Tolow Yaa Furay?! Q5AAD. W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

quotescover-JPG-13

Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 5aad.                                                  

Qaybtii 5aad……………………………………………..

Show inta aan daawanayay inanta iyana way i eegaysay, oo waxay la yaabantahay habdhaqankayga, anoo mawjaddii aan galay wali dhex dubaalanaya meelaan marayana aanan garanayn ayaan mar qura ka maqlay telka dhexdiisa: “Aboowe qofkaan isoo fiirinaya ma adigaa Cumar?” Halmar ayaan inta naxay baraarugay, deedna eegay meeshuu codku ka soo baxay mise waaba inantii aan ku mashquulsanaa? Ha.ha..ha..haa..haa. baayo ayaan iri anigoo codka shid shidaya, say tiri: ” Dee caadi iska dhig maxaa ku helay boowe oo meesha inaga mari” Waayahay ee ina mari baan iri inta tagsiilihii ugacan haadiyay hada mar waan qajilsanahay oo waxaan sameeyay baan ogahay hadana waa faraxsanahay oo inantii quruxda badnayd waa tan barbarkayga fadhida.

Waxaan iri kaddib maxaa dhacay? Waxuu yiri Waa anigaan gabadhii kasoo qaaday Garoonka diyaaraddaha ee dajiyay Albeergadii aan uqabtay, mudadii yarayd ee ay magaalada joogtayna gacanteeda midig u noqday ileen wax kaloo I mashquuliya ma hayee, xilli kastoy ii yeerto durba meeshay joogto waa anigaan taagan, waan jeclaystay runtii ag joogeeda, waxaana dareemaa xiiso gooniya oo markasta ii jiidaya hadba meeshay iga jirto, waan u bogay kaftankeeda, qosolkeeda aan dibnaha soo dhaafin, dabeecadeeda wanaagsan ee Ilaahay ugu deeqay iyo habdhaqankeeda bulshada dhexdooda, waxaa intaa udheer quruxda rabbi ku manaystay, shaki kuma jiro in la ihelay oo kii jacayl ahaa isaaqay, waayo maahan qof la iska indha tiri karo, hase yeeshee anigu waan iska diiday taa, anoo sabab uga dhigay inantaan waa walaashaa inaad caawisaana laguu baray, teeda kale cumaraw adigaba mid lamid ah baad kasoo tagtay oo ku sugaysa, kaligay maahan ee ninkasta oo maalin bartay nasteexa ka ag dhaqaaqi waa.

Waxaan iri hadda ma waxaad ileedahay qoftaas indhahaan ka laabtay? Waxuu yiri cumaraw sheekadu ma dhawa, saaxiibadaydii cusbaa ee aan Addis ababa ku bartay sidaadoo kale ma jeclaysan hab dhaqankayga, waxayna qayb ka noqdeen doodii aniga iyo naftayda ka dhax oognayd, waxay igu billaabeen inay i dacaayadeeyaan iyagoo oranaya, kani waa doqon fursaddaan uu haysto rag baa say u raadinayeen kabihii ka dhammaadeen, “Waa inan qurux badan misna Ingiriiska ka timid” waddan ka mida waddamada adduunka ugu hormarsan, isaguna inta furaheedee loo dhiibay buu arki layahay Alla yaa meeshuu ka yimid iyo Qandala isaga cesha waxba soo kordhin maayee!.

Saaxiibadaydaan dhamMaantood waa layn sugayaal buufiska dibaddu ku raagay, talada ugu wanaagsan ee ay dadka siiyaana waa buufis iyo in la dhoofo, waqti ayay igaliyeen si ay fursaddaan la ila soo doontay iigu qancin lahaayeen, hase yeeshee la ikari waa, waayo waxaan ahay nin go’aan meel uyaalo, go’aan maxay ah? go’aankii tagitaanka qorshihiisu waa tabtiisii waxba iskama badalin, markay arkeen xaalku meeshuu marayo ololahoodiina aysan ku guulaysan, waxay ku fakareen inaan maanta wada fadhiisano oo la ii doono geedkii Xaliye ahaa, sheekaduna maanta ku koobnaato hawshayda oo kaliya, Xaliye aa! Xaliye kulahaa! Ma kanaa Xaliye ah? Kani waa qaribe ee! Soomaalidu wax kastoo xun intay magac wanaagsan u baxshaan baa jiilka ka dambeeya ku jabaa, alla maxuu dad badan wadaddii toosnayd ka tuuray intuu mid qalqaloocda layr cas ugu xiray oo mudo kaddib markay tiimbadeen is gartay!, maxuu rag badan ku qasbay inay qaataan go’aano xasaasiya xilli umadda inta caafimaad qabtaa ay hurudo kaddib markuu dhulkiiba wada cagaar uga dhigay!.

Imaanshahaygii Addis Ababa ka hor Xaliye waxuu ahaa cadawgayga koobaad ee aan iska ilaaliyo dadkana uga digo inay la saaxiibaan waayo waxaana ogaa inta uu dad qaribay oo qar ka tuuray, nin walba oo la saaxiibana caan buu ka ahaa magaaladaan ku noolaa waayo Soomaali baa laga hayaa “War dhafoor buu ku yaalaa” haddase waa halkay Soomaalidu ka lahayd “Bidaari sibiq bay ku gashaayee” si yar baan isku baranay galab kastana waan isku qoranahay, oo waxaan is baranay ka hor intaysan Nasteexo imaan mudadii aan walaashay isbitaalka kula jiray, intay Nasteexo timid baanse sii tiimbaday, waxaana iskaaya baray waqtiga iyo Addis Ababa kaddib markii magacyo kale oo aad iisoo jiitay la iigu sheegay, Alle maxaa wiil bannaanka iska mariyay halkaas si fudud ugu soo bartay sidaydoo kale? Anigu waan ogahay intaan la saaxiibay in xaalkaygii isbadalay hase yeeshee nin ay is barteen si fudud uga tagi waa xataa isagoo og inuusan ahayn saaxiib fiican!

Waxaan iri xaliyahaasi maxuu ahaa aad sharaysatay Sideese isku barateen? Waxuuna yiri bahalkaas Xaliyaha laleeyahay waxna ma xaliyee waa ka halkaas aan maanta aalo idhigay asaagayna iga reebay hilaac beenaadna itusay, Iguna riday Badda aan birriga lahayn, waxaan isbaranay markaan imid magaalada, waxaana iskaaya baray dhallinyaradii magaalada igu soo dhaweesay maadaama aan ku cusbaa isbitaalna aan u rabay walaashay, waxay ii noqdeen saaxiibada kaliya ee aan magaalada ku lahaa waxaana noqonay asxaab isku sheeko ah, markaan firaaqo helo galinka hore Maqaayad uu lahaa mid dhallinta kamida ciyaarahana lagu daawado baan isugu imaan jirnay, waa goob bulsho oo ah meel ay dhallintu ku kaftanto, sidoo kalena habeenkiina halkaas ayaan isugu imaan jirnay oo intii mudaana ku cawayn jirnay.

Waxaan iri galinka dambena?………………………………..

 

 

Dhamaad Qaybtii 5aad, Lasoco Qaybta xigta………………..

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

 

SHEEKOOYIN