Tolow Yaa Furay ?! Q4AAD W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

quotescover-JPG-13

Tolow Yaa Furay ?! Q4AAD 

Adduunyoy wajiyo badan maxay hadba waji gooniya kuugu imaan? Anoo wali falanqaynaya xaajadaydii go’aan rasmiyana ka gaarin, waxaaba dhacaya teleefonkaygii gacanta, yaab maxuu ahaa qofka xilligaan nagu soo kalahay, intaan iri waa aniga tiigsaday, mise waaba dibadda inaan qabto ahaa..

Hallaw daan iriba, waxuu noqday nin aan saaxiibo nahay oo dalka Ingiriiska ku nool, bariidin ka dibna waxuu iga codsaday inaan caawa garoonka diyaaraddaha ka soo doono inan uu magaceeda iigu sheegay Nasteexo, oo ay qaraabo yihiin dalkaas ingiriiskana ka soo duushay, waxuu ii raaciyay in safarkani yahay socdaalkeedii ugu horreesay ee dalkaan ay ku timaado sidaa darteedna ay u baahantahay cid caawisa, “haddee ogow inantaan aad soo dhaweenayso lagaama xigee oo uu ula jeeddo lama qabo” ayuu igula kaftamay, sidaas ayaana isku macsalaameynay saaxiibkay.

Waan ku qasbanahay inaan yeelo codsiga saaxiibkay waayo waan isku leenahay sidoo kalena diinteena wanaagsan iyo dhaqankeena suuban labaduba way ammaaneen in la is caawiyo, su’aashuse waxay tahay tani qorshahaygii tagitaanka wax saamayn ah ma ku yeelan doontaa? Waxaan markaas naftayda ku qanciyay jawaab oranaysa maya, balse, intii toddobaad ah caawi ka dibna asxaab kale inta ku xirtid ka dhaqaaji meesha, maahan meel si yar looga dhammaan karee.

Saacad ka dib salaaddii maqrib ayaan tagay garoonka diyaaraddaha “BOOLI” ee magaalada Addis Ababa(Bole International Airport), inanta horay isku maanaan arag oo wajigeedana ma aqoonsan karayn, sidoo kalena sawiro aan ku aqoonsado saaxiibkay iima soo dirin, mana samayn sida dadka qaarkiis yeelayeen oo ahayd inay wateen boorar yaryar oo dadkay soo dooneen magac yadoodu ku qornaayeen, dabcan dadka caynkaas ahi hoteello ayey ka socdeen ama shirkado caalamiya, hase yeeshee waxuu saaxiibkay ii sheegay inuu siiyay inanta magacayga iyo nambarkayga waxuuna igu yiri tag garoonka iyadaa kusoo wacaysee, marka aniga doorkaygu soo ma noqon inan moobeelka dhaq dhaqaaqiisa la socdo, intaanan soo bixin ayaan si fiican usoo dabaystay oo dab la’aan uga baqi maayo.

Hadda waan anigaan imid oo waxaan taagnahay iridda dadka soo degaya lagu soo dhaweeyo, kaligay maahan ee boqolaal qof oo kala jaad ah, kala dhalashaa oo kala dhaqan ah ayaa meesha tuban, qaar baa ubaxyo qurux badan wata oo ay ku muujinayaan dareenkooda farxadeed, qaarna boorar kii aan kor kusoo xusay bay la taagan yihiin oo ay ugu baaqayaan dadkay sugayeen, soomaali waa tii meelay tagtaba is raadsatee waxaan intaan sugayay ku biiray dhankay Soomaalidu taagnayd, kaftan iyo sheekooyin guud mar ah, ayaana isku dhaafinay waqtigii badnaa ee sugida, ilaa qof walba oo naga mida qofkiisii la kulmay, baaritaan dheer oo gudaha garoonkaa ka dib hadda waxaa soo bilawday dadkii, ruux walba qofkuu sugayay markuu kor ka arkayba waa kan orday oo farxad, marxabbayn iyo laabtoo uu galiyo ku soo dhaweeyay, Alle dhaqamada kala duwan cajaa’ibsanaa, layaabka aan halkaas ku arkay waxuu ahaa halka dadka qaarkii qosol iyo waji furan isku soo dhaweenayeen qaar baa oohin iyo qaylo iyaguna isku soo dhaweenayay, waxaa la iisheegay in qaar ka mida qoomiyadaha Itoobiya dhaqankaas leeyihiin, waase mid ka mida dhaqamida ugu layaabka badan dunida.

Aniguna xataa haddaan ordi lahaa oo dadkayga feerta ka raaci lahaa maba garanayo qofka aan soo dhaweenayo soo inaan iska taagnaado marka maahan, goor anna cagihii i daaleen dadkiina kala yaraaday ayaan maqlay telkayga oo dhacaya, hallaw haddaan iri waxaa dhagahayga kusoo dhacay cod hableed oo dareen kicis ah, Abboowe soo cumar maaha? Haa abbaayo waa tuma? Boowe waa nasteexo dabcan xogtayda waa lagu siiyay ee kumee? Haa baayo caawoo dhan baan ku sugayayba waxaan taagnay meesha dadka lagu sugo ee adi kumee wali ma gudahaa ku jirtaa? May boowe waxaan taagnahay bannaanka hore. Haddaan geesaha eegayba waxaa meelaan iga fogayn iiga muuqday inan quruxda ka muuqata aad ashqaraarayso si wacanna usoo labisatay, maxaa qurux Ilaahay SW u maneystey (Sida loo dhuubanyahay day, bal dhexdaan loo sameeyay eeg, xubnaha dhilan, Afka iyo ilkaga isku sargo’an, dibnaha aad moodo in farshaxan iyaga iyo afka isku jaangooyey ee aadan ka jeesaneyn, waxaa kaaga daran waji furnaanta ay u dhalatay saa waaba dhoola caddayskaan dilaaga ah) waa nooca looyaqaan dhamays ma is tiri?

Intii cabbaar ah kalmad kale afkayga kama soo bixin, telkiina ma isa saarin balse waxaan iska daawaday gabadhaan bilicsamida eebbe u dhammeeyey, ee i hortaagan fursaddana aan u helay, “Nin baa laga sheegay isagoo sidaydoo kale gabar qurux badan daawashadeeda ku raagay in la yiri, war heedhe dee qacda hore waxaan ahayn waa dambi, suu yiri Anigu qacdii horaan wali ku jiraayee ha iga qasina) Haatan waa tiiyoo kale ma istiri, kama shakiyin telkaan ay iyana dhagta ku hayso ee inta ciribta ka soo bilaabay ayaan madaxa ku geeyay daawashadeeda.

Waxaan iri: Ina adeeraw qoftii caynkaas ahay armaad dhahdaa lama hadlin waa markaan diriri lahaynee?

Waxuu yiri: warba waa kan dambeeyee dhagaha i amaahi, Soomaali baa laga hayaa Allaw nimaan wax ogayn ha cadaabin, show inta aan daawanayay inanta iyana way i eegaysay oo waxay la yaabantahay habdhaqankayga, anoo mawjaddii aan galay wali dhex dubaalanaya meelaan marayana aanan garanayn ayaan mar qura ka maqlay telka dhexdiisa: Aboowe qofkaan isoo fiirinaya ma adigaa Cumar?

Halmar ayaan inta naxay baraarugay, deedna eegay meeshuu codku ka soo baxay mise waaba inantii aan ku mashquulsanaa? Ha.ha..ha..haa..haa. baayo ayaan iri anigoo codka shid shidaya,markaasay tiri dee caadi iska dhig maxaa ku helay boowe oo meesha inaga mari. Waayahay ee ina mari baan iri inta tagsiilihii ugacan haadiyay, Ogoow hadda mar waan qajilsanahay oo waxaan sameeyay baan ogahay haddana waa faraxsanahay oo inantii quruxda badnayd waa tan barbarkayga fadhida……………………..

Dhammaad Qaybtii 4aad, Lasoco Qaybta xigta………………..

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

SHEEKOOYIN