Geeraar: Calanyahaw loo hoobtey W/C Ibraahim Cismaan Afrax(Nolosha)

13524303_1000600846724039_8573738723497288403_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waa geeraar loogu dabaaldego maalmaha gobonnimada umadda Soomaaliyeed,  sidoo kale  waa geeraar gubaabo iyo  baraarujin ah,  Hal abuurka  da’da yar ee   Ibraahim  Cismaan Afrax  ayaa   ugu talo galay  maalmaha  ciidaha badan ee fooda inagu soo haya inuu bulshada ku baraarujiyo,

 

1.Hiimammow dadku jiifo
2. Anigoo hurdi waayey
3. Hadba gees u gaddooma
4. Maxaan heeso ku raagay
5. Maskaxdeyda ka hoorshay
6. Dhan walbaan ka hagaajay
7. Bal maxaan halladaado
8. Iyo huurka ka dhowray
9. oo habeenkan la joogo
10. Sida loox u higgaadshay.
11. Calanyahow loo hoobtay
12. Holganaantu ku taallo
13. Muxuu Dhows ku Hagraaya
14. Hamboraaca daneeysta
15. Heybaddaada ka doortay
16. Gunno heyr lala tuuray.
17. Calanyahow loo hoobtay
18. Dad kalaan ku hureyne
19. Muxuu geesi halyeeya
20. Hanfigeeda adduunyo
21. Harsi kaaga dhax waabay
22. Oo hilaadi ku faanay
23. Heybtiyo magacaaga.
24. Calanyahow loo hoobtay
25. Imisaa ku haruuftay
26. Midabkaaga halaagtay
27. Muunaddaada halleysay
28. Hurdi gaalo walaaqday
29. Hurre riinji la moodo
30. Kugu jiidday Hawaarro .
31. Calanyahow loo hoobtay
32. Kolkaad heegada fuusho
33. Hawadaa la ciyaarto
34. Sida hooyo la ciilay
35. Ubadkii laga haysto
36. Ama wiil ka habaabay
37. Hiqhiqlaynta ma daayo
38. Midka jooga hareerta
39. Hiilladaada u taagan
40. Hadya jeer ku ilaalsha.
41. Calanyahow loo hoobtay
42. Hiiradii lagu taagay
43. Markey howshu timaado
44. Sida hooballo caana
45. Hiddeheenna ciyaara
46. Imisaa hirwo boodday
47. Hooyaalayda gabayga
48. Iyagoon haghagleynin
49. Hadyad kuugu luqeeyay
50. Halgankii wadankeenna
51. Innagoonan halmaamin
52. Horintii na xoreeysay
53. Waqdhis baan u hibeyne
54. Halla soo hambariiro
55. Inta aysan harraadin
56. Halhaleel ku aroorsha
57. Hashu yeynan sannaarin
58. Hoobaaleyda geeraar
59. Haro aan ka dhuraayey
60. Duco aan ku harqaamo.
61. Qarni haaday mid jooga
62. Calankaan hergeleynay
63. Milgahaan huwaneynay
64. Rabboow hoog ka ilaali
65. Hobaaleyda geeraar
66. Haro aan ka dhuraayey
67. Habaar aan ku idleeyo
68. Kuwa soo hardamaaya
69. Hadba gees ka rifaaya
70. Rabbiyoow qaw holceysa
71. Ama naar ku hagaaji.
W/T: Ibrahiim Cisman Afrax (Ibrahim Nolosha)

SHEEKOOYIN