Naftaydii kuu huray, hiilse kaama helin! (faalo gaaban) by Amina Abdillaahi

faalo gaaban

Naftaydii kuu huray, hiilse kaama helin!  (faalo Gaaban)

Falaadhaha kulul ee Cadceedu bixinayso, kama hadhsado kamana nasto, maalintii oo dhan dushayday ku dhacaysaa, dharkaygu wuu wadda qoyaa dhidid awgii, hogol roobi inay keligay i heshaad mooddaa, oo dhibcaheedii oo dhami ay igu horeen.

Dhedadda qabowga badan, iyo dhaxanta waanu walaalownay oo deris baanu noqonay. iminka kama cabsado, waayo sanooyin badan ayaan la noolaa, waa nin qoyani biyo iskama dhowro.

Roobku markuu da’aayo hoy kama galo, ee dushaydu ku hooraa, siduu ii hayuu ku qaadaa, Hurdo igu filan ma seexdo, xoogaa yar oo indho casaysiya mar ka laga reebo mooyaanee. Ubad iyo Xaas waan leeyahay, balse kuma noola halkaan joogo, layma ogola inay halkan ila joogaan, waxa ay ku noolyihiin magaalo iga durugsan.

Sanadkii mar ayaan fasax qaataa, waxa aan la soo jooga waa bil soddonkeed. Cishooyinka yar ayaan wakhti la qaata qoyskayga. Danyar baan ahay, Mushaharka laysiiyaa waxa uu u dhigmaa lacag gaadhaysa Boqol dollar.

Carruurtaydu waa siddeed, Labo waxa ay ku jiran Dugsi sare, afara dugsi dhexe, labo waa yaryar, Labada dhigta dugsiga sare labatan dollar ayaan ka bixiya bilkasta, guriga ay ku jiraan waa Kiro, waanna qol Jiingad ah iyo barandihisi, waana sodon dollar, lambadda laydhka waxaa laga qaada shan dollar, biyuhu way u dheeryihiin oo waa lacag gaar ah, qawtal daruurigi raashinkii iyo dharkoodii buugaagtoodi, nusa saacohoodii, intaba waa layga raba.

Hantida reerku waa boqolka dollar, anigu qof ka maqan Xaafadda ayaan ahay, oo masaariif gar ah ayaan raba hadana waxba kalama hadho mushaharkayga waan u soo dira.

Wax kastaba ha u gaadhee, Shaqada adag ee aan hayo iyo manfaca iga soo gelaya waa kaaf iyo kala dheeri, maan garan waayin ka tag oo suuqaga ka xamaalo reerkagana la noolow,balse waxaan ahay Muwaadin,naftiisa u huray dalkiisa inuu difaaco, si dadkiisu nabadgelyo iyo xasilooni ugu nooladan, nabadgelyona ugu seexdaan.

Aniga iyo muwaadinin kale oo ila midd ah Qarankaanu u sadaqaynay naftayadii, xooga yagii ,iyo xininyahayagiiba dalkaan ku difacaynaa, labadaydii wiil, sanadka dugsigii sare ayay ka qalin jebinayaan, waxay jaamacad ku dhigtan uma hayo,waayo hantidaydu waa boqolka dollar.

Dhibtu keligay ima haysato, aniga iyo saaxiibadayba waanu ka simanahay, hadaba, waxa aan madaxwaynaha sharafta karaamadda iyo maamuuska leh ka codsanayaa inuu hoos noo eego, oo Deeq Waxbarasho siiyo inamada aabbayaashood ay jiidaha hore joogan, ee fiiga jaamacada aan iska bixin karayn, si aanu beri markaad xilka ka degto kuugu xasuusano, si kuwa kaa dambeeya ay kaga daydaan waddada wanaagsan, anagana ay noogu noqoto dhiiri gelin.

W/Q Amina Abdillahi

SHEEKOOYIN