U XOOGSO INTAANEY XILAHAAGA NOQON W/Q: Mahdi Mohamud Abdi

image

U XOOGSO INTAANEY XILAHAAGA NOQON!

Dhallinta maanta intooda badan waa kuwo Guurka ku degdega iyagoon fahansaneyn macnaha dhabta ah uu xambaarsan yahay guurku. Maanta Dhallinta kuwooda Labka ah (Rag) intooda badani waxey guursadan iyagoon ka fikirin mustaqbalka fog ee Reerka ay iminkadan askumayaan (dhisayaan) ku soo foogan weliba iyagoon sii odorasin xaaladda maanta side tahay ineysan sii ahaan doonin ayey Guursadaan ileen waagii baryaba walalacdiisa uu wataaye, barkoodna wuxuun bey u guursadan hebel oo asagaaga ah wuu guursadaye adiguna maxaa meesha ku dhigay oo maad guursatid, Xaqiiqduse taa ka fog.
Waa Ayaan darro weyn o dhibteeda wadata, halka ay sartu ka qurusan tahay tallow waa xagee? haddiiba Reerkii shalay dhidibada loo taagay uu maanta tiirarkiisii Aboor feentay halkaasna ku burburay, Inankii shalay aroostayna maanta uu dalaaqayo inantii oo shalay Cambaro-luusha ku sheegayey, Hablo badanna ay saas ku carmaloobeen (Garooboobeen) iyagoo Da’doodu ay aad u yar tahay qofkii arkaana uu maleysan karin haddii lagu yiraah inantan baa carmal ah kolkaasey amakaag ku noqotaa dhabanadana qabsadaa, qoyskii ay inantaasi ka dhalatayna Ciil iyo Caloolyoow ku dhalisaa markii ay arkaan inantoodii shalay waxbarashada ugu jirtay, dadaalkana badneynd iyadoo ku soo noqoneysa Aqalkii uu shalay si xis la’aan uga kaxeeyey mid ay iyada caashaqsaneyd o ay calmatay Calafna ugu jiray.
Aan u soo dhaadhaco dulucda Qoraalkayga Xaqiiqdii Dhallinta maanta intooda badan iyagoo u guursada siyaalaha aan kor ku soo xusay, haddana kuma waaran Guurkooda oo nagaanshiyo sii fog ma laha. Sababta weyn ee taa aan u aaneynayo ayaa waxa ay tahay iyagoon dabooli Karin baahiyaha soo korodhay maanta, maxaa yeelay shalay Xiiso xajmigiisu weyn yahay ayaa jiray, waxaad aheydeen labadiina oo keliya. Xiisihii xiiso dhacyey maanta, labadii shalay aad aheydeen ma tihiin maanta oo waxaa soo korodhay Nimcadda uu Eeebbe bixiyo tan ugu wanaagsan waa “Awlaad”, baahidii yareyd ee shalay jirtay laga yaabana daboolitaanka baahidas uu xaalkeeda Alle ogaa iyaduna ay kugu samri jirtay maxa yeelay labadiina oo qura uun bad aheyden’e maantase xaalku xaalkii maaha baahiduna tii laga fursan jirayna maaha ee waa mid korkaaga ah inaad dabooshaana guud ahaan baahidaas ee lama dhaafan noqotay.
Haddaba waxaad aheyd tahayna weli midkii shalay waa la guursadaada uun u guursaday, inantii aad soo guursatayna aad dhinac ka soo dejisay Aqalkii lagaa dhalay ee ad u hoyan jirtay Hooyo iyo Aabbena iyo walaalo ay joogeen tiiyoo culeyskaaga ay la ciirciirayen waalidkaga yaad u soo biirisay mid kale. Caku!
Culeys umeynan arkeyn meeleynta iyo xalinta baahiyahaga balse waxa ay culeys tankiisu weyn yahay dareemayan kolkaad ku tiraah Awrideydana (Xaaskeyga) baahiyaheeda ha la’ii xalsho ileen waa tii ad ku filnaan weydaye. Iyadoo laguu guuriyey yaa laguu biillayaa haddana Wagar!
Subax dhalataba Arrin baa taagan, Galabtii Alle keenaba Aroos baabey u sii socotaa oo Hebla oo saxiibteed ah ama qaraabadeed ah baa Aroosaneysa Qarash la’aanna suuroobi meyso aadista arooskaa umana heysid adiga, Dadkii ay weydin laheydna ee Waalid u ahaa waa adigii ka soo watay ee ku dhahay Mas’uuliyaddii idinka saarneyd Hebla aniga baa qaadaya. Waalidkii ku dhalayna haddey mararka qaar kaa xalin jireen baahiyadeeda macquul maaha Subax noolba Xaaskeyga ayaa waxaan rabto inaad ku tiraahdaa oo waxaas iyo waxaas ay rabtaaye keena tiiyoo taada ay u sii dheer tahay cajiib!
Tallo waa tii Allee, Tallo markaasey kugu caddaata oo waagu kuu beryaa markii aad soo dabooli weyday baahiyadeedii iyo tan soo korortay ee ah Ubadka dhexdiina ka beermay ee Alle uu idinku galladay wallow Irsaaqda Alle ay waasac tahay oo qofkuu doonno xisaab li’i quudiyo haddane kasbashey rabtaa Irsaaqadu oo iskama timaado.
Iyadu iyadii maaha, tii kuu dulqaadan jirtay ee sabarka badneyd waa ay ambatay berri o meel aan la garaneyn baabey qabatay, dhinac kastaba arrin baa ka soo furantay oo aadan itaalkii (Maal) aad ku maareyn laheyd aadan heyn. Ka gadaal intaa oo arrimo ah iyo kuwo kale oo isa soo taraya maalinba maalinta ka dambeysa ayaad xalka ugu sahlan balse aan wax sahlan aheyn waxaad u aragtaa inad iska furto Xaaskaagii aad jecleyd kadib marki ay baahiyaheedii sida Mawjadaha Badda oo kale ay kuu harqiyeen duunyo la’aan daraateed.
Shalay hadalkoodii ahaa wax xoogaa u sii meel dhigo ka hor guurkaaga oo ha degdegin deg-deg Guurku kuma samee waxaad laheyd “Irsaaqda Rabbi baa baxsha”, sax Eebbe wuu bixiyaa balse macquul maaha “Illahow ma xoogsanayee Xoolo isii”. Maantase marka ay tallo faraha ka baxday yaad runta ogaatay oo gocatay, garwaaqsatayna hadalkoodi shalay inuu sax ahaa fiicnan laheydaa adigoo horay u sii maqla warkoodii dambeedka kamaad is ciil-kaambiiseen’e!
Intaasoo mashaakil ah haddii uu leeyahay Guurka aan loo meel dayin, haddaba Xalku muxuu yahay maxaase u dawo ah dhibtaa taagan?
Waa ay sahlan tahay xalka dhibtaa keliya noqo mid u sii tabaabusheysta in uu mas’uulliyad baaxadeedu weyn tahay qaadi doonno oo dusha u ridan doonno, adigoo u sii xoogsanaya (shaqeysanaya) si aad wax xoogaa xoollo ah aad meel ugu sii dhigato yagleelidda iyo gudashada waajibaadka uu xilkaas culusi xambaarsan yahay.
Arrinkaa waxa uu kaa saacidayaa inuu noqdo Reerkagu mid xasiloon oo sii jira, wallow ay qadartu halkeedu tahay, haddana waxa keliya ee wax kala daberi karaa dunida maanta uu yahay Maal. Sidoo kale Reerkaagu waa ay kugu riyaaqi doonan umana arki doonan iney kugu qasaareen kol haddaad is meeleysay oo aadan dhibtaadii la soo doonan.
Gebagabadii, inaad u sii xoogsataa Guurkaaga waxa ay kaa dhigeysaa qof ku negaada Aqalkii uu aloosatay IDDIN ALLE, waxaad awood u yeelan doontaa inaad xaliso baahi kasto oo reerka aad mas’uulka ka tahay la soo darsa adigoon aan dib ugu la noqon reerkaagii, waxa ay ku dhaafsiineysaa Asaagaaga oo waxaad noqoneysa mid lagu daydo, Qoyskii aad ka dhalatayna ay kugu xamdiyaan.
“NOQO MID LAGU CIIL BAXO, OO HA NOQON MID DIIQ KELIYA WAALIDKIISA”

W/Q: Mahdi Mohamud Abdi
daanda909@gmail.com

SHEEKOOYIN