BARASHO WANAAGSAN. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

abu

BARASHO WANAAGSAN

Qormada magaceeda kore farriinta ay bixinayso ayaa ah mid soo jiidasho badan, balse marka gudaha aad u gashaan Sawir ka duwan kan idiin muuqda ay idin siinayso, macna ahaan iyo muuqaal ahaanba.

Ujeeddada qormada ma ahan mid ka tarjumaysa Qoraha qormada ama uu isku kiin sharraxayo si aad u barataan waxa uu dhab ahaan u yahay, ee waa mid qof walba si gaar ah u qusaysa ugana hadlaysa, waxaan dhihi karaa waa xaalad guud oo qof walba saamayn karta.

Barasha wanaagsan marka aan u doortay waxaan ugala jeedaa in qof walba sida uu u muuqda uusan ahayn, dhabtana waxay tahay Alle iyo qofka oo kaliya ayaa is og, dadku waa sida ay kaa arkaan oo kaliya.

Tusalaalaha qofmada ayaa noqonaya Qof iskiin baraya, wuxuu doonayaa in uu idiin muujiyo sida bulshada qaar ay u arkaan iyo xitaa mararka qaar uu isagu isku arko, balse uusan dhab ahaan u ahayn sida loo arko iyo sida uu mararka qaar is moodo in uu yahay.

Qormadan barasho wanaagsan waa mid dhinacyo badan taaban doono, saddex qof oo saddex Sifo kale leh ayaan ku muujin doono sifahooda iyo qaabka ay yihiin oo ay dadku u arkaan iyo sida ay igaba isku arkaan.

1: tusaalaha Qofka koowaad

Waxaan ahay mid Salaadda ku tukada salaadda jameecada, kadibna wardigiisa la fadhiista meel gooni, dadka qaar ee agtayda ku tukanaya waa kuwa mararka qaar la yaabo taqwada iga muuqato iyo sida aan Alle isug bihaan bihinaya, qaddarin badan ayaa masjidka iyo goobaha kale ee cibaadadaba la iiga hayaa, dhowr qof oo jameecada maasjidka ka mid ah iyo kuwa kale oo ila dagan xaafadda aan ku noolahay  ayaa iisoo duca doonta.

Mid waan ku fiicanahay in dadku ay afkayga ka nabad galaan oo waxba aanan ku darsan, qofka caawin iiga baahana waan caawiya, qofka wax i waydiistana waxaas uu i waydiistay wixii aan ka qaban karo waan ka qabtaa haddan aqoonteeda leeyahay, haddii kalana si wanaagsan ayaan uga qanicyaa.

Muuqaalka guud ee ay ku siinayaan dadka i yaqaana marka aad iga waraysato ayaa noqonaya muuqaal ifaya, oo aad u wanaagsan una qurux badan, balse, marka si dhab ah aan iskugu kiin sheego, waxaan ahay mid cibaadadiisa aysan ka reebin xumaanta oo xaaraanta hadduu arko aanan ka waaban oo sida ay tahay ugu dhex dabaasha, dadkase waan iska qariyaa Allese iskama qariyo, dadka waan ka xishoodaa Allese kama xishoodo, baahidayda sharafeed ee dadka waa mid aad u balaaran, tan Allese iskuma mashquuliyo.

Marka dadka qaar aan dhex fadhiisto oo sida ay ii qiimaynayaan iina qaddarinayaan iiguna tilmaamayaa tilmaamaha wanaagsan ee ay i siiyeen ayaan dib inta isku ceebsado murugo meel la fadhiistaa, maxaa yeelay, waxaan ogahay waxa aan ahay iyo waxa la igu tilmaamayo in ay aad u kala fog yihiin. Xaqiiqdii aad ayaan u dhibsadaa qaab u dhaqankaas xun ee naftayda aan kula dhaqmo iyo tana Alle, waxaan isku qiray in aan ahay nin ku nool nolosha dad kale ee aan tiisa ku noolayn, barasho wanaagsan, waan isku ogahay cilladahaas mar walbana waan rajeeyaa in aan is baddali doono, in cillad xun aan qabo oo waliba naftayda aan u xumahay waan ogahay, su’aashuse waxay tahay goormaan is baddali doonaa? Barasho wanaagsan

2 tusaalaha Qofka labaad

Bulshada dhexdeeda marka aan ku jiro waxaan muujiyaa in aan aad u necbahay Qabyaaladda iyo Musuqa, dadka oo dhan waan ka tilmaamanahay oo waxay dadku igu magacaabeen Toosanaha aan tiisa aqoon.

Toosanaha aan tiisa aqoon waa naynaasta la igu naanayso, Baraha bulshada iyo  xafladaha iyo dhamaan goobaha dadku isugu yimaadaan marka aan soo dhex istaago, waxaan ahay toosanaha aan tiisa aqoon, dadka ayaan guubaabiyaa, danta guud ayaan mar walba ka hadlaa, qabyaaladda iyo qurunkeeda ayaan sida Daad camal dadka uga qubaa, micnaha aan uga digaa.

Tolkayga marka ay qaaraan igu soo qortaan oo la iila yimaado qorsha dhaqaala aruurin ah oo Hub iyo baadba lagu gadayo, markaas waan iska difaacaa, oo waxaan u shegaa in xoolo dad kale oo Muslim ah lagu laynayo in aanan qayb ka noqonayn.

Tilmaan wanaagsan ayaan ku dhex leeyahay tolkayga, waxaysa ogayn shaqsiddayda dhabta ah waan ogahay in sida aan wax u sheegayo aysan wax ahayn, qaaraan diididda Alle ka cabsi uma diidayo iyo muslim u nixid toona, ee waxaan u diidayaa Bakhiilnimo, qabyaaladda in aan necbanahay aan muujinayana dhab igama ahan ee waa mid aan ku dhisayo sawirkayga banaanka ee bulshada, si la iigu arko in aan ahayn nin nadiif ah, Qalbi ahaanse waan is ogahay in aanan nadiif ahayn.

Waxaan xumaan naftayda u dareemaa marka inta kulan la iskugu yimaado howlo bulsho oo danta guud ah la igu magacaabo, ama la ii dhiibo howl ninkii ka bixi lahaa uusan aniga ahayn, markaas waa marka aan dareemo in aan is dulminayo beena u sheego naftayda. Barasho wanaagsan

3 tusaalaha Qofka seddexaad

waxaan ahay nin uu Eebe u nimceeyay, wax walba la siiyay, Owlaad, Maal iyo marwooyin kala duwan, qaddarin badan ayaan ku dhex leeyahay bulshadayda dariskayga iyo asxaabtaydaba, waxaan ahay nin laga haybaysto oo qof walba oo uu is leeyahay ku dayo marka qaab dhaqankiisa uu arko.

Ma ihi Bakhayl, mana ahi Mubadir( mid dhaqaalaha macna darro u farraqa) ee waxaan ahay mid dhiga shay walba meesha uu ku haboon yahay, waxaan ahay mid Alle tuugiisu badan yahay, waxaan ahay mid mahdinta Eebe ay ku badantahay afkiisa, sifaad wanaagsan oo dhan in ay naftayda leedahay aniga ayaa isku qiray.

Balse waxaan leeyahay hal dhinac oo aad u xun, waxaan ahay mid ay balwaddiisu noqotay daawashada Aflaanta anshaxa xun, waan darensanahay waana ogahay cawaaqibka xun ee ay leedahay, hadana naftayda mar walba waxaan kula faqaa in aan iska daayo, mase ihi mid dayn kara!

Dhowr jeer ayaan ka dhaartay iskuna dayay in aan iska joojiyo waasa u caal waayay, waan ka ducaystay dhowr jeer, ducadayse wali lama aqbalin, Ceeb ayaan u dareemaa naftayda, marka aan dhex fadhiyo qoyskayga iyo dadka haybta leh ee bulshadadyda ka midka ah, oo aan dib isku xasuusto waxa aan kaligey walaaqdo ayaan muraara dillaacaa oo is canaantaa, hase ahaatee waxaan dareemayaa in aan u garba duubanahay damaca naftayda oo hawadayda aan raacay.

Dhowr xaas ayaan leeyahay oo nin  baahi shahwo la buka ma ihi, su’aalo badan ayuu is waydiiyaa maankayga, naftayda waan canaantaa mar walba, balse canaantayda ma noqoto mid iga reebta falkaas gurracan ee aan kaligey iskula koodo habeenkii marka aan kali noqod.

Ducadayda waa in uusan Alle i dilin anig oo falkaa ku dhex jira, Xaaraan ma quuto, dadka ma xanto, xumaanta kale oo dhan waan ka nasahanay, Gafaf waan galaa balse ma badna, dadka inta iga sheegata ma badna, Sadaqo waan la baxaa, runtii ma aqaan meesha la iga haysto. Waan yaabanahay, umadda qaarkeed waxaan u ahay Sheikh la sharfo oo dhowr qof oo aan nikaaxiyay ilmo ay dhaleen ayaan arkay, sirtaas waa mid igu gaar ah oo i xanuunjisa, waana mid aan la noolahay. Barasho wanaagsan ma ihi sida aan u muuqdo.

FIIRO GAAR AH: qormada ma ahan mid ka tarjumaysa qof gaar ah ee waa mid si guud uga hadlaysa sirta nolosha ee dadka qaar, saddexda qof ee sheekadooda meesha ku xusantahay waa saddex ay sheekadooda dhab tahay, balse, aan xoogaa ku qurxiyay.

Waxaan filaa in qof walba Sir u gaar ah uu leeyahay, sirta aad la nooshahay waa midda nolsohaada dhabta ah, waxa aad bulshada tustid waa wax aad adiga dooratay, qof walba sida uu yaalo uma ahan shaqsiyaddisa.

Macaanka nolosha waxaad dareentaa marka aad dhabta ku noolaato, inta aad been isku sheegayso ama been aad isku maaweelinayso hubaal in aadan murug la’aan noqonayn, waana sida aan ka dheehanay saddexda qof ee sifahooda aan ku aragnay Qormada, barasho wanaagsan.

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN