Ma tuulo tuulo ayaan u kala baxnaa mise khayrkeen baan tiigsanaa? W/Q: Khaliif Maxamuud Cilmi

FEDERALISM1

Ma tuulo tuulo ayaan u kala baxnaa? mise khayrkeen baan tiigsanaa?

Taariikhda waxaa dib loogu akhriyaa in wax laga ogaado wixii la soo maray khayr iyo khasaaro ,qalad iyo sax ,guul iyo guul darro, talada toosan iyo talada xun ,tii lagu jabay iyo tii lagu guulaystay si ay wax walbaa u caddaadaan oo aan dib loogu noqon wixii xumaa.waana tii la yiri muslin laba jeer god lagama wada qaniino hadday dhacdana waa safiihnimo iyo maskax xumo.

Laakiin anigu waan yaabanahay maxaa soomaalida meelkasta oo ay joogto maanka ka qaaday oo ay taariikhda wax uga baran waayeen,maxay dhexdooda isugu xoog weyn yihiin? oo ay warmaha isaga aslaan iyagoo qoys yar ah oo weliba isu xidid iyo xigaal ah,isu abti iyo adeer ah?.

Waa tay kala tageen oo tuulo tuulo loo xareystay oo tuulo walbaa catir giirgiiran calan looga dhigay oo weliba magan galay cadowgoodii soo jireenka ahaa iyo mid aan soo haliili jirinba. Ma waxay iska indha tireen murtida Soomaaliyeed ee dhahaysa “ Walaalihii is nacaa way xoolo yareeyaan wayna xabaalo badiyaan”.

Murtida oo soomaalidu cuskin jirtay talada iyo gartaba miyaa laga madoobeeyey, ma ladhaqan guuray mise wax kalaa jira oo waxaa meesha yaal “waayeel warkiisa la garan waayey wax baa u duugan”. Nimanka Soomaalida madaxda u ah ee kala geynayaa ma qursi yar oo quursi leh bay maanta ka doorteen magaca iyo muunada ay jiilasha iyaga ka dambeeyaa lahaayeen oo ay hore ugu soo dhiciyeen awooweyaashood,ma waxay door bideen in magacooda laga waayo khariidada caalamka, ma waxay doonayaan in Ethiopia ku soo fiddo badda cas iyo badweynta Hindiya,ma waxay doonayaan inay Ethiopia ku sooryeeyaan Soomaalida inta dhiman oo maantaba u nugul arrinkaas intii hore oo laga soo celiyaa ha joogtee.Ma waxay doonayaan inay Quudhsi qaataan. Goorma ayey hurdada ka toosi doonaan,ma markii xeedho iyo fandhaal kala dhacaan?.

Walaalayaal qofkasta oo Soomaali ah waa inuu ogaadaa in uusan soomaalidiid noqon ee uu noqdo Soomaali doon waayo waa dantiisa.way beenowday walaalaheen Ethiopia ama dowladda Ethiopia ee aan Saaxiibka nahay iyo waxyaabo badan oo lagu hadaaqay cabsi iyo yaan lagaaga darin awgeed. Waa taas oo meel walba Soomaalida lagu laynayo waa taas oo xudduud beenaadkii layska soo galayaa ayadoon cidna la weydiisan.waxaas oo dhan waxaa u sabab ah kala maqnaanteena waad ogtihiin waxay Soomaalidu ahaan jirtay iyo sida looga haybaysan jiray intaanaan gacmeheena ku dumin dowlad jirtay.waa jirtaa inay khaladaad badan gashay dowladdaasi laakiin halkaan maanta joognaa ka fogaan badan.

Gabo Gabo:

Walaalayaal Dhammaan Dhallinyaro iyo Waayeel yaan caradu nala tagin,caano daatay dibkood la qabay aan xaalka ka dhigno.Maahi siyaasi, dan gaar ah ma lihi balse waxaan daba joogaa”Tulud geela oo dhacan baad toogasho ugu bareedhaane ma dhulkiinii oo tagay baan cidina dhagax ka daba tuureyneey”

Nin Dhirbaaxo Quudheed Dugsaday Dhaqashadeed Maalye Dhashaaday Sugtaa Xaajadaad Dhawrataa Abide !!!!

Khaliif Maxamuud Cilmi

Shacbaan10@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN