Muxuu yahay Doorka Hoggaamineed ee Dhallinyarada Maanta ?W/Q:Sunni Carays Fayte

13939944_637290836447739_970004649_o

Muxuu yahay Doorka Hoggaamineed ee Dhalinyarada Maanta ?

Hubaal Dalku wuu Tabayaa Dhallinyaro isu taagta oo badasha hoggaanka iyo hormuudka maanta, lana timaado karti,Dadaal,Aragtifog,Aqoon,Maskax furnaan iyo Waliba Hal Abuurnimo Siyaasadi ku Dheehantahay ,Markii Intaas iyo waliba Talo Wadaag Dhallinyareed la isku helo wa Xaqiiq in dhallintu wax badan baddali karaan .

in ka badan 25sano o u dalku burbursana dadka ugu badan uguna nuglaa dhibaatada waa dallinyarada Maxaa yeelay, Tusaale haddi dhacdo meel ka dhacdo ilaa 60% waxa ay sameeysa dhallinyaro maadaama maqaamka qaybsimeed ee bulashada soomaalidu ay tahay 75% Dhallinyaro kaba garo Tiro badnidooda dhibaatoyinka sida ay ula daris karaan .

In kastoo La Xadiday qofka noqon kara hoggaanka ugu sarreeya e dalka Madaxwaynaha inu u ka waynaado 40sano laakiin haddi la helo dhallinayaro sidi hanadadii SYL oo kale ama rag u dhigma waan ku kalsoonahay in hoggaan Cilmiyeysan dalku yeelan lahaa taas o dhalin lahayd in hoggaanku saalix noqdo.

Kaso bilaaw burburkii dalka ee dagaalladii sokeeye ee gayiga Soomaaliyeed oodhan ka dhacay iyo kuwa ilaa hadda dhiigu ku qabunayo, Waxa xabbada Ridayay oo ururada ujeeddo badanka ah u adeegi jiray, waxay ahaayeen Dhallinyaro qaab qaldan awoodooda loo isticmaaley.

Badalkeed Haddi la heli lahaa Akademiyad Xirfadaysa Dhallinyarada tustana wadada Guusha hubaal in la heli Laha Dhallinyaro Qaramaysan Xambaarsana Astaanta Qaranka ee Buluuga ah, korna u qaada magaca Soomaaliyeed oo awoodooda iyo xooggooda si wanaagsan looga faa’iidaysto

Waxaan rumaysanahay oo hubaal in Karti,Fikir,Garwaaqsi iyo Waliba Daljacayl ay Qalbiyadeena ka Buuxo, haddaba saw ma dhihi karno, dhallinyarada maskaxda waxaa ka gumeystey kuwii mustaqbalkooda baa’biyey oo xirey ee xayiray, dalkooda ka dhigay dal burbursan, dhaqaalo xumada ku riday ee ku kelifay inay adduunka wax la qaybsadaan, Haa, waayo haddeynu xornahay intaan gacmaha is qabsanaan dalkeena iyo dadkeena niyad furnaan iyo wadajir ugu adeegi lahayn, kala bixi lahayn xayndaabka iyo kala qaybsanaanta bulshadeedana la dhex dhigay.

Dhallinyaradu waa inay isu diyaariyaan inay hannaanka dalka wax ka bedelaan, weliba qaab cilmiyeysan, waa inay awoodooda si wanaagsan oo xirfadaysan u adeegsadaan, waa inay dalka daacadnimo ugu adeegaan, waa inay   gacmaha is qabsadaan, hoggaamiyayaasha xunxuna   ka hor weeciyaan bulshada, iyagoon qori qaadan xabbadna ridin u sheegaan in waqtigoodii dhammaaday oo la joogo waqtigii dhallinyaradu badbaadin lahayd dadkooda.

Haddii la helo, dhallinyaro waddaniyiin ah, isku kalsoon, wadajira isku aragti iyo mabda’ ka xor ah aafooyinka dadka kala qaybiyey, ee eexda, nin jeclaysiga iyo haybta qaabka qaldan loo adeegsadey, hubaal in hoggaan hufan iyo dal horumarsan iyo bulsho haggaagsanba la heli karo.

Sunniyare.113@gmail.com

Mogadishu Soomaaliya

SHEEKOOYIN