HABEENKII KUNKA HABEEN Q2AAD W/Q: Xasan Yuusuf “Leego”

Leego

HABEENKII KUNKA HABEEN Q2AAD

 

Aasiya qorraxdii xilligaa kuleylkeeda ay la dhidideysay waxay u dhacday godkana gashay, iyadoo Aasiya dareen cusub, oo aysan wali isku arag dareemeysa. Waxaa u billowday jawi kale oo ka duwan kii ay xalay ku cawo madoobeysatay. Farxad aysan iyadu koontarooli karin ayaa iyadoo dhan saaqsan. Qalbigeeda waxaa daqiiqad yar ka dibba ku soo noqonaya wiilkii ay maanta aragtay iyo waqtigii yaraa oo ay saanta wada qaadayeen. Hada.ladii afkiisa ka soo baxayey ayay hadba xasuusaneysaa. Aawir ay in dhaheedu maanta qaateen ayey hadba dib u daawaneysaa. Lanbarkii uu maanta u qoray ayey hadba inta soo bixiso sidii qof wacaya ayey haddana ka noqotaa. Wey damceysaa in ay wacdo ku mase dhiirrato.

Cawadii waxa ay socotaba, waxaa la gaaray xiligii la jiifan lahaa. Howshii guriga inta ay ka la aruurisay oo dhammeystirtay ayey is ku diyaarineysaa waqtigii nafteeda. Sidii ay maanta iskoolka kaga timid ayay shaqo ka heysay guriga wax yaroo ay duhurradii laamaloodday maahane. Inta ay biyo qubeys ah is ku soo shushubtay ayey qolkeeda u soo talaabtay, udug iyo dhaldhaal badan oo ay ku ogeed unbey nafta ugu soo kali yeeshay. Habeenno badan ayey xilligan oo kale daal iyo dhacsaal sariirta horay kaga dhici jirtay. Caawase hurdadii waa laga sokeeyaa, in ay Axmed nabdaadiso ayey go’aansatay. Dhowr si oo ay ku la xariiri karto ayaa is la markiiba qalbigeeda ku soo dhacay, waxaa ayse go’aansatay, in ay farriin qolaal u dirto. Dhowr sadar oo salaan iyo nabdaadin ah ayey u qortay, waxa ayna u raacisay su’aal ah, in ay soo wici karto.

Axmed waxaa uu helay farriintii, oo is la markii ayuu ka maqlay gambaleelka teleefankiisa. Waa uu furay erayadii caqliyeysnaa ee Aasiya ka yimid ayuu aqriyay, si aan dareen galgacal ku jirin, lagase dhadhansan karo qiimeyn walaalnimo ayuu ugu jawaabay, waxaa se uu u raaciyay, in wax yar ka dib isagu soo waci doono.

In daqiiqado kooban ah ka dib ayey Aasiya aragtay telkeeda oo gariiray, korbey u soo qaadday “Allah waa isagii” ayey tiri. Cabbaar ayey eegeysay lamabrkiisa, oo ay magaca wanaagsan maanta ku qoratay. In uu go’o mar uu ku sigtay ayey ka qabatay. Waa la Is nabdaadiyay, is wareysi ka dib Axmed ayaa Aasiya ku wargaliyay, in uu qalqaalo safar ku jiro, oo uu doonayo, in uu dhoofo, Aasiyase ma soo dhaweyn hadalkaa waxaa ayse ku tiri

“Allaha ku la garabgalo horumar baan kuu rajeynayaa”.

Aasiya warkii Axmed u sheegay aad buu laabteeda u gubay, waxa ay kohatay safarkiisa, waxaa ayse is ku qancisay, in haddaan la dhiman la is arkayo. Waa sida ay is ku sheegtay markaa, balse, dareenka jaceyl ee nafteeda ku sii tarmaya, ayaa ka badan mid (NOOLI KULANTEE) ku qancaya. Waxa ay maalmo sidii ku joogto waxaa soo dhawaaday safarkii Axmed, oo barri dambe ah. Go’aan bey ku gaartay, in mar uun is arkaan inta uusan bixin Axmed. Inta ay telkeedii qabatay ayey wacday lambarkiisa, oo indhaheedu xifdiyeen baryahaan. Axmed baa ka qabtay waxaana ayna u sheegtay, in ay jeclaan laheed, in uu xaafadda ugu yimaado, Axmedna waa uu ka aqbalay.

Waxaa ay is ku diyaarsay soo dhaweynta Axmed. Xilligii ay ballameen ayey aad u dharareysay, waa uu se soo dhammaaday isagoo soo wacay xilli uu hortaagnaa gurigii ay maalin dhaweed kor ka tustay. Inta ay ka istaagtay halkii ay u diyaarisay, in ay ku soo dhaweyso ayey u baxday. Si farxad leh baa la is ku salaamay, ka dibana u soo gudbisay qolkii udgoonaa, ee Axmed loogu talagalay, in galabta qalbigiisa naxariis galgacal loogu beero. Cabitaan qabow baa la shubtay aad baa loo sheekeystay, sidii labo qof oo waayo badan wada joogay. Waa dad labadooduba aqyaarnimo ku barbaaray, wada furfuran, oo qosolka iyo farxaddu u caado tahay.

Hadal dheer, kaftan badan iyo xifaalo ka dib, Aasiya ayaa wixii ku jiray soo kareen. Waxaa ay go’aansatay, “Qof qoyani biyo is ka ma dhowree” in ay sheegto waxa uurkeeda gubaya. Ka ma aysan cabsane, si dhiirranaan iyo kalsoonni leh ayey ugu sheegtay, in ay aad uga heshay ayna dareemeyso in jaceyl sii koraya ay u qaadday.

Axmed waxaa uu ku jiraa adduun kale. Safar uusan waligii u bixin ayuu barrito u aadayaa. Waxa uu diyaargarow ugu jiraa, la jaanqaadka adduunkaas kale, ee uu ku wajahanyahay. Walwal badan ayuu dareemayaa. Waxaa looga sheekeeyaa waddammada ugu wax barashada adag in dalka uu socdaahi ka mid yahay. Cabsi badan ayaa heysa, haddana wuu faraxsanyahay, oo waxaa uu isleeyahay waxbarashada aad maanta niyaddaan u heyso sanado ka dib meel sare baad ka gaareysaa, waxaadna wax ku soo baraneysaa waddan waxbarashadiisu tayo leedahay. Hadalka gabadha uu martida u yahay u sheegtayse mar waa uu ka naxay, marna waxaa cajabgaliyay, in gabar nuucaan u eg afkeedaas ka la qaad ka qurxoon iyo bushimahaas casaanka ah ay ku dhaheyso “Waan ku jeclahay”. Waxaa ku adkaaday go’aan uu qaato, waxaase uu ku yiri

“howl kale ayaa igu furnaa waadna dareemi kareysaa, taaduna waa mid ugub ee waqti kooban oo aan nafteyda la tashto ayaan jawaab kugu soo siinaa”

“Guddoon” ayey tiri.

Aasiya waxaa ay jecleed jawaab dagdag ah, hase yeeshee, ma helin, waxaa ay se go’aansatay in ay ka wardhowrto inta istaagtay ayey armaajo garabkeeda bidix qotonsaneed furtay waxa ay ka soo bixisay Bokis yar, iyadoo guddoonsiineysa Axmed ayey tiri;

“waa haddiyad aan ugu talagalay, in aad igu soo xasuusatid” Axmedna si xushmad leh ayuu kaga gudoomay, isagoo aad ugu mahadceliyay Aasiya.

Axmed howl cusub ayaa ku soo korartay. Awaluu aad u mashquulsanaa,oo safarkii ku cusbaa walwel ku hayey, haddana, maanta iyo gabadhii jalaqsaneed jaceylkeedii. Jawaab ayaa laga sugayaa, in muddo ah ka dib ayuu garowsaday maadaaba adigoo baxaya lagu leeyahay meeshaada ayaan kugu jeclahay maad dhahdid soo dhawow. Isagu eed gabadhii wanaagga badneed kaga timaadda wuu is ka ilaalinayaa, rabitaan aan meel jirinna waa uu ku jiraa, balse, Aasiya uur buka ayuu afkeedu u hadlayaa. Axmed baa go’aansaday in uu gabadha ku dhoho soo dhawow, xariirkii xigay oo ay wada hadleen, ayuu jawaab wanaagsan siiyay gabadhii xaggiisa dhowreysay, isagoo u sheegay, in ku faraxsanyahay in xariir jaceyl uu la yeesho kana aqbalay codsigeedii.

 

Fisha qaybta xigta ee sheekada.

 

W/Q: Xasan Yuusuf “Leego”

 

SHEEKOOYIN