Silsiladda; GODANE GALBAY! Waa Silsilad Gabayeed cusub, gabaygii 7aad

godane sdadas

Silsiladda; GODANE GALBAY! Waa Silsilad Gabayeed cusub

Waa gabaygii 7aad ee ka mid ah sisiladda “GODANE GALBAY!” ee halkan hoose ka daaloco;

Gabayga Godane Galbay!

 

Waxaa maanso geeraar tirsho, Amasa guuroowga

Maskax aan gureynine Ilaah, Galiyay suugaanta

Ciil ninuu u geeyaa gocdoo, Garashadii maala

Iska goobid maahoo murtidu, Shay la gadayaaye

Gunno uu Ilaahay baxshiyo, Garasha weeyaane

In kastoonan gaarahayn raggii, Galiyay taariikhda

Shuuriye[i] geddiisiyo Kulan[ii], Geesigii Maxamad[iii]

Godadkii Jimcaaliyo[iv] Saciid[v], Gacalka Xaayoowa[vi]

Geelliyo[vii] Subkanihii dirnaa,  Gaarhayoow Raage[viii]

Guddoonkii murtida lagu yiqiin, Guud ahaan taga’e

Aniguna inaan soo gudbiyo, Wow garleeyahaye

Kama gaabsan karayoo farriin, Gaarran ii timide

Gallad iyo wanaag baan heloo, Guuryey hororkiiye

Godanana god hoosiyo la gee, Guri ma guuraane

Bal guddooma caawaba intaan, gogoldhig weeyaane.

 

Waxaan gogosha riimiyo wuxuu, nabad ku geeraaro

Gablamihii darraad bey dileen, Gaala qurunleeye

Gumicii Obaamaa ku dhacay, Goor habeennimo

Wuxuu gabi dhacleeyaba hadduu, iishay waa guule

Gu’ noo da’ay, galalkoo biya leh, Guulle mahaddiis dheh

Geel dhalay, barwaaqana la galay, Gole ciyaareed dheh

Gabbalkii Shabaab waa dhacoo, Gaabay calankood dheh

Dadkeennii gubnaa awadood, Gaare libintiiye

Gulufkiyo colaadihii haddey, gaba gaboobeen dheh

Guryosamiyo farax bay lahayd, Lagu gam’ aaya dheh.

 

Gacan dhiigle kii ugu xumaay, Godane weeyaane

Umulaha intuu gowrucuu, geesinnima sheegtay

Guudkana asaay ugu xireey, Wada gariireene

Birma geydaduu gooban jiray, Goor iyo ayaane

Wuxuu gabar ogoonteeyay baan, Tiro gayeyneyne

Wuxuu gabanna soomaaliyeed, galiyay baaruudda

Wuxuu gayi colaadeed ka dhigay, Golaha soomaali

Wallee baal madoow baad gashoon, Laga gaboobeynin

Gaalada asagaa weheshan jiray, Reer galbeedka ahe

Inta kale asagaa gaal ku yiri, Diintii gees maraye

Gardarraale guul ma leh murtidaa, Gaaftay waa hore’e

Maantaba wuxuu gaystay buu, guranayaa tacabe

Gibilkii mid qarinayaabay, Geesigii orane

Garays iyo guntiinana toshay, Geesigii orane

Goorgoradda kii xiranayeey, Geesigii orane

Mid gafuurkii wada duubtay, Geesigii orane

Fulaynimo mid guuxaayeybay, Geesigii orane

Gocor maataduun gubayey bay, Geesigii orane.

 

Gobonima cirkaa gaartayoo, Gaarnay hadafkiiye

Godal qaadday maandeeq dadku, Gaaxda wuu sugiye

Gorgor iyo dhurwaa buu ahaa, Gudurigii hawed

Galayr baa “GANTAAL” iyo ku riday, Gabay awooddiise

Anna gaba gabeeyaye u sheeg, Gabanka taageeri

Gaarsiiya Cali Dheere waa, Loo golleeyahaye.

 

07/09/2014

 

Hodan Sheikh Cumar

Hodan2015@autlook.com

 

Eray bixin iyo magacyada

 

[i] Abwaan Faarax Shuuriye

[ii] Abwaan Kulan Xasan Cilmi “Jurun”

[iii] Abwaan Xaaji Maxamad Liibaan “Axyaa Waddani”

[iv] Abwaan Cimcaale Dhegataag

[v] Abwaan Geelle Ismaaciil (Geele Faruur)

[vi] Abwaan Maxamad Gacal Xaayoow

[vii]Abwaan Subkane Gabay 

[viii] Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil

[1] Cabdiraxiin H. Galayr

[1] Magaca Gabaygii koowaad ee silsiladda

SHEEKOOYIN