XIKMADO KOOBAN : BY Mohamed Musa Sh. Noor

fu

                                               XIKMADO KOOBAN              

                                         NINKA WANAAGSAN

Ninka wanaagsan ee ay dumarku jecelyihin waa midka mar walba ugu roon dhinac walba.
Ninka wanaagsan waa mdka ka ilaalsha xaaskiisa erayada xun xun ee niyaddeeda jabin kara.
Ninka wanaagsan waa midka dhagaysta fikradaha xaaskiisa, qadariyana.
Ninka wanaagsan waa midka mar walba ka ilaalsha xaaskiisa cidlada  una sheega in ay tahay mida ugu horaysa qalbigiisa.
Ninka wanaagsan waa mid mar walba astura Ceebta xaaskiisa ileen kuligeen ceeb waa inaga wada dhacdaayee.
Ninka wanaagsan waa kan marka uu guriga xaaskiisa soo gala, iska hilmaamo wax walba oo uu bannaanka ku ahaa, ogaadana in markan uu guriga xaaskiisa joogo, kuna qadariyaa sidaa isaga oo aan samaynayn wax walba oo keeni kara Qilaaf iyo is xag xagasho.
Ninka wanaagsan waa midka mar walba dareensiya xaaskiisa, in ay u qalanto in ay noqoto xaaskiisa.
Ninka wanaagsan waa midka marka uu la kaftamayo xaaskiisa amaanteeda maahane xumaanteeda carrabkiisa ka ilaalsha.
Ninka wanaagsan waa midka mar walba u samra xaaskiisa, iyadoo aan wada ognahay in dumarku feer qaloocan laga abuuray, oo mararka qaarkood hadala dareenkiisa wax u dhibi kara ku hadaaqan.
Ninka raga ah waa midka marka xaaskiisu ay uga baahantahay taageero, ku garab istaagaa.
Ninka wanaagsan waa midka ka qabta qaladaadka xaaskiisa marka ay samaynayso.
Ninka wanaagsan waa midka aan ku cooryin xaaskiisa wax aysan awood u lahayn qabashadooda ama ahaanshahooda .
Ninka wanaagsan waa midka mar walba ku waansho xaaskiisa Alla ka cabsi iyo wanaag falid.
Ninka wanaagsan waa midka madaxa saarta ehelka xaaskiisa.
Ninka wanaagsan waa midka waalidka xaaskiisa ka dhigtaa sida waalidkiisa oo kale xaaladdu noocey doontaba ha ahaatee.
Ninka wanaagsan waa midka aan daba raacin taariikhda madow ee xaaskiisa waaba haddii ay jirto, tanina ma ahan wax qof lagu eedeeyo ileen kuligeen qalad waan soo wada galnay, taarikh madowna waanu wada leenahay.
Ninka wanaagsan waa midka daboola baahida xaaskiisa kana ilaalshaa xaaskiisa wax kasta oo u keeni kara waddo ka bax.
Ninka wanaagsan waa midka xaaskiisa subixii marka uu guriga ka baxayo, labada dhaban (Daamanka) iyo sujuuda ka dhunkada una sheego in ay qiimo wayn ku leedahay agtiisa, galabtii marka uu guriga yimaadana si wanaagsan u marxabeeya.
Ninka wanaagsan waa midka kala tashadaa xaaskiisa wax kasta oo horumar ah ee kusoo kordha qoyskooda.
Ninka wanaagsan waa midka ka yeesha xaaskiisa gacantiisa midig, ogaadana in ay tahay lamaanta dhabta ee aan booskeeda la buuxin Karin.
XISHOODKA

Xishoodka waa shay qaali ku ah qof walba oo bani aadam ah, waana wax uu Alle ugu qaas yeelay Bani aadamka maqluuqiisa kale, marka waxaa haboon in uu qof walba ku dhaqmo xishoodka, maxaa yeelay waa ilaaliyaha sharafta qofka.

Qof aan xishoon sharaf ma lahan saa Xoolaha wax uu uga duwanyahay ayaaba jirin, dunida aan ku noolnahay hadda waxay u muuqata in ay usii xuubsiibanayso xishoodd la’aanta, wax walba oo xishood la’aan ahna ay maanta iska noqdeen Casri, oo qofkii xishooda la leeyahay waa dambeeyaa, ama wali horey uma socon.
Marka walaalayahayga Muslimka ahow ama Soomalida aan isla nahay, aan u laabano xishoodkeenii, marka aan sidaa leeyahay wuu dareemi karaa qof waliba heerka ay maanta gaartay dhaqan xumadeena, qof waliba wax ha ku qiimeeyo meesha uu uga noolyahay aduunkan, imisa Soomali ah ayaa joogta oo ka tagtay xishoodkoodi iyo dhaqankoodi ku salaysnaa Islaanimida.
Xishood la’aan waa Sharaf la’aan
Xishood la’aan waa Diin la ‘aan
Xishood la’aan waa Dhaqan la’aan
Xishood la’aan waa Xoolanimo
diinteena islaamka dhowr meelood ayay uga hadashay xishoodka,Rasuulkeena csw wuxuu yiri
“haddaadan xishoonayn waxaa doonto suubi “.
Qofka hadduu wuxuu doono suubiyana Diin ma lahan, saa xuduud xira ma jiree.
Walaalayaal aan ogaano in uu Alle na daalacanayo ,aan koontaroolno wax walba oo afkeena kasoo baxaya, aan koontaroolna wax walba oo aan qorayno, ogow haddaad is leedahay Cid kuu jeedo ma lahan in aadan Alle iska qarin karayn, oo uu ku daalacanayo, iskadaa waxa aad samynaysee waxa aad ku fakarayso ayuu la socdaa, marka Dad nasiib badan ayaanu nahay maadaama Alle uu naga dhigay Islaam.
Waa maxay danta inoogu jirtaa in aan ku dayano Dad aan Diin lahayn?
Waa maxay danta inoogu jirta in aan dhagaysano Dad damiirkoodu dhintay?
Waa maxay danta inoogu jirtaa ku dayashada Dad aanu dhaqan wadaagin?
Waa maxay danta inoogu jirtaa dad aduunyada raacay, inagu dadka Aakhiro ayaanu nahay,  iyada ayaana nooga khayr badan waa haddaan wanaajino Acmaasheena ?
Waa maxay danta inoogu jirtaa in aan Hogaan ka dhigano Dad uu Alle ku tilmaamay in ay Xayawaanka ka liitaan ?
ugu dambayntii aan xishoono oo aan iska xishoono Allana aan ka xishoona.

Tiiha joogtada ah!

Tuugmada aan joogsiga lahayn!

Tacadiga faraha badan!

Talaabooyinka qaldan 
Tartanka shaqsiyadeed

la talloobidda Baaddilka ah 
Taagnaasho Albaab Umadeed

Toogasho aan tilmaan lahayn 
taraaraxa siyaasadda

iyo tii Alle Tolow maxay noqon?

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN