Geeraar: Calanyahaw loo hoobtey W/C Ibraahim Cismaan Afrax(Nolosha)

13524303_1000600846724039_8573738723497288403_n                     Waa geeraar loogu dabaaldego maalmaha gobonnimada umadda Soomaaliyeed,  sidoo kale  waa geeraar gubaabo iyo  baraarujin ah,  Hal abuurka  da’da yar ee   Ibraahim  Cismaan Afrax  ayaa   ugu talo galay  maalmaha  ciidaha badan ee fooda inagu soo haya inuu bulshada ku baraarujiyo,   1.Hiimammow dadku jiifo 2. Anigoo hurdi waayey 3. Hadba gees u gaddooma 4. Maxaan heeso ku raagay 5. Maskaxdeyda ka hoorshay 6. Dhan walbaan ka hagaajay 7. Bal maxaan halladaado 8. Iyo huurka ka dhowray 9. oo habeenkan la joogo 10. Sida loox u higgaadshay. 11. Calanyahow loo hoobtay 12. Holganaantu ku taallo 13. Muxuu Dhows ku Hagraaya 14. Hamboraaca daneeysta 15. Heybaddaada ka doortay 16. Gunno heyr lala tuuray. 17. Calanyahow loo hoobtay 18. Dad kalaan ku hureyne 19. Muxuu geesi halyeeya 20. Hanfigeeda adduunyo 21. Harsi kaaga dhax waabay 22. Oo hilaadi ku faanay 23. Heybtiyo magacaaga. 24. Calanyahow loo hoobtay 25. Imisaa ku haruuftay 26. Midabkaaga halaagtay 27. Muunaddaada halleysay 28. Hurdi gaalo walaaqday 29. Hurre riinji la moodo 30. Kugu jiidday Hawaarro . 31. Calanyahow loo hoobtay 32. Kolkaad heegada fuusho 33. Hawadaa la ciyaarto 34. Sida hooyo la ciilay 35. Ubadkii laga haysto 36. Ama wiil ka habaabay 37. Hiqhiqlaynta ma daayo 38. Midka jooga hareerta 39. Hiilladaada u taagan 40. Hadya jeer ku ilaalsha. 41. Calanyahow loo hoobtay 42. Hiiradii lagu taagay 43. Markey howshu timaado 44. Sida hooballo caana 45. Hiddeheenna ciyaara 46. Imisaa hirwo boodday 47. Hooyaalayda gabayga 48. Iyagoon haghagleynin 49. Hadyad kuugu luqeeyay 50. Halgankii wadankeenna 51. Innagoonan halmaamin 52. Horintii na xoreeysay 53. Waqdhis baan u hibeyne 54. Halla soo hambariiro 55. Inta aysan harraadin 56. Halhaleel ku aroorsha 57. Hashu yeynan sannaarin 58. Hoobaaleyda geeraar 59. Haro aan ka dhuraayey 60. Duco aan ku harqaamo. 61. Qarni haaday mid jooga 62. Calankaan hergeleynay 63. Milgahaan huwaneynay 64. Rabboow hoog ka ilaali 65. Hobaaleyda geeraar 66. Haro aan ka dhuraayey 67. Habaar aan ku idleeyo 68. Kuwa soo hardamaaya 69. Hadba gees ka rifaaya 70. Rabbiyoow qaw holceysa 71. Ama naar ku hagaaji. W/T: Ibrahiim Cisman Afrax (Ibrahim Nolosha)

         

Top