Ilaahay الله Wuxuu Toddoba Goor Lacnaday laba Qabiil oo Carabta ah.

p3

 

Ilaahay الله Wuxuu Toddoba Goor Lacnaday laba Qabiil oo Carabta ah ee Bakr bin Waa’il بكر بن وائل iyo Tamiim bin Marrتميم بن مر\

 

كتاب مجمع الزوائد ومنبع الفوائد – الجزء العاشر -كتاب المناقب –  باب: “ما جاء في قبائل العرب” صفحة 42

للحافظ نور الدين علي بن أبي بكر الهيثمي القاهري الشافعي ويعرف بالهيثمي المتوفى سنة 807

بتحرير الحافظين الجليلين: العراقي وإبن حجر.

 

Kitaabka Xadiithka ee cinwaankiisu yahay “Majmacu Al Zawaa’did wa Manbacu Al Fawaa’idi مجمع الزوائد ومنبع الفوائد ” waxaa allifay Al Xaafuth Nuuru Al Ddiini Calii bin Abii Bakr Al Haythamii Al Qaahirii Al Shaaficii للحافظ نور الدين علي بن أبي بكر الهيثمي القاهري الشافعي ويعرف بالهيثمي, loona yaqaanno “Al Haythamiiالهيثمي“, oo dhintay sanadka sideed boqol iyo toddoba Hijrigaهجري, una dhiganta kun afar boqol iyo afar Miilaadiga.

 

Kitaabka waxaa fartooda ku dhigay laba Xaafith oo waawaynالحافطين\: midka Masarمصر\ u dhashay المصري\ ee Al Ciraaqii العراقي\ (725Hijradaهجرية/1325Miilaadii – 806 Hijradaهجرية/1403 Miilaadiga), iyo midka reer Falasdhiinالفلسطيني\ ee ibnj Xajar Al Casqalaaniiإبن حجر العسقلاني\ (Waana sheekha allifay Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaarii/فتح الباري بشرح صحيح البخاري\, ahna kitaabka ugu saxsan kaddib Kitaabka Ilaahay الله)(773 Hijradaهجرية\/1371 Miilaadiga – 853 Hijradaهجرية/1449 Miilaadiga).

 

Ibnu Xajar الله wuxuu Al Haythamiiالهيثمي\ ku raacay dhammaan Axaadiith-ta kitaabkaan ku sugan, uuna oggolaaday in la daabaco. Waxaabad hoos ku arkaysa masawirka fartiisa iyo saxiixiisa, wuxuu ku dhigayna waxaa ka mid ah:

“استفدت منه”

Oo macnihiisu yahay: “Waan ka faaiidaystay.”

 

 

Kitaabkaan, waxaa gacantooda ku dhigay oo akhriyay oo oggolaaday macallinka Al Haythamii الهيثمي\ oo ahaa Al Ciraaqii العراقي, iyo Al Haythamiiالهيثمي\ ardaygiisa oo ahaa Ibnu Xajar Al Casqalaanii إبن حجر العسقلاني\.

 

Kitaabkaan oo daabacan waa lahaan jiray, midkaanse hadda haysto waxaan kasoo degsaday internetka, waxaan lagu daabacay “Daaru Al Fikri Al Carabiiدار الفكر العربي” ee Bayruut بيروت\, arliga Lubnaanلبنان.

 

Adigu haddaad doonaysid internetka waad kasoo degsan karataa, kuwa ugu sahlan oo aan arkayna waxaa ka mid ah (http://waqfeya.com/book.php?bid=3237), lagana leeyahay sucuudiga, oo naashir kala faafiyay.

 

Kitaabkaan waxaa ku dhigan kow iyo toban kun toddoba boqol lix iyo toddobaatan Xadiith.

 

Al Haythamiiالهيثمي\, kitaabka “Kitaabu Al Manaaqibi كتاب المناقب “, qaybta “باب ما جاء في قبائل العرب”, bogga laba iyo afartan ee mujalladka tobnaad wuxuu ku yiri Xadiithkaan soo socda.

 

وعن عمرو بن عبسة  قال:

“كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يعرض يوما خيلا وعنده عيينة بن حصن بن بدر الفزاري فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:

“أنا أفرس بالخيل منك.”

فقال عيينة: :

“,أنا أفرس بالرجال منك.”

فقال له النبي صلى الله عليه وسلم:

“وكيف ذاك؟”

قال:

“خير الرجال رجال يحملون سيوفهم على عواتقهم جاعلي رماحهم على منسج خيولهم لابسي البرد من أهل نجد.”

فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:

“كذبت، بل خير الرجال رجال أهل اليمن والإيمان يمان، لخم وجذام وعاملة وماكول حمير خير من أكلها وحضرموت خير من بني الحارث وقبيلة خير من قبيلة وقبيلة شر من قبيلة والله لا إبالي أن يهلك الحارثان كلاهما، لعن الله الملوك الأربعة جمدا ومخوشا ومشرحا وأبضعة وأختهم العمرودة.”

ثم قال:

“أمرني ربي عز وجل أن ألعن قريشا فلعنتهم وأمرني أن أصلي عليهم مرتين فصليت عليهم مرتين.”

ثم قال:

“عصية عصت الله ورسوله غير قيس وجعدة وعصية.”

ثم قال:

“لأسلم وغفار وأخلاطهم من جهينة خير من أسد وتميم وغطفان وهوازن عند الله يوم القيامة.”

ثم قال:

شر قبيلتين في العرب نجران وبني تغلب وأكثر القبائل في الجنة مذحج وماكول.”

 

وفي رواية:

“وماكول خير من أكلها. قال: “من مضى خير فيمن بقي.”

وفي رواية:

“أنا يماني وحضرموت خير من بني الحارث و لا إبالي أن يهلك الحيان كلاهما فلا قيل ولا ملك إلا الله.”

رواه أحمد متصلا ومرسلا والطبراني وسمى الثاني بسر بن عبد الله، ورجال الجميع ثقات.

وعن عمرو بن عبسة قال:

“عرضت على رسول الله صلى الله عليه وسلم يوما خيل وعنده عيينة فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:

“أنا أفرس بالخيل منك.”

فقال عيينة:

“إن تكن أفرس بالخيل مني فأنا أفرس بالرجال منك.”

قال:

“وكيف؟”

قال:

إن خير الرجال رجال لابسو البرد واضعوا السيوف على عواتقهم وعرضوا الرماح على مناسج خيولهم رجال نجد.”

فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:

“كذبت بل هم أهل اليمن الإمان يمان إلى لخم وجذام وعاملة وماكول حمير خير من أكلها وحضرموت خير من بني الحارث.”

وقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:

“ولا قيل ولا قاهر ولا ملك إلا الله.”

فبعث السمط إلى عمرو بن عبسة:

“سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم (يقول) حضرموت خير من بني الحارث؟”

قال:

“نعم.”

قال سمط:

“آمنت بالله ورسوله.”

 

ولعن رسول الله صلى الله عليه وسلم الملوك الأربعة جمدا ومخوسا وأبضعة ومشرحا وأختهم العمروة وكانت تأتي المسلمين إذا سجدوا فتركبهم. وقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:

“إن الله عز وجل أمرني أن ألعن قريشا فلعنتهم مرتين فصليت عليهم مرتين وأكثر القبائل في الجنة مذحج وأسلم وغفار ومزينة وأخلاطهم من جهينة خير من بني أسد وتميم وهوازن وغطفان عند الله يوم القيامة وأنا لا أبالي أن يهلك الحيان كلاهما وأمرني أن ألعن قبيلتين تميم بن مر سبعا فلعنتهم وبكر بن وائل خمسا وعصية عصت الله ورسوله إلا مازن وقيس قبيلتان لا يدخل الجنة منهم أحد أبدا مناعش وملادس” وزعم أنهما قبيلتان تاهتا اتبعتا المشرق في عام جدب في ناحية من الأرض لا يوصل إليهما وذلك في الجاهلية. رواه الطبراني عن شيخه بكر بن سهل الدمياطي قال الذهبي حمل عنه الناس وهو مقارب الحال، وقال النسائي ضعيف، وبقية رجاله رجال الصحيح، وقد رواه بنحوه بإسناد جيد عن شيخين آخرين.

 

وعن معاذ بن جبل قال:

“كان رسول الله صلى الله عليه وسلم في دارنا يعرض الخيل قال: فدخل عليه عيينة بن حصن فقال للنبي صلى الله عليه وسلم:

“أنت أبصر مني بالخيل وأنا أبصر بالرجال منك.”

فقال النبي صلى الله عليه وسلم:

“فأي الرجال خير؟”

فقال:

“رجال يحملون سيوفهم على عواتقهم ويعرضون رماحهم على منسج خيولهم ويلبسون البرود من أهل النجد.”

فقال النبي صلى الله عليه وسلم:

“كذبت، بل خير الرجال رجال اليمن الإيمان يمان وأكثر قبيلة في الجنة مذحج وماكول حمير خير من أكلها وحضرموت خير من كندة فلعن الله الملوك الأربعة جمدا ومسرحا ومخوسا وابضعة وأختهم العمورة.”

رواه الطبراني ورجاله ثقات إلا أن خالد بن معدان لن يسمع من معاذ.

 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم في عيينة:

“”من سره أن ينطر إلى أحمق مطاع فلينظر إلى هذا.”

p5

p6

Baal ka mid ah kitaabkaan oo uu Al Bukaariiالبخاري\ fartiisa ku dhigay, iyo faalladiisaba..

 

 

 

 

 

 

Macnaha Axaadiith-taas

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

Camr bin Cabsah عمرو بن عبسة, Allahaالله\ raalli ka ahaadee, wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam fardo loo soo bandhigay, waxaana agtiisa joogay Cuyaynah bin Xisn bin Badr Al Fizaariyyi عيينة بن حصن بن بدر الفزاري.

 

Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu ‘Alayhe Wa ‘Alaa aalehe Wa Sallam wuxuu Cuyaynah عيينة ku yiri:

“Anigaa adiga fardaha kaaga aqoon badan!”

Markaasuu Cuyaynahعيينة\ wuxuu Nabiga Sallaa Allaahu ‘Alayhe Wa ‘Alaa aalehe Wa Sallam ku yiri:

“Aniguna adigaan ragga kaaga aqoon badanahay.”

 

Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu ‘Alayhe Wa ‘Alaa aalehe Wa Sallam wuxuu yiri:

“Waana sidee?”

 

Markaasuu wuxuu yiri:

“Ragga waxaa ugu khayr badan rag seefohoodu luqumaha u suran yihiin, warammadoodan saara guudadka fardohooda, oo labbisan dharka dadka dega gobolka Al Najdالنجد.”

 

(Al Najdالنجد waa gobolka ka tirsan Jaziiradda Carabta, oo ay ku taallo magaalada Riyaadرياض oo Boqortooyada Sucuudiga caasimadda u ah. Gobolkaas waxaa dega qabaa’ilka Banii Bakr bin Waa’il بني يكر بن وائل\, oo Aala Sacoodأل سعود, boqorrada dalkaas maanta u taliya ka dhasheen. Waxaa kaloo dega qabiilka Banii Tamiimبني تميم\, oo ah qabiilkuu ka dhashay Muxammad bin Cabdu Al Wahhaabمحمد بن عبد الوهاب, ninka bidcadaالبدعة\ “Al Wahaabiyah الوهابية\” aasaasay, oo isagaba loogu magac daray; waxaa ayaguna qabiilkaa Tamiim تميم ka dhashay qoyska la yiraahdo Aala Thaaniiآل ثاني\ oo ah boqorrada dawladda Qadharقطر\ ee maanta. Cuyaynah عيينة laftiisu wuxuu u dhashay Tamiim تميم: Xasanwali).

 

Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu ‘Alayhe Wa ‘Alaa Aalehe Wa Sallam wuxuu yiri:

“Been ayaad sheegtay! Waxaa ragga ugu khayr badan ragga Al Yamanاليمن! Iimaankuna waa Yamaniiيمني\, wuxuun ku jiraa qabaa’ilka Lakhmلخم\, Juthaamجذام\, Caamilahعاملة\.

 

Qabiilka Maa-kuul oo Ximyarمآكول حمير\ ka tirsan waa ka khayr badan yahay midda isaga cuntay. Qabiilka Xadramawحضرموت\  waa ka khayr badan yahay qabiilka Al Xaarithالحارث\.

 

 

Qabiil qabiil kale waa ka khar badan yahay, qabiilna qabiil kale waa ka shar badan yahay. Wa Allaahiالله inaanan dan ka lahayn hadday labada qabiil ee Al Xaarithالحارثان halligmaan.

 

Ilaahayالله wuxuu lacnaday afarta boqor oo kala ah Jamdanجمدان\ iyo Makhuusanمخوسا\ iyo Mush-rajanمشرجا\ iyo Abdacatunأبضعة\ iyo walaashood Al Cumurrudataعمردة\.”

 

 

Kaddibna, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Rabbigayربي\ Cazza wa Jalla عزوجل\wuxuu i amray inaan Qurayshقريش lacnado, aniguna waa lacnaday. Kaddibna wuxuu i amray inaan Qurayshقريش u dambi dhaaf waydiiyo laba goor, aniguna laba goor ayaan Ilaahayالله u dambi dhaaf waydiiyay.

 

Kaddibna, Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Qabiilka Casiyyatuعصية  waxay caasiday Ilaahayالله iyo Rasuulkiia, intaan ka ahayn jilbeheeda Qays قيس iyo Jacdahجعدة iyo Cusayyahعصية.”

 

Kaddibna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Qabaa’ilka Aslam أسلم iyo Ghuffaarغفار (kitaabkaan aan Xadiithka kasoo qaadannay ghaynkaغ wuu goday: inta badanna culummadu ghaynkaasغ waa kor dhabaan ama/iyo Ghifaarغفار) iyo inta ayagaas ku dhex jira ee qabiilka Juhaynahجهينة (Juhaynahجهينة waa qabiilka Soomaaliyeed ee Duruqbo), waa ka khayr badan yihiin qabaa’ilka Banii Asadبني أسد iyo Tamiimتميم iyo Ghadhafaanغطفان iyo Hawaazinهوازن Ilaahayالله agtiisa Maalinta Qiyaame.

 

Kaddibna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Labada qabiil oo qabaa’ilka carabta ugu shar badan waa qabiilka Najraan نجران\  iyo qabiilka Banii Taghlib بني تغلب\. Qabaa’ilka jannadaالجنة dhexdeeda ugu tiro badan waa qabaa’ilka Muth-xaj iyo Maa-kuulمذحج و مآكول.” Intaasuu Xadiithku ku egyahay.

 

(Taghleb تغلب\  waa qabiilka boqorrada Sucuudigaالمملكة العربية السعودية ee maanta, iyo kuwa Kuwaytالكويت ee maanta iyo kuwa Al Baxraynالبحرين ee maanta: fiiri hoos *: Xasanwali)

 

Riwaayad kale ee isla Xadiithkaan

 

Riwaayad kale ee isla Xadiithkaan waxay warisay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Qabiilka Maa-kuul-na مآكول\  waa ka khayr badan yahay midda ayaga cunaysa.”

 

Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Inta (qbaa’ilkaas Xadiithku soo sheegay) ka baxdayna, oo horreysay, waa ka khayr badan yihiin inta ka hartay”.

 

Riwaayad kale ee isla Xadiithkaan

 

Riwaayad kale ee isla Xadiithkaan waxay warisay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Anigu waxaan ahay reer Yaman يماني\, qabiilka Xadramawt-na حضرموت\  waa ka khayr badan yahay qabiilka Banii Al Xaarith بني الحارث\. Aniguna dan kama lihi haddii laba qabiil la halligo, oo ma jiro “Qaylقيل\” (Qaylقيل waxaa la oran jiray ragga qabaa’ilka Yamaneedاليمن\ madaxda u ah: Suldaan/Garaad/MalaaqMadax) iyo boqorna oo aan Ilaahayالله ahayn.” Waa intaas Xadiithku.

 

Xadiithka waxaa wariyay Imaam Axmad bin Xanbal الإمام أحمد بن حنبل\, oo wariyay isagoo “Muttasil متصل\” ah oo silsiladda ragga wariyay kaamil tahay ilaa Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, iyo isagoo “Mursalمرسل” ahba oo uu magaca saxaabigu ka maqan yahay, uuna taabigaالتابعي ku egyahay. Ragga wariyayna waa rag “Lagu kalsoon yahay ثقات\”.“.

 

Riwaayad kale ee isla Xadiithkaan

 

Riwaayad kale ee isla Xadiithkaan waxay warisay inuu Camr bin Cabsahعمرو بن عبسة yiri:

“Rasuulka Ilaaahy Sallaa Allaahu Calayhi wa Calaa Aalihi Wa Sallam ayaa maalin waxaa loo soo bandhigay fardo, isagoo uu agtiisa ku sugan Cuyaynahعيينة.

 

Markaasuu Rasuulka Ilaaahy Sallaa Allaahu Calayhi wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu (Cuyaynahعيينةku) yiri:

 

“Anigaa fardaha kaaga aqoon badan”.

Cuyaynahعيينة\ wuxuu yiri:

“Haddaad adigu fardaha iiga aqoon badan tahay, aniguna raggaa kaaga aqoon badanahay.”

Sallaa Allaahu Calayhi wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Waana sidee?”

 

Cuyaynahعيينة wuxuu yiri:

“Ragga waxaa ugu khayr badan rag seefohoodu luqumaha u suran yihiin, warammadoodan saara guudadka fardohooda, oo labbisan dharka dadka dega gobolka Al Najdالنجد.”

 

Rasuulka Ilaaahy Sallaa Allaahu Calayhi wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Been ayaad sheegtay! Ragga waxaa ugu khayr badan ragga reer Al Yamanاليمن! Iimaankuna waa reer Al Yamanاليمن, wuxuuna ku jiraa (qabaa’ilka) Lakhmلخم\, Juthaamجذام\, Caamilahعاملة\.

 

Qabiilka Maa-kuul ee Ximyarمآكول حمير ka tirsanna waa ka khayr badan yahay midda cunaysa. Xadramawt-naحضرموت waa ka khayr badan tahay qabiilka Al Xaarithالحارث.”

 

 

Rasuulka Ilaaahy Sallaa Allaahu Calayhi wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Ma jiro madax iyo boqorro (ha ahaato Yamanاليمن oo ninka qabiilka u madaxda ah oo markay madaxdaasu isku tagaan boqorka Yamanاليمن dooran jiray waxaa la oran jiray “Qaylقيل\” ama qabiil kaleba) iyo mid awood badanba oo aan Ilaahayالله ahayn.”

 

Al Samdhuالسمط wuxuu u ciddiray Camr bin Cabsahعمرو بن عبسة, wuxuuna ku yiri:

“Ma waxaad maqashay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo oranaya inay Xadramawtحضرموت ka khayr badan qabiilka Banii Al Xaarithبني الحارث?”

Wuxuu yiri:

“Haa.”

Al Samdhuالسمط wuxuu yiri:

“Waxaan rumeeyey Ilaahayالله iyo Rasuulkiisa!”

 

Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu lacnaday afarta boqor oo kala ah Jamdanجمدان\ iyo Makhuusanمخوسا\ iyo Mush-rajanمشرجا\ iyo Abdacatunأبضعة\ iyo walaashood Al Cumurrudataعمردة\. Walaashood waxay u imaan jirtay muslimiinta markay tikanayaan, markaasay markay sujuudaan ay dhabarka ka fuushaa.”

 

Rasuulka Ilaahay  Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Rabbigayربي\ Cazza wa Jallaعزوجل wuxuu i amray inaan Qurayshقريش\ lacnado, markaasaan aniguna laba goor lacnaday, laba goorna aan dambi dhaafid u waydiiyay.

 

Qabaa’ilka Jannadaالجنة dhexdeeda ugu tiro badan waa Muthxijمذحج iyo Aslamأسلم iyo Ghufaarغفار iyo Muzaynahمزينة.  Ayagaas iyo kuwa ayagaas ku dhex jiray oo qabiilka Juhaynahجهينة u dhashayna way ka khayr badan yihiin qabaa’ilka Banii Asadبني أسد iyo Tamiim تميم iyo qabiilka Hawaazinهوازن iyo qabiilka Ghadhafaanغطفان Ilaahayالله agtiisa Maalinta Qiyaame. Aniguna dan kama lihi hadday labada qabiil labadooduba halligmaan.

 

Ilaahayالله wuxuu igu amray inaan laba qabiil lacnado: Tamiim bin Marrتميم بن مر (ama Murr مر\) inaan toddoba goor lacnado, aniguna waan lacnaday; iyo qabiilka Bakr bin Waa’ilبكر بن وائل inaan shan goor lacnado!** (Hoos fiiri, fiirada gaarka ah).

 

“Qabiilka Cusayyahعصية Ilaahayالله ayay caasiday iyo Rasuulkiisa, intaan ka ahayn (jilbeheeda) Maazinمازن iyo Qaysقيس. Labada qabiil ee Manaacishمناعش iyo Malaadisملادس axad ka mid ah weligiis Jannadaالجنة geli mayo.”

 

Ninka Xadiithka warinaya wuxuu ku daray oo yiri: “Waxay ahaayeen laba qabiil oo sanad abaari jirtay xagga qorrax kasoo bax iyo meel adduunkaan ka mid ah ku lumay oo ku tiihay, lalana xirii waayay. Waxayna ahayd zamanka jaahiliyada islaamka ka horreeysay.” Waa intaas Xadiithku.

 

 

Al Dhabraaniiالطبراني wuxuu Xadiithkaan ka wariyay Sheekhiisa Bakr bin Sahl Al Dimyaadhii الشيخ بكر بن سهل الدمياطي\. Al Thahabiiالذهبي wuxuu yiri:

“Dadku wuxuu sheekhaan cilmiga ka qaatay isagoo ay da’diisu weynaatay.”

Al Nasaa-iiالنسائي wuxuu yiri sheekhu waa taag daran yahay. Ragga kaloo silsiladda warisay ku jirana waa ragga Axaadiithta saxiixa ah oo Al Bukhaariiالبخاري\ iyo Muslimمسلم\ wariyeenرجال الصحاح.

Al Dhabraaniiالطبراني wuxuu isla Xadiithkaan ka wariyay laba sheekhشيخين oo kale, ayna silsiladda warisay xoog leedahay.

 

Xadiithka Mucaath bin Jabal معاذ بن جبل Allahaالله raalli ka ahaadee

 

Mucaath bin Jabalمعاذ بن جبل Allaahالله raalli ka ahaadee, wuxuu wariyay oo yiri:

“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu ku sugnaa xerada guryeheenna dhexdeeda, wuxuuna kormeerayay fardo, markaasaa waxaa u yimid Cuyaynah bin Xisnعيينة بن حصن oo ku yiri Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam:

“Adigu fardaha waad iiga aqoon badan tahay, aniguna raggaan kaaga aqoon badanahay.

Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Kuwee baana ragga ugu khayr badan?”

Wuxuu yiri:

“Ragga waxaa ugu khayr badan rag seefohoodu luqumaha u suran yihiin, warammadoodan saara guudadka fardohooda, oo labbisan dharka dadka dega gobolka Al Najdالنجد.”

 

Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Been ayaad sheegtay! Ragga waxaa ugu khayr badan ragga Al Yamanاليمن. Iimaankuna waa Yamaaniiيماني, qabiilka Jannadaالجنة ugu badanna waa Muth-xijمذحج.

 

Qabiilka Maa-kuul Ximyarمآكول حمير\ waa ka khayr badan yahay midka isaga cunaya; Xadramawtحضرموت\ waa ka khayr badan tahay qabiilka Kindahكندة\. Ilaahaynaالله wuu lacnaday afarta boqor oo kala ah Jamdanجمدان\ iyo Makhuusanمخوسا\ iyo Mush-rajanمشرجا\ iyo Abdacatunأبضعة\ iyo walaashood Al Cumurrudataعمردة\.” Waa intaas Xadiithku.

 

Xadiithka waxaa wariyay Al Dhabraanii الطبراني\, wuxuuna ka wariyay rag “lagu kalsoon yahayثقات“. Waxaa jira oo kali ah inuusan Khaalid bin Macdaan خالد بن معدان\  uusan ka maqlin Mucaathمعاذ.

 

Cuyaynahعيينة

 

Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu Cuyaynahعيينة ka yiri:

“Qofka jecel inuu arko doqon qabiilkiisu adeeco ha fiiriyo midkaan (Cuyaynahعيينة).” Waa intaas Xadiithku.

Cuyaynahعيينة ayay kasoo degatay Aayadda afaraad ee Suuratu Al Xujuraatiسورة الحجرات, Ilaahaynaالله\ wuxuu ku sifeeyey inuusan caqli lahay, wuxuuna u dhashay Banii Tamiimبني تميم..

 

Al Bukhaarii البخاري

كتاب التاريخ الكبير

الحافظ النقاد شيخ الإسلام جبل الحفظ وإمام الدنيا أبي عبد الله إسماعيل بن إبراهيم  الجعفي البخاري المتوفى سنة 256 هجرية – 869 ميلادية

Al Xaafith Al Naqaad Shaykhu Al Islaami Jabalu Al Xifthi wa Imaamu Al dunyaa Abii Cabdi Allaahi Ismaaiil bin Ibraahiim Al Jacfii Al Bukhaarii الحافظ النقاد شيخ الإسلام جبل الحفظ وإمام الدنيا أبي عبد الله إسماعيل بن إبراهيم  الجعفي البخاري, oo dhintay sanadka laba boqol lix iyo konton Hijrigaهجرية\, una dhiganta sanadka sideed bqol sagaal iyo lixdan Miilaadiga, wuxuu allifay kitaabka ‘Saxiixu Al Bukhaariiصحيح البخاري\”, oo ah kitaabka ugu saxsan Kitabka Ilaahay الله dabadiis. Wuxuu kaloo allifay kutubbo kale, oo ay ka mid yihiin “Kitaabu Al Taariikhu Al Kabiir كتاب التاريخ الكبير“.

Mujalladka afaraad ee kitaabkaan, oo sagaal mujallad ka kooban, boggiisa laba boqol sideed iyo afartan, Al Bukhaarii البخاري wuxuu ku wariyay Xadiithka soo socda, waana Xadiithkiisa tirsigiisu yahay laba kun lix boqol kow iyo sagaashan (2691).

 

تاريخ الكبير للبخاري: 4\248:

حدثنا ابن يوسف نا يحيى بن حمزة حدثني أبو حمزة العنسي عن عبد الرحمن بن جبير بن نفير وراشد بن سعد وشبيب الكلاعي عن جبير بن نفير عن عمرو بن عبسة:

“عرضت الخيل على البني صلى الله عليه وسلم، فبعث السمط إلى عمرو:

 

سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول:

“حضرموت خير من بني  الحارث”؟

قال:

 “نعم.”

قال السمط:

“آمنت بالله ورسوله.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

Ibnu Yuusuf إبن يوسف\  wuxuu nooga wariyay Yaxyaa bin Xamzah يحيى بن حمزة\, oo ka wariyay Abuu Xamzah Al Cansii أبوحمزة العنسي\  oo ka wariyay Cabdu Al Raxmaan bin Jubayr bin Nufayr عبد الرحمن بن جبير بن نفير iyo Raashid bin Sacd وراشد بن سعدiyo Shuvayb Al Kalaacii شبيب الكلاع oo ka wariyay Jubayr bin Nufayr جبير بن نفير oo ka wariyay Camr bin Cabsah عمرو بن عبسة (Al Aslamiiالأسلمي) oo yiri:

 

“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waxaa loo soo bandhigay fardo. Al Samdhuالسمط (Shuraxbiil bin Al Samdhشرحبيل بن السمط) wuxuu u ciddiray Camrعمرو, uuna ku yiri:

“Ma adigaa maqlay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam leh:

 

“Xadramawtحضرموت way ka khayr badan tahay Al Xaarith! الحارث“?

Wuxuu yiri:

“Haa.”

Al Samdhuالسمط wuxuu yiri:

“Waxaan rumeeyey Ilaahayالله iyo Rasuulkiisa.” Waa intaas Xadiithu.

 

Kanuu waa Xadiithka Al Bukhaariiالبخاري Allahaالله u naxariistee ee tirsigiisu yahay laba kun lix boqol saddex iyo sagaashan (2693), kuna dhigan bogga laba boqol sideed iyo afartan ee kitaabkiisa taariikhda.

 

Islaamka wuu ka baxay

 

Al Bukhaariiالبخاري, mujalladka afaraad ee kitaabkiisa taariikhda aan soo sheegnay, wuxuu ku wariyay Xadiithkiisa tirsigiisu yahay laba kun lix boqol saddex iyo sagaashan, kuna dhigan bogga laba boqol iyo konton, oo ah:

 

“Xurayz bin Cuthmaan bin Numraan حريز بن عثمان بن نمران iyo Camr bin Al Xaarith عمرو بن الحارث waxay ka wada wariyeen Cabdu Allaahi bin Saalim Al Ashcarii عبد الله بن سالم الأشعري, oo ka wariyay Muxammad Al Zabiidii محمد الزبيدي, oo ka wariyay Cayyaash bin Mu’nis عياش بن مؤنس, oo ka wariyay Abaa Al Xasan Numraan Al Raxbii أبا الحسن نمران الرحبي oo ka wariyay Aws bin Shuraxbiil أوس بن شرحبيل oo u dhashay qabiilka Al Majmac المجمع oo yiri inuu maqlay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oranaya:

 

 

#2693: 4\250:

شرحبيل بن أوس له صحبة، قال حريز بن عثمان بن نمران، وقال عمرو بن الحارث حدثني عبد الله بن سالم الأشعري عن محمد الزبيدي قال نا عياش بن مؤنس: إن أبا الحسن نمران الرحبي حدثه أن أوس بن شرحبيل أحد بني المجمع حدثه أنه سمع النبي  صلى الله عليه وسلم يقول:

“من مشى مع ظالم ليعينه وهو يعلم أنه ظالم فقد خرج من الإسلام.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Qofka raaca daallin si uu u caawino isagoo ogsoon inuu daallin yahay diinta islaamka waa ka baxay.” Waa intaas Xadiithku.

 

Dawladaha Khliijku (Waana Boqortooyada Sucuudiga Carabta ahالمملكة العربية السعودية\, dawladda Kuwaytدولة الكويت\, dawladda Baxrainدولة البحرين\, dawladda Qadharدولة قطر\, dawladda Imaaradka Carabta ee Midowdayدولة الإمارات العربية المتحدة\ iyo  dawladda Cummaanسلطنة عمان\) iyo kuwo kaleba oo carab iyo muslin ahba, waxay uga qayb galeen xagga ciidammo hubaysan, qalab militari, dayuurado, ayna maal geliyeen dagaallada ay NATO (North Atlantic Treaty Organization, ayna hoggaamiso dawladda Maraykanku) kula jirto dalalka carbta iyo muslinkaba, ayna malaayin muslimiin ah dileen, guryohooda bururiyeen, isbitaalladooda, skuulladooda, warshadohooda, isbitaalladooda, waddoyinkooda, malaayiinna ay qaxooti ka dhigeen, aan anigu ka mid ahay.

Dawladaha Khaliijku waxay dalalkooda fariisimo militari ka siiyeen NATO, oo halkaasaa looga duulaa dawladaha carabta iyo cajamtaba, ay dagaalka kula jiraan.

 

Dagaalladaas waxay dawladaha NATO ka bilaabeen Soomaaliya kun sagaal boqol iyo sagaashan Miilaadiga, markay Maraykanku weerareen Soomaaliya, sanad kaddibna Qarammada Midoobay (UNO) ay Soomaaliya soo weerartay, kuwaan QM oo konton kun oo askari ahaa waxaa hoggaaminayay gaalka krishtaanka ah Butrous Butrous Ghali oo hore u ahaan jiray wasiiru dawlada arrimaha dibadda ee madaweyne Maxammad Xusni Mubaarakمحمد حسن مبارك\ ee Masarمصر\, dawladda sucuudiguالمملكة العربية السعودية\ waxay uga qayb gashay ciidan ay Muqdisho geysay oo ka mid ah ciidammada NATO. Markaasay Soomaaliya burburiyeen, inta layntaas ka badbaadayna ay qaxooti noqdeen.

 

Waxaa ku xigtay Ciraaqالعراق. Waxaa ku xigtay Liibiyaليبيا. Waxaa ku xigtay Suuriyaسورية. Haddana waxay xasuuqayaan shacbiga reer Yamanاليمن, Allahaالله\ ka badbadiyee. Waxay hadda ka bilaabatay Lubnaanلبنان.

Ilaahayالله waa ka badbaadiyey qorshahay la damacsanaayeen Masar مصر\ iyo Tunisتونس\ tan iyo hadda. Afganistaanna waa la burburiyay, dadkeedana qaxooti laga wada dhigay.

 

Ilaahayna Cazza wa Jallaالله عزوجل\ wuxuu Aayadda saddex iyo sagaashan ee Suuratu Al Nisaa’iسورة النساء\ ku yiri:

 

}وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا (93){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Qofka qof muslin ah kas iyo ula kac u dila, si uu nafta uga gooyo, abaal marintiisu waxaa weeye:

Kow. Naarta Jahannama ayuu gelayaa.

Laba. Jahannama dhexdeeduu ku waarayaa, oo Janno arki mayo.

Saddex. Ilaahayna wuu u carooday.

Afar. Ilaahayالله wuu lacnaday.

Shan. Wuxuuna u diyaariyay cadaab wayn.(93).”

Ilaahaynaالله Carabta wuu abuurayaa, labadaan qabiil oo lacnadanna way leynayaan! Diintee u xalaalaysay dilidda iyo gumaadka carabta iyo muslimiinta?

 

Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri in qofka muslinka hub usoo qaata oo ula soo gala inuusan muslin ahayn, waxaana wariyay Al Bukhaarii البخاري\ oo ku wariyay “Kitaabu Al Fitanكتاب الفتن\” (6659) iyo ghayrkiisba:

 

“من حمل علينا السلاح فليس منا.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Qofka hub noo soo qaata oo noola soo gala, si uu nagula dagaallamo, annaga muslimiinta ah naga mid ma aha.”

 

Ciidanka sucuudiga, iyo kuwa kaloo carbeedba iyo Pakistaan oo soomaalida hubka usoo qaatay ayagoo gaalada la socda, muslin ma aha, oo diinta waa ka baxeen markay shacbi muslin ah oo aan wax u dhimin guryohooda ugu soo galeen ayagoo hubaysan si ay u laayaan, siduu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u sharciyeeyey.

 

Gaalada xaggeeda ha u iilanina

 

Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaaالله سبحانه وتعالى\ wuxuu Aayadda boqol saddex iyo toban ee Suuratu Huudسورة هود\ nagu yiri:

 

} وَلَا تَرْكَنُوا إِلَى الَّذِينَ ظَلَمُوا فَتَمَسَّكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُمْ مِنْ دُونِ اللَّهِ مِنْ أَوْلِيَاءَ ثُمَّ لَا تُنْصَرُونَ (113){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Ha u iilanina, oo qalbigiinnu yuusan u ilaan, oo ha jeclaanina, waxay samaynayaanna raalli ha ka noqnnina kuwaa dulmiga falay, oo haddaad sidaas yeeshaan Naar ayaad geleysaan; idiinmana sugnaan, Ilaahayالله sokadiisa, cid idiinka gargaarta naartiisa; Ilaahaynaالله idiinma gargaarayo(113).”

 

Xadiithka saxiixa ah ee Al Xaakim الحاكم\

 

Al Xaakimالحاكم\ wuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

 

“من أعان ظالما ليدحض بباطله حقا فقد برئت منه ذمة الله وذمة رسوله.”

 أخرجه الحاكم وقال: صحيح إسناده.

 

Xadiithka waxaa wariyay Al Xaakimالحاكم\, yirina: silsiladdiisu waa saxiixصحيح\, macnihiisu waxaa weeye:

“Qofka daallin taageera si uu dulmigiisu ku burburiyo xaqqa, kaas ilaalinta Ilaahayالله\ iyo ilaalinta Rasuulkiisa – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – waa ka hoos baxay, oo ma laha.”

 

Danjire Xasanwali

 

Danjire Xasanwali wuxuu yiri:

 

Intaan ahaa danjiraha Jaamacadda Dawladaha Carabta ee Qarammada Midoobay (UNO) ee Vienna, dalka Austria (1992-94) waxaa maalin ila soo xiriiray oo aan xafiiskiisa kula kulmay agaasimaha Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falasdiiniyiinta الفلسطينيين\ ah. Agaasimuhu wuxuu farriin iigu dhiibay dawladda Masarمصر\, isagoo u marinaya Jaamacadda Carabta.

 

Agaasimuhu wuxuu yiri:

“Soddon kun oo Falasdhiiniyiin الفلسطينيين\  ah, oo leh rag iyo dumar, waayeel iyo caruur, ayaa waxaa laga soo eryay dalka Kuwaytالكويت\, markay Maraykanku dalkaas ka saareen ciidammada Saddaam Xuseenصدام حسين\ ee dalka Ciraaqالعراق\.

 

Soddonkaas kun oo qof waxay daadsan yihiin saxro lama degaan ah, ayagoo aan haysan hoy, cunno, biyo iyo daawo toona. Dhammaantoodna waxay sitaan waraaqaha safarka (Travel Document) ee dalwdda Masarمصر\. Waxaan codsanaynnaa inay dawladda Masarمصر oo ay sharcigeeda haystaan u oggolaato inay dalka Masarمصر galaan.”

 

Anigu waxaan farriintaas u gudbiyay Xogyaha Guud ee Jaamacadda Carabta, horena u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masarمصر\, Cismat bin Cabdu Al Majiid عصمت عبد المجيد\, iyo danjirayaalka dalalka carabta ee Vienna.

 

Dawladda madaxweyne Muxammad Xusni Mubaarak محمد حسن مبارك\ ee Masarمصر\ way soo diiday codsigaas Qarammada Midoobay uga yimid oo soddon qof oo carab ah ku saabsan oo sita dokumentiga safarka ee dalkooda.

 

Taasu waxay ahayd dhacdo xanuun badan, oo habeen walba waxaan TV-yada ka fiirsanaynay siday dadka u dhimanayaan, oo xattaa duugiddoodu dhib noqotay, maadaama ay meel bacaad ah dul saarnaayeen.

 

Soddonkaas kun looma oggolayn, sida Falasdhiiniyiintaالفلسطينيين kaloo kale, inay dalkooda Falashiinفلسطين\ dib ugu laabtaan, waxaana hor taagaan oo u diidaya dawladaha krishtaanka ah ee Yurub iyo Ameerika, kana soo horjeeda inay Falasdhiiniyiintaالفلسطينيين adduunka qaxootiga ku ah, oo ilaa sagaal malyan oo qof gaaraya, dalkooda dib ugu noqdaan.

 

Siyaasadda dawladaha krishtaanka ahi waxay ku dhisan tahay in Falasdhiiniyiintaالفلسطينيين dalkooda ama lagu laayo ama laga saaro. Siyaasaddaasna waxay ku salaysan tahay diintooda, sidaa hoos ugu arki doonno inshaa’ Allaahuإن شاء الله\.

 

Dawladaha Khaliijkuna dulmigaas ayay ku keceen, ayagoo krishtaanka ku caawinaya, kalana qayb galay NATO burburinta Ciraaqالعراق\ iyo soo eryidda Falasdhiiniyiintaasالفلسطينيين\.

 

Mar dambe ayaa waxaa qaar qaxootigaas ka mid ah qaaday Mucammar Qadaafii معمر القذافي, madaxweynaha Liibiya, oo isaguna dejiyay saxrada lama deegaanka ah ee Liibiyaليبيا\, iyo meel aan biyo lahayn oo nolosha dadka u diyaar ahayn. Kaddibna qaxootigaasu meeshaas way isaga guureen, oo ay arliga Ilaahayالله\ ku kala faafeen, ayna ka mid tahay magaalooyinka Liibiyaليبيا\.

 

Madaxweyneyaasha Yaaser Carafaatياسر عرفات\ iyo Bill Clinton

 

Danjiraha Jaamacadda Carabtu waa isla markaas Xoghayaha Guud ee Golaha laba iyo labaatanka Danjire ee Dawladaha Carabta ee dalkaas ku sugan, waxayna bishiiba mar ku shiraan xafiiskiisa.

 

Shir shirarkaas ka mid ah ayaan waxaa ku ogaaday in danjiraha Falasdhiinفلسطين\ laga saaryo guriguu degganaa, isagoo ijaarka bixin waayay. Wargaysyada Austria iyo addunkubana warkaas way soo dhigeen,

 

Sababtuu danjiruhu ijaarka isaga bixin waayay waa sidatan. Dawladda Falasdhiinفلسطين dakhligeeda soo gala waa gundhig u ah lacagta laga soo uruuriyo shaqaalaha Falasdhiiniyiintaالفلسطيميين\ ah oo dawladaha khaliija ka shaqaystay. Qof kastoo ka mid ah shaqaalahaas, darajadiisu waxay doonto ha ahaatee, waxaa bil walba, ama asbuuc walba, mushaarkiisa laga gooyaa canshuur “Falasdhiinفلسطين” ku magacaaban, oo dawladahaas sharci ayay taas ka dejiyeen, markuu Yaasir Carafaat ياسر عرفات\sidaas uga codsaday. Lacagtaas waxaa lagu shubaa xisaab ku taalla bangi Boqortooyada Sucuudiga ku yaalla.

Lacagtaas ayaa dawladda Falashiinفلسطين iyo safaafaradeheedaba laga masruufaa.

 

Markaasay ayaantaas dawladda sucuudiga xisaabtaas xirtay oo ay dawladda Falasdhiinفلسطين u diiday inay wax kala baxaan.

Lacagtaas waa lacag ay leedahay PLO, Ururka Xoraynta Falasdhiinفلسطين, oo ma aha lacag ay dawladda sucuudigu leedahay. Waana loo diidy.

 

Jaamacadda Carabta ee Vienna waxaa tiillay lacag uu danjireheedu ku bixin karo wax dan u ah carabta, laakiin waa inuu helaa oggolaanshaha dhammaan danjirayaalka carabta.

 

Markaasaan waxaan goostay inaan lacagtaas danjiraha Falasdhiinفلسطين ijaarka uga bixiyo, waxaanse u baahnaa oggolaanshaha danjirayaalka carabta.

 

Intaanan shirka danijirayaalka carabta arrinkaas dhex keenin, waxaan is tusay inaan marka hore danjire walba oggolaanshihiisa isaga afkiisa kasoo helo. Markaasaan danjire walba xafiiskiisa ugu tegay, una sheegay inay waxay mediyadu ka dhigatay danjiraha ijaarka iska bixin waayay ay dalalka carabta oo dhan ceeb ku tahay, una sheegay lacagtay safaaradda Jaamacadda ee Vienna hayso oo diyaar ah, loona baahan yahay oggolaanshihiisa. Danjirayaalku, intaan dhawr ahayn, way wada oggolaadeen.

 

Danjiraha sucuudiga, ahaana nin u dhow qoyska boqortooyada, markaan arrinkaas kala hadlay wuxuu iigu jawaabay:

“Hadday Falasdhiinفلسطين doonayso in lacagtaas loo furo, waana inay oggolaataa waxay dalwdda Maraykanu waydiisatay, oo ay ku adeecdaa.”

 

Sidaasuu danjiraha sucuudigu ku diiday inay Jaamacadda Carabtu safiirka Falasdhiinفلسطين ijaarka guriga ka bixiso.

 

Hadalkiisa waan ka naxay, oo cadawga Falasdhiinفلسطين, siday dawladda Falasdhiinفلسطين ugu dhawaaqday waaba dawladda maraykanka. Laba waxyaalood oo la isku xirana iilama muuqan, oo dhowr doollar oo ijaar lagu bixiyo iyo siyaasad qaran iskuma dhigmaan. Waxaan kaddib ogaadaay, oo wargeysyada ka akhriyay inay taasoo kale ku dhacday safaarado kale oo ay Falasdhiinفلسطين leedahay.

 

Anigu xogogaal uma ahayn waxay dawladda maraykanku waydiisatay dawladda Falasdhiinفلسطين, oo ay tahay, siduu danjiraha sucuudigu u yiri, inay ku adeecdo.

 

Waxaanse TV-ga CNN ka fiirsaday madaxweynaha Falasdhiinفلسطين Yaasir Carafaat ياسر عرفات\ oo kula lugeeynaya madaweynaha maraykan Bill Clinton beerta meesha la yiraahdo “Camp David” oo Maryland ku taalla oo aan Washington DC ka fogayn, halkaasoo ay ku shirsanaayeen labadooda iyo wasiirka koowaad ee dawladda Israa’iil.

 

Intay beertaas dhex socdeen, ayaa wariyayaashu waydiiyeen Carafaat عرفاتmeeshuu wada hadalku marayo, wuxuuna ugu jawaabay:

“Waxaa la i waydiistay inaan saxiixo heshiis ay ku dhigan tahay inay dawladda Falasdhiinفلسطين ka tanaasushay “Baytu Al Maqdis بيت المقدس\ /Jerusalem” oo ay tahay magaalo ay leedahay dawladda Israa’iil. Aniguna taas ma saxiixi karo, oo haddaan saxiixo waa la i dilayaa, waxaana i dilayaba askariga i ilaalinaya.”

Isagoo sidaas leh ayaa “Live” TV-ga uga fiirsaday, oo axadna waydiin mayo.

 

Warka Yaasir Carafaat عرفات iyo kuwo kaleba, uuna ka mid yahay warka Bill Clinton waxaad ka heleysaa video halkaan ku jira:

 

 

Danjiraha Suuriyaسورية\ isaguna wuxuu maray dariiqa midka sucuudiga, taasoo aan aad ula yaabay. Waxaa isaguna mashruucaas diiday danjirayaalka Lubnaanلبنان\ iyo Suudaanالسودان\.

 

Sidaasuu mashruucaasu ku dhintay.

 

Baytu Al Maqdisبيت المقدس\

 

Dawladaha carabtoo idil markay hadlayaan waxay yiraahdaan inay magaaladda Baytu Al Maqdis بيت المقدس\ oo uu Xaramka sadeexaad ee islaamku ku yaalla, ahna Al Masjidu Al Aqsaaالمسجد الأقصى\ oo ku sugan Quraanka Kariimka ah, inay tahay magaalo carbeed oo Falasdhiinفلسطين leedahay, ayanna ahayn magaalo yuhuuddu leedahay.

 

Sidaas ayayna ahayd tan iyo markuu Amiiru Al Mu’miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaabأمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب رضي الله عنه\ kala wareegay krishtaanka Roomaanka ahaa, sanadka shan iyo tobnaad ee Hijrada. Yuhuuduna waxay ku qabsatay, dhanka qorrax kasoo bax ee magaalada, dagaalkii 1967.

 

Waxaaba jira guddi ay u dhan yihiin dawladaha islaamku, uuna markaas madax ka ahaa boqorka Maghribالمغرب\/Morokko, xilkiisuna uuba yahay sida yuhuudda Baytu Al Maqdis بيت المقدس\  looga xorayn lahaa.

 

Dawladaha qaarkoodna siyaasaddooda runta ahi, midday ku dhawaaqayaan waa ka duwan tahay, oo waaba kasoo horjeeddaa, oo waxayba rabaan inay dawladaha krishtaanka ah iyo yuhuudda gacanta u geliyaan. Afkoodana waxbay ka leeyihiin waxayna ku shaqaynayaan wax taas ka duwan.

 

Boqorrada carabta iyo madaxweynayaashooduba way ogaayeen inuu Bill Clinton qaldanaa oo daallin yahay, wayna ogaayeen wuxuu doonayay, isagayna Yaasir Carafaat ياسر عرفات\   iyo shacbiga Falasdhiinفلسطين\ uga hiilliyeen.

 

Boqortooyada farxadda ee kun sano soconaysa!?

 

Krishtaanku waxay aaminsan yihiin inuu “Jesus” Samada kasoo degi doono, kuna soo degi doono Baytu Al Maqdisبيت المقدس\/Jerusalem, halkaasna uu ka aasaasi doono boqortooyo kun sano soconaysa, oo ay krishtaanku nolol fiican oo farxad leh ku noolaan doonaan. Waxay kaloo aaminsan yihiin inay laga maarmaan tahay inay tiro yar oo yuhuud ah magaaladaas ku haraan, si ay “Jesus” u aqoodaan, isaguna uu u aqoodo.

 

“Jesus” si uu usoo dego waa in la helaa shuruudaha soo socda:

 

Five signs that start the 1000 years

 

  1. The Bible: The second coming: John 14:1-3:

“Let not your heart be troubled: ye believe in God, believe also in me. In my Father’s house are many mansions: if it were not so, I would have told you. I go to prepare a place for you. And if I go and prepare a place for you, I will come again, and receive you unto myself; that where I am, there ye may be also.”

  1. Resurrection of the righteous.
  2. Translation of the righteous living. In fact, what does happen to those that don’t go with Jesus…?
  3. Wicked living are slain (This is the reason for the war of Gaza and the Palestinians in general: they must be destroyed or expelled, and there should be not one Arab-Muslims in Palestine – called here wicked -, and the Jews must convert to Christianity).
  4. Satan bound.” End quotation.

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

Kitaabka ay krishtaanku haystaan ee The Bible – John 14:1-3 – wuxuu leeyahay:

Kow. Imaatinka labaad ee “Jesus”, wuxuu ku leeyahay dadka krishtaanka ah (Waana marka la dilay oo la sulbay oo qabri la geliyay, oo uu saddex maalmood kaddibna qabriga kasoo baxay oo Samada loo qaadyay, siday diinta krishtaanku dhigayso: Xasanwali):

“Ha walwalina, oo adinku waxaad rumaysan tihiin Ilaahay. Anigana i rumeeya. Guriga aabahay waxaa ku yaalla guryo badan, hadayan sidaas ahayn lahaynna waan idiin sheegi lahaa. Anigu waxaan u baxayaa inaan meel idiin soo diyaariyo. Haddaan tago oo aan meel idiin soo diyaariyana, waa soo laabanayaa, oo aan idin soo dhoweynayaa: meeshaan anigu joogo ayaad adinkuna joogeysaan.”

Laba. Dib usoo noolaynta kuwa suusuuban.

Saddex. Kuwa suusuuban waa la qaadayaa. Maxaana ku dhacaya kuwaan “Jesus” raacin….?

Afar. Gaalada nool waa in la laayaa (Gaalo waxay krishtaanku u yaqaannaan muslimiinta iyo yuhuudda, oo taas ayaa ka dambaysa dagaallada Falasdiiniyiinta lagula jiro, oo kitaabka krishtaanku wuxuu dhigayo ayaa lagu dhaqayaa. Dagaallada Falasdhiinالفلسطينيين\ waxaa wada dawladaha krishtaanka ah, oo dawladda yuhuuddu ayagay u shaqaysaa, madaxdooduna waxay ka wada yimaadeen dawladaha galbeed oo ma aha yuhuudda dalka Falasdhiinفلسطين\ u dhalatay. Yuhuudda arligaas deggannay waa inay krishtaan noqdaan, ayaa kitaabka krishtaanka ku dhigan: Xasanwali).

Shan. Shaydaan waa in la xiraa.” Waa intaas warkiisu

Arrinka Falasdhiinفلسطين waxaan ku faahfaahiyay kitaabkayga “Qadiyada Falasdhiinالقضية الفلسطينية\” oo aad ka heli kartid isla website-kaan:

(http://siirah.com/kutub/Qadiyadda%20Falasdhiin.pdf).

 

Ma jaahilnimaa mase wax kale?

 

Sagaashameeyada qarnigii la soo dhaafay ee labaatanaad, waxaan dalkaan maraykanka kula sheekeystay nin ay shirkaddiisu kumanyaal malyaan – billions – oo doollar leedahay.

 

Ninkaanu wuxuu ii sheegay inuu kasoo baxay jaamacad ku taalla dalka sucuudiga, uuna kasoo barta Shareecada Islaamka. Waxaan ka sheekeysannay arrimo badan oo ay diintu ka mid tahay. Aragtidaan ka qaatay waxay ahayd inuusan diinta islaamka si fiican u aqoon.

Mar ayaan waxaan weydiiyay:

“Qofka muslinka ah ee krishtaanka wax ka xada ma dambaabayaa?”

Wuxuu iigu jawaabay:

“Oo krishtaanku ma kuffaarكفار gaalo ah baa?”

Jawaabtiisa waan ka naxay, oo ninkaan sucuudiga ah oo i hor fadhiya, oo Kulliyadda Shareecada ee sucuudiga kasoo qalin jebiyay, wuxuu krishtaanka u haystaa inay qayb muslimiinta ka mid ah yihiin!

Ma isaga kali ah ayaa madaxda dalka sucuudiga aragtidaas qaba, mase waa lala wadaagaa?

Markaasaan waxaa u akhriyay Aayadaha soddon iyo soddon iyo kow ee Suuratu Al Tawbahسورة التوبة\:

 

}وَقَالَتِ الْيَهُودُ عُزَيْرٌ ابْنُ اللَّهِ وَقَالَتِ النَّصَارَى الْمَسِيحُ ابْنُ اللَّهِ ذَلِكَ قَوْلُهُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ يُضَاهِئُونَ قَوْلَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ قَبْلُ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ أَنَّى يُؤْفَكُونَ (30) اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا إِلَهًا وَاحِدًا لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ (31){

 

Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:

“Yuhuudi waxay tiri inuu Cuzayrعزير yahay wiilka Ilaahayالله, krishtaankuna waxay yiraahdeen inuu Al Masiixu المسيح wiilka Ilaahayالله yahay. Taasu waa hadal ay afafkooda ka yiraahdeen, waxayna ku dayanayaan warka kuwa ayaga hortood gaaloobay, Allahaالله lacnadee, waana beenaalayaal(30)Waxay rabbi ka dhigteen, oo xalaal iyo xaaraan u sharciyeeya, wadaadadooda yuhuudda iyo wadaadadooda krishtaanka ah intay shareecada Ilaahayالله raaci lahaayeen, waxayna rabbi ka dhigteen oo caabudeen Al Masiixu ina Maryama المسيح ابن مريم\, lamana amrin waxaan ahayn inay Ilaahayالله Kali ah caabudaan, oo Ilaahayالله waa ka nazahan yahay waxay la wadaajinayaan(31).”

 

Anigu ma ogi inuu Aayaddaas ku qancay inay krishtaanku kuffaar gaalo ah yihiin, iyo in kale.

بسم الله الرحمن الرحيم

 

Xadiithka Imaam Axmadالإمام أحمد\

 

الحمد لله اللهم صلي على سيدنا ونبينا وشفيعنا محمد و على آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون إنك حميد مجيد، أما بعد

 

Al Imaam Al Xaafith Jalaalu Al Ddiini Cabdu Al Rraxmaan Al Sayuudhii الإمام الحافظ جلال الدين عبد الرحمن السيوطي, oo dhintay 911 Hiradaهجرية, wuxuu kitaabkiisa “Jaamicu Al Axaadiithi جامع الأحاديث ” Xadiithkiisa tirsigiisu yahay 11879, Camr bin Cabsah عمرو بن عبسة\, Allaha الله raalli ka ahaadee, ka wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri

 

قال النبي صلى الله عيه وعلى آله وسلم:

 

“خير الرجال رجال أهل اليمن، الإيمان يماني إلى لخم وجذام وعاملة، ومأكول حمير خير من آكلها، وحضرموت خير من بني الحارث، وقبيلة خير من قبيلة، وقبيلة شر من قبيلة، والله ما أبالي أن يهلك الحيان كلاهما، لعن الله الملوك الأربعة: جمدب ومخوسا ومشرجا وأبضعة وأختهم العمردة، ثم أمرني ربي أن ألعن قريشا مرتين فلعنتهم، ثم أمرني أن أصلي عليهم مرتين فصليت عليهم مرتين، ثم لعن الله تميم بن مر خمسا، وبكر بن وائل سبعا ولعن الله قبيلتين من قبائل بني تميم: مقاعس وملادس عصية عصت الله ورسوله، لأسلم وغفار ومزينة وأخلاطهم من جهينة خير من بني أسد، وتميم، وغطفان وهوازن عند الله يوم القيامة، شر قبيلتين في العرب نجران وبنوتغلب، وأكثر القبائل في الجنة مذحج.

 (حم طب ك ) عن عمرو بن عبسة رضي الله عنه.

جامع الأحاديث – الجامع الصغير وزوائده والجامع الكبير

للحافظ جلال الدين عبد الرحمن السيوطي المتوفى سنة 911 هجرية

قسم الأقوال – الجزء الرابع – حديث # 11879

 

Hadiithka waxaa wariyay Imaam Axmadالإمام أحمد\, Al Dhabraaniiالطبراني\ oo ku wariyay “Al Mucjimu Al Kabiirالمعجم الكبير\”, iyo Al Xaakimالحاكم\ oo Musnadkiisaالمسند\ ku wariyay.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ragga waxaa ugu khayr badan ragga Al Yamanاليمن. Iimaankuالإيمان wa Yamanii يمني\, wuxuuna ku sugana yahay (qabaa’ilka) Lakhmلخم, Juthaamجذام iyo Caamilahعاملة.

 

Qabiilka Maakuul مآكل\oo Ximyarحمير ka tirsan waa khayr badan yahay kuwa ayaga cunay. Xadramawt حضرموت\  waa ka khayr badan tahay Banii Al Xaarith بني الحارث\.

 

Qabiil qabiil kale waa ka khayr badan yahay, qabiilna qabiil kale waa ka shar badan yahay.

Wa Allaahi والله  inaanan dan ka lahayn hadday labadaas qabiilba (Waana labada Al Xaarith الحارث) halligmaan

 

Ilaahayالله wuu lacnaday afarta boqor: Jamdanجمدان\ iyo Makhoosanمخوسا\ iyo Mush-rajanمشرجا\ iyo Abda’atunأبضعة\ iyo walaashood Al Cumurrudataالعمردة\.

 

Kaddibna Rabbigay wuxuu igu amray inaan lacnado Qurayshقريش\ laba jeer, anna waa lacnaday. Kaddibna wuxuu igu amray inaan Qurayshقريش\ dambi dhaaf u waydiiyo laba goor, aniguna laba goor ayaan dambi dhaaf u waydiiyay.

 

Kaddib, Ilaahayالله wuxuu lacnaday qabiilka  Tamiim ben Marrتميم بن مر\ shan goor – waana qabiilka Aala Thaanii آل ثاني\  oo ay ka dhasheen ragga maanta dawladda Qadhar قطر\  u taliya, waana isla qabiilka ninka la yiraahdo Maxammad bin Cabdu Al Wahhaab محمد بن عبد الوهاب\, ahna ninka aasaasay caqiidada bidcada ah ee “Al Wahaabiyah الوهابية\” oo sucuudiga u dhashay qiyaas boqol sano ka hor -.

 

Kaddib Ilaahayالله wuxuu toddoba jeer lacnaday qabiilka Bakr bin Waa’ilبكر بن وائل\ – waana qabiilkay ka dhasheen Aala Sucuud آل سعود\, boqorrada Sucuudigaالمملكة العربية السعودية\ ee maanta, iyo Aala Sabaax آل صباح oo ah boqorrada Kuwayt الكويت\  ee maanta, iyo Aala Khaliifahآل خليفة oo ay ka dhasheen boqorrada Baxrayn البحرين\  ee maanta -.

 

Ilaahayالله wuxuu kaloo lacnaday laba qabiil oo ka tirsan Banuu Tamiimبني تميم oo kala ah Maqaacisمقاعس\ iyo Malaadis ملادس\.

 

Qabiilka “Casiyyahعصية” Ilaahayالله ayay caasiday iyo Rasuulkiisa – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam-.

 

Qabaa’ilka Aslam أسلم\iyo Ghufaar غفار\iyo Muzaynah مزينة\iyo kuwa aygaas ku dhex jira ee qabiilka Juhaynah جهينة\ (Juhaynah جهينة waxaa ka mid ah qabiilka Soomaaliyeed ee Duruqbo), way ka khayr badan yihiin qabaa’ila Banii Asad بني أسد\iyo Tamiim تميم\iyo Ghadhafaan غطفان\iyo Hawaazin هوازن\Ilaahayالله agtiisa Maalinta Qiyaame.

 

Labada qabiil oo qabaa’ilka carabta ugu shar badan waa qabiilka Najraan iyo qabiilka Taghlib تغلب\  (Taghlibتغلب\ waa qabiilka ay ka dhasheen Aala Sucuud آل سعود\, boqorrada Sucuudigaالمملكة العربية السعودية\ ee maanta, iyo Aala Sabaax آل صباح oo ah boqorrada Kuwayt الكويت\  ee maanta, iyo Aala Khaliifahآل خليفة oo ay ka dhasheen boqorrada Baxrayn البحرين\  ee maanta).

 

Qabaa’ilka jannada dhexdeeda ugu badan waxay ka tirsan yihiin qabiilka Muthxijمذحج\.” Intaasuu Xadiithku ku egyahay.

 

Lacnadda Ilaahayالله\ iyo Rasuulkiisu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ay dul dhigeen qabaa’ilkaas Xadiithku magacaabay waxay dul saarnaanaysaa ilaa maalinta qiyaame, oo qof kastoo ka dhasha waa lacnadan yahay: yaa ka dul qaadi kara? Cidna!

Ilaahay الله\wuxuuba Aayadda kor iyo afartanaad ee Suuratu Al Racdiسورة الرعد\ ku yiri:

 

}وَاللَّهُ يَحْكُمُ لَا مُعَقِّبَ لِحُكْمِهِ وَهُوَ سَرِيعُ الْحِسَابِ (41){

Aayadda macneheedu waxa weeye:

“Ilaahay الله\ayaa xukuma oo xukunka iska leh, wuxuu xukumana cid uga daba tegi karta oo xukunkiisa beddeli karta ma jirto, degdeg ayuuna addoommadiisa u xisaabiyaa(41).”

 

Afarta boqor oo lacnaday waxaa sheegay Al Shaykh Al Xabiib الشيخ الحبيب oo London jooga, oo yiri:

هم بنو معد يكرب من ملوك كندة، وفي القاموس: وهو معد يكرب من الملوك الأربعة لعنهم النبي (صلى الله عليه وآله) ولعن أُختهم العمردة وفدوا مع الأشعث وأسلموا ثم ارتدوا فقتلوا يوم النجير وقالت نايحتهم: ”يا عين أبكي للملوك الأربعة“.

شكرا لحسن التواصل.

مكتب الشيخ الحبيب في لندن


ليلة 15 جمادى الأولى 1436 هجرية

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Waa wiilashuu dhalay Macdi Yakrib بنو معد يكرب(Boqorkii hore ee Yamanاليمن\) kana mid ahaa boqorrada qabiilka yamaneedاليمن\ ee Kindahكندة\. Al Qaamuusالقاموس\ wuxuu yiri:

“Waa wiilasha Macdi Yakrib بنو معد يكربafarta boqor oo uu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam lacnaday, ayagaas walaashoodna wuu lacnaday. Afartaas waxay wafdi ahaan ugu yimaadeen Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ayagoo la socda Al Ash-cath الأشعث\, waana “Sanadka Wafdiyada/عام الوفود“, markaasey islaameen, kaddibna diinta way ka noqdeen oo murtadiin ayay noqdeen. Afartoodaas waxaa lagu dilay dagaalka “Yawmu Al Najiir يوم النجير “.

Markaasey haweeney u barooranaysey waxay tiri:

“Ishayday ilmo usoo hoori afarta boqor.” Waa intaas warkiisu.

 

Gabadha afartaas boqor la dhalatay, waxay u imaan jirtay muslimiintu markay tukanayaa, markaase markay sujuudaan ay dhabarka ka fuushaa, siduu noo caddeeyey Xadiith kale oo uu wariyay Al Haythamiiالهيثمي, uuna ku yiri:

“وكانت تأتي المسلمين إذا سجدوا فتركبهم.”

 

 

 

 

 

 

 

Qofka qabiil kale ama rag kale ku dayda ayaguu ka mid yahay

 

Abuu Thuwaalah Al Laythii Al Ximsiiأبوذوالة الليثي الحمصي\  (Dhintay 330 H) wuxuu kitaabkiisa “ حديث أبي ذوالة وغيره ” uga wariyay Cabdu Al Caziiz bin Marwaan عبد العزيز بن مروان\, oo ka wariyay awoowihiis Abaan bin Sulaymaan bin Malik Al Laythii أبان بن سليمان بن ملك الليثي\, oo ka wariyay Abii Umaamah Al Baahiliiأبي أمامة الباهلي oo yiri:

“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

 

“من تشبه بقوم فهو منهم، ومن أحب قوما حشر معهم.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Qofkii qabiil kale ama rag kale ku dayda oo dariiqooda raaca – diintooda, caqiidadooda, siday u hadlaan, siyaasaddooda, siday u labbistaan iyo dhaqankoodaba – ayaguu ka tirsan yahay: waxa ayaga lagu xukumo ayaa isagana lagu xukumayaa. Qofka qabiil kale ama rag kaleba jeclaada ayaga Maalinta Qiyaame lala soo saarayaa, maxaa yeelay caqiidadooda ayuu jeclaaday.”

 

Taas macneheedu wuxuu noqon karaa in qabiilkiisa laga rarayo oo qabiilka kuwuu raacay loo rararyo, ama in isku sharci lagu dhaqayo oo waxa qabiilka uu raacay lagu abaal marinayo ayaa isagana lagu abaal marinayaa.” Waa intaas.

 

Xadiith la mid ahna waxay wariyay Abuu Daawoodأبو داود\ (Dhintay 275 H), Al Bazzarالبزار\ (Dhintay 292 H), Al Dhabraaniiالطبراني\ (Dhintay 360 H), Al Haythamiiالهيثمي\ (Dhintay 807 H), Abuu Al Farj ibnu Al Jawziiأبوالفرج إبن الجوزي\ (Dhintay 597 H) iyo kuwo kaleba. Qaarkoodna waxay ka wariyeen Cabdu Allaahi bin Cumar bin Al Khadh-dhaabعبد الله بن عمر بن الخطاب Allaha لله labadoodaba raalli ka ahaade.

 

Digniin iyo Waano

 

Marka, qofka raaca caqiidada uu hindisay ninkay Ilaahayالله iyo Rasuulkiisuba toddoba goor lacnadeen, ahna caqiidad “Wahaabiyadaالوهابية\” uu aasaasay Maxammad bin Cabdu Al Wahhaabمحمد بن عبد الوهاب\, lacnaddaas isagana waa dul saaran tahay, oo xukunka lacnaddaas ayuu ku hoos jiraa. Marka, kuwa wahaabiyada ku abtirsada ha is jiraan, oo ha is daba qabtaan, oo ha tawbad keenaan, maxaa yeelay Maxammad bin Cabdu Al Wahhaab محمد بن عبد الوهاب\ kama celin karo cadaab uu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ ku xukumay. Wahaabiyadu magac badan ayay leedahay, uuna ka mid yahay “Ikhwaanu Al Muslimiinaإخوان المسلمين\”, dhammantood lacanaddaas ayaa dul saaran.

 

 

 

 

 

Ameeru Al Mu’miniina Cumarأمير المؤمنين عمر\

 

Ameeru Al Mu’miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaabأمير المؤمنين أبو حفص عمر بن الخطاب\ Allahaالله\ raalli ka ahaadee wuxuu yiri:

 

“أنظروا عمن تأخذون هذا العلم فإنما هو دين.”

Xadiithka macnihisu waxaa weeye:

“Ka fiirsada ciddaad cilmiga ka qaadanaysaan, maxaa yeelay cilmigaanu waa diin.”

Riwaayad kalena wuxuu ku daray:

“Ama Jannuu idin geynayaa ama Naar.”

Wiilkiisa Cabdu Allaahi ibnu Cumarعبد الله إبن عمر\ Allaahaالله raalli ka ahaadee wuxuu yiri:

 

“دينك دينك…فانظر عمن تأخذ: خذ عن الذين استقاموا، ولا تأخذ عن الذين مالوا.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Diintaadu waa diintaada…ka fiirso ciddaaad ka qadanaysid, oo waxaad ka qaadata kuwa istaaqamada laga helay, hana ka qaadan kuwa iishay.”

 

Waxaa taas la mid ah dadka maanta sheegta inay raacsan yihiin “Jesus” oo Krishtaan la yiraahdo, sida dadka qaaradda Yurub dega oo kale, ama qaaradaha kaleba,  Ilaahayna uu Kitaabkiisa ku magacaabay “Ahlu Al Kitaabiأهل الكتاب\” “Kuwa Kitaabka la Siiyay”, Nabi Muxammadna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uu sidaasoo kale ku magacaabay markuu qoraallada u diray Hiraqalهرقل\ boqorka Roma iyo Al Maqawqasالمقوقس\ boqorka Al Iskandria الإسكندرية\ oo labadooduba krishtaan ahaayeen. Nabi Ciise Calayhissalaamu waxaa loo diray oo kali ah Yuhuudda, siduu Quraanka Kariimka ah noo sheegay, oo Ingiriis, Talyaani, Fransiis ama Ruush ama Afrikaan loomaba dirin. Markaasay kuwa aan loo dirin oo sheegtay inay raacsan yihiin waxaa lasoo dhex geliyay Yuhuudda loo diray, oo ay sidaas ku noqdeen isku xukun oo la isku wada yiri “Ahlu Al Kitaabiأهل الكتاب“.

 

Muxammad Naasiru Al Ddiini Al Albaanii محمد ناصر الدين الألباني.

(http://www.dnaarab.com/archive/index.php/t-1438.html)

 

Al Albaaniiالألباني, oo ah sheekha Wahaabiyada casrigaan, wuxuu ku wariyay isla Xadiithkaan kitaabkiisa “Silsilatu Al Axaadiithi Al Saxiixati سلسلة الأحاديث الصحيحة المجلد السادس بقسميه“, waana Xadiithkiisa tirsigiisu yahay 2606, wuxuuna ku sifeeyey inuu “Saxiixحديث صحيح\” yahay.

الألباني:

نص الحديث:

“كان يعرض يوما خيلا، وكان عنده عيينة بن حصن بن بدر الفزاري، فقال له رسول الله صلى الله عليه وسلم:

“أنا أفرس بالخيل منك.”

فقال عيينة:

“وأنا أفرس بالرجال منك!

 

فقال له النبي صلى الله عليه وسلم:

“وكيف ذاك؟”

قال:

“خير الرجال يحملون سيوفهم على عواتقهم، جاعلين رماحهم على مناسج خيولهم، لابسو البرد من أهل نجد.”

فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:

“كذبت، بل خير الرجال رجال أهل اليمن، والإيمان يمان إلى لخم وجذام وعاملة، ومأكول حمير خير من آكلها، وحضرموت خير من بني الحارث، وقبيلة خير من قبيلة، وقبيلة شر من قبيلة، والله ما أبالي أن يهلك الحارثان كلاهما، لعن الله الملوك الأربعة: جمداء، ومخوسا، ومشرخاء، وأبضعة، وأختهم العمرة.”

ثم قال:

أمرني ربي أن ألعن قريشا مرتين، فلعنتهم. وأمرني أن أصلي عليهم، فصليت عليهم مرتين.”

 

ثم قال:

“عصية عصت الله ورسوله غير قيس وجعدة وعصية (كذا في الأصل ولم يتبين لي وجه استثنائه بعد إثباته).”

ثم قال:

“لأسلم وغفار ومزينة وأخلاطهم من جهينة خير من بني أسد وتميم وغطفان وهوازن عند الله عزوجل يوم القيامة.”

ثم قال:

“شر قبيلتين في العرب نجران وبنو تغلب، وأكثر القبائل في الجنة مذحج ومأكول.”

الدرجة: “صحيح.”

المرجع: سلسلة الصحيحة 6.

رقم الحديث: 2606.

الكتاب: سلسلة الأحاديث الصحيحة المجلد السادس بقسميه.

المؤلف: محمد ناصر الدين الألباني.

الناشر: مكتبة المعارف للنشر والتوزيع بالرياض.

الطبعة: الطبعة الأولى.

تاريخ الطبعة: 1416 هجرية – 1996 ميلادي.

Xadiithku waa intaas,  hore ayaanna afka soomaalida ugu tarjunnay.

 

Kutubbada kale oo Xadiithkaan waa saxiix yiri

 

(http://www.dnaarab.com/archive/index.php/t-1438.html)

 

 

Kutubbada soo socdana waxay wariyeen isla Xadiithkaan ka hadlaynno, ayna ku sifeeyeen inuu yahay Xadiith saxiix ah:

 

فقد رواه البخاريفي تاريخه (4\248)،  الفسوي في المعرفة (1\327-329)، وإبن أبي خيثمة في تاريخه (ق 10 و ق 267)، والطحاوي في شرح مشكل الآثار (2\273\274\رقم 802)، والطبراني في المعجم الكبير، وأبو يعلى في مسنده الكبير – كما في جامع المسانيد (10\19-20) – وإبن إبي عاصم في الآحاد والمثاني (4\261 و 266)، وعمر بن شبة في تاريخ المدينة (2\548)، من طريقين عن يحيى بن حمزة عن أبي حمزة العنسي عن عبد الرحمن بن جبير بن نفير وراشد بن سعد وشيب الكلاعي عن جبير بن نفير عن عمرو بن عبسة به نحوه مرفوعا.

رواه عن يحيى بم حمزة، عبد الله بن يوسف الالتنيسي، ومنصور بن أبي مزاحم.

هذا سند صحيح رجاله رجال مسلم، أبو حمزة العنسي هو: عيسى بن سليم الرستني الحمصي، قال فيه أبوحاتم: الرازي: “ثقة صدوق”

 

أبو إسحاق النطواني: الحديث صحيح. End quote.

Fiiro Gaar ah:

 

* Qabiilka boqorrada Boqortooyada Sucuudigaالمملكة تلعربية السعودية\, Kuwaytدولة الكويت\ iyo Baxraynدولة البحرين

 

Website-ka rasmiga ee qabiilkaa boqorradaas, ahna qabiilka Canzahعنزة, wuxuu dhigay waxay inta soo socota ka mid yihiin:

(http://www.3nzh.com/vb/showthread.php?t=43027)

 

وقد دخلوا في بكر وأصبحوا جزء صغير منها إلى أن شمل اسم عنزة قبائل بكر ككل منذ الجاهلية وحتى اليوم..فإذا كانت عنزة القديمة من بكر كما قيل بالمصادر القديمة، ويجمعهم الجد أسد بن ربيعة فلا ريب أن الفرع شمل اسمه الكل من بكر، ويدلنا على هذا هو ثبوت ان عنزة الحالية جاءت إلى جزيرة العرب من عين التمر قرب الأنبار كما ذكر عدد من المؤرخين نقلا عن إبن سعد الأندلسي (ت 685 هجري)، وعين التمر هي موطن لقبائل بكر بن وائل قديما، كذالك هي موطن لتغلب البطن الآخر من وائل ربيعة، بل إن بني تغلب قد دخلوا مع عنزة في قبيلة اللهازم البكرية.

 

ونحن لاحظنا ان –  رغم ما يكتب عن نسب الأسرة الملكية الكريمة – أنهم هم أنفسهم يقولون أنهم من عنزة من وائل…فهم وائليون لشمول وائل قبائل عنزة…أن بني وائل هم قبيلة عنزة الحالية.

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Qabiilka Canzahعنزة wuxuu ku darsamay ooo dhex galay qabiilkay (walaalaha wada dhashay yihiin) ee Bakrبكر, wuxuuna noqday qayb yar oo ayaagaas ka mid ah, ilaa uu magaca “Canzahعنزة” ka koobay qabaa’ilka Bakrبكر oo idil, laga soo bilaabo zamanka jaahiliyada oo islaamka ka horreeyey, ilaa maanta…Canzahعنزة iyo Bakrبكر waxaa wada dhalay isku awoowe, oo ah Asad ben Rabiicahأسد بن ربيعة\…Qabiilka Canzahعنزةee maanta jira, sida sugan, wuxuu Jaziiradda Carabta uga yimid oo uu marka hore degganaan jiray degmada la yiraahdo Caynu Al Tamrعين التمر\ (Oo ahaan jirtay magaalo yar oo galbeed ka xigta degmada Karbalaa’كربلاء\ barta lagu dilay Al Imaam Al Shahiidu Al Xusayn bin Faadhimahالإمام الشهيد الحسين إبن فاطمة عليهما السلام\ Calayhimaassalaamu, wiilka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo kow iyo tobaan nin oo Ahlu Al Baytiأهل البيت ka mid ah, ee arliga Ciraaqالعراق\), taasoo ahaan jirtay deegaanka qabiilka Bakr bin Waa’ilبكر بن وائل\ zamannadii hore. Isla markaasna, deegaankaasu wuxuu ahaa deegaanka laamaha kale ee qabiilka Waa’il bin Rabiicah وائل بن ربيعة, Taghlibتغلب…Qoyska boqortooyada ee zamankaanna (Aala Sucuudآل سعود) ayaga laftooda ayaa waxay leeyihiin inay u dhasheen qabiilka Canzah bin Waa’ilعنزة بن وائل…”. Waa intaas warkiisu.

 

Cadawnnimo fac wayn oo raagtay

 

Danjire Xasanwali wuxuu yiri:

 

“Maalinta Al Xusaynuالحسين Calayhissalaamu la dilayo iyo Ahlu Al Baytkaأهل البيت Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo la socotay, ayadoo ay Al Xusaynuالحسين Calayhissalaamu ku hareereysan yihiin afar kun oo dagaalyahan oo u yimid inay dilaan, uuna wato Cumar bin Sacd be Abii Waqqaasعمر بن سعد بن أبي وقاص\, uuna soo diray mujrimka Cubaydu Allaahi bin Ziyaad bin Abiihiعبيد الله بن زياد بن أبيه\, wiilka uu dhalay wacalkuu Abuu Sufyaan bin Xarb Al Amawiiأبوسفيان بن حرب الأموي\ ka dhalay gabar nin kale u dhaxda oo Al Dhaa’ifالطائف\ degganayd, oo magaciisu ahayd Ziyaad bin Abiihiزياد بن أبيه\, siduu Abuu Sufyaanأبوسفيان\ laftiisu uu asxaabta hortooda uga qirtay. Cubaydu Allaahi bin Ziyaad عبيد الله بن زياد بن أبيه\ wuxuu ahaa guddoomiyaha gobolka Ciraaqالعراق\ oo usoo magacaabay Faasiqa Yaziid bin Mucaawiyahالفاسق يزيد بن معاوية بن أبي سفيان\, boqorka dawladda islaamka.

 

Marka cabbaar ay labada ciidan is hor fadhiyen, ayadoo Al Xusaynuالحسين Calayhissalaamu oo libaax ahaa laga wada baqayo, ayuu ayuu Shimmirشمر\, oo u dhashay qabiilka Hawaazinهوازن\ ciidanka boorriyay oo yiri:

“Hooyooyinkiin gablamee, maxaad sugaysaan?”

Markaasaa waxaa safkooda kasoo baxay oo soo gaaray Al Xusaynu الحسين Calayhissalaamu Zurcah  bin Shurayk Al Tamiimiiزرعة بن شريك التميمي\ oo garabka seef uga dhuftay, Al Xusaynna الحسين uu seef qoorta uga dhuftay oo la dhigay.

Al Xusyanuالحسين Calayhissalaamu wuxuu watay konton nin, oo ay sagaal iyo toban Ehelu Baytkiisaأهل بيته\ ka mid yihiin.

 

Haddaad faahfaahin dheeraad ah dilidda Al Xusaynu الحسين Calayhissalaamu doonaysid waxaad ka heli kartaa:

(http://siirah.com/kutub/Al%20Imaamu%20Al%20Xasanu%20iyo%20Al%20Imaamu%20Al%20Xusaynu%20Calayhimaassalaamu.pdf).

 

Zurcah  bin Shurayk Al Tamiimiiزرعة بن شريك التميمي\ waxay isku qabiil yihiin Maxammad bin Cabdu Al Wahhaabمحمد بن عبد الوهاب\, ahna ninka Wahaabiyadaالوهابية\ aasaasay, iyo colaadinta Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ee zamankaan aan jogno, iyo Aala Thaaniiآل ثاني\, ragga u taliya dawladda Qadharدولة قطر\ ee maanta, ahna kuway Ilaahay الله\ iyo Rasuulkiisa Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam toddoba goor lacnadeen.

 

Qabiilka Hawaazinهوازن\ , oo uu Shimmirشمر\ ka dhashay, waa isla qabiilka kusoo duulay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam sanadka sideedaad ee Hijradaهجرية\, kaddib furashada Makkah Al Mukarramahفتح مكة المكرمة\, uuna jebiyay, kuna xusan Aayadda shan iyo labaatanaad ee Suuratu Al Tawbahسورة التوبة\.

 

Al Xusynu الحسين Calayhissalaamu, waxaa marka la dilay madaxiisa shariifka ah ka gooyay Khawlaa bin Yaziid Al Asbaxiiخولى بن يزيد الأصبحي\, oo u dhashay qabiilka Ximyarحمير\, ahna qabiilkuu ka dhashay Cabdu Al Raxmaan bin Muljim Al Muraadii/Al Ximyariiعبد الرحمن بن ملجم المرادي الحميري\, mujrimka Al Xusaynu الحسين Calayhissalaamu aabihiis Imaam Caliiالإمام علي\ Calayhissalaamu dilay, ahna qabiilka amxaarada maanta.” Waa intaas warkiisu.

 

Wiilasha Waa’ilوائل\ waxay ahaayeen Cadawga Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam

 

(http://www.3nzh.com/vb/showthread.php?t=43027)

 

Isla website-kaas rasmiga ah, uuna leeyahay qabiilka boqorrada sucuudiga ee hadda jooga, wuxuu kaloo dhigay:

 

“وقد زار بوركهارد المستشرق السويسري جزيرة العرب مرافقا لحملات محمد علي باشا ضد ائمة الدولة السعودية، إلا أنه – وبحق – ان هذا المستشرق حرص على الدقة وعلى الانصاف، فقد كانت الحقيقة ذات اهمية عند هذا الرحالة حيث قال:

“…أما عائلة سعود فهم من قبيلة المصاليخ أحد فروع ولد علي التي تنتمي إلى عنزة ويطلق عليهم المقرن”.

ثم قال بوركهارد:

“الجد الأعلى لقبائل عنزة هو وائل..يعرف بني وائل أنهم عاصرو النبي محمد وكانو على عداوة معه.”

قلت: “إن ما قاله بوركهارد إنه كان دقيقا..

Warkaas macnihiisu waxaa waaye:

“Mustashriqa u dhashay Switzerland oo magaciisu yahay Brukhardt, wuxuu soo booqday Jaziiradda Carabta isagoo la socda duullaannada uu Muxammad Calii Paashaa محمد علي باشا\  kussoo qaaday imaamyada dawladda sucuudiga. Mustashriqaanu wuxuu ahaa nin runlow ah oo caadil ah. Runtu muhim ayay u ahayd ninkaan dalmareenkaa ahaa, markuu yiri:

“Qoyska Aala Sucuud سعود waxay u dhasheen qabiilka “Al Masaaliikh المصاليخ “, jilib ka mid ah ubadka Caliiعلي, kaasoo ku abtirsada qabiilka Canzahعنزة, waxaana lagu magacaabi jiray qabiilkoodaas “Al Muqranالمقرن\”.

 

Burkhardt wuxuu kaloo yiri:

“Awoowaha uu qabiilka Canzahعنزة ku abtirsado waa Waa’ilوائل…wiilasha Waa’ilوائل waxay noolaayeen zamanka Nabi Muxammad waxayna u hayeen isagaas colaad iyo cadawtinnimo.” Waa intaas warkiisu.

 

Ninka website-kaas qoraalkaan soo geliyay wuxuu warkaas Burkhardt ku daray faallada ah:

“Aniguna waxaan leeyahay: Burkhardt run sugan ayuu sheegay.” Waa intaas warkiisu.

 

Johan Ludwig Burkhardt wuxuu u dhashay dalka Switzwerland, wuxuuna ahaa dalmareen Bariga Dhexe maray oo kutubbo ka dhigay, wuuna islaamay, soona xajjiyay. Wuxuu ku dhashay 24 Novembar 1784 Lausanne dalka Switzerland, wuxuuna ku dhintay Al Qaahiraالقاهرة\ arliga Masarمصر\ 15 Oktoobar 1817. Wuxuuna la baxay magac muslin oo ah Ibraahiim ibnu Cabdu Allaahإبراهيم إبن عبد الله\. Wuxuuna labisan jiray dharka muslinka, cimaamadna waa duuban jiray.

p8

Al Xaajji Ibraahiim ibnu Cabdu Allaahiإبراهيم إبن عبد الله\ = Johan Ludwig Burkhardt.

 

Qofka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam neceb diinta islaamka waa ka baxay

 

Al Tarmathii‑naالترمذي/ wuxuu ka wariyay Salmaan Al Faarisiiسلمان الفارسي/ inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, yiri:

 

يا سلمان لا تبغضني فتفارق دينك.”

 

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Salmaanow سلمان ha i nicin, maxaa yeelay haddad i nacdid Diinta ayaad ka baxaysaa”.

Markaasaan waxaan iri:

“Rasuulka Ilaahayow, sideebaan kuu nacayaa ayadooba uu Ilaahay الله adigu igu kaa hanuuniyay?”

 

 

 

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:

 

“تبغض العرب فتبغضني.”

 

oo macneheedu yahay:

 

“Waxaad nacaysaa Carabta, markaasaad anigana i nacaysaa.”

Salmaan wuxuu u dhashay, siduu magaciisu sheegayo dalka Iiraan. Waa intaas xadiithku.

 

 

Al Suhaylee السهيلي\: ‘Anzah bin Waa’ilعنزة بن وائل

 

Al Suhaylee السهيلي\  ( Wuxuu dhintay sanadka Hijriga هجرية ah ee shan boqol kow iyo sideetan) wuxuu kitaabkiisa “Al Rawdu Al Unufالروض الأنف“, mujalladka koowaad, bogga afar boqol toddoba iyo soddon ku yiri:

“يذكر أن وائلا بن قاسط  كان إذا وله له ولد، خرج من خبائه، فما وقعت عينه عليه سماه به، فلما ولد له بكر وقعت عينه على بكر من الإبل، فسماه به، فلما ولد له تغلب رأى نفسين يتغالبان، فسماه تغلب، فلما ولد له عنز، رأى عنزا – وهي الأنثى من المعز – فسماه عنزا، فلما ولد له الشخيص خرج فرأى شخسا على بعد صغيرا، فسماه، الشخيص، بهؤلاء الأربع، هم قبائل وائل، وهم معظم ربيعة.”

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

 

Canzah bin Waa’ilعنز بن وائل

 

Dadka cilmiga nasabka ku xeel dheer waxay wariyeen inuu ninka la yiraahdo Waa’il bin Qaasidhوائل بن قاسط\ uu ahaa midka marka cunug loo dhalo, khaymaddiisuu kasoo bixi jiray, oo waxay markaas ishiisu ku dhacdo ayuu cunuggaas ku magacaabi jiray.

 

Markaasuu, markuu u dhashay wiilkiisa Bakrبكر\ ayuu khaymaddiisa kasoo bixiyay, markaasay ishiisu waxay ku dhacday tulud geela – oo afka carabiga lagu yiraahdo Bakrبكر\ – markaasuu wiilka Bakrبكر\ u bixiyay.

 

Markuu u dhashay wiilkiisa Taghlibتغلب\, wuxuu arkay laba qof oo dagaallamaya, markaasuu wuxuu wiilka u bixiyay Taghlibتغلب\ oo macnihiisu yahay “Adigaa adkaanaya.”

 

Marka Canzعنز\ loo dhalayna, ahna ceesaanta, wuxuu arkay ceesaan, markaasuu wuxuu u bixiyay Canziعنز\.

 

Markuu u dhashayna wiilkiisa Shukhaysشخيص\, wuxuu arkay qof meel ka fog jooga oo muuqaalkiisu yar yahay, markaasuu wuxuu u bixiyay Shukhaysشخيص\, o macnihiisu yahay qof yar.

 

Afartaas wiil waxaa ka farcamay afarta qabiil ee Waa’ilوائل\, ayagaana ah inta badan ee qabiilka Rabiicahربيعة\.”

Waa intaas warkaan kasoo qaadannay Al Suhayliiالسهيلي\ Allahaالله\ u naxariistee.

 

Al Suhaylii السهيلي\ mujalladka koowaad bogga afar boqol afar iyo soddon, wuxuu Ibnu Hishaam إبن هشام\  (Dhintay sanadka laba boqol saddex iyo toban Hijrigaهجرية, una dhiganta 828 Miilaadiga), oo dib uga shaqeeyey kitaabka Siirada ee ibnu Isxaaq سيرة إبن إسحاق\  (Ahaana mawle Banii Al Mudh-dhalibبني المطلب\, kuna dhashay Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورة\  sanadka shan iyo sideetanka Hijrigaهجرية/740 Miilaadiga, dhintayna sanadka boqol iyo konton ilaa boqol sagaal iyo konton Hijrigaهجرية //761-770 Hijriga) uga soo guuriyay inuu yiri:

 

“عنز بن وائل أخو بكر بن وائل، من ربيعة بن نزار.”

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Canzah bin Waa’ilعنز بن وائ waa walaalka la dhashay Bakr bin Waa’ilبكر بن وائل, ee qabiilka Rabiicah bin Nizaar ربيعة بن نزار.” Waa intaas warkiisu.

 

Qabiilka ragga maanta xukuma Boqortooyada Sucuudiga الممكلة العربية السعودية\, dawladda Kuwayt دولة الكويت\ iyo dawladda Baxrayn دولة البحرين\

 

(http://mbc3forum.mbc.net/showthread.php?t=296884)

 

Boggaanu wuxuu yiri:

 

في عصرنا الحالي فإن أحياء وائل تجتمع أكثرها في قبيلة عنزه وهي تنقسم الى جذمين كبيرين هما ” بشر و مسلم ” وم هذه القبيله ثلاث من الأسر الحاكمه في المنطقه ، وأعني ” آل سعود في المملكة العربيه السعوديه ، وآل صباح في دولة الكويت ، وآل خليفه في دولة البحرين

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Zamankaan aan hadda joogno, inta ugu badan ee qabaa’ilka Waa’il وائل\ waxay isugu yimaadaan oo ku wada jiraan qabiilka Canzahعنزة, oo ka kooban laba laamood oo waawayn, oo kala ah “Bishrبشر” iyo “Muslimمسلم“. Qabiilkaan waxaa ka dhashay saddex ka mid ah qoysaska gobolkaas xukuma, aanna ka wado “Aala Sucuud آل سعود\ ” ee Boqortooyada Sucuudiga المملكة العربية السعودية\, “Aala Sabaax آل صباح\ ” ee dawladda Kuwayt دولة الكويت\, iyo “Aala Khaliifah آل خليفة\ ” ee dawladda Baxrayn دولة البحرين\.” Waa intaas warkiisu.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lacnaddaاللعنة\

 

**

Ibliisإبليس, Allahaالله lacnadee, wuxuu amarka Ilaahayالله diiday mar kali ah, ahna markuu diiday inuu Aadanآدم\ u sujuudo. Markaasuu Ilaahay Cazza wa Jalla الله عزوجل\ hal mar lacnaday, taasoo naarta Jahannamaجهنم ku ridday.

Ilaahay الله kuma hanuunin Ibliisإبليس inuu amar diidadaas ka tawbad keeno, markaasuusan tawbad keenin oo dambi dhaaf waydiisan.

 

Bal ka warrama, marka, qofkay Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaaالله سبحانه وتعالى\ iyo Rasuulkiisa Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam toddoba goor lacnadeen?

 

Ilaahay Cazza Wa Jalla الله عزوجل wuxuu Aayadda laba iyo konton ee Suuratu Al Nisaa’iسورة النساء uga yiri kuwuu lacnado:

 

}أُولَئِكَ الَّذِينَ لَعَنَهُمُ اللَّهُ وَمَنْ يَلْعَنِ اللَّهُ فَلَنْ تَجِدَ لَهُ نَصِيرًا (52){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Kuwaasu (waa rag) uu Ilaahayالله lacnaday, qofkuu Ilaahayالله lacnadana adigu uma heli kartid  cid u gargaarta(52).”

 

Qabiilka Bakr ben Waa’il بكر بن وائل\  waxay caabudi jireen sanam, kaddibna ay krishtaan noqdee

 

Muusacada Carabtaالموسعة العربية

http://www.arab-ency.com/ar/%D8%A7%D9%84%D8%A8%D8%AD%D9%88%D8%AB/%D8%A8%D9%83%D8%B1-%D8%A8%D9%86-%D9%88%D8%A7%D8%A6%D9%84-%D9%82%D8%A8%D9%8A%D9%84%D8%A9

 

Muusacadaan waxay qabiilka Bakr bin Waa’il بكر بن وائل\   ka dhigtay waxaa ka mid ah:

“الصنم الذي تعبدت له بكر وقبلئل ربيعة عرف ب-“المحرق”.

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Sanamka uu qabiilka Bakr بكر iyo qabaa’ilka Rabiicahربيعة ay caabudi jireen waxaa la oran jiray “Al Muxarriqالمحرق“.

 

 

 

 

Kaddibna waxay galeen diinta krishtaanka:

“ولما دخلت النصرانية بلاد العرب اعتنقها طوائف من قبيلة بكر.”

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Markay diinta krishtaanku ay arliga carabta soo gashayna, qaar ka mid qabiilka Bakr بكر way galeen.”

 

Wafdiga qabiilka Bakr bin Waa’il بكر بن وائل\  oo u yimid Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam been ayay u sheegeen

 

http://www.3nzh.com/vb/showthread.php?t=16584

 

بكر بن وائل واعتناق الإسلام ثم الردة

مجلس باحث قبيلة عنزة الإستاذ: نايف الفقير

 

Website-ka rasmiga ah ee qabiilka Canzah عنزة ee qoyska boqorrada sucuudigu wuxuu dhigay waxay ka mid yihiin inta soo socota, waxaana dhigay Naayif Al Faqiir نايف الفقير oo yiri:

 

Naayif Al Faqiir نايف الفقير wuxuu bisha Maarso 2006 website-kaas ku yiri, kuna saabsan wafdiga qabiilka Bakr bin Waa’il بكر بن وائل uga yimid Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam una sheegay inay islaameen, run kama ahayn oo ma ayan islaamin:

ولم يكن وفدهم إلى رسول الله صلى الله عليه وسلم وفد مصدق ومؤمن بدعوة اسلامية قوامها الإيمان بالله ربا وبمحمد نبيا، فقدم الوفد البكري بعد معركة الشيطين بين بكر وتميم، حيث قرر البكريون أن يحاربوا تميم ويقتلوهم ثم يعتنقون الإسلام تهربا من الديات والقصاص التي سيلزمهم بها الإسلام لو قاتلوا تميم وهم مسلمون، كما تمكنهم هذه الحيلة السياسية من اتقاء شر انتقام بني تميم باعتبار أن الإسلام تجب ما قبله.

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Wafdigooda u yimid Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ma ahayn wafdi rumeeyey oo rumaysan saldhigguu islaamku ku dhisan yahay oo ah rumaynta inuu Ilaahay الله Rabbi yahay, Muxammadna Nabi yahay. Waxa ka reebay inay islaamaan wuxuu ahaa inay damacsanaayeen inay la dagallamaaan oo laayaan qabiilka kale ee Tamiimبني تميم la yiraahdo. Marka hadday islaamaan oo ay ayagoo muslimiin ah markaas xarbigaas galaan oo Tamiim بني تميم laayaan, waxaa lagu lahaanayaa qisaasالقصاص iyo diyoالدية. Sidaas ayan u islaamin. Markaasay siyaasaddaas iyo xeeladdaas ku dhaqmeen.” Waa intaas warkiisu.

 

 

 

 

Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dabadiis qabiilka Bakr bin Waa’il بكر بن وائل\  diinta islaamka waa ka noqday oo murtadiinمرتدين\ ayay noqdee

 

Markuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Ilaahay الله oofsaday, qabiilka Bakr bin Waa’il بكر بن وائل\  diinta islaamka way ka noqdee, oo gaalnimadoodii hore dib ugu laabteen.

 

Markaasuu Abuu Bakr Al Ssiddiquأبوبكر الصديق, Allahaالله raalli ka noqdee, Khaliifka Koowaad ee Raashidka ahالخليفة الراشد\, wuxuu u diray ciidan, oo qabiilkaas jebiyay, oo diinta kusoo celiyay.

 

Waxaa xusid mudan sida qabiilkaas loo jebiyay siday ahayd. Ninka ciidanka watay, Al Xadramiiالحضرمي\, wuxuu nin wardoon ah u diray degmada ciidanka Bakr bin Waa’il بكر بن وائل\  , si uu xaaladdoda usoo ogaado. Ninkaas wuxuu qabiilkaas u tegay habeennimo, wuxuuna arkay inuu ciidankooda dhufayso qotay oo ku jiro, ayna wada sakhraansan yihiin, oo ay khamro ka dhergeen.

Markaasuu Al Xadramiiالحضرمي habeennimadaas weeraray oo uu ka dkaaday.

 

Bakr bin Waa’il بكر بن وائل\  Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku sallin mayaan

 

Markaan website-ka rasmiga ah ee qabiilka Bakr bin Waa’il بكر بن وائل oo kor ku xusan galay, waxaan arkay inayan markay dhigaan magaca Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ayan ku salliyeyn, taasoo uu Ilaahayالله\ waajib ka dhigay, siday noo sheegtay Aayadda lix iyo konton ee Suuratu Al Axzaab سورة الأحزاب\:

 

}إِنَّ اللَّهَ وَمَلائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا(56){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Ilaahayالله iyo malaa’igtiisu waxay ku sallinayaan Nabiga, ee kuwiinna rumeeyeyow ku salliya, salaanna salaama(56).”

 

Bakr bin Waa’il بكر بن وائل\  Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku sallin mayaan, mana salaamayaan.

1

p3

p2

Al Shahiidu Al Imaam Al Xusayn bin Faadhimahالشهيد الإمام الحسين بن فاطمة إبن رسول الله صاى الله عليه وعلى آله وسلم\, Calayhimassalaamu, wiilka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, waxaa lagu dilay barta Karbalaa’كربلاء\ ee arliga Al Ciraaq العراق\. Bartaas waxaa dega labada qabiil ee Bakr bin Waa’ilبكر بن وائل\ iyo Taghlibتغلب\, qabiilka boqorrada Sucuudigaالمملكة العربية السعودية\ maanta iyo Tamiimتميم\ qabiilka Maxammad bin Cabdu Al Wahhaabمحمد بن عبد الوهاب\, ninka Al Wahaabiyahالوهابية\ aasaasay iyo ragga u taliya dawladda Qadharقطر\ . Deegaankasna waa arli shiicoالشيعة\.

 

 

 

 

 

 

 

الحمد لله وصلى الله على سيدنا ومولانا  ونبينا وشفيعنا محمد و على آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون إنك حميد مجيد.

 

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Al Bakrii Al Ssiddiiqiiالبكري الصديقي\

Hore toban sano u ahaan jiray danjire carbeed ee Qarammada Midoobay (UNO) iyo dawlado Yurubta Galbeed.

Columbus, Ohio, USA

Khamiis shan iyo labaatanka Ramadaan رمضان\ kun afar boqol toddoba iyo soddon Hijrigaهجرية, una dhiganta soddonka bisha Juunyo laba kun lix iyo toban Miilaadiga.

 

SHEEKOOYIN