Habboon ma jinbaa? Q4AAD W/Q Cabdiraxmaan Warmooge

quotescover-JPG-22

QAYBTA AFRAAD

Galabtii ku xigtay ba anigoo maqaaxi Shaaha laga cabbo fadhiya ayuu nin gaabani ii yimi, salaan iyo codsi ah inuu ila fadhiisto ayuu iskukay raaciyay, anna waan ka aqbalay, intaa ka dib waanu is waraysanay illaa aan oggaaday inuu Habboon iyo qoyskooda aqoon u leeyahay, markaas ayaan oggaaday inaan baahi u qabo xog dheeraad ah, oo ku saabsan Habboon, “Qoyskooda aqoon ma u leedahay?”, ayaan ku yidhi, “Haa”, ayuu igu yidhi, haddana waan ka booday, “Iyada maxaad ka taqaannaa walaal?”, ayaan si xashaashaqa u wayddiiyay. Aabbaheed inuu nin siiyay, oo la guursaday, laba carruurana ay leedahay ayuu ii sheegay. Waar miyuu waallahan yahay?

Kursigii ka soo horjeeday isaga ayaan ka kacay anniga oo aammusan, mid ka sii jeedanna waan tagay, annigoo is diidsiinaya hadalkan qalbigayga dhibaya. Wuu iga soo daba kacay, doqonku hadalkii ayuu halkii iiga sii billaabay, madaxaa I xanuunay, dhiig-kar iyo Xabbad waxa aan u kala garran waayay ayaa igu kacay, laba Bakeeri oo mid jabbay, midna fooraro, kursi sii sujuudsan iyo ninkan ilkuhu dhiigayaan ee la hahayo ayaan ku war helay. Waxaan u fahmay inaan annigu ku cadho burburay, si aan se hawshaa ballaadhan u qabtay waan garan waayay, ninkiina aad yar ayuu iska baxay.

Dhammaan jidhkaygii, gaar ahaan gacmaha ayaan hubiyay, meel I damqanaysa kolkaan waayay ayaan dhaqaajiyay, dadkii goobta joogay ayaa dib iiga wada gurtay, anna waxaan u fahmay inay iga baqayaan, in kastoo ay indhahooda ka muuqatay, anna khatar baan iska sii dhigayba.

Cadhadii ninku wali igamay baabi’in, si aan isu dajiyo, oo degganaansho u dareemo judhiiiba waxaan abbaaray Habboon iyo gurigeedi. Waxa aan la kulmay wax aannan rumaysan karin, wax ba waan waayay! Yaa? Maxaan ku yidhi? Wax ba waan waayay aa? Mayee gurigii Habboon ayaan dhammaantii ba waayay! Goobtu ba waa Qashin iyo Kuddaafad! Waalli iyo miirqab mid aan ahay waan is garran waayay, boqolaal qof oo goobta marayay ayaan wayddiiyay, way se rumaysan waayeen inuu halkan guri ahaa. Annigii arkay, ee maalmaha dhex joogay ayaa rumaysan waayay, siduu qof aan arrag ku rumaysan karaa? Gurigii Haboon ma kuddaafadanuu ahaa? Habboon ma Jinbay ahayd mise way soo socotaa? Mooyi.

Lix bilood oo dhow dhow ayaan ku jiray xaalad koomo socod ah, oo timaha iyo gadhku ba igu baxeen. Habboona sidaas ayaan ku waayay.

W/Q Cabdiraxmaan Warmooge

SHEEKOOYIN