MAXAA II GEEYEY NAAGTAAS! Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

x

Maxaa ii geeyey Naagtaas!
Saaxiibtiis ma aysan doonayn in saaxiibkeed ay haweeney kale la wadaagto macaan uu qabo dartiis, markaas ayey garatay in ay aaddo Saaxiriinta wax sheegta, si ay uga soo qaadato Sixir uusan Naag aan iyada ahayn ku eegi doonin noloshiisa inta ka dhiman.
Sixirkaas way ku guuleysatay oo muddo ayuu u shaqeeyay ayaa la dhihi karay, balse sanadkii lasoo dhaafay ayuu hal mar ku kacay saaxiibtiis kadib markii uu sixirkii ka helay sariirtiisa hoosteeda, Xanaaq uu xanaaqay dartiisna sixirkii ayuu gubay.
Gubiddaas uu gubay sixirka waxay ahayd Khalad aad u weyn uu naftiisa ka galay, isla markiiba waxaa bilowday in wajigu cun cuno oo is xoqis uu bilaabo.
Wixii intaa ka dambeeyey wajigiisa ayaa sida sawirka idinkaga muuqato u dhac dhacay, waxaa ka dhacay qobkii wajigiisa sida qof gubtay camal, xanuun iyo cun cunna waa usii dheeraa.
55 jirkan isaga oo la hadlayay Dailysun ayuu sheegay in waayadan uu u dhaxeeyey Isbitaalka iyo gurigiisa, dhaqaatiirtuna ay garan waayeen waxa uu qabo, iyo waxa ka khaldanba.

“Dhaqaatiirta waxay i siiyaan Boomaato aan mariyo gobaha uu wajigayga ka dhaawacan yahay, xanuunka iyo cun cunka way iga roonaadaan xoogaan, balse dhaawaca wajigayga ka muuqdo isma baddalo, waxaan mar walba ka shallaayaa sababta aan naagtaas noloshayda ugu daray, Naag i rabto ma jirto hadda, mid walba waa iga carartaa, bulshadayda waxaan ka ahay mid inkaaran, muuqaalkayga dartiis, ayuu kusoo gunaanaday hadalkiisa”.
Jermiah wuxuu sheegay in wajigu cun cuno xilliga kulaylaha oo waa in uu xirtaa Koofi uu hoos ka dhigto, si uu isaga difaaco Cimilada kulul.
Dhaqaatiirta la tacaalaysa xanuunkiisa ayaa kula talshay in uu arko dhaqtar maqaarka ku taqasusay.
Mid ka mid ah Saaxiriinta ugu waaween goobta uu ku noolyahay Jermiah ayaa sheegay in saaxiibta Jermiah ay isticmaashay Sixir dabka la fal gala, sidaas darteed, wuxuu kula talshay Jermiah in uu raadiyo Khabiiro ku xeel dheer Sixirka, si haddii wax loogu qaban karo loogu qabto.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN