isaga ayaaba ujeeddo qarsoon ka lahaa guurka gabadhaaas haddiiba uu u suura galayo, sidaa darteed, ma ahayn mid u diyaarsanaa ama kusoo tala galay in uu sheeko dheer oo Waqti qaadato la qaaato Hinda.

Ma doonayn Barasho gaar ah, ma doonayn ogaanshiyaha haybteeda, mana doonayn taariikhda nolosheeda, waxaaba jaanis u ahayd in uu mar labaad la kulmo iyada oo madax banaan oo aan xerada Nin kale ku jirin.

Dabcan waxay u ahayd oo uu u arkayay in uu naftiisa ku qaboojiyo heliddeeda, iyadana ugu yaraan uu ka masaxo dhibka sababtiisa uu isagu lahaa addimihiisana uu ku gaystay, si iyadana ay u haysho Laab dagan isaguna uu qalbi ahaan u dago, maadaama ay labadooduba si gaar ah u kala gubanayeen oo qof walba qalbigiisa holaca ka baxaya uu gaar u ahaa.

Waa markii ugu horaysay oo ay ku kulmaan Jawi ka dagan ama ka duwan kii ay ku kulmeen labadooda ee ahaa Shaqaaqada, Dhaca, Kufsiga iyo is xumaynta, balse markan hinda Arrinta shaki ayaa uga jira, C/casiise isagu wax walba wuu ogyahay sababta uu sidaas u sameeyay ma macnayn Karin, balse sababta uu maanta kulanka u samaynayo ayuu macnayn karay, wuxuuna doonayay ayaa la dhihi karaa in uu dib u saxo Khalad uu galay, qof uu sabab u ahaa murugteeda ayuuna doonayay in uu Farxad u noqdo.

Ogaal la’aanta mararka qaar waa mid abuurta jawi ka wanaagsan midka la is ogyahay, Aqriste bal cabir, maanta hinda haddii aqoonta uu iyada C/casiis u leeyahay u lahaan lahayd isaga, ma is leedahay waxaa suura gali lahaa kulankaa, amaba labadaas qof sheeko nuucan ah oo mustaqbal ku saabsan ayaa dhex mari lahayd?

La soco qaybta 13aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN