DHADHAN U YEEL JIRITAANKAAGA W/Q: Najax Yaasiin Cabdi

DHADHAN U YEEL JIRITAANKAAGA!
W/Q: Najah Yasin Abdi

image

 

 

 

 

 

Mararka qaar naftaada ma la sheekaysataa? Ma is weydiiysaa sababta aan adduunka ugu nooshahay ka sokow cibaadadda iyo raaligalinta Eebe weyne, waa maxay sababta aad u nooshahay? Qudhayda ayaa is weydiiya waa maxay sababta aan anigu qudhaydu u noolahay?

Jooogitaanka dunida Eebe weyne SWT wuxuu ka lahaa ujeedo weyn aan lasoo koobi Karin, waxayna ujeeddadaa ugu weyni tahay sidii aad Alle weyne SWT u raali galin lahayd oo aad cibaaddo suuban oo sax ah ula iimaan lahayd si aad ugu baasto kuna naajaxdo imtixaan la galo kan ugu adag uguna ciqaabta badan haddi aad ku fashilanto kaas oo iman doona yowmal-xisaab. Illaahay waxaan ka baryayaa inuu aniga, adiga, waalidiintayda iyo kuwaagaba iyo dhammaan muslimiinta dunidan igula nool u fududeeyo uuna waafajiyo imtixaankaas aadka u adag.
Waakan ilaahay qawlkiisa SWT uu ku caddaynaya sababta ugu weyn ee uu koonkan kuu keenay.

قال الله تعالى: (وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالأِنْسَ إِلاَّ لِيَعْبُدُون.(56)
(سورة الذاريات)
Haddaba ka Sokow cibaadadda Eebe weyne jala wa calaa, waa maxay sababta aad u nooshahay, ma is weydiisay qofka aad adigu tahay, marmarka qaar ma is daawataa intaad muraayad tagto si aad u ogaato qofka aad adigu tahay? Marka aan ku leeyahay muraayadda ma isku daawataa ma aha inaan ula jeedo inaad eegto qaabkaaga shaqsi ahaaneed laakiin waxaan ula jeedaa inaad istusto qofka aad adigu tahay, ruuxdaada iyo nafdaadan inaad la hadsho ood weydiiso qofka aad adigu tahay.
Tusaale: Anigu waxaan ahay najaax marka loo eego magac ahaan, sidoo kale waxaa jira hablo baddan oo ila magac ah laakiin waan ka duwanahay anigu! ujeedadaydu waxa weeye inaan baadho ruuxdayda iyo ka duwanaanshaha aan ka duwanahay dadka kale, waa inaan baadigoobo oon ogaada qofka aan anigu ahay, waayo waxaan ogahay inay jirto wax badan oo aan kaga duwanahay shaqsi kale.

Ma isla hadashaa markaad kaligaa tahay?
Dadku waxay yidhaahdaan una yaqaanaan qofka isla hadla keligiis waa qof waalan amase waali buu soo wadaa!!!
Laakiin xaqiiqdu saas maaha, islahadalka aan ulajeedo waa mid aad saamayn ugu samayn karto noloshaada, waa mid aad isbedel ku samayn karto nafsiyadaada iyo shaqsiga aad adigu tahay, waa mid aad xusi doonto haddii aad saamayn fiican ku reebto dunida, waa mid dhaxal-gal u noqon doono dhamaanba uumiyaha ku nool dunidan aynu joogno, waa mid dadka dunida ku nool u sharaxi doona qofka aad adigu tahay, waa mid diiwaanka guulaytayaasha dunidda kugu dari doona baal dahab ahna kaa galin doona, waa mid awoodaada qof ahaaneed tusi doona qaar badan oo adiga ku liidi jiray amase aan kuu arki jirin inaad muhiim tahay, waa mid kaa dhigi doona diamond, waa mid aad ku aflixi doonto dhamaanba noloshaada.

Waxaan qoraalkan kooban u hibeeyey hooyaday macaan illaahay ha u naxariistee, waxay igu bar-baarisay nolol iyo jawiyo I farxad gelinayey ilaa iyo intii aan agteeda ahaa. Danbi dhaaf iyo naxariis baan Eebe uga tuugay.

W/Q: Najah Yasin Abdi
Email: najaxya@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/najax.yasin
Linkedin: https://www.linkedin.com/in/najah-yasin-2ba452108?trk=hp-identity-name
Twitter: https://twitter.com/najah_abdi

SHEEKOOYIN